Wararkii Nov 16, 2006
- Warar ku saabsan xaaladda
Deegaanka Bandiiradley..
- Baaq ka soo yeeray Golaha
Dhaqanka..
- Maamulka Gobalka Sh/hoose oo..
- Ciidamada Maxaakiimta oo shalay
gubay..
- Maxaakiimta Islaamiga ah oo soo
saaray sharciyo..
- Warbixin cusub oo ay soo
saartay Qaramada Midowbay oo lagu eedeeyay 10 wadan in ay lug ku
leeyihiin dhibka Somalia.
ONLF oo Digniin u
jeedisey Shirkadda Lundin ee reer Sweden
Kaddib markii Ethiopia ay heshiis 25 sano ah Lundin
kula gashay in ay shidaal ka baarto "Gobolka Soomaalida"...
Guji..
Warar
ku saabsan xaaladda Deegaanka Bandiiradley..
Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Gen. Cadde Muuse ayaa maalintii
shalay ahayd waxa uu booqday wajiga hore ee ay isku hor fadhiyaan
Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Ciidamada maamul Gobaleedka Puntland, waxa
uuna Cadde Muuse uu booqday saddex goobood oo ay degan yihiin
ciidamadaasi, kuwaasoo ahaa kuwo ku jiray jiray difaac, waxa uuna u
sheegay in loo baahan yahay in waqtigaan la difaaco maamul Gobaleedka
Puntland oo uu sheegay dad doonaya inay burburiyaan maamulka iyo
Nabadgelyada ka jirta Puntland.
Cadde Muuse waxa uu mushaarooyin aan
sidaasi u badneyn siiyey ciidamada Puntland, waxa uuna sheegay in maamul
gobaleedka Puntland uusan weerar ku hayn Maxaakiimta Islaamiga ah balse
ay yihiin kuwo difaaca maamulkooda, isagoo sidoo kalana sheegay in ay
gacan bir ah ku qaban doonaan dadka gacanta siinaya Maxaakiimta
Islaamiga ah ee ku sugan maamul Gobaleedka Puntland, Cadde Muuse waxa uu
mar kale ku celiyey in ay Maxaakiimtu yihiin qabiil doonaya inay qalqal
ku abuuraan maamul Gobaleedka Puntland, waxa uuna u soo jeediyey
shacabka iyo ciidamada ina ay u is taagaan difaaca deegaanadooda. Cadde
Muuse ayaa dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo, waxa uuna markiiba kulan
deg deg ah la yeeshay Odoyaasha iyo Waxgaradka Magaalada Gaalkacyo
isagoo u soo jeediyay in ay gacan siiyaan maamul Gobaleedka Puntland oo
uu tilmaamay in ay ku soo wajahan yihiin caddow fara badan. Sidoo kale
waxaa maamul Gobaleedka Puntlanad ka socda furitaanka Maxkamado islaami
ah oo ay leeyihiin beelaha ku nool Puntlnad, waxaana ugu dambeysay
maxkamad ay furteen Beesha Ugaas Suleymaan. Sidoo kale Beesha Cali
Suleymaan ayaa iyana taageertay Maxaakiimta Islaamiga ah, waxayna
sheegeen in loo baahan yahay in beelaha ku nool Puntland ay soo
dhaweeyaan Maxaakiimta Islaamiga ah. Isku soo wada duuboo xaaladda
Puntland ayaa aad u kacsan iyadoo dadweynuhu u qaybsadeen kuwo
taageersan Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kuwo taageersan maamulka
Puntland.
Baaq ka soo yeeray Golaha Dhaqanka..
Golaha dhaqanka Soomaaliyeed isagoo ka duulaya dhibaatada ay dagaaladu
leeyihiin iyo musiibooyinka Dabiiciga ah waxa uu ku baaqayaa in la
joojiyo dhamaan wax alla wixii keeni kara colaad gaar ahaan Goobaha
Dagaaladu ka jiraan iyo kuwa la isku hor fadhiyaba, iyadoo la og yahay
in shacabka Soomaaliyeed soo mareen 16 sano oo dagaal sokeeye ah, goluhu
waxa uu aad uga xun yahay joojinta ay Dowladda kenay joojisay
duulimaadyadii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo aysan jirn wax
marmarsiyo ah oo ay hayso Dowladda Kenya, sidaa darteed Dowladda Kenya
waxa uuna goluhu ka codsanayaa inay ka noqoto go’aankaasi, iyadoo u
daneyneysa maslaxadda labada shacabka ee deriska ah ee Kenya iyo
Soomaaliya, waxaana baaqaan ku saxiixnaa Afhayeenka Golaha Dhaqanka
Soomaaliyeed C/llaahi Cabdulle Weheliye.
Maamulka Gobalka Sh/hoose oo..
Maamulka Gobalka Sh/hoose ayaa u soo jeediyay Hay’adaha Samafalka ee ka
hawlgala gobalkaasi inay gacan ka gaystaan dhibaatooyinkii ay gaysteen
fataahada iyo roobabkii dhawaan ka da’ay gobalka Sh/hoose.
Waxa uu maamulku sheegay in qoysas fara badan ay ka barakaceen qaar ka
mid ah degmooyin ka tirsan gobalka Sh/hoose oo ay ka mid yihiin
Kurtunwaarey, Qoryooley, Sablaale, Marka, Aw-dhiigle, Afgooye iyo
Wanlawey, kuwaas oo ay dhibaatooyin ku haystaan dhul bannaan, oo aysan
haysan wax Hoy, cunto iyo daawaba.
Maamulku waxa uu sheegay in Hay’adaha Samafalka aysan wax buuran ka
qaban dhibaatadda baaxadda leh, waxayna ka cosadeen Hay’adaha u
xilsaaran la tacaalidda musiibooyinka deg degga ah in ay dadkaasi la soo
gaaraan gargaar, waxa uuna maamulku sheegay in Hay’adda ICRC oo iyadu u
so gurman jirtay markay Gobalka ka dhacaan musiibooyin noocaan oo kale
ah ayaa haatan moodaa in ay arrintaasi ka gaabisay, waxayna ka
codsaneysaa Hay’addaasi in ay gargaar u fidiso dadkaasi, waxaana baaqaan
ku saxiixnaa guddoomiye ku xigeena Gbalka Sh/hoose Max’ed Xaaji Cali
Abroone (Baaboow)
Ciidamada Maxaakiimta oo shalay
gubay..
Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ee ku sugan Siinka Dheer ee wadada
isku xirta Afgooye iyo Muqdisho ayaa waxay ku gubeen Qaad Hareeri ah oo
ganacsato ay ka keeneen Magaalada Hargeysa, kaas oo markiisii hore laga
keenay dalka Itoobiya.
Ciidamada Maxaakiimta ee ku sugan Siinka Dheer , ayaa waxay sheegeen in
aysan aqbali xiriir lala yeesho dowladda Itoobiya oo ay sheegeen in ay
tahay caddowga koowaad ee Ummadda Soomaaliyeed.
Ganacsatada keentay qaadkaan ayaa waxay sheegeen in Maxaakiimta aysan ku
soo wargelin joojinta qaad la keeno Muqdisho, sidoo kale Xildhibaan
Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxa uu sheegay in Maxaakiimta Islaamiga
ah aysan wax wargelin ah ka siin in jaad ka soo dego Garoonkiisa, waxa
uuna sii raaciyey “weligay ma maqal fulin ka horeysa sharcigii” waxa
uuna u soo jeediyay Maxaakiimta in ay digniin bixiyaan ka hor inta aysan
ku dhaqaaqin.
Maxaakiimta Islaamiga ah oo soo
saaray sharciyo..
Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah qaybteeda Farida Samaha iyo Reebida
Xumaha ayaa waxa ay shacabka Soomaaliyeed u wargelineysaa in gebi
ahaanba la xiro goobaha Ganacsiga marka la gaaro Salaadda, in aan
Sigaarka lagu cabi Karin goobaha ay bulshadu isugu timaado, in Ragga iyo
Dumarka ajnabiga kala ah aysan goob wada joogi jirin (ama isla khalwoon
karin), in aan Muusikada aan kor loo dheereyn, gaar ahaan meelaha
Cajaladaha lagu iibiyo iyo in Goobaha Haweenku isku qurxiyo la joojiyo
iyo kuwo kale.
Sharciyadan ayaa waxaa soo dhaweeyay shacabka Soomaaliyeed, waxayna ku
soo beegmeen xili maalintii shalay ahayd Siinka Dheer lagu gubay qaad
laga keenay Wadanka Itoobiya oo ay lahaayeen ganacsatada Qaadka, waxaana
ka carooday dadkii cuni jiray qaadkaasi iyo waliba dadkii ay lacagta ka
gashay qaadkaasi oo sheegay in aysan Maxaakiimta soo wargelin.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Warbixin
cusub oo ay soo saartay Qaramada Midowbay oo lagu eedeeyay 10 wadan in
ay lug ku leeyihiin dhibka Somalia.
Warbixin cusub oo ay soo saartay
qaramada midowbay ayaa lagu sheegay in arimaha ka dhacaya ay ku lug
leeyihiin wadamo badan wadamadaasi ayaa lagu sheegay in wadamada
Suriya iyo Iran ay somalia siiyaan sahay ciidan iyo qalabka milatariga
iyaga oo ku gar gaaraya midowga maxkamada muqdisho.
Halka ay 3dex wadan oo kalena ka
caawiyaan dawlada FKG ah ee somalia ee fadhigeedu yahay Baydhabo.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in
wadamada sida aadka ah u caaawiya midowga maxaakiimta in ay yihiin
Suriya, Iran, Eritrea, Djibout, Egypt, Libya, iyo Saudi Carabiya sida
warbixinta lagu sheegay.
Ethiopia, Uganda, Yemen ayaa lagu
sheegay in in ay yihiin 3dexda wadan ee caawiya dawlada kumeelgaarka ah
ee somalia.
Ethiopia iyo Eritrea ayaa lagu
magacaabay warbixinta in ay yihiin dawladaha ugu waawayn ee faraha kula
jira arimaha somalia oo aan 15kii sano ee ugu danbaysay aan lahayn
dawlad dhexe oo shaqaynaysa.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Dawlada
Iran ay si wayn iyana u gargaadho oo ay hub badan u dirtay midowga
maxkamda muqdisho.
Wadamo badan oo warbixinta ay soo
saartay qaramada midowbay lagu magacaabay in ay kulug leeyihiin arimaha
somaaliya ayaa arrintaas diiday.
Warbixinta ayaa lagu sheegay waxa ka
dhexeeya wadamada Iran, Suriya, Lebanon iyo midowaga maxkadama Islaamka
ee maqdisho sida warbixinta ku cad.
warbixinta alyaa sidoo kale lagu
sheegay in 720 mudadawiciin somali ah loo diray Lebanon si ay u
caawiyaan Xisbullah oo dagaal kula jirtay xiligaas wadanka Isreal
bilihii July.
Suriya ayaa iyadana lagu eedeeyay in ay
Muqdisho u dirtay diyaarado hub ah oo ay midowga maxkamaduhu ay gacanta
ku hayaan.
Iran ayaa iyadana lagu eedeeyay in ay
3dex markab oo hub iyo rasaas ah u dirtay Caasimada Somalia ee Muqdisho
bilihii Jullay iyo September.
Hal bog oo ka mid ah warbixinta
qaramada midowbay ay soosaartay ayaa ka hadlaya in Iran ay danaynayo ama
ay doonayso in ay hubkeeda iyo saanada malatari ee ay ku gargaarayso
midowga amxkamadaha Muqdisho ay ku badalato macdanta Uranionka oo ay
doonayso in ay Iran ku bacrimiso Barnaamijkeeda hubka wax gumaada ee
nuclearka.
A/rizak koronto
Garowe Puntland