SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji
:::DHACDO NAXDIN LEH:::
Cabdi Cali Siyaad “Argagixiso ayay igu tilmaameen, laakiin waxaan ogaaday in argagixisadu ay tahay  Dadkii falkaas ku kacay... Akhri...
:::SAFARKII MINNEAPOLIS:::
SOOMAALIDA MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji
:JAWAABO: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |
::SH. MUXAMAD IDRIS::
SOOMAALIYA MAANTA IYO BERRII!
Ilaahay aan barino! WQ. Sh. Maxamed Idris
(XISBIGA) AAMUSANE GOORMUU AFKIISA FURI DOONAA!! :
SOCDAAL: 1 | 2 | 3 | 4 | 5
CALOOL XUMO: 1 | 2 | 3
MALAYSIA: 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 |Shukran dhamaantiin
 

WARBIXINTII WAXBARASHADA IYO ARDEYDA SOOMAALIYEED EE WADANKA PAKISTAN. 

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdi Boqor).
BBA (Horns), MBA (in Progress).
Karachi-Pakistan, Mobile:0092-3002477489
Email:
abdulkadirphd@hotmail.com


Hordhac

Ugu Horeyn ALLAAH ayaa mahad oo dhan iska leh, Nabadgalyo iyo Naxariisina Nabigeena Muxammad ah Allaha siiyo.

Intaa kabacdi Akhristaha Sharafta badanoow, Soomaalida ayaa waxeey tiraahdaa "War helaa talo hela" maxaa yeeley si aad go'aan u gaarto ama fursado waaweyn oo muhiim ah oo jira aad uga faa'iideysato, waxaad u baahan tahay "warbixin ama xog ku saabsan arinta aad go’aanka ka qaadaneyso" sidaa daraadeed ayaa inta  shirkadi suug eysan ka howgalin muhiim u tahay in ey xogta suuqa baaraan "Market Research"

Waxaa laga yaabaa aabe dhaqaale u heli kara ubadkiisa, jeclaana lahaa in uu wadankan Paksitan wax ku baro, ama qof lafsad ahaantiisaba iska bixin kari lahaa qarashka waxbarasho, jeclaana lahaa in uu ka faa'ideyso fursadaha waxbarasho ee ka jira wadankan, ayaa laga yaabaa in ey ka hortaagan tahay oo kaliya in  uusan heysan xogtii waxbarasho ee uu u baahnaan lahaa. Si marka taas looga gudbo ayaa waxaa igu dhalatey maadaama aan wadankan mudo wax ka baranayey in aan wixii karaankeyga ah ku biiriyo walaalaha Soomaaliyeed ee website-kan ku tixan meelkasta oo ey dunida ka joogaanba.

WAXA IGU DHIIRAGALIYEY DIYAARINTA WARBIXINTAN

Wax walbaahiba sabab lehe, waxaa warbixintan igu dhalisey arin shaqsiyan isoo martey dhowr sano kahor, taasoo aheyd in aan soo dalbadey warbixin waxbarasho oo ku saabsan wadankan Pakistan, waxaan jeclaa in la iiga soo warbixiyo sida loo heli karo jaamacadaha wadankan, gaar ahaan kuliyadaha Caafimaadka iyo kuwa Injineerinka.

Akhristoow warbixintii isoo gaartey ayaa waxeey noqotey in Kuliyada Caafimaadka aan ku baran karo lacag dhan: $50,000/waa guud ahaan 5-ta sano ee loogu tala galaye, kuliyada Injineerinkana: $10,000/ iyana waa guud ahaan 4-teeda sano, taasoo iga niyad jabisey barashada labadan kuliyadood, maadaama dhaqaalahaa uu aad u farabadnaa, waloow ey raqiis noqoneyso Lacagtaas labadaa maado lagu baranayo marka dunida 1aad loo barbardhigo, inkastoo Jaamacad kastaana tixgalinteeda gaarka ah leedahay.

Xaqiiqdase waxeey ahyed in madaada Injineerinka looga helayey waqtigaas wadankan Pakistan "FREE" ama lacag la’aan qofkiiba barankara, waxaa lagu helayey qaab Scholarship ama “ Deeq Waxbarasho” ah oo Soomaalida Ilaah ugu nimceeyey loona soo marayey dhinaca Safaarada Soomaaliyeed ee wadankan Pakistan. Kuliyada Caafimaadkana waxaa 5-teeda sano la iska bixinayey: $1500  illaa $2000/,hadba sida Ilaah wax kuugu sahlo. Inkastoo waxaan hada bartey aan aad ugu faraxsanahay dhab ahaan, laakin shalay waxaan ku faraxsanaa in aan maadooyinkaa mid ka mid ah bilaabo, weyna dhici laheyd hadii aan heli lahaa warbixitii aan u baahnaa waqtigaa. Waloow qofkastaa Illaah mustaqbalkii uu ugu talo galey yeelanayo. hadana waxaad dareemi kartaa saameynta ey ku yeelan karto iyo muhiimada eey leedahay in aad hesho warbixinta aad u baahantahay iyo waliba waqtiga aad u baahan tahay.

Si marka Ardeyda Aqoon-Doonka ahi ey u helaan warbixinta eey u baahanyihiin,oo hadii ey macquultahay aan badbaadino in ey ka qasaarto fursad qaali ah oo ey ka faa'iideysan lahaayeen, ayaan waqti iyo Juhdi farabadan u galineynaa diyaarinta warbixitan muhiimka ah, Ilaahna uga rajeyneynaa in uu Ajar iyo Xasanaad inaga siiyo, anigan diyaariyana iyo website-kan daabacaya intaba si ummada ey uga faa'ideysato, waxaana rajeynayaa in ummad farabadan Ilaah ku anfici doono oo eey ka faa'ideysan doonaan. Waana tan ee kusoo dhowoow warbixintii oo Tixane inoo noqon doonta haduu Alle idmo.

SIDEE AYEY ARDEYDA SOOMAALIYEED KUSOO GALAAN WADANKAN PAKISTAN

Qaababka ardeyda Soomaaliyeed eey kusoo galaan wadankan ayaa waxaa loo kala qaadi karaa sidan soosocta:

1-Jaamacado damaanad qaada Ardeyga

Sida caadada ahba ardey marka uu wadan waxbarasho u aadayo, waxaa badanaa uu soo codsadaa jaamacada inta uu  wadankiisa hooyo joogo, asaga si toos ah ha ula soo xiriiro jaamacadaas ama qof jooga wadanka uu doonayo in uu wax kabarto ha usoo dhiibto dukumiintiyada looga baahanyahay e. Jaamacada waxeey dukumiintiyadiisii waxbarasho iyo codsiga jaamacada usii kala gudbineysaa Xafiisyada ey quseeyaan dukumiintiyadaas ardeyga, sida: Wazaarada Waxbarashada,Wazaarada Arimahana Gudaha, tan Dibadaba, Hey'ada Tacliinta Sare (The Hight Education Commission),I.W.M. Ardeygaas wuxuu helayaa markaa waraaq la yiraahdo: N.O.C.(No Objection Certificate) ama warqada cadeyneysa in dowladu eysan waxba ka qabin in ardeygaas uu wadanka wax kabarankaro. Maadaama loo fasaxey Jaamacada in ey ardeygaasi u ogolaan karto waxbarashada haduu u qalmo ayey siineysaa Admission-ka ama ogolaashaha jaamacada, dib ayeyna Wazaarada Arimaha Dibada ugu celineysaa si “Visa” loo siiyo ardeyga, kadibna waxeey u direysaa Visa-hii uu wax kubaran lahaa (Study Visa) ardeygaas, wadankana uu  kusoo gali lahaa si sharci ah,waana wadada ugu wanaagsan uguna nabadgalyada badan, maxaa yeeley ardeygaas markasta oo uu ka dhoco sharciga joogista wadanka wuxuu si lacag la'aan ah  ku helayaa Visa kale oo uu wadanka kusii joogi karo (Extenstion Visa), illaa waxbarashadiisa uga dhamaaneyso. ugu horeynse si jaamacad aad u codsato dukumiintiyo ayaa lagaaga baahan yahay.

Maxeey kala yihiin Dukumiintiyada looga baahanyahay Ardeyga? 

A-koobiga Baasaboorka Ardeyga oon dhicin (Valid Passport) Inta wax uga qoranyihiin.

B-Koobiga Shahaadada Dugsiga Sare, iyo Warqada Isbarbardhiga Tacliinta Dugsiga Sare ee wadankaada iyo tan wadankan (Equivalence Certificate) oo Safaarada ey kuu dalbeyso,.Waa hadii uu Ardeygu Bajulaar doonayee.

C- Shahaada Jaamacada (The Degree) iyo warqada Buundooyinka (The Transcript), waa hadii tacliin Master iyo wixii ka sareeya uu doonayo ardeyga.

D-Warqadda Tasdiiqinta:Tazkiyah ama (Recomendation Letter)

E-Sawiro ah nuuca Passport size-ka illaa 9 iyo wixii ka badan.

F-Koobiyaasha Foomka  lagu Codsado jaamacada iyo Sharciga intaba.

2-Xafiisyo iyo Shaqsiyaad wax soo saara

Waxaa jira shaqsiyaad iyo Xafiisyo Soomaali iyo Ajaanibba isugu jira kuwaasoo xiriir gaar ah la leh Wazaarada Arimaha Dibada ee wadankan, waxeey soo saaraan hadba Visa-ha u fududaada,ha ahaado mid ganacsi (Business Visa), mid booqasho ( Visit Visa) ama mid waxbarasho (Study Visa), laakiin su'aasha aan jawaabta loo heleyn ayaa waxey tahay “Waa hadiiba lagu weydiiyee!" Jaamacaddee ayaa kuusoo saartey visahan waxbarasho (The Sponsor)?, laakiin waxaa ugu xun  in ardeygu soo qaata Visa aan mid ardeynimo aheyn, maxaa yeeley waxbarasho kuma helayo, wuxuuna ku qasbanaanayaa in uu dib u badalo qarash iyo dhib farabadana ku mudeysto, waloow ey yihiin Visooyinkaas nuuceey rabaanba ha ahadaane marka hore fursad uu wadanka kusoo galo ardeyga. Dhinaca qarashka ey kusoo saaraan wuxuu u dhexeeyaa $300/illaa $500/waa adiga iyo gorgortankaada. Mudada Visahaagu ku egyahayna wuxuu noqon karaa 3-bilood ama 6-bilood, waa hadba sida aad ku heshee. Waqtiga ey qaadato in laguusoo saarana waxeey ku xeran tahay sida qofka ama xafiiska kuu xareynaya kuugu dadaalo iyo jawiga guud ahaaneed ee wadanka ka jira markaas.

3-Qaabka Khuruujka ee Culimada Tabliiqa.

Waxaa jira sidoo kale ardey marka hore wadankan kusoo gasha ayagoo lasocda culimada Tabliiqa oo Khuruuj ku yimaada wadankan, sidaana iska bixiya haafka (1/2 ) qarashkii uga bixilahaa hadii ey si caadi ah ugu soo safri lahaayeen wadankan, kabacdi marka ey wadanka soo galaana isaga hara oo iska jooga wadanka , mudo markii ey joogaana jaamacadaha codsada. Badanaa waxeey galaan jaamacadaha Islaamiga ah oo culuumta Diinta Islaamka lagu barto, kuwaasoo qarashka wax looga barto uu yahay mid aad u jaban ama waaba lacag la'aan, ayadoo bishii lacag yar oo Saabuun ahna ardeyda lasiinayo, waloow wixii ka dambeeyey “11-September” hey'adihii Kheyraadka bixin jirey badanaa xarumahoodii dhaqaale la xerxeray, jaamacadaha badankood iyana wey gooyeen Lacagtii Saabuunta aheyd oo eey bixinjireen. Ardadaas iyo kuwa Qoxooti ahaanta u yimid ee UN-ka bixitaan ka rajeynayey waxeey wadanka ku joogaan Kaar la yiraahdo NARA (National Aliens Registration Authority), jaamacaduna wey u dalabtaa sharciga caadiga ah ee ardeynimo. 

Wabillahi Towfiiq.

AKHRI QAYBTA LABAAD... GUJI.....

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdi Boqor).
Email:
abdulkadirphd@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saiixan

Faafin: SomaliTalk.com |July 25, 2006


Dood-Cilmiyeed: Isbedelka Cusub ee Soomaaliya
Aqoonyahanno ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay kacdoonka Soomaaliya iyo raadka uu... Dhegeysi...

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD