Dhambaal furan oo ku aaddan shirguddoonka iyo xubnaha baarlamaanka
Soomaaliyeed ee haatan fadhiga aan caadiga ahayn uuga socdo Baydhabo-Jannaay.
Ku bilaabid magaca Alle naxariistaaga naxariista badan.
Inta aanan u dhaadhicin taladayda waxaan jeclahay inaan idiin soo hormariyo
ereyo aan ku qeexayo shacabka Soomaaliyeed ee aad matalaysaan, iyo shakhsiyaad
xusid ka mutaystay.
Dadka Soomaalida.
Qore: Maxammed Maxammuud Aw
Cabdi.
Johannesburg, Republic of South Africa.
shmaxamad@hotmail.com
Cellphone =27843956052=


Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga
qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda
yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday
Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya
ka hor burburkii Soomaaliya

ISha saiwkan: www.swan.ac.uk |
Soomaalidu waa dad dhuudhuuban oo dhilan oo midabkoodu maarriin yahay, oo
jin-noolaan iyo xayinnimo ka muuqato, oo Ilaahay qurux iyo garaad sarreeya
hibo u siiyay, oo dhaqan u leh dhaqashada geela iyo meesiyada kale ee
xoolaha, waxayna dagaan dhulka geeska Afrika oo carro sanka ah, oo ay
xooluhu ku tanaadaan oo cad iyo caano macaan ku yeeshaan.
Soomaalidu waa dad han iyo hawaysi leh, oo qab iyo qiiro leh, oo aan Alle ma
ahee cid kale waxba u ogayn, waa dad ficilo iyo dhiig badan oo xumaanta iyo
gunnimada aan qaadan ee ka dhiidhiya, waa dad dhiifoon oo dhiirran, waa dad
waayaha iyo dhulkooda qallafsan iyo xoolo dhaqashaduba ay tababareen oo
adkaysi iyo karti badan iyo garaad sareba u yeeleen.
Waa dad markii ay goob dagaal joogto mintida oo kani adag, haddii ay gacan
joogtana wax quura oo martidooda iyo mudankoodaba soora, markii geed la
joogana cod-kar ah, oo gar aqoon iyo aftahannimo Alle ku mannaystay.
Soomaalidu waa dad fac weyn oo taariikh dheer leh, oo dhulkaan qarniyaal
tira badan soo degganaa oo fac-fac iyo rac-rac isu beddelay, oo ku hadla af
hodon ah, oo isagoo waayo badan soo jirey haddana nool oo hadba sii
xuubsiibanaya, oo aan gaboobayn.
Soomaalidu waa dad isku dir ah oo isku diir ah oo isku diin ah oo isku
dabuub ah, oo isku wada dabeecad ah, iskuna degaan ah, waa dirkaas ama
jinsigaas madiga ah oo adduunka kale oo dhan ka duwan oo laga soo socayo.
Markii ay dirireenna wax u danqada oo inta u soo gurmaday ku kala hagoogtay
oo si daacad ah u kala dhex galay ma ay helin, oo nasiib wanaag iyagaa
noqday dad isku diin ah oo dhalasho iyo dhalyo ah oo intaas is cayminayey,
caana la harna aan ka tagayne, waa tirmi lahaayeen.
Haddaba haddii aysan is dabaqaban oo dalkooda iyo dadkooda caymin oo inta
goori goor tahay garbaha is qabsan oo maanta maamulkaas ay dhisteen aysan is
wada garab taagin, maamulkuna uusan xilkas noqon oo ummadda oo dhan isku
wal-waalin, oo dadka iyo diintooda daryeelin, faragalinta shisheeye iyo
buunka gaalada waalatay yeerinaysana aysan ka tashan oo dhagaha ka furaysan,
oo dantooda iyo dalkooda iyo dadkooda ka hormarin dano ay wataan dad aynnaan
waxba wadaagin oo doonaya inay gacmaheenna dalkeenna iyo diinteenna iyo
dadkeennaba ku dumiyaan, oo danahooda gurracan nagu fushadaan, haddii aan
dawladda cusub sidaas yeelin oo dawlad waddani ah noqon, oo dadkooda isku
wadan oo kii qaldan iska cafin oo kii ay kala aragti yihiin u dul qaadan oo
sidaas aan wax la isuga wadan, halis bay Soomaali ku jirtaa iyo inay dulugle
noqoto dallaawe ah.
Maamulku marka uu istaago iyo ka horba’ waa in hawl loogu hormariyaa in
gargaar lala gaaro ummadda Soomaaliyeed ee abaarta u tirmaysa, waana iyadoo
la isu calool fayow yahay in Alle la la wada tuugo oo roob doon la sameeyo
madax iyo majaba, haddii aan heshiinno oo innagoo isku duuban oo daacad ah
Alle wada barinno Alle weyne waa inaka aqbalayaa oo gurmad buu nala soo
gaarayaaye. Haddii la arko innagoo gacmaha iswada haysanna oo heshiis ahna
aadanaha kalana waa inoo xeer dhiganayaa oo wixii aan rabnaba waa noola soo
dhakhsanayaane.
Bayaankaygaan waxaan ku xusayaa shakhsiyaad taariikhda Soomaaliyeed baal
dahab ah ka galay oo danta guud ee ummadda Soomaaliyeed iyo laxawga
qarannimadeeda wax badan u huray af iyo addin intii karaankood ah, kuwaas oo
Soomaali ka mudan inay mar walba xusaan oo xusuustaan ayna u aqoonsadaan
astaanta qarankooda qofaf qiimo ku leh, waxaana ka mid ahaa:
1) Cabdullaahi Suldaan Timacadde.
2) Cismaan Yuusuf Keenadiid.
3) Aadan Cabdulle Cismaan.
4) Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.
5) Cabdullaahi Ciise Maxamed.
6) Abwaan Xadraawe
7) Iyo kuwo kale oo haatan xusuustayda ka maqan oo raggii leego asaasay ka
mid yihiin.
Waxa aan jeclahay inaan halkaan uuga soo jeediyo shirguddoonka iyo xubnaha
baarlamaanka Soomaaliyeed ee markii uugu horreeysay meel dalka hooyo
gudihiisa ah isugu yimid iyagoo heshiis ka dhexeeyo, talooyin aan filayo
inaysan maskaxdooda ka maqnayn laakin aan doonahayo inaan ku sii adkeeyo si
ay u dareemaan arrintaasi inay shacabka Soomaaliyeedna ka guuxayso oo ay ka
rabaan in Baarlammaankooda ay soo doorteen dareenkooda cabbiro, oo wax ka
qabto.
Fikradaha inaan soo bandhigo aan rabaa ma ahaa kuwo aniga igu kooban ee waa
fikrado shacabka Soomaaliyeed badankiisa ka guuxaya oo ay qaar badan oo iga
horreeyayna ay soo bandhigeen kuwo iga dambeeyaana ay soo bandhigi doonaan
kuwana aan annagu u matalaynno oraahda dhihiddeeda insha Allaah.
Mudane shir guddoomiye, mudanayaal horta waa idin salaamayaa waana idiinku
bogaadinayaa kulankaan aan caadiga ahayn ee aad isugu timaaddeen, waxaanna
Allihii waynaa ee ina abuurtay idiinka baryayaa inaad shirkaan ka soo
saartaan go’aanno aad u dhan tihiin oo danta Soomaaliyeed ku salaysan wixii
luggooyo Soomaali u ahna aad gaashaanka u daruuru doontaan.
Golaha Baarlammaanka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa inay dawladda ku
dhiirrigaliyaan ina shacabka Soomaaliyeed oo dhan ay heshiisiiyaan, oo aan
qaar ka mid ah laga dhigin wax aan jirin, oo loo baahnayn, dadkeenna oo dhan
waa u baahannahay oo cidna kama maaranno, kuwii gacmaha dhiigga ku lahaa oo
Soomaali maxasteeda muddo shan iyo toban sano ah madaafiic iyo qoryihii
loogu tala galay in cadawga qaranka Soomaaliyeed lagu rido oo ummadda lagu
difaaco, kuwii intaas la dhacayey oo haweenka iyo carruurta ka xishoon
waayey una nixi waayey.
Oo caado ka dhigtay inay magaalooyinka rayidku deggan yahay madaafiicdooda
yool uuga dhigaan baa la isku raacay inay heshiiska soo galaan oo madax
looga dhigo ummaddii ay shalay hoobiyaha la dhacayeen.
Marka waxay ila tahay haddii aan nabad doonaynno inaysan gar ahayn qaybo
xoog leh oo shacabkeenna ka mid ah inaan waayahaan danbe nabadda loogu
yeerin oo si loogu dhaga hadlayo, oo waxaan mar kasta qaar madaxda sare ka
mid ah ka maqallaan, haddii ay jirto koox ay dantu uugu jirto colaadda iyo
dawladda la’aanta ma loo fariisanayaa? Maxay tahay kooxdaasi maa la magac
dhabo, maase si ka asturan loogu tago oo waan-waan lala galo, oo wixii ay
tabanayaan iyo talooyinkooda laga soo dhagaysto oo wax laga yeelo waxna ka
tanaasula lagu dhaho.
Waxay ila tahay inaysan daacadnimo ahayn kuwa shacabka laynaya inta lagu
sheego hoggaamiyeyaal qaran, oo markii shirkii Baydhabo la isugu imaan lahaa
dagaal cusub ka oogay caasumaddii oo ku dhawaaqay inay asaaseen urur hor leh
oo wata magaca waayahaan dambe gaalada buunka afuufaysaa ay adeegsanaysay,
oo ah magac muslimiinta iyo diintooda lagula dagaallamo, in dad kale oo aan
waxba dhimin la eedeeyo.
Nimankaas markii shirka qaranka laga sugayey fidnada iyo colaadda cusub
bilaabay in la yiraahdo shaqo qaran bay ku maqan yihiin oo loo cudurdaaro
laba mid bay noqonaysaa, inay dawladdu hawshaas u dirtay oo ay kula jirto
fidnada cusub iyo goortii nabadda la sugayey in haddana carruurtii iyo
hooyooyinkii madaafiic lagaga salaliyo, iyo in sideedaba aynnu nahay maamul
shisheeye dhistay oo ciddii sida gaalada maanta durbaanka yeerinaysaa rabto
ku dhawaaqda oo qabbaan u noqota inaan ku khasbannahay inaan sideeda ku
taageerno oo aan laba dhaliili karin, arrimahaas mudanayaasha Baarlamaanka
oo shacabka matalaya ayaa laga doonayaa inay wax ka yiraahdaan.
Gaalada in loo adeego oo hub iyo saanad iyo lacag laga soo qaato, oo aan
taas la qarsan ee wax lagu faano ay tahay, oo fikradahooda dadkeenna iyo
diinteenna ku lidka ah la soo xanbaaro, oo adeegayaal iyo jaajuusyo loo
noqdo, isla markaasna shacabkeenna qayb ama beelo ka mid ah loogu
mar-marsoodo inay argagixiso yihiin, waa arrin la yaab leh, baarlamaanka
Soomaaliyeed bayna u taallaa inay taas wax ka yiraahdaan.
waxay aniga ila tahay in haddii xal iyo nabad la doonayo aan in badan oo
shacabka Soomaaliyeed ka mid ah la iska indha saabin ee waa in xaqiiqada loo
soo daaddegaa oo runta la isu sheegaa, xubnaha dawladda ee intaas la
heshiisiinayo iyo ragga matalaya beelaha Soomaaliyeed maxaa loogu soo dari
waayey Mudane Cabdiqaasin Salaad Xasan iyo saraakiisha taageersan oo
gobollada koonfureed siiba Muuqdiisho aan filayo inaan cidina uga xoog
badnayn haddii run la isu sheego.
Ma waxaa talo lagu gaaray in qayb ka mid ah shacabka Soomaaliyeed oo tayo
iyo waxtar leh la takooro, oo cagta la mariyo inta loogu mar-marsoodo
waxyaalo maanta la isugu gabbado oo aan gaalada ka barannay.
Dhinaca kale culimada Soomaaliyeed oo cid walba isaga dhaaranayso ma waxaa
lagu eedeeyey oo maanta taargad noqday diinteennii, mise waxaa la mooday
iyagu inaysan ummadda ka mid ahayn, ma geed bannaan ka baxay baa? Ma waysan
dadka ka dhalan oo dadku dhalin, sow nin walba qoys iyo beel kama tirsana.
Waxaa dantu ku jirtaa in la wada heshiiyo oo aan dhibaato la jeclaan,
balaayo aan gurigeenna oolna aynaan lugoheenna ku raadsan, Soomaali
argagixiso iyo belo aan madaafiicda qab-qablayaasha ahayni ma taallo ee yaan
la saadsan oo tala xumadeenna aynaan ku doonaan.
Dhibaatada Ciraaq iyo dalal la mid ah maanta haysata haddii ay na soo gaarto
nin walba gurigiisa ayay uugu imaanaysaa, qaran danbe oo Soomaaliyeedna
arrinti la isugu imaan mayo gaalada aynnu hadaaqeeda ku dhawaaqaynnana waxba
markaas inooma tari karto oo iyadaa haddii ay wax tari karto Ciraaq wax ka
qaban lahayd.
Marka waa inaan ka taxaddarnaa intaan waxaasi ina soo gaarin inaan si
daacadnimo iyo ehelnimo ah arrimaheenna ku dhammaysanno, oo wiilasheennii oo
dalkeenna wax ka dhisaya oo inoo adeegaya oo tol iyo ehel inoo ah aynnaan
balaayo ka raadin oo cadaw ka dhigan.
Middaasi waa taas tan kale markii aan dadkeenna isu wada keenno oo heshiinno
waa sahlan tahay inaan hawsheenna wadanno oo inta xooggii dalka Soomaaliyeed
iyo Booliskii qaranka wixii hawlgal ah la isu keeno oo si fiican loo
habeeyo, tababar koobanna la siiyo ayay hawsha fulin karaan. Haddii
caawimaad loo baahdana waa in laga dalbadaa dawladaha aan diinta iyo
dhaqankaba wadaagno.
Waxaana dawladahaas kow ka ah dawladda Masaarida oo qarniyaal badan arrinta
Soomaaliya faraha kula jiri jirtay oo caawin jirtay, isla markaasna
dhaqankeenna si fiican u taqaan, ummaddeennana in badan wax baray, saraakiil
badan oo xoogga dalka Soomaaliyeed ka mid ahina wax ku soo barteen. Dawladda
labaad oo Masar u soo dhaw oo aan si fiican isu naqaan waa dawladda Suudaan
oo iyada rag badan wax ku soo barteen oo wasiirkeenna gaashaandhiggu ka mid
yahay.
Marka ciidanka ugu badan waa in Masar laga dalbado, oo haddii shan kun loo
baahdo waa in 3000 kun Masar laga dalbaa, 500na Suudaan illeen iyada hawlo
badan baa haystee. Waxa kale oo ciidan laga dalbi karaa dawladda Nayjeeriya
oo ah dawlad xoog leh oo ciidankeedu khibrad u leeyahay hawlaha dalalka
qalalaasuhu ka dhacaan, isla markaasna inkastoo aynnaan is dhaqan aqoon waa
dad muslim u badan isla markaasna aqoon sare leh oo bisil, oo aan filayo
inaysan hawl saqajaannimo aqoon. Iyadana waxaa laga dalban karaa ugu yaraan
hal kun.
Dawladda Ugaandha oo arrimaha Soomaaliya dhex-dhexaad ka ah, isla markaasna
ka mid ah dawladaha sida fiican Soomaalida soo qaxday loogu soo dhaweeyey oo
abaal ina ku leh, oo waliba dib u heshiisiintii qayb fiican ka qaadatay oo
iyaduna awalba horay u ballan qaadday inay ciidan noo soo dirayso, oo waliba
dhaqankeenna muddo la sii barayey, iyadana waa in la oggolaadaa wixii ay noo
diyaarisay.
Ciidankaasna hawshiisu waa inay ahaataa inuu diyaariyo xooggii dalka
Soomaaliyeed gacanna ku siiyaa inuu soo celiyo kala dambayntii iyo
xasilloonidii dalka, waxaanna filayaa ummadda heshiisay inay shuruud la’aan
ciidankaas dhex-dhexaadka ah hubka ku wareejinayaan, waxa soo harayaa waa
tuugada iyo burcadda aan cidna ka amar qaadan oo magaalooyinka ku
dhuumaalaysanaya taasna si sahlan bay ciidammadu uga takhallusayaan iyagoo
shacabka Soomaaliyeed iyo masuuliyiintaba kaashanaya haddii Alle idmo.
Dhinaca magaalada dawladda iyo Baarlamaanku sii degayaan inta caasumadda
nabadeeda la sugayo, waxay ila tahay inaysan jirin magaalo Baydhabo ka mudan
maxaa yeelay waa meel dadkeedu xasarad yar yahay, oo nabadda aad u
danaynayaan, waana magaalo wayn oo dawladda si fiican u qaadda, saxna ma aha
in hadba shakhsiyaad lagu raalli galiyo sida maslaxadda qaranku ku jirto
taasna Baarlamaanka ayaa laga rabaa inuu u codeeyo meesha sida saxa ah
hawsha looga wadi karo oo dawladdu ka madax bannaan tahay faragalinta iyo
afduubka qab-qableyaasha danahooda kaliya raadinaya ee aan dan qaran shaqo
ku lahayn.
Xubnaha Baarlamaanka iyo shirguddoonkaba waxaan ka rajaynayaa arrimaha
maanta horyaal inay si qoto dheer uuga baaraan degaan iyadoo mar walba laga
fogaanayo is maandhaaf iyo is qab-qabsi, waa in cid walba waxa ay la tahay
laga dhegaystaa oo dabadeed qodobbada muhimka ah loo codeeyaa, oo ciddii
arrintooda looga cod bato ay samirtaa oo inta badan raacdaa, si waxuun u
suurta galaan.
Guul iyo waxqabad ayaan Alle weyne idiinka baryayaa.
Qore: Maxammed Maxammuud Aw Cabdi.
Johannesburg, Republic of South Africa.
shmaxamad@hotmail.com
Cellphone =27843956052=
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | March 6, 2006
|