Dhisiddii
maamul goboleedka Puntland ee 1998-dii waxa ay ahayd guul weyn oo usoo
hoyotay beelaha goboladii la oran jiray Waqooyi Bari.
Ujeedkii
loo aasaasay Dawlad Goboleedka Puntland waxa uu ahaa inay qabato adeeggii
dadwaynahu u baahnaa, maadama ay meesha ka baxday dowladii dhexe,waxayna
dadka u ahayd waa cusub oo u baryey, sida la ogyahayna waxaa ummadu ku
horumartaa maamul wanaagsan, waxayna ku dib dhacdaa maamul xumo. Maah maah
carabiya baa waxay leedahay maamulka wanaagsani waa nolosha barkeed , waxaa
nin khabiir maamulka ku ahi yiri waxaan leeyahay maamulka wanaagsani waa
nolosha dhamaanteed.
Haddaba
waxaa cad in xukuumadii uu hogaaminayey col. C/laahi Yuusuf Axmed ay gudan
wayday xilkii ay qaaday, mudo afar sano ah oo aan wax horumar ahi jirin,
xiligii xukuumaduna dhamaaday waxay damacday inay kororsato xiligii
jiritaankeeda, kadib waxaa ka dhashay kacdoon dadwayne oo lagu riday
xukuumadii. 07-08-2001, xukuumadii C/laahi Yuusuf waxaana kacdoonkaasi kadib
lagu doortay col. Jaamac cali jaamac oo aanay hana qaadin xukuumadiisii, mar
labaad waxaa hogaanka awood millatari kula wareegay Col. C/laahi Yuusuf taas
oo shacbiga Puntland ku ahayd dhacdooyinka waawayn oo ay xusuustaan.waxayna
dhalisay niyad jab iyo rajo xumo u soo hoyatey dadwaynaha Puntland.
Intaa
kadib waxay dadwaynuhu marlabaad heleen jaanis ay ku muujin karaan
dareenkooda markuu c/laahi yuusuf u gudbay xilka madaxwaynenimo ee dowladda
federalka kumeel gaarka ah, waxaana la gaaray xiligii la dooran lahaa
xukumad cusub xiligaas oo uu madaxwayne ahaa Dr. Maxaemed Cabdi Xaashi,
wuxuu abaabulay doorasho gacan ku samaysa ee uu musuq hareeyey, markuu soo
celiyey xubnihii hore ee baarlamaanka, kuwaasi oo aan u qalmin xilka
baarlamaanimo, marka laga reebo xubno yar oo beelaha qaarkood ku mintideen,
iyagoo ku fashilmay sharcigii ay shacabka wakiilka uga ahaayeen, waxaana
dhacday doorasho waxaana ugu cad cadaa musharixiinta maxamed cabdi xaashi,
Gen. Maxamud muuse xirsi (Gen. Cade)iyo wasiirka qorshaynta C/raxmaan
Faroole waxaana guushu ku raacday Jananka. Mar labaad ayaa waxaa u beryay
waa cusub shacabwaynaha Puntland.
Maxaase
dhacay guul kadib:. Talaabadii ugu horeysay ee uu madaxwaynahu qaaday waxay
ahayd dhismihii xukuumadda taas oo ku dhalisay shacbiga puntland niyad jab,
wuxuuse dadwaynaha ku qanciyey waan ogahay khaa’imiinta anaase tab la maagan,
haddaba nidaamkiii maamulkii hore oo faashilka ahaa waxaana meesha ka
maqnaaa oo kaliya madaxwaynahii hore Col. C/laahi Yuusuf Axmed, dhanka kale
waxaa soo kordhay arrimahan soo socda:-
Amni
xumo iyadoo ay badatay aargoosi qabiil, hubkoo ku soo batay suuqyada,
waxaana loo aaneeyaa in badan falalka qaar badan in ay fuliyaan ciidamada
maamulka, musuq maasuqa oo aad u hareeyey maaulka Puntland ayaa hadda wuxuu
gaaray meeshii ugu sareysay, waxaana la qaadaa dhammaan canshuuraha ku
waajiba shacbiga, oo aan wax adeeg ah loogu sameyn, galena jeebabka dad
kooban, waxaa kale soo ifbaxay lacago laga qaado dadka shacbiga ah oo aan
iyagu marinba khasnada dowladda, sida lacagta la yiraahdo kordhintii Gen.
Aadan gabiyoow, over-head taxation, waxaa kale oo jirta lacag iyadana loo
yaqaan rarid iyo dajin.
Kontoroolka
galkacyo ee waqooyiga oo asna lagu qaado mid la mid ah tan dekadda lagu
qaado taas oo bilaabatey xilligii col. C/laahi Yuusuf laga soo saaray Bosaso,
lacagtaasi oo ay toos u qaataan xubno gaar ah. waxaa kale oo ay ku
fashilantay xukumadu dhamaan adeegyadii dadwayne, sida caafimaadka,
waxbarashada iyo shaqo bixinta, waxaa kale oo fadhiid ah hay’adihii amniga
sida booliska, maxkamadaha, xabsiyada i.wm. Kuwasi oo hadda isug badalay
goobo ganacsi, waxaa kale oo xukuumaddu ku fashilantay dhismayaashii
goloyaasha deegaanka ayadoo shuruucdii ay u dajisay garab martay kuna
kalsoonaan wayday, waxayna si fadeexad ah xukuumaddu ku dooratay Saajin
Xuseen Jaamac Yabaq, oo hore u ahaan jiray duqa degmada Gaalkacyo., isagoon
haysan kalsoonida deegaanka haba yaratee, waxayna hadda shacbiga Gaalkacyo
doorteen gole deegaan oo sharci ah , waafaqsanna shuruucda ay u dajisay
Puntland, goluhuna waxay gudoomiye u doorteen Dr. Saleebaan Xaaji C/lla,
waxayna dad badan is waydiinayaan sababta ay xukuumaddu ugu dooratay Saajin
Xuseen.
waxaa
kale oo gacanta ka baxay dhismayaashii dowlada ee dagmada galkacyo iyo
dhulkii banaanaa, waxaana la oran karaa waxba lama hanbayn, waxaa kamid ah
goobahaas la boobay xeradii la oran jiray daraawiishta, oo hadda loo yaqaan
booli qaran, waxaa kale oo ka mid ah goobaha meesha ka baxay santer-dii
xaafadaha, Horumar iyo Israac, dhismihii maxkamada badbaadada, waxaa kale oo
kacdoon dadwaynuhu ku joojiyeen xeradii Dayax iyo goobo kale oo muhiim ah,
waxaana sidoo kale la xaalufiyey khayraadkii badda oo ay hadda ku jiraan in
ka badan 600 maraakiib shisheeye ah oo maamulka ruqsad ka haysta.
Rajo
xumada ugu danbaysay waxay soo ifbaxday markuu madaxwaynuhu ku dhawaaqay
xukuumadii loo sugayey sidii gu’ga oo kale, taas oo dadwaynuhu u arkeen
dhiciddii xukuumada Gen.-cade waayo hadda ma jirto wax marmarsiinyo ah waxaa
kale oo dadka walwal ku abuuray isku dhicii xukuumada iyo wasiirka
qorshaynta markii laga saaray xukuumada isaga iyo wasiirkii arimaha gudaha,
labada wasiir oo ahaa labada xubnood ee kaliya oo qaadan kara ama istaahila
xilka wasiirnimo ee xukuumada cusub, dadwaynuhu hadda waxay is waydiinayaan
laba su’aalood mida koowaad madaxwaynaha oo halku-dhag ka dhigtay in uu
badali doono xukuumadiisa, dhaliilana u soo jeedin jiray, taas oo cadaatay
in uusan madaxwaynuhu karti u lahayn in uu fuliyo waxa uu rabo.
Tan
kale maxaa sababay isku dhaca wasiirka qorshaynta iyo madaxwaynaha oo ay
isku xilbi ahaayeen xilligii doorashada markaas oo loo qaybsanaa laba
kooxood?
Waxaana la oran karaa guushii Cadde waxaa dhaliyey faroole , haddaba waxaa
muuqata in uu Gen. Cadde uu sameeyey balan fur, wuxuuna ku biiray raggii ay
is hayeen, wuxuuna dhumiyey saaxiibadii,waxaa si gaara loo tilmaamaa in uu
madaxwaynuhu gacanta u galay ku xigeenkiisa Afqurac iyo wasiirka maaliyadda
Gaagaab, labada nin oo ah niman aan bulsho waynta Puntland laga qadarin,
waxaa kale oo la sheegaa inay labada ninba aaminsan yihiin mabaa’diida
shuuciyadda , waxayna taasi ka faquuqday bulsho weynta muslinka ah 100%.
Talo bixin
(1) Si looga badbaado
burburka Puntland waa in madaxwaynuhu kala diraa xukuumadda, uuna ku baaqo
doorashooyin uu wakhtigooda laga soo hormariyo.
(2) Haddii uu madaxwaynuhu ka baaqsado waa in shirwayne la abaabulo,
shirkaasi oo ay hormuud ka noqdaan Isimada, aqoonyahanka, culimada iyo
ururada bulshada .
(3) Si looga baaqsado bur bur loona dhiso xukuumad tayo leh qaadina karta
xilka shacabka si ay u dhabowdo halku dhaggii ahaa Soomaaliland waa xukuumad
shacab wayday, Puntlandna waa shacab xukuumad waayey, koonfurtuna labadaba
waa wayday.
QORE EX-MP. CALEEN NUR CALI GAANI
tell; 252-5757428
Email:
mpgaani@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | March 6, 2006