SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print

Passport Somalia
Maxakamadaha oo diidey Baasaboorka Cusub... Guji...

:::HAAMO SOO CAARIYEY:::

Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo
Caariyey Xeebaha Soomaaliya

Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.
:::GAROONKA GAROOWE:::

$250,000 Range Resource Sheegtay in ay u dhiibtey Isimada Garoowe Halkee ku Danbaysey...
:::MAQAALKII INJ. CIBAAR:::
cibaar Maqsuud: Maashaa-Allee Sow Muqdisho Lama Mushaaxaayo!
isbeddelladii dhowaan ka dhacay  Muqdisho
Akhri...
:::MAQAALKII ASSAD:::
AssadDimishiq Caasimaddii Umawiyiinta, Taariikh Qotodheer, Warbixin:.. AKhri... (pdf)
:::HORYAALKA YURUB:::

Isku Aadka Horyaalka Yurub
 
:::HARGEYSA:: GARGAAR:::
Xamse Axmed Xuseen waa wiil yar oo ay haleeleen xanuun rabaani ahi una baahan in lagula daalo dhakhtaro... Akhri...
:::MAQAALKII CILMI:::
cilmiGardarada garabka og iyo gobanimadoonka go’doonsan: WQ. A.D. Elmi.. Akhri
OLOLAHA NADAAFADA XAMAR:
hamar
Garoonka Muqdisho: Wejiga hore ee ololaha nadaafadda iyo bilicsamida Muqdisho.. Akhri..
:::GEEDDI & BAARLAMAANKA:::
geediGeedi oo Gowska Dambe  ka Qosley: waayo 90% waxay filayeen in Geeddi uu dhacayo. Qore: Amiin
 
:::682 QOF OO LA DILEY:::
Soomaaliya: Magacyada iyo meelahii lagu diley 682 qof oo rayad ah muddadii u dhexeysey July 22, 05 - July 20, 06.. Akhri...
::GABAYGII INJ.CIBAAR::
cibaar
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo

:::OTTAWA ISLAMIC SCHOOL:::
iskuul
Waraysi maamulaha Ottawa Islamic School, Maxamed Sh. Axmed.... Halkan Guji...
::: DOOD-CILMIYEED:::
dood
Aqoonyananno Soomaaliyeed oo ka hadlay isbedelka iyo kacdoonka ka dhacay Soomaaliya Halkan ka dhegeyso...
qoraalHooyo Faadumo “Wiilkayga kama quusane, Qiil gargaar ma ii haray" Akhri...
::: XAFLAD MAHADCELIN AH:::
qoraal
Minneapolis: Masjida Dar-alHijra oo qabtay xaflad mahad celin ah
:::MUQDISHO:::
qoraal
Aayadaha Qur’aanka Maxay Galabsadeen | Qore: Amiin Yusuf

:::ISBEDELKA CUSUB EE SOM:::
somSOOMAALIDA DIBADDA IYO ISBEDELADA CUSUB!:: Qormadii Sh. Xasan Jaamici... Guji..
:::WARAYSIGII SH. SHARIIF:::
Sharif Wareysigii Sheekh Sharif Sheekh Ahmed ee June 22 oo Af-Soomaali lagu tarjumey... Akhri..
::ARDAYDA SOMALIDA INDIA::
qoraal
Xaflad  Qalin Jebin Ardayda Wax ka barata  Hindiya... Guji..
:::BILICDA BOOSAASO:::
bilic
Warbixintii Yusuf Gaduudow.. Guji
:::WARAYSI: DR. FAROOLE:::
farooleC/Raxmaan Maxamed Faroole oo u Waramay Idaacada Australia... Guji..
::GARYAQAAN C/LAHI FARAX::
qoraalWajiga Labaad ee Kacdoonka  Muqdishu:
ha la taageero rabitaanka iyo kacdoonka Shacbiga reer Muqdisho...
Guji...
::MAQAALKII ASAD::
Maxkamaduhu Maka Faa'iideysan Doonaan Guulaha, MIse Saliid iyo Baladxaawo Kama Duwana | Asad
:::WARAYSI:: QAADKA:::
qoraalWaraysi ku saabsan Qaadka oo Radio Australia SBS la yeelatay  Eng.Ismail Said Aw-musse... Guji
:::M. C. YUUSUF:::
yusufMaxaad ka taqaan Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf: Waddaniga aan Daalin!.... Guji...
:::CIBITAALKA MANHAL:::
qoraal
Manhal Specialty Hospital waa cusbitaal Hargeisa laga furay
Bandhigga "Ibn Khaldun"
Spain iyo dunida Islaamka...
::: ISGAARSIINTA::::
qoraalTAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA Q.10aad
Qaybtani waxa ay ku bilaabaneysaa heerarkii uu soo maray Raadiyaha. Akhri..

QORAALO KALE OO XIISO LEH... GUJI


Wararkii Nov 16, 2006
  • Warar ku saabsan xaaladda Deegaanka Bandiiradley..
  • Baaq ka soo yeeray Golaha Dhaqanka..
  • Maamulka Gobalka Sh/hoose oo..
  • Ciidamada Maxaakiimta oo shalay gubay..
  • Maxaakiimta Islaamiga ah oo soo saaray sharciyo..
  • Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midowbay oo lagu eedeeyay 10 wadan in ay lug ku leeyihiin dhibka Somalia.

ONLF oo Digniin u jeedisey Shirkadda Lundin ee reer Sweden
Kaddib markii Ethiopia ay heshiis 25 sano ah Lundin kula gashay in ay shidaal ka baarto "Gobolka Soomaalida"...
Guji..


Warar ku saabsan xaaladda Deegaanka Bandiiradley..

Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Gen. Cadde Muuse ayaa maalintii shalay ahayd waxa uu booqday wajiga hore ee ay isku hor fadhiyaan Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Ciidamada maamul Gobaleedka Puntland, waxa uuna Cadde Muuse uu booqday saddex goobood oo ay degan yihiin ciidamadaasi, kuwaasoo ahaa kuwo ku jiray jiray difaac, waxa uuna u sheegay in loo baahan yahay in waqtigaan la difaaco maamul Gobaleedka Puntland oo uu sheegay dad doonaya inay burburiyaan maamulka iyo Nabadgelyada ka jirta Puntland.

Cadde Muuse waxa uu mushaarooyin aan sidaasi u badneyn siiyey ciidamada Puntland, waxa uuna sheegay in maamul gobaleedka Puntland uusan weerar ku hayn Maxaakiimta Islaamiga ah balse ay yihiin kuwo difaaca maamulkooda, isagoo sidoo kalana sheegay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan dadka gacanta siinaya Maxaakiimta Islaamiga ah ee ku sugan maamul Gobaleedka Puntland, Cadde Muuse waxa uu mar kale ku celiyey in ay Maxaakiimtu yihiin qabiil doonaya inay qalqal ku abuuraan maamul Gobaleedka Puntland, waxa uuna u soo jeediyey shacabka iyo ciidamada ina ay u is taagaan difaaca deegaanadooda. Cadde Muuse ayaa dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo, waxa uuna markiiba kulan deg deg ah la yeeshay Odoyaasha iyo Waxgaradka Magaalada Gaalkacyo isagoo u soo jeediyay in ay gacan siiyaan maamul Gobaleedka Puntland oo uu tilmaamay in ay ku soo wajahan yihiin caddow fara badan. Sidoo kale waxaa maamul Gobaleedka Puntlanad ka socda furitaanka Maxkamado islaami ah oo ay leeyihiin beelaha ku nool Puntlnad, waxaana ugu dambeysay maxkamad ay furteen Beesha Ugaas Suleymaan. Sidoo kale Beesha Cali Suleymaan ayaa iyana taageertay Maxaakiimta Islaamiga ah, waxayna sheegeen in loo baahan yahay in beelaha ku nool Puntland ay soo dhaweeyaan Maxaakiimta Islaamiga ah. Isku soo wada duuboo xaaladda Puntland ayaa aad u kacsan iyadoo dadweynuhu u qaybsadeen kuwo taageersan Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kuwo taageersan maamulka Puntland.

Baaq ka soo yeeray Golaha Dhaqanka..

Golaha dhaqanka Soomaaliyeed isagoo ka duulaya dhibaatada ay dagaaladu leeyihiin iyo musiibooyinka Dabiiciga ah waxa uu ku baaqayaa in la joojiyo dhamaan wax alla wixii keeni kara colaad gaar ahaan Goobaha Dagaaladu ka jiraan iyo kuwa la isku hor fadhiyaba, iyadoo la og yahay in shacabka Soomaaliyeed soo mareen 16 sano oo dagaal sokeeye ah, goluhu waxa uu aad uga xun yahay joojinta ay Dowladda kenay joojisay duulimaadyadii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo aysan jirn wax marmarsiyo ah oo ay hayso Dowladda Kenya, sidaa darteed Dowladda Kenya waxa uuna goluhu ka codsanayaa inay ka noqoto go’aankaasi, iyadoo u daneyneysa maslaxadda labada shacabka ee deriska ah ee Kenya iyo Soomaaliya, waxaana baaqaan ku saxiixnaa Afhayeenka Golaha Dhaqanka Soomaaliyeed C/llaahi Cabdulle Weheliye.

Maamulka Gobalka Sh/hoose oo..

Maamulka Gobalka Sh/hoose ayaa u soo jeediyay Hay’adaha Samafalka ee ka hawlgala gobalkaasi inay gacan ka gaystaan dhibaatooyinkii ay gaysteen fataahada iyo roobabkii dhawaan ka da’ay gobalka Sh/hoose.

Waxa uu maamulku sheegay in qoysas fara badan ay ka barakaceen qaar ka mid ah degmooyin ka tirsan gobalka Sh/hoose oo ay ka mid yihiin Kurtunwaarey, Qoryooley, Sablaale, Marka, Aw-dhiigle, Afgooye iyo Wanlawey, kuwaas oo ay dhibaatooyin ku haystaan dhul bannaan, oo aysan haysan wax Hoy, cunto iyo daawaba.

Maamulku waxa uu sheegay in Hay’adaha Samafalka aysan wax buuran ka qaban dhibaatadda baaxadda leh, waxayna ka cosadeen Hay’adaha u xilsaaran la tacaalidda musiibooyinka deg degga ah in ay dadkaasi la soo gaaraan gargaar, waxa uuna maamulku sheegay in Hay’adda ICRC oo iyadu u so gurman jirtay markay Gobalka ka dhacaan musiibooyin noocaan oo kale ah ayaa haatan moodaa in ay arrintaasi ka gaabisay, waxayna ka codsaneysaa Hay’addaasi in ay gargaar u fidiso dadkaasi, waxaana baaqaan ku saxiixnaa guddoomiye ku xigeena Gbalka Sh/hoose Max’ed Xaaji Cali Abroone (Baaboow)

Ciidamada Maxaakiimta oo shalay gubay..

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ee ku sugan Siinka Dheer ee wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho ayaa waxay ku gubeen Qaad Hareeri ah oo ganacsato ay ka keeneen Magaalada Hargeysa, kaas oo markiisii hore laga keenay dalka Itoobiya.

Ciidamada Maxaakiimta ee ku sugan Siinka Dheer , ayaa waxay sheegeen in aysan aqbali xiriir lala yeesho dowladda Itoobiya oo ay sheegeen in ay tahay caddowga koowaad ee Ummadda Soomaaliyeed.

Ganacsatada keentay qaadkaan ayaa waxay sheegeen in Maxaakiimta aysan ku soo wargelin joojinta qaad la keeno Muqdisho, sidoo kale Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxa uu sheegay in Maxaakiimta Islaamiga ah aysan wax wargelin ah ka siin in jaad ka soo dego Garoonkiisa, waxa uuna sii raaciyey “weligay ma maqal fulin ka horeysa sharcigii” waxa uuna u soo jeediyay Maxaakiimta in ay digniin bixiyaan ka hor inta aysan ku dhaqaaqin.

Maxaakiimta Islaamiga ah oo soo saaray sharciyo..

Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah qaybteeda Farida Samaha iyo Reebida Xumaha ayaa waxa ay shacabka Soomaaliyeed u wargelineysaa in gebi ahaanba la xiro goobaha Ganacsiga marka la gaaro Salaadda, in aan Sigaarka lagu cabi Karin goobaha ay bulshadu isugu timaado, in Ragga iyo Dumarka ajnabiga kala ah aysan goob wada joogi jirin (ama isla khalwoon karin), in aan Muusikada aan kor loo dheereyn, gaar ahaan meelaha Cajaladaha lagu iibiyo iyo in Goobaha Haweenku isku qurxiyo la joojiyo iyo kuwo kale.

Sharciyadan ayaa waxaa soo dhaweeyay shacabka Soomaaliyeed, waxayna ku soo beegmeen xili maalintii shalay ahayd Siinka Dheer lagu gubay qaad laga keenay Wadanka Itoobiya oo ay lahaayeen ganacsatada Qaadka, waxaana ka carooday dadkii cuni jiray qaadkaasi iyo waliba dadkii ay lacagta ka gashay qaadkaasi oo sheegay in aysan Maxaakiimta soo wargelin.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midowbay oo lagu eedeeyay 10 wadan in ay lug ku leeyihiin dhibka Somalia.

Warbixin cusub oo ay soo saartay qaramada midowbay ayaa lagu sheegay in arimaha ka dhacaya ay ku lug leeyihiin  wadamo badan  wadamadaasi ayaa lagu sheegay in wadamada Suriya iyo Iran ay somalia siiyaan sahay ciidan iyo qalabka milatariga iyaga oo ku gar gaaraya midowga maxkamada muqdisho.

Halka ay 3dex wadan oo kalena ka caawiyaan dawlada FKG ah ee somalia ee fadhigeedu yahay Baydhabo.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in  wadamada sida aadka ah u caaawiya midowga maxaakiimta in ay yihiin Suriya, Iran, Eritrea, Djibout, Egypt, Libya, iyo Saudi Carabiya sida warbixinta lagu sheegay.

Ethiopia, Uganda, Yemen ayaa lagu sheegay in in ay yihiin 3dexda wadan ee caawiya dawlada kumeelgaarka ah ee somalia. 

Ethiopia iyo Eritrea ayaa lagu magacaabay warbixinta in ay yihiin dawladaha ugu waawayn ee  faraha kula jira arimaha somalia oo aan 15kii sano ee ugu danbaysay aan lahayn dawlad dhexe oo shaqaynaysa.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Dawlada Iran ay si wayn iyana u gargaadho oo ay hub badan u dirtay midowga maxkamda muqdisho.

Wadamo badan oo warbixinta ay soo saartay qaramada midowbay lagu magacaabay in ay kulug leeyihiin arimaha somaaliya ayaa arrintaas diiday.

Warbixinta ayaa lagu sheegay waxa ka dhexeeya wadamada Iran, Suriya, Lebanon iyo midowaga maxkadama Islaamka  ee maqdisho sida warbixinta ku cad.

warbixinta alyaa sidoo kale lagu sheegay in 720 mudadawiciin somali ah loo diray Lebanon  si ay u caawiyaan Xisbullah oo dagaal kula jirtay xiligaas wadanka Isreal bilihii July.

Suriya ayaa iyadana lagu eedeeyay in ay Muqdisho u dirtay diyaarado hub ah oo ay midowga maxkamaduhu ay gacanta ku hayaan.

Iran ayaa iyadana lagu eedeeyay in ay 3dex markab oo hub iyo rasaas ah u dirtay  Caasimada Somalia ee Muqdisho bilihii Jullay iyo September.

Hal bog oo ka mid ah warbixinta qaramada midowbay ay soosaartay ayaa ka hadlaya in Iran ay danaynayo ama ay doonayso in  ay hubkeeda iyo saanada malatari ee ay ku gargaarayso midowga amxkamadaha Muqdisho ay ku badalato macdanta Uranionka oo ay doonayso in ay Iran ku bacrimiso Barnaamijkeeda  hubka wax gumaada ee nuclearka. 

A/rizak koronto
Garowe Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 16, 2006


ONLF oo Digniin u jeedisey Shirkadda Lundin ee reer Sweden
Kaddib markii Ethiopia ay heshiis 25 sano ah Lundin kula gashay in ay shidaal ka baarto "Gobolka Soomaalida"...
Guji..

DFKMG oo ay saameyn ku yeelatay joojintii Duulimadyada Diyaaradaha ee Kenya
»Nin ganacsade ah oo si xun loogu dilay Nairobi..
»Banaanbax ay shalay dhigeen shaqaalihii iyo..
»Afar qof oo ku dhimatay god Kaawo ah oo ku yaal Kaaraan
»Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo shalay furay...
»Dowladda Kenya oo ganaaxday labo Diyaaradood oo..
»Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed oo xusay Sannad..
»Diyaarad ay ciidammada Xoreynta Ogaadeenya ka gubeen
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Nov 15

C/qaasim: Kenya waxaan leeyahay Joojinta Qaadka ummaddu u Gaajoon meyso
»Deeq la gaarsiiyey Asad Aadan Turaabi...
»C/qaasim oo ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed in ay..
»Xiriirkii u dhaxeeyey Maxkamadaha iyo Kenya oo soo..
»C/llaahi Yuusuf oo kulan degdeg ah la yeeshey..
»kooxda Dekedaha oo xaflad dhiiragelin ah u sameeysey..
»Golaha Midnimada iyo Badbaabada oo si taxadar leh u soo..
»Idaacad loogu magac darey Xurmo oo laga furey Muqdisho..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Nov 14



Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo Caariyey Xeebaha Soomaaliya...

 Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta DBG Daryeel Bulsho Guud lagu soo bandhigay wax qabad ay sameeyeen tababarayaal ay Hay’addaas u tababartay ka hortagga Haamanka Sunta xanbaarsan ee ku soo caariya Xeebaha Soomaaliya., waxaana halkaa lagu daawaday shan iyo toban haamood oo ku soo caariyay xeebaha Soomaaliya, laga soo bilaabo 2004 ilaa 2006 kuwaasoo ku soo caariyay Xeebaha Kismaayo, Cigo, Warshiikh, Jamal, Faax, Xiin Dawaco, Gaan iyo Degaano kale, waxayna Hay’addu sheegtay in ay ku guuleysatay inay wax ka qabto qaar ka mid ah haamankaasi kuwa kalena waxay hay’addu sheegtay in ay u baahan yihiin hawl intaa ka sii baaxad weyn. WARKAN OO DHAN AKHRI....


Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD