SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print
Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.
:::GAROONKA GAROOWE:::

$250,000 Range Resource Sheegtay in ay u dhiibtey Isimada Garoowe Halkee ku Danbaysey...
:::MAQAALKII INJ. CIBAAR:::
cibaar Maqsuud: Maashaa-Allee Sow Muqdisho Lama Mushaaxaayo!
isbeddelladii dhowaan ka dhacay  Muqdisho
Akhri...
:::MAQAALKII ASSAD:::
AssadDimishiq Caasimaddii Umawiyiinta, Taariikh Qotodheer, Warbixin:.. AKhri... (pdf)
:::HORYAALKA YURUB:::

Isku Aadka Horyaalka Yurub
 
:::HARGEYSA:: GARGAAR:::
Xamse Axmed Xuseen waa wiil yar oo ay haleeleen xanuun rabaani ahi una baahan in lagula daalo dhakhtaro... Akhri...
:::MAQAALKII CILMI:::
cilmiGardarada garabka og iyo gobanimadoonka go’doonsan: WQ. A.D. Elmi.. Akhri
OLOLAHA NADAAFADA XAMAR:
hamar
Garoonka Muqdisho: Wejiga hore ee ololaha nadaafadda iyo bilicsamida Muqdisho.. Akhri..
:::GEEDDI & BAARLAMAANKA:::
geediGeedi oo Gowska Dambe  ka Qosley: waayo 90% waxay filayeen in Geeddi uu dhacayo. Qore: Amiin
 
:::682 QOF OO LA DILEY:::
Soomaaliya: Magacyada iyo meelahii lagu diley 682 qof oo rayad ah muddadii u dhexeysey July 22, 05 - July 20, 06.. Akhri...
::GABAYGII INJ.CIBAAR::
cibaar
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo

:::OTTAWA ISLAMIC SCHOOL:::
iskuul
Waraysi maamulaha Ottawa Islamic School, Maxamed Sh. Axmed.... Halkan Guji...
::: DOOD-CILMIYEED:::
dood
Aqoonyananno Soomaaliyeed oo ka hadlay isbedelka iyo kacdoonka ka dhacay Soomaaliya Halkan ka dhegeyso...
qoraalHooyo Faadumo “Wiilkayga kama quusane, Qiil gargaar ma ii haray" Akhri...
::: XAFLAD MAHADCELIN AH:::
qoraal
Minneapolis: Masjida Dar-alHijra oo qabtay xaflad mahad celin ah
:::MUQDISHO:::
qoraal
Aayadaha Qur’aanka Maxay Galabsadeen | Qore: Amiin Yusuf

:::ISBEDELKA CUSUB EE SOM:::
somSOOMAALIDA DIBADDA IYO ISBEDELADA CUSUB!:: Qormadii Sh. Xasan Jaamici... Guji..
:::WARAYSIGII SH. SHARIIF:::
Sharif Wareysigii Sheekh Sharif Sheekh Ahmed ee June 22 oo Af-Soomaali lagu tarjumey... Akhri..
::ARDAYDA SOMALIDA INDIA::
qoraal
Xaflad  Qalin Jebin Ardayda Wax ka barata  Hindiya... Guji..
:::BILICDA BOOSAASO:::
bilic
Warbixintii Yusuf Gaduudow.. Guji
:::WARAYSI: DR. FAROOLE:::
farooleC/Raxmaan Maxamed Faroole oo u Waramay Idaacada Australia... Guji..
::GARYAQAAN C/LAHI FARAX::
qoraalWajiga Labaad ee Kacdoonka  Muqdishu:
ha la taageero rabitaanka iyo kacdoonka Shacbiga reer Muqdisho...
Guji...
::MAQAALKII ASAD::
Maxkamaduhu Maka Faa'iideysan Doonaan Guulaha, MIse Saliid iyo Baladxaawo Kama Duwana | Asad
:::WARAYSI:: QAADKA:::
qoraalWaraysi ku saabsan Qaadka oo Radio Australia SBS la yeelatay  Eng.Ismail Said Aw-musse... Guji
:::M. C. YUUSUF:::
yusufMaxaad ka taqaan Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf: Waddaniga aan Daalin!.... Guji...
:::CIBITAALKA MANHAL:::
qoraal
Manhal Specialty Hospital waa cusbitaal Hargeisa laga furay
Bandhigga "Ibn Khaldun"
Spain iyo dunida Islaamka...
::: ISGAARSIINTA::::
qoraalTAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA Q.10aad
Qaybtani waxa ay ku bilaabaneysaa heerarkii uu soo maray Raadiyaha. Akhri..

QORAALO KALE OO XIISO LEH... GUJI


Wararkii Nov 6, 2006
  • C/llaahi Yuusuf iyo Miles Zenawi oo kulan gaar ah ku yeeshey..
  • Shariif Xasan “Cid aan fasax uga qaadanayo ma jirto Dib u Heshiisiinta…”
  • C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo qorsheynaya in ay xilka ka qaadaan Gudoomiyaha.
  • Mas’uuliyiinta Kenya oo sii daayey Madaxdii Gobolada Jubbooyinka...
  • Guddoomiyaha NUSOJ oo qabtay shir jaraa’id oo uga hadlay
  • Gudoomiyaha Baarlamaanka Shraiif Xasan Sh. Aadan oo si diiran loogu soo dhaweeyey Muqdisho.


C/llaahi Yuusuf iyo Miles Zenawi oo kulan gaar ah ku yeeshey..

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Bakiin ee Dalka Shiinaha kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweynaha Dalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya Miles Zenawi oo iyagu ka qaybgalaya kulan madaxeedka u dhexeeya wadanka Shiinaha iyo wadamada Afrika, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday arrimhii ugu dambeeyay ee Dalka Soomaaliya, waxaana la sheegay in C/llaahi Yuusuf uu qoraal u gudbiyey Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya Miles Zenawi, warqaddaas oo ku saabsaneyd in Dowladda Itoobiya ay halis kaga imaan doonto Maxaakiimta Islaamiga ah ee ku sugan Dalka Soomaaliya, wuxuna sheegay C/llaahi Yuusuf in Maxaakiimtu ay martigeliyeen ama ay wadanka ku hayaan kooxo argagixiso ah oo u dhashay wadamo Carbeed.

C/llaahi Yuusuf waxa uu Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya ka codsaday in uu sii balaariyo taageerada uu u hayo dowladda Federaalka oo uu sheegay in ay halis ku jirto haddii aan deg deg loo soo gaarsiin ciidamo, waxa uuna C/llaahi Yuusug uga mahadceliyay Miles doorka ay Itoobiya ku leedahay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan difaacidda Dowladda Federaalka ah, sidoo kale Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Amxed waxa uu kulan la yeeshay Madaxweynaha dalka Kenya Kibaki waxa uuna isna uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya, isagoo sheegay in xaaladda gobalka ay haatan mareyso meel Qatar ah kaddib markii uu sheegay in Maxaakiimtu isku balaarinayaan gudaha Dalka Soomaaliya, waxa uuna ka dalbaday Dowladda Kenya dadaalka ay ku taageereyso Dowladda Federaalka

Shariif Xasan “Cid aan fasax uga qaadanayo ma jirto Dib u Heshiisiinta…”

Guddoomiyaha Baarla-maanka Soomaaliyeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho waxaana soo dhaweyntiisa ka qayb-qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta iyo dadweyne aad u fara badan oo ku faraxsanaa imaanshaha Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Mar ay shir jaraa’id ku wada qabteen Hote Amiir Guddoomiye Shariif Xasan iyo Guddoomiyaha guddiga Fulinta Sheekh Shariif ayaa waxa uu Shariif Xasan sheegay in uu Muqdisho u yimid sidii uu labada dhinac uga badbaadin lahaa dagaala. Mar wax laga weydiiyey Shariif Xasan in imaanshihiisa Muqdisho ay keeni karto khilaaf dhex mara Dowladda waxa uu ku jawaabay “Anigu cid aan fasax uga qaadanayo dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed ma jirto, waayo iyagaba fasax uma qaadan shirkii Khartuum waana taageersanaa, in khartuum la tago Muqdishana fasax loo qaato anigu ma garanayo halka ku saleysan tahay”, maanta ayaana la filayaa in uu wada hadal rasmi u furmo labada dhinac. (Warbixino dheeraad oo ku saabsan sidii Muqdisho loogu soo dhoweeyey shariif xasan hoos ka akhri).

C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo qorsheynaya in ay xilka ka qaadaan Gudoomiyaha.

Warar aanu ka helnay magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ay qorsheynayaan sidii xilka looga qaadi lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay ku tilmaameen in uu ku xadgudbay dastuurkii iyo Axdigii KG ahaa.

Qorshaha ay wadaan labadan mas’uul ayaa ah in marka Guddoomiyaha xilka laga qaado loo dhiibo Sheekh Aadan Madoobe oo tartankii doorashada ahaa ee ka dhacay Nayroobi ay isku soo hareen isaga iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee haatan. Qorshahan ayaa la sheegay in la fulin doono marka uu C/llaahi Yuusuf dib ugu soo laabto Magaalada Baydhabo, waxaana haatan shirar gaar gaar ah lala leeyahay xubnaha Baarlmaanka, waxaa suurtogal noqon doonin sidii loo heli lahaa kooramkii uu Baarlamaanku ku fariisan lahaa.

Mas’uuliyiinta Kenya oo sii daayey Madaxdii Gobolada Jubbooyinka...

Mas’uuliyiinta wadanka Kenya ayaa qirtay mas’uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah gaar ahaan kuwa Jubbooyinka in ay dhawaan diyaarad ka soo dejisay Magaalada Nayroobi, diyaaraddaas oo la doonayey in ay u kicintinto Magaalada Muqdisho.

Inkastoo aan faahfaahin rasmi ah laga bixin sababta ay diyaaraddaasi ugu degtay Magalada Nayroobi, ayaa warar waxay sheegayaan in diyaaraddaasi ay markii hore ku soo jeeday Magaalada Muqdisho, balse markii ay ku soo degi wayday dib ugu laabatay magaalada Kismaayo oo ay iyana ku degi waysay kaddibna waxay ka degtay Magaalada Nayroobi.

Mas’uuliyiinta saarnaa diyaaraddaani ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Maxaakiimta ee Jubbooyinka Axmed Max’ed Islaan, waxaana lagu waramay in haatan uu wada hadal u socdo mas’uuliyiinta wadanka Kenya, oo ay ka wada hadlayaan sidii loo adkeyn lahaa xuduuda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya, waxaana la filayaa in Guddoomiyaha uu maanta dib ugu soo laabto Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha NUSOJ oo qabtay shir jaraa’id oo uga hadlay isbedelka ka dhacay Muqdisho iyo qaabka saxaafadu ula jaanqaadi karto

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ Maxamed Barre Xaaji (Fiyoore) oo dhowaan dib ugu soo laabtay dalka ka dib safar la xiriira arrimo Caafimaad oo isaga u gaar ah uu ku tagay magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaaladan Muqdisho xafiiskiisa magaaladan Muqdisho kaga hadlay aragtidiisa ku wajahan isbedelada cusub ee dhowaan ka dhacay Xamar iyo sida loogu baahan yahay in suxufiyiinta magaalada Muqdisho ay ula jaanqaadaan.

Fiyoore ayaa intaasi ku daray in dhowaan ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed uu qaban doono shirweyne ujeedadiisu tahay sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa ururka, isla markaana suxufiyiinta Soomaaliyeed ay u yeeshaan jawi isfaham mar haddii laga soo baxay buu yiri xaaladaihii adkaa ee magaaladan Muqdisho ay mudada dheer ku soo jirtay oo meeshana ay ka baxeen shaqsiyaadkii ku qaraaban jiray magaca suxufiyiinta Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna tilmaamay in shirweynahaasi lagu dooran doono dad ehel u ah saxaafada oo aysan dhici doonin in mar dambe ay meesha soo galaan kuwo aan garaneyn waxa saxaafadu ay tahay oo sida uu sheegay ku caanbaxay musuqmasuq iyo daneysi iyaga u gaar ah.

“Lama arag weli shaqsi meel hoose ka jooga ururka uu ka tirsan yahay oo haddana la ficiltamaya mas’uuliyinta ka sareysa” ayuu yiri Fiyoore oo ereyadaasi ula jeeday xoghayihii guud ee ururka NUSOJ oo uu tilmaamay in markii loo adkeysan waayey dhibaatooyin uu sheegay inuu ku hayey NUSOJ laga qaaday xilka 29-kii Juun ee sanadkan, isagoo sheegay in hadda uusan wax xil ah ka heynin ururka oo isla markaana uu howlo isaga u gaar ah ku howlan yahay.

“Wax mas’uuliyad ah ma kordhineyso haddii shaqsiyaad ka falaagoobay dadkooda ay la kulmaan ururo ajnabi ah, aqoonsiga waxa bixiyana waa dadkaaga ee maahan ajnabi, waxaana idin sheegayaa in ururada hadda u ninkaasi u diiwaan gashan yahay ay iyaga laftooda u baahan yihiin in dib u habeyn lagu sameeyo sida IFJ oo mas’uuliyiinteeda ay ka kooban yihiin oo kaliya dad cadaan ah oo hal nin madowna uusanku jirin, halka RSF aysan laheyn dimoqraadiyad oo weli ninkii asaasay ayaa ka taliya” ayuu yiri Fiyoore. Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Soomaliyeed Maxamed Xaaji Barre (Fiyoore) ayaa ugu baaqay ugu dambeyntii suxufiyiinta Soomaaliyeed iney ka soo guuraan nidaamka warfaafinta reer galbeedka ee ay hadda ku dhaqmaan, isla markaana u soo guuraan saxaafada ku dhisan qaabka Islaamiga ah. “Waxaa jira wax dan guud ah oo aan dhexdhexaad laga noqon Karin sida diintaada iyo dalkaaga, waxaan ugu baaqayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed iney qalkinkooda iyoi afkooda ku difaacaan diintooda, dadkooda iyo dalkooda” ayuu yiri Fiyoore oo sidoo kale ugu baaqay maamulada dalka ka jira sida kan maxkamadaha iyo dowladda federaalka in haddii ninka suxufiga uu xad gudub sameeyo la soo taago markiiba maxkamad oo hase ahaatee aan la iska xirin muddo dheer iyadoo aan wax dembi ah lagu helin.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com


Ramaas CiiroXisbiga Ramaas oo si kulul uga jawaabey Wareegtidii Madaxweynaha DGPL uu ku mamnuucay xisbiyada Siyaasadeed

Madaxweynaha DGPL Cadde Muuse Xirsi ayaa soo saaray Wareegto ku saabsan amniga siyaasadeed ee DGPL (Wareegtada dhanka hoose ee qoraalkan ayaad ka daalacan kartaa.)

Wareegtadaas waxaa Madaxweynuhu ku xusan in wax Urur siyaasadeed ama diimeed midna uusan ka jiri karin Goboladda Puntland.

Haddaba, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee RAMAAS: Daahir Ciiro ayaan arrintaas ka waraysanay sida ay u arkaan, wuxuuna ku Jawaabay Guddoomiyuhu.... Ka akhri halkan....


Gudoomiyaha Baarlamaanka Shraiif Xasan Sh. Aadan oo si diiran loogu soo dhaweeyey Muqdisho.

Afahayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Md Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si aan horey loo arag loogu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ah ee diyaaraduhu caga dhigtaan ee Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho , isagoo ka soo dhoofay Magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya.


Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ay la socdaan ku dhawaad 40 xildhibaan , ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Labada Gole ee Maxkamadaha, guddi afar xubnood oo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, Ganacsato iyo boqolaal taageeriyaasha Maxkamadaha iyo suxufiyiinta gudaha iyo dibada .

Guddoomiyaha baarlaamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Axadii ka soo ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa markii uu ka soo degay dayuuradii uu la socday waxaa ay si diiran isu gacan qaadeen mas'uuliyintii ka socotay maxkamadaha Islaamka oo ay ka mid ahaayeen Shiikh Shariif Sh: Axmed , sh: Muqtaar Roobow ( Abuumansuur ) Sh: cabqadir maxamuud faarax ( janaqow ) sh: yuusuf Maxamed siyad indhacade , sh: Nuur Baaruud Gurxan , sh: Maxamud Ibraahin Suulay , Sheekh Xasan Dahir Aweys ,Ibraahiim Xasan cadow iyo mas.uuliyiin kale oo fara badan oo ka tirsan Golaha Shuurada iyo golaha fulinta ee Maxkamadaha Islaamiga.

Guddoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdigii u horkacayey oo ay u badnaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya oo 20 gaaraya ayna ka mid ahaayeen Cumar Xaashi Aadan, Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) Caasho Xaaji Cilmi, Saleebaan Colaad Rooble, Inj. Maxamed Xuseen Caddow C/qaadir Xaaji Max'uud (Dhaqane), Cabdi Cabdulle Siciid (Jini-boqor), Maxamed Cabdi Yuusuf iyo kuwo kale.

Booqashada Guddoomiyaha baarlaamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku yimid magaaladdan Muqdisho ayaa laga cabsi qabaa in khilaaf hor leh oo la mid ah kii Jowhar iyo Muqdisho uu ku keeno xubnaha labada gole ee dowladda, ka dib markii mas'uuliyiinta dowladda ee ku sugan Baydhabo oo booqashadan hadda Shariifku ku joogo Muqdisho ku tilmaamay mid isaga u gaar ah oo uusan cidina kala tashan, lamana oga waxa ka soo baxa wadahadalka uu Shariif Xasan la yeelanayo maxkamadaha sida ay meel mar uga noqon doonaan xubnaha dowlada ee Baydhabo ku sugan.

Waxa uu Shariifku intaas ku darey, maadaam shirkii Khartoum ee ugu dambeeyey lagu kala tagey oon wakhti gaar ah la isku qaban; ayaan Muqdisho ugu socdaa si arinkaas loo jilciyo.



Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
002521576666/002521653623

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan safarka guddoomiyaha Baarlamaanka, hoos ka akhri.

Shariif Xasan sh, Aadan; waxaan u imid muqdisho inaan wada hadalsiiyo maxkmadaha iyo dfkmg ah

Gudoomiyaha golaha baarlamanka soomaaliyeed shariif xasan sh,aadan ayaa maanta lagu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho islamarkaana ay gelbinayeen gudoomiyaha golaha shuurada sh,xasan daahir aweys iyo yuusuf indho cade oo hareeraha kaga jira ayaa waxay u muuqdeen kuwo ay farxadi ka muuqatey isku soo boodka iyo hanqltaaga markii aad eegto waxaana ka muuqanayey farxad aan lasoo koobi karin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dfkmg ah Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu degay gurigii horey uga deganaa magaalada Muqdisho ee agagaarka sarta Zoope ama Hotel Amiira ayaa u sheegay wariyaasha in arrimaha ugu muhiimsan ee uu yimid Gobolka Banaadir ay tahay mid ku saabsan dib heshiisiin la dhex dhigo Dowladda iyo Maxkamadaha Islaamiga..

"Waxaa muhiim ah iyadoo isku wada aragti la yahay in loogu adeego diinta, dalka, iyo dadka Soomaaliyeed, si guudna wax loo xaliyo, shirkii Khartuum haddii lagu heshiin waayay, waa in dib loo furaa wadahadal lagu badbaadinayo masiirka Soomaaliya" ayuu yidhi Shariif Xasan oo sheegay in dowladdu aysan jiri karin in magaalo magaalooyinka Soomaaliya ka mid ah ay ku waardiyayso dowlad kale.

"Waxaan u imid Muqdisho anigoo taas ka duulayo in dowladda iyo maxaakiimtu wadahadlaan si khilaafka jira loo dhameeyo, waxaana ka codsanayaa Maxaakiimta inay iga aqbalaan" ayuu yidhi Shariif Xasan Sheekh Aadan

Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa Xildhibaannadii la socday xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Cumar Xaashi Aadan, Caamir Axmed Maxamed, Caasho xaaji Cilmi iyo kuwo kale, waxaana lagu wadaa in isla caawaba uu kulamo la yeesho mas'uuliyiinta sare ee Maxaakiimta Islaamiga.

Dadweynaha Magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan waxay uga hadleen socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka dadka qaarkiis ayaa waxay sheegayan in tani bilaw u tahay burbur ku yimaada Dowladda Soomaaliya, taasi oo faa’iido badan ugu jirta Maxkamadaha, waraka leysla dhaxemaraayo ayaa waxay leeyihiin Shariifka waxaa qaaday Siyaasad lagu baabinayo kursiga uu ku fadhiyo, "Waxaa uu moodaya in raga loo dhameynayo ay yihiin Geeddi iyo C/llaahi, aaqirkana Shariifkani Seefta Maxkamadaha leefi doonta iyo hadalo kale oo ka dhan ah shariifka xasan.

Si kastaba ha ahaatee Shariifka xasan sh,aadan waxaa si gaar ah usoo dhoweeyey Sheekh Xasan Dahir Aweys, Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, Sheekh Yuusuf Indha Cadde , Cadde Gaabow iyo shacab badan . 

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-580916


DOWLADAHA KENYA IYO ITOOBIYA OO...

Dowladaha kenya iyo Itoobiya ayaa ku dhawaaqay inay sameynayaan feejignaan dheeraad ah iyo taxaddar ay ku adkeynayaan amaankooda si ay uga hortagaan waxa ay ugu yeereen qaraxyo lala beegsado goobaha muhiimka ah ee dalalkooda.

Masuuliyiinta dhinaca amniga ee labadaasi dowladood oo hadlay ayaa sheegay iyagoo ka duulaya baaqii ka soo yeeray dowladda Mareykanka safaaradda ay ku leedahay magaalada Nairobi ayay sheegeen in meelaha ay xoogga saarayaan ay tahay xuduudaha labada dal ay la leeyihiin Soomaliya, goobaha laysugu tago, waddooyinka tareenada iyo goobaha kale gaar ahaanna gawaarida isaga gudubta xadka dalalkaas iyo koontaroolada si ay u sugaan ugana hortagaan haddiiba ay jiraan qaraxyo lala beegsanayo goobahaas.

Masuuliyiinta dhinaca amaanka oo soo xiganeysay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay inay haatan ciidamada ammaanka ay u tafaxeyteen inay ka hortagaan wax kasta ee la filan karo inay dhacaan gaar ahaan qaraxyo lala beegsado goobaha muhiimka ah, iyadoo arrintanina ay ka dambeysay dowladda Mareykanka oo dowladahaas uga digtay inay muwaadiniintooda geliyaan feejignaan.

Muuse maxamuud Jisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somalia
002521576666
002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 6, 2006

Gen. Cadde: "Boosaaso waa Magaalo Madaxdii...."
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo magaalada Galkacyo kaga qayb galay shir ayaa sheegay in...  Guji...

Dalka Shiinaha oo laba jibaaraya dhaqaalahii uu siin jirey Qaarada Afrika
»Abshir Bacadle oo wata qorigiisa iyo Booshkiisa oo gaarey..
»Dowladaha Kenya, Uganda iyo Ethiopia oo kulan deg deg..
»Iska hor imaad ka dhacay Magaalada Baydhabo..
»Cadde Muuse oo amar deg deg ah ku soo rogey Galkacyo..
»Saadaam Xuseen maanta ma ka badbaadi doonaa Xukun dil
»Boqore: waa sharci darro imaatinka gudoomiyaha...
»Wafdigii golaha maxaakiimta ee jiray khartoum oo kusoo..
»Markab lagu afduubtay magaalada muqdisho meel u jirta..
»Xuseen Caydiid oo ka hadlay arrimo ay...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Nov 5

Beesha Reer Khalaf oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay W/ Gaalkacyo

Beesha Reer Khalaf oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay W/ Gaalkacyo


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD