SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dhambaal furan oo ku aaddan shirguddoonka iyo xubnaha baarlamaanka Soomaaliyeed ee haatan fadhiga aan caadiga ahayn uuga socdo Baydhabo-Jannaay.

Ku bilaabid magaca Alle naxariistaaga naxariista badan.

Inta aanan u dhaadhicin taladayda waxaan jeclahay inaan idiin soo hormariyo ereyo aan ku qeexayo shacabka Soomaaliyeed ee aad matalaysaan, iyo shakhsiyaad xusid ka mutaystay.

Dadka Soomaalida.

Qore: Maxammed Maxammuud Aw Cabdi.
Johannesburg, Republic of South Africa.
shmaxamad@hotmail.com
Cellphone =27843956052=




Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya

ISha saiwkan: www.swan.ac.uk

Soomaalidu waa dad dhuudhuuban oo dhilan oo midabkoodu maarriin yahay, oo jin-noolaan iyo xayinnimo ka muuqato, oo Ilaahay qurux iyo garaad sarreeya hibo u siiyay, oo dhaqan u leh dhaqashada geela iyo meesiyada kale ee xoolaha, waxayna dagaan dhulka geeska Afrika oo carro sanka ah, oo ay xooluhu ku tanaadaan oo cad iyo caano macaan ku yeeshaan.

Soomaalidu waa dad han iyo hawaysi leh, oo qab iyo qiiro leh, oo aan Alle ma ahee cid kale waxba u ogayn, waa dad ficilo iyo dhiig badan oo xumaanta iyo gunnimada aan qaadan ee ka dhiidhiya, waa dad dhiifoon oo dhiirran, waa dad waayaha iyo dhulkooda qallafsan iyo xoolo dhaqashaduba ay tababareen oo adkaysi iyo karti badan iyo garaad sareba u yeeleen.

Waa dad markii ay goob dagaal joogto mintida oo kani adag, haddii ay gacan joogtana wax quura oo martidooda iyo mudankoodaba soora, markii geed la joogana cod-kar ah, oo gar aqoon iyo aftahannimo Alle ku mannaystay.

Soomaalidu waa dad fac weyn oo taariikh dheer leh, oo dhulkaan qarniyaal tira badan soo degganaa oo fac-fac iyo rac-rac isu beddelay, oo ku hadla af hodon ah, oo isagoo waayo badan soo jirey haddana nool oo hadba sii xuubsiibanaya, oo aan gaboobayn.

Soomaalidu waa dad isku dir ah oo isku diir ah oo isku diin ah oo isku dabuub ah, oo isku wada dabeecad ah, iskuna degaan ah, waa dirkaas ama jinsigaas madiga ah oo adduunka kale oo dhan ka duwan oo laga soo socayo.

Markii ay dirireenna wax u danqada oo inta u soo gurmaday ku kala hagoogtay oo si daacad ah u kala dhex galay ma ay helin, oo nasiib wanaag iyagaa noqday dad isku diin ah oo dhalasho iyo dhalyo ah oo intaas is cayminayey, caana la harna aan ka tagayne, waa tirmi lahaayeen.

Haddaba haddii aysan is dabaqaban oo dalkooda iyo dadkooda caymin oo inta goori goor tahay garbaha is qabsan oo maanta maamulkaas ay dhisteen aysan is wada garab taagin, maamulkuna uusan xilkas noqon oo ummadda oo dhan isku wal-waalin, oo dadka iyo diintooda daryeelin, faragalinta shisheeye iyo buunka gaalada waalatay yeerinaysana aysan ka tashan oo dhagaha ka furaysan, oo dantooda iyo dalkooda iyo dadkooda ka hormarin dano ay wataan dad aynnaan waxba wadaagin oo doonaya inay gacmaheenna dalkeenna iyo diinteenna iyo dadkeennaba ku dumiyaan, oo danahooda gurracan nagu fushadaan, haddii aan dawladda cusub sidaas yeelin oo dawlad waddani ah noqon, oo dadkooda isku wadan oo kii qaldan iska cafin oo kii ay kala aragti yihiin u dul qaadan oo sidaas aan wax la isuga wadan, halis bay Soomaali ku jirtaa iyo inay dulugle noqoto dallaawe ah.

Maamulku marka uu istaago iyo ka horba’ waa in hawl loogu hormariyaa in gargaar lala gaaro ummadda Soomaaliyeed ee abaarta u tirmaysa, waana iyadoo la isu calool fayow yahay in Alle la la wada tuugo oo roob doon la sameeyo madax iyo majaba, haddii aan heshiinno oo innagoo isku duuban oo daacad ah Alle wada barinno Alle weyne waa inaka aqbalayaa oo gurmad buu nala soo gaarayaaye. Haddii la arko innagoo gacmaha iswada haysanna oo heshiis ahna aadanaha kalana waa inoo xeer dhiganayaa oo wixii aan rabnaba waa noola soo dhakhsanayaane.

Bayaankaygaan waxaan ku xusayaa shakhsiyaad taariikhda Soomaaliyeed baal dahab ah ka galay oo danta guud ee ummadda Soomaaliyeed iyo laxawga qarannimadeeda wax badan u huray af iyo addin intii karaankood ah, kuwaas oo Soomaali ka mudan inay mar walba xusaan oo xusuustaan ayna u aqoonsadaan astaanta qarankooda qofaf qiimo ku leh, waxaana ka mid ahaa:

1) Cabdullaahi Suldaan Timacadde.
2) Cismaan Yuusuf Keenadiid.
3) Aadan Cabdulle Cismaan.
4) Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.
5) Cabdullaahi Ciise Maxamed.
6) Abwaan Xadraawe
7) Iyo kuwo kale oo haatan xusuustayda ka maqan oo raggii leego asaasay ka mid yihiin.

Waxa aan jeclahay inaan halkaan uuga soo jeediyo shirguddoonka iyo xubnaha baarlamaanka Soomaaliyeed ee markii uugu horreeysay meel dalka hooyo gudihiisa ah isugu yimid iyagoo heshiis ka dhexeeyo, talooyin aan filayo inaysan maskaxdooda ka maqnayn laakin aan doonahayo inaan ku sii adkeeyo si ay u dareemaan arrintaasi inay shacabka Soomaaliyeedna ka guuxayso oo ay ka rabaan in Baarlammaankooda ay soo doorteen dareenkooda cabbiro, oo wax ka qabto.

Fikradaha inaan soo bandhigo aan rabaa ma ahaa kuwo aniga igu kooban ee waa fikrado shacabka Soomaaliyeed badankiisa ka guuxaya oo ay qaar badan oo iga horreeyayna ay soo bandhigeen kuwo iga dambeeyaana ay soo bandhigi doonaan kuwana aan annagu u matalaynno oraahda dhihiddeeda insha Allaah.

Mudane shir guddoomiye, mudanayaal horta waa idin salaamayaa waana idiinku bogaadinayaa kulankaan aan caadiga ahayn ee aad isugu timaaddeen, waxaanna Allihii waynaa ee ina abuurtay idiinka baryayaa inaad shirkaan ka soo saartaan go’aanno aad u dhan tihiin oo danta Soomaaliyeed ku salaysan wixii luggooyo Soomaali u ahna aad gaashaanka u daruuru doontaan.

Golaha Baarlammaanka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa inay dawladda ku dhiirrigaliyaan ina shacabka Soomaaliyeed oo dhan ay heshiisiiyaan, oo aan qaar ka mid ah laga dhigin wax aan jirin, oo loo baahnayn, dadkeenna oo dhan waa u baahannahay oo cidna kama maaranno, kuwii gacmaha dhiigga ku lahaa oo Soomaali maxasteeda muddo shan iyo toban sano ah madaafiic iyo qoryihii loogu tala galay in cadawga qaranka Soomaaliyeed lagu rido oo ummadda lagu difaaco, kuwii intaas la dhacayey oo haweenka iyo carruurta ka xishoon waayey una nixi waayey.
Oo caado ka dhigtay inay magaalooyinka rayidku deggan yahay madaafiicdooda yool uuga dhigaan baa la isku raacay inay heshiiska soo galaan oo madax looga dhigo ummaddii ay shalay hoobiyaha la dhacayeen.

Marka waxay ila tahay haddii aan nabad doonaynno inaysan gar ahayn qaybo xoog leh oo shacabkeenna ka mid ah inaan waayahaan danbe nabadda loogu yeerin oo si loogu dhaga hadlayo, oo waxaan mar kasta qaar madaxda sare ka mid ah ka maqallaan, haddii ay jirto koox ay dantu uugu jirto colaadda iyo dawladda la’aanta ma loo fariisanayaa? Maxay tahay kooxdaasi maa la magac dhabo, maase si ka asturan loogu tago oo waan-waan lala galo, oo wixii ay tabanayaan iyo talooyinkooda laga soo dhagaysto oo wax laga yeelo waxna ka tanaasula lagu dhaho.

Waxay ila tahay inaysan daacadnimo ahayn kuwa shacabka laynaya inta lagu sheego hoggaamiyeyaal qaran, oo markii shirkii Baydhabo la isugu imaan lahaa dagaal cusub ka oogay caasumaddii oo ku dhawaaqay inay asaaseen urur hor leh oo wata magaca waayahaan dambe gaalada buunka afuufaysaa ay adeegsanaysay, oo ah magac muslimiinta iyo diintooda lagula dagaallamo, in dad kale oo aan waxba dhimin la eedeeyo.

Nimankaas markii shirka qaranka laga sugayey fidnada iyo colaadda cusub bilaabay in la yiraahdo shaqo qaran bay ku maqan yihiin oo loo cudurdaaro laba mid bay noqonaysaa, inay dawladdu hawshaas u dirtay oo ay kula jirto fidnada cusub iyo goortii nabadda la sugayey in haddana carruurtii iyo hooyooyinkii madaafiic lagaga salaliyo, iyo in sideedaba aynnu nahay maamul shisheeye dhistay oo ciddii sida gaalada maanta durbaanka yeerinaysaa rabto ku dhawaaqda oo qabbaan u noqota inaan ku khasbannahay inaan sideeda ku taageerno oo aan laba dhaliili karin, arrimahaas mudanayaasha Baarlamaanka oo shacabka matalaya ayaa laga doonayaa inay wax ka yiraahdaan.

Gaalada in loo adeego oo hub iyo saanad iyo lacag laga soo qaato, oo aan taas la qarsan ee wax lagu faano ay tahay, oo fikradahooda dadkeenna iyo diinteenna ku lidka ah la soo xanbaaro, oo adeegayaal iyo jaajuusyo loo noqdo, isla markaasna shacabkeenna qayb ama beelo ka mid ah loogu mar-marsoodo inay argagixiso yihiin, waa arrin la yaab leh, baarlamaanka Soomaaliyeed bayna u taallaa inay taas wax ka yiraahdaan.

waxay aniga ila tahay in haddii xal iyo nabad la doonayo aan in badan oo shacabka Soomaaliyeed ka mid ah la iska indha saabin ee waa in xaqiiqada loo soo daaddegaa oo runta la isu sheegaa, xubnaha dawladda ee intaas la heshiisiinayo iyo ragga matalaya beelaha Soomaaliyeed maxaa loogu soo dari waayey Mudane Cabdiqaasin Salaad Xasan iyo saraakiisha taageersan oo gobollada koonfureed siiba Muuqdiisho aan filayo inaan cidina uga xoog badnayn haddii run la isu sheego.

Ma waxaa talo lagu gaaray in qayb ka mid ah shacabka Soomaaliyeed oo tayo iyo waxtar leh la takooro, oo cagta la mariyo inta loogu mar-marsoodo waxyaalo maanta la isugu gabbado oo aan gaalada ka barannay.


Dhinaca kale culimada Soomaaliyeed oo cid walba isaga dhaaranayso ma waxaa lagu eedeeyey oo maanta taargad noqday diinteennii, mise waxaa la mooday iyagu inaysan ummadda ka mid ahayn, ma geed bannaan ka baxay baa? Ma waysan dadka ka dhalan oo dadku dhalin, sow nin walba qoys iyo beel kama tirsana. Waxaa dantu ku jirtaa in la wada heshiiyo oo aan dhibaato la jeclaan, balaayo aan gurigeenna oolna aynaan lugoheenna ku raadsan, Soomaali argagixiso iyo belo aan madaafiicda qab-qablayaasha ahayni ma taallo ee yaan la saadsan oo tala xumadeenna aynaan ku doonaan.

Dhibaatada Ciraaq iyo dalal la mid ah maanta haysata haddii ay na soo gaarto nin walba gurigiisa ayay uugu imaanaysaa, qaran danbe oo Soomaaliyeedna arrinti la isugu imaan mayo gaalada aynnu hadaaqeeda ku dhawaaqaynnana waxba markaas inooma tari karto oo iyadaa haddii ay wax tari karto Ciraaq wax ka qaban lahayd.

Marka waa inaan ka taxaddarnaa intaan waxaasi ina soo gaarin inaan si daacadnimo iyo ehelnimo ah arrimaheenna ku dhammaysanno, oo wiilasheennii oo dalkeenna wax ka dhisaya oo inoo adeegaya oo tol iyo ehel inoo ah aynnaan balaayo ka raadin oo cadaw ka dhigan.



Middaasi waa taas tan kale markii aan dadkeenna isu wada keenno oo heshiinno waa sahlan tahay inaan hawsheenna wadanno oo inta xooggii dalka Soomaaliyeed iyo Booliskii qaranka wixii hawlgal ah la isu keeno oo si fiican loo habeeyo, tababar koobanna la siiyo ayay hawsha fulin karaan. Haddii caawimaad loo baahdana waa in laga dalbadaa dawladaha aan diinta iyo dhaqankaba wadaagno.

Waxaana dawladahaas kow ka ah dawladda Masaarida oo qarniyaal badan arrinta Soomaaliya faraha kula jiri jirtay oo caawin jirtay, isla markaasna dhaqankeenna si fiican u taqaan, ummaddeennana in badan wax baray, saraakiil badan oo xoogga dalka Soomaaliyeed ka mid ahina wax ku soo barteen. Dawladda labaad oo Masar u soo dhaw oo aan si fiican isu naqaan waa dawladda Suudaan oo iyada rag badan wax ku soo barteen oo wasiirkeenna gaashaandhiggu ka mid yahay.

Marka ciidanka ugu badan waa in Masar laga dalbado, oo haddii shan kun loo baahdo waa in 3000 kun Masar laga dalbaa, 500na Suudaan illeen iyada hawlo badan baa haystee. Waxa kale oo ciidan laga dalbi karaa dawladda Nayjeeriya oo ah dawlad xoog leh oo ciidankeedu khibrad u leeyahay hawlaha dalalka qalalaasuhu ka dhacaan, isla markaasna inkastoo aynnaan is dhaqan aqoon waa dad muslim u badan isla markaasna aqoon sare leh oo bisil, oo aan filayo inaysan hawl saqajaannimo aqoon. Iyadana waxaa laga dalban karaa ugu yaraan hal kun.

Dawladda Ugaandha oo arrimaha Soomaaliya dhex-dhexaad ka ah, isla markaasna ka mid ah dawladaha sida fiican Soomaalida soo qaxday loogu soo dhaweeyey oo abaal ina ku leh, oo waliba dib u heshiisiintii qayb fiican ka qaadatay oo iyaduna awalba horay u ballan qaadday inay ciidan noo soo dirayso, oo waliba dhaqankeenna muddo la sii barayey, iyadana waa in la oggolaadaa wixii ay noo diyaarisay.

Ciidankaasna hawshiisu waa inay ahaataa inuu diyaariyo xooggii dalka Soomaaliyeed gacanna ku siiyaa inuu soo celiyo kala dambayntii iyo xasilloonidii dalka, waxaanna filayaa ummadda heshiisay inay shuruud la’aan ciidankaas dhex-dhexaadka ah hubka ku wareejinayaan, waxa soo harayaa waa tuugada iyo burcadda aan cidna ka amar qaadan oo magaalooyinka ku dhuumaalaysanaya taasna si sahlan bay ciidammadu uga takhallusayaan iyagoo shacabka Soomaaliyeed iyo masuuliyiintaba kaashanaya haddii Alle idmo.


Dhinaca magaalada dawladda iyo Baarlamaanku sii degayaan inta caasumadda nabadeeda la sugayo, waxay ila tahay inaysan jirin magaalo Baydhabo ka mudan maxaa yeelay waa meel dadkeedu xasarad yar yahay, oo nabadda aad u danaynayaan, waana magaalo wayn oo dawladda si fiican u qaadda, saxna ma aha in hadba shakhsiyaad lagu raalli galiyo sida maslaxadda qaranku ku jirto taasna Baarlamaanka ayaa laga rabaa inuu u codeeyo meesha sida saxa ah hawsha looga wadi karo oo dawladdu ka madax bannaan tahay faragalinta iyo afduubka qab-qableyaasha danahooda kaliya raadinaya ee aan dan qaran shaqo ku lahayn.


Xubnaha Baarlamaanka iyo shirguddoonkaba waxaan ka rajaynayaa arrimaha maanta horyaal inay si qoto dheer uuga baaraan degaan iyadoo mar walba laga fogaanayo is maandhaaf iyo is qab-qabsi, waa in cid walba waxa ay la tahay laga dhegaystaa oo dabadeed qodobbada muhimka ah loo codeeyaa, oo ciddii arrintooda looga cod bato ay samirtaa oo inta badan raacdaa, si waxuun u suurta galaan.

Guul iyo waxqabad ayaan Alle weyne idiinka baryayaa.

Qore: Maxammed Maxammuud Aw Cabdi.
Johannesburg, Republic of South Africa.
shmaxamad@hotmail.com
Cellphone =27843956052=
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 6, 2006



»Police maxaa la dhahaa tiknikaa!! | Saahid
»Rag is Gurayee ana Dagayee ayay la mid tahay Hadalka Chango
»
Muftigii suufiyada oo laga hayo “Wahaabiyo waa ahlusunna”. | C.M.
»Wax ka baro maalinta Jaceylka Adduunka! | Faarax
»
Ilmadii Dagaalka Sokeeye | A. M. Yusuf
»Maxayse kala yihiin Qabiil & Qabyaalad? | M.B.Salaad
»DR. GEEDI....WAA..LALA    XISAABTAMAYAA !!!! | Dr.Dhaanwade
»Somaliland maamul baali ah iyo shacab beerka dhigay | Osman
»
RIYADA MADXAWYNHA PUNTLAND INUU SEEXDAA KA HOREEYSA.?
»Safar kaan kutagay  koonfurta masar ee aswaan | Kaneec
»Cali Ciir Ama Ciidan Hel |
Cabdiwali
»Soomaaley  wahaabiyo waa musline –taa ha la ogaado? | C.M
»Maxaa la gudboon islaamka kadib aflagaadadii loo geystey rasuulka

»Boqollaal Dambiile : Maansadii 43aad ee DoodWanaag
»Damiiryeesha : Maansadii 44aad ee DoodWanaag
»TAXANAHA DHAXALREEB... 2006.. Akhri (PDF)
»ABAARAHA KATAAGAN GEESKA AFRICA | Eng. Badal
»Siyaasada Soomaaliya waa ijiid aan ku jidee | Ahmed-haadi
»
XIJAABKA DHIG IYO DHIGI MAYO! | Xoday
»Cismaan Caato ‘‘ma jecli dagaal, ee waxaan jeclahay nolosheyda’’!!
»BAAQ KU SOCDA MADAXDA & SHACABKA SOMAALIYEED Eng. W.
»
Baaq Guud oo ku Wajahan Aqoonyahanka Soomaaliyeed | Afgooye
»Suufiyo wax ma Akhrido hadey Akhridona ma Fahamto| cm
»Rajo Weyn iyo Halgan Adag: Xaaladda Soomaalida hadda hortaal..
»Kabashada Cilmiga Gaaban Waa Lagu Kadeedmaa | Maxamed Xaaji  
»Puntland oo Musuq maasuq hareerayay | saajinka
»Mid ka mid ah kutubta wahaabiyada wax ku qoran. | Garweyne
»
Qeybtii koowaad:Puntland xaggee u socotaa? | shakib
»Somaliland Horumar Intee Le'eeg Bay Gaadhay | Samale
»»GABAY::: SONKOR-QUBATAY!! |
Dhagaafe
»ZAKADA MAALKA LAGA BIXIYO... AKHRI


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD