SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

RAJADII SHACABKU KA QABEY MAAMULKA PUNTLAND OO LUNTAY!!
QORE EX-MP. CALEEN NUR CALI GAANI
3-Maarso-2006,
Gaalkacyo, Puntland, Somaaliya.




Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya

ISha saiwkan: www.swan.ac.uk

Dhisiddii maamul goboleedka Puntland ee 1998-dii waxa ay ahayd guul weyn oo usoo hoyotay beelaha goboladii la oran jiray Waqooyi Bari.

Ujeedkii loo aasaasay Dawlad Goboleedka Puntland waxa uu ahaa inay qabato adeeggii dadwaynahu u baahnaa, maadama ay meesha ka baxday dowladii dhexe,waxayna dadka u ahayd waa cusub oo u baryey, sida la ogyahayna waxaa ummadu ku horumartaa maamul wanaagsan, waxayna ku dib dhacdaa maamul xumo. Maah maah carabiya baa waxay leedahay maamulka wanaagsani waa nolosha barkeed , waxaa nin khabiir maamulka ku ahi yiri waxaan leeyahay maamulka wanaagsani waa nolosha dhamaanteed.

Haddaba waxaa cad in xukuumadii uu hogaaminayey col. C/laahi Yuusuf Axmed ay gudan wayday xilkii ay qaaday, mudo afar sano ah oo aan wax horumar ahi jirin, xiligii xukuumaduna dhamaaday waxay damacday inay kororsato xiligii jiritaankeeda, kadib waxaa ka dhashay kacdoon dadwayne oo lagu riday xukuumadii. 07-08-2001, xukuumadii C/laahi Yuusuf waxaana kacdoonkaasi kadib lagu doortay col. Jaamac cali jaamac oo aanay hana qaadin xukuumadiisii, mar labaad waxaa hogaanka awood millatari kula wareegay Col. C/laahi Yuusuf taas oo shacbiga Puntland ku ahayd dhacdooyinka waawayn oo ay xusuustaan.waxayna dhalisay niyad jab iyo rajo xumo u soo hoyatey dadwaynaha Puntland.

Intaa kadib waxay dadwaynuhu marlabaad heleen jaanis ay ku muujin karaan dareenkooda markuu c/laahi yuusuf u gudbay xilka madaxwaynenimo ee dowladda federalka kumeel gaarka ah, waxaana la gaaray xiligii la dooran lahaa xukumad cusub xiligaas oo uu madaxwayne ahaa Dr. Maxaemed Cabdi Xaashi, wuxuu abaabulay doorasho gacan ku samaysa ee uu musuq hareeyey, markuu soo celiyey xubnihii hore ee baarlamaanka, kuwaasi oo aan u qalmin xilka baarlamaanimo, marka laga reebo xubno yar oo beelaha qaarkood ku mintideen, iyagoo ku fashilmay sharcigii ay shacabka wakiilka uga ahaayeen, waxaana dhacday doorasho waxaana ugu cad cadaa musharixiinta maxamed cabdi xaashi, Gen. Maxamud muuse xirsi (Gen. Cade)iyo wasiirka qorshaynta C/raxmaan Faroole waxaana guushu ku raacday Jananka. Mar labaad ayaa waxaa u beryay waa cusub shacabwaynaha Puntland.

Maxaase dhacay guul kadib:. Talaabadii ugu horeysay ee uu madaxwaynahu qaaday waxay ahayd dhismihii xukuumadda taas oo ku dhalisay shacbiga puntland niyad jab, wuxuuse dadwaynaha ku qanciyey waan ogahay khaa’imiinta anaase tab la maagan, haddaba nidaamkiii maamulkii hore oo faashilka ahaa waxaana meesha ka maqnaaa oo kaliya madaxwaynahii hore Col. C/laahi Yuusuf Axmed, dhanka kale waxaa soo kordhay arrimahan soo socda:- 

 Amni xumo iyadoo ay badatay aargoosi qabiil, hubkoo ku soo batay suuqyada, waxaana loo aaneeyaa in badan falalka qaar badan in ay fuliyaan ciidamada maamulka, musuq maasuqa oo aad u hareeyey maaulka Puntland ayaa hadda wuxuu gaaray meeshii ugu sareysay, waxaana la qaadaa dhammaan canshuuraha ku waajiba shacbiga, oo aan wax adeeg ah loogu sameyn, galena jeebabka dad kooban, waxaa kale soo ifbaxay lacago laga qaado dadka shacbiga ah oo aan iyagu marinba khasnada dowladda, sida lacagta la yiraahdo kordhintii Gen. Aadan gabiyoow, over-head taxation, waxaa kale oo jirta lacag iyadana loo yaqaan rarid iyo dajin.

Kontoroolka galkacyo ee waqooyiga oo asna lagu qaado mid la mid ah tan dekadda lagu qaado taas oo bilaabatey xilligii col. C/laahi Yuusuf laga soo saaray Bosaso, lacagtaasi oo ay toos u qaataan xubno gaar ah. waxaa kale oo ay ku fashilantay xukumadu dhamaan adeegyadii dadwayne, sida caafimaadka, waxbarashada iyo shaqo bixinta, waxaa kale oo fadhiid ah hay’adihii amniga sida booliska, maxkamadaha, xabsiyada i.wm. Kuwasi oo hadda isug badalay goobo ganacsi, waxaa kale oo xukuumaddu ku fashilantay dhismayaashii goloyaasha deegaanka ayadoo shuruucdii ay u dajisay garab martay kuna kalsoonaan wayday, waxayna si fadeexad ah xukuumaddu ku dooratay Saajin Xuseen Jaamac Yabaq, oo hore u ahaan jiray duqa degmada Gaalkacyo., isagoon haysan kalsoonida deegaanka haba yaratee, waxayna hadda shacbiga Gaalkacyo doorteen gole deegaan oo sharci ah , waafaqsanna shuruucda ay u dajisay Puntland, goluhuna waxay gudoomiye u doorteen Dr. Saleebaan Xaaji C/lla, waxayna dad badan is waydiinayaan sababta ay xukuumaddu ugu dooratay Saajin Xuseen.

waxaa kale oo gacanta ka baxay dhismayaashii dowlada ee dagmada galkacyo iyo dhulkii banaanaa, waxaana la oran karaa waxba lama hanbayn, waxaa kamid ah goobahaas la boobay xeradii la oran jiray daraawiishta, oo hadda loo yaqaan booli qaran, waxaa kale oo ka mid ah goobaha meesha ka baxay santer-dii xaafadaha, Horumar iyo Israac, dhismihii maxkamada badbaadada, waxaa kale oo kacdoon dadwaynuhu ku joojiyeen xeradii Dayax iyo goobo kale oo muhiim ah, waxaana sidoo kale la xaalufiyey khayraadkii badda oo ay hadda ku jiraan in ka badan 600 maraakiib shisheeye ah oo maamulka ruqsad ka haysta.

Rajo xumada ugu danbaysay waxay soo ifbaxday markuu madaxwaynuhu ku dhawaaqay xukuumadii loo sugayey sidii gu’ga oo kale, taas oo dadwaynuhu u arkeen dhiciddii xukuumada Gen.-cade waayo hadda ma jirto wax marmarsiinyo ah waxaa kale oo dadka walwal ku abuuray isku dhicii xukuumada iyo wasiirka qorshaynta markii laga saaray xukuumada isaga iyo wasiirkii arimaha gudaha, labada wasiir oo ahaa labada xubnood ee kaliya oo qaadan kara ama istaahila xilka wasiirnimo ee xukuumada cusub, dadwaynuhu hadda waxay is waydiinayaan laba su’aalood mida koowaad madaxwaynaha oo halku-dhag ka dhigtay in uu badali doono xukuumadiisa, dhaliilana u soo jeedin jiray, taas oo cadaatay in uusan madaxwaynuhu karti u lahayn in uu fuliyo waxa uu rabo.

Tan kale maxaa sababay isku dhaca wasiirka qorshaynta iyo madaxwaynaha oo ay isku xilbi ahaayeen xilligii doorashada markaas oo loo qaybsanaa laba kooxood?
Waxaana la oran karaa guushii Cadde waxaa dhaliyey faroole , haddaba waxaa muuqata in uu Gen. Cadde uu sameeyey balan fur, wuxuuna ku biiray raggii ay is hayeen, wuxuuna dhumiyey saaxiibadii,waxaa si gaara loo tilmaamaa in uu madaxwaynuhu gacanta u galay ku xigeenkiisa Afqurac iyo wasiirka maaliyadda Gaagaab, labada nin oo ah niman aan bulsho waynta Puntland laga qadarin, waxaa kale oo la sheegaa inay labada ninba aaminsan yihiin mabaa’diida shuuciyadda , waxayna taasi ka faquuqday bulsho weynta muslinka ah 100%.

Talo bixin

 (1) Si looga badbaado burburka Puntland waa in madaxwaynuhu kala diraa xukuumadda, uuna ku baaqo doorashooyin uu wakhtigooda laga soo hormariyo.
(2) Haddii uu madaxwaynuhu ka baaqsado waa in shirwayne la abaabulo, shirkaasi oo ay hormuud ka noqdaan Isimada, aqoonyahanka, culimada iyo ururada bulshada .
(3) Si looga baaqsado bur bur loona dhiso xukuumad tayo leh qaadina karta xilka shacabka si ay u dhabowdo halku dhaggii ahaa Soomaaliland waa xukuumad shacab wayday, Puntlandna waa shacab xukuumad waayey, koonfurtuna labadaba waa wayday.


QORE EX-MP. CALEEN NUR CALI GAANI
tell; 252-5757428
Email: mpgaani@hotmail.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 6, 2006



»Police maxaa la dhahaa tiknikaa!! | Saahid
»Rag is Gurayee ana Dagayee ayay la mid tahay Hadalka Chango
»
Muftigii suufiyada oo laga hayo “Wahaabiyo waa ahlusunna”. | C.M.
»Wax ka baro maalinta Jaceylka Adduunka! | Faarax
»
Ilmadii Dagaalka Sokeeye | A. M. Yusuf
»Maxayse kala yihiin Qabiil & Qabyaalad? | M.B.Salaad
»DR. GEEDI....WAA..LALA    XISAABTAMAYAA !!!! | Dr.Dhaanwade
»Somaliland maamul baali ah iyo shacab beerka dhigay | Osman
»
RIYADA MADXAWYNHA PUNTLAND INUU SEEXDAA KA HOREEYSA.?
»Safar kaan kutagay  koonfurta masar ee aswaan | Kaneec
»Cali Ciir Ama Ciidan Hel |
Cabdiwali
»Soomaaley  wahaabiyo waa musline –taa ha la ogaado? | C.M
»Maxaa la gudboon islaamka kadib aflagaadadii loo geystey rasuulka

»Boqollaal Dambiile : Maansadii 43aad ee DoodWanaag
»Damiiryeesha : Maansadii 44aad ee DoodWanaag
»TAXANAHA DHAXALREEB... 2006.. Akhri (PDF)
»ABAARAHA KATAAGAN GEESKA AFRICA | Eng. Badal
»Siyaasada Soomaaliya waa ijiid aan ku jidee | Ahmed-haadi
»
XIJAABKA DHIG IYO DHIGI MAYO! | Xoday
»Cismaan Caato ‘‘ma jecli dagaal, ee waxaan jeclahay nolosheyda’’!!
»BAAQ KU SOCDA MADAXDA & SHACABKA SOMAALIYEED Eng. W.
»
Baaq Guud oo ku Wajahan Aqoonyahanka Soomaaliyeed | Afgooye
»Suufiyo wax ma Akhrido hadey Akhridona ma Fahamto| cm
»Rajo Weyn iyo Halgan Adag: Xaaladda Soomaalida hadda hortaal..
»Kabashada Cilmiga Gaaban Waa Lagu Kadeedmaa | Maxamed Xaaji  
»Puntland oo Musuq maasuq hareerayay | saajinka
»Mid ka mid ah kutubta wahaabiyada wax ku qoran. | Garweyne
»
Qeybtii koowaad:Puntland xaggee u socotaa? | shakib
»Somaliland Horumar Intee Le'eeg Bay Gaadhay | Samale
»»GABAY::: SONKOR-QUBATAY!! |
Dhagaafe
»ZAKADA MAALKA LAGA BIXIYO... AKHRI


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD