Wararkii July 12,
2006
-
Hubkii Bashir
Raage iyo C/qaadir Beebe oo caawa si rasmi ah loogu wareejiyay
Maxaakiimta
-
Sheekh
Shariif oo digniin u jeediyay kooxihii ka haray isbahaysiga
-
Culuma’u-diinka Baydhabo oo u hanjabay Max’ed Dheere
-
43-Gaari oo Tikniko
ah oo Golaha Maxaakiimtu kala wareegeen Cabdi Qaybdiid
-
Hub ay
Dowladdu u soo waday Cabdi Qaydiid oo gacanta lagu dhigay.
-
Sheikh Shariif
oo ka warbixiyey sida uu u dhacay Dagaalkii Xamar
-
Magacyada
Dadka ay Itoobiyaanku dileen iyo kuwa ay xirxireen...
Hubkii Bashir Raage iyo C/qaadir Beebe oo caawa si rasmi ah loogu wareejiyay
Maxaakiimta
Xalay Fiidnimadii ayaa
iska hor imaad waxa uu ka dhacay Deegaanka Shibis, kaasoo u dhexeeyay
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Maleeshiyooyin taageersan Bashiir Raage
iyo C/qaadir Beebe.
Iska hor-imaadkaas oo
dhowr daqiiqo socday ayaa markii dambe warar kala duwan ka soo baxayaan
sababihii uu ku bilowday, warar ayaa waxay sheegayaan in Midowga Maxaakiimta
lagu wargeliyay in lagu wareejinayo hubkii Bashiir Raage iyo C/qaadir Beebe,
hase yeeshee kooxo diidan ayaa Maxkamadihii halkaasi tagay is rasaaseyn dhex
martay.
Warar kale ayaa waxay
sheegayaan in Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay ku wargeliyeen
Maleeshiyada Bashiir Raage, Muuse Suudi iyo C/qaadir Beebe in ay si dhaqsi
leh ku soo wareejiyaan hubka, balse arrintaasi way ku madax adeegeen,
waxaana dhacday is rasaaseyn, iyadoo la sheegay in ay soo dhex galeen
Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan Beesha Mudullood.
Warar hada na soo
gaaray waxay sheegayaan in hubkii bashiir raage iyo c/qadir beebe caawa si
rasmi ah loogu wareejiyay golaha maxaakiimta islaamiga, waxaana goob joog ka
ahaa mas’uuliyeen ka tirsan golaha maxaakiimta oo u mahad celiyay intii ka
soo shaqeysay in si nabad galyo ah hubkaas loogu soo wareejiyo maxkaamiimta.
Sheekh Shariif oo digniin u jeediyay
kooxihii ka haray isbahaysiga
Maalintii shalay ahay ayaa hubkii Cabdi
Qaybdiid oo gaaraya 43 Tikiniko ah waxaa lagu wareejiyay Golaha Maxaakiimta
Islaamiga ah kadib markii looga awood roonaaday dagaalkii ka dhacay
Deegaanka Ex. Control ilaa iyo Saybiyaano. Hubkaan oo lagu soo bandhigay Ex.
Filo Baydhabo ayaa waxaa ka qaybgalay madaxdii Golaha Maxaakiimta Islaamiga
ah oo uu ugu horeeyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa uuna isagoo ka
hadlaya arrintaasi yiri “Waa Ilaah mahaddii maanta waxaa noo sugnaaday mid
ka mid ah rabitaankii Shacabka Soomaaliyeedc”, waxa uuna intaasi raaciyay
“Cabdi Qaybdiid mudo fog ayaan ka codsaneynay in uu dagaal baajiyo, basle
Cabdi waa uu ka madax adeegay”, waxa uuna sheegay Sheekh Shariif in xitaa ay
u direen Odoyaal iyo Waxgarad hase yeeshee uu ku gacansayray. Sheekh Shariif
waxa uu sheegay in Golaha Maxaakiimtu ay aad uga xumaadeen dhibkii uu keenay
dagaalkaasi, isagoo uga tacsiyeeyay Bulshada Soomaaliyeed dhibaatadaasi.
Sheekh Shariif waxa uu u soo jeediyay Kooxaha weli ku sugan Muqdisho kana
haray Isbahaysigii Shaydaanka in ay hubkooda soo wareejiyaan, waxaana
Magaalada Muqdisho weli hubkoodii aan wareejin Bashiir Raage, Muuse Suudi
iyo C/qaadir Beebe (Waa ka hor intii aanu soo bixin warkii caawa ee ahaa in
ay hubkii wareejiyeen).
Sheekh Shariif waxa uu sheegay in ciidamo
ka tirsan Itoobiya ay soo galeen gudaha wadanka Soomaaliya, isla markaana ay
dhibaato ku hayaan bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna Beesha caalamka ka
codsaday in ay il gaar ah ku hayaan dhaqdhaqaaqa ciidamada Itoobiya ka
wadaan gudaha wadanka Soomaaliya. Ugu dambeyniita waxa uu Sheekh shariif
sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qaybgalaan shirka todobaadka soo
socda ka furmi doona Magaalada Khartuum ayna isugu imaan doonaan Golaha
Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka.
Culuma’u-diinka Baydhabo oo u hanjabay Max’ed
Dheere
Wararka naga soo
gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in markii uu Magaalada Baydhabo
soo galay Max’ed Dheere ay isla markiiba qoraal soo saareen Culuma’u-diinka
ku nool Magaalada Baydhabo, waxayna qoraalkooda ku sheegeen in aysan marnaba
ogolaan doonin in deegaankooda lagu martigeliyo xubno ka tirsan Isbahaysiga
la dagaalanka Argagixisada, waxayna sheegeen in ay dagaal la gali doonaan
cid kasta oo martigelisa raggaasi, waxayna ku tilmaameen xubnihii
Isbahaysiga ee laga adkaaday kuwo dalkooda iyo Diintooda dambi weyn ka galay.
Xildhibaanada
Baarla-maanka ayaa dowladda horey ugu eedeeyay in ay ka gaabisay in ay wax
ka qaban weyday Wasiiradii hubeysnaa ee gumaadka ka waday Magaalada Muqdisho,
aaqiritaankii waxay keentay in markii uu batay cadaadiskii Baarlamaanka uu
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi uu xilkii ka qaaday Wasiiradii Hubeysnaa
ee Muqdisho.
43-Gaari oo Tikniko ah oo Golaha Maxaakiimtu
kala wareegeen Cabdi Qaybdiid

Hubkii lagala wareegey C/Qaybdiid | Sawirka:
Jiisow (Sawiro badan hoos ka eeg)
Shalay subaxnimadii
ayaa Golaha Maxaakiimtu waxa ay kala wareegeen 43 Gaari oo Tikniko ah oo uu
lahaa Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) kadib markii si weyn loogu jabiyay
dagaalkii ka dhacay deegaanka Cakaaro.
Gaaridaan Tiknikada ah
oo isugu jira kuwo waa weyn iyo kuwo yar yar ayaa waxaa ka qaybgalay
wareejintooda Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Maxaakiimta iyo Dadweyne aad u
fara badan oo daawanayay markii la wareejinayay hubkaasi.
Cabdi Qaybdiid waa
hogaamiye kooxeedkii ugu dambeeyay ee ka tirsanaa Isbahaysiga la dagaalanka
Argagixisada, waxayna Wargeysyada ka soo baxa shalay dhamaantood hal ku
dhigyo uga dhigeen ("Qabqable Calmaani ah oo Maxaakiimta isugu dhiibay”).
Hub
ay Dowladdu u soo waday Cabdi Qaydiid oo gacanta lagu dhigay.
Intii uu socday
dagaalkii u dhexeeyay Midowga Maxaakiimta Isalaamiga ah iyo Maleeshiyadii
Cabdi Qaybdiid ayaa waxaa la sheegay in Gaari Xamuul ah oo siday rasaas iyo
hub kale lagu qabtay meel ku dhow Deegaanka Leego.
Gaarigaasi oo si xamuul
ah loo soo raray ayaa waxa uu doonayay in uu soo maro deegaanka Dayniile,
kadibna jid u dhexeeyay Jaamacadda iyo Dayniile in uu ka soo galo, hase
yeeshee taasi ma dhicin.
Dowladda Federaalka
waxay si weyn u cambaareysay dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho,
waxayna ku tilmaantay in Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ay ku xadgudbeen
heshiiskii Khartuum, isla markaana aysan wax wada hadal ah la gali doonin.
Midowga
maxaakiimta islaamiga ah oo kala wareegay cabdi xasan cawaale (cabdiqeybdiid)
gebi ahaanba hubkii uu lahaa gaaraya ...
Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdishosomaliya
002521576666
Dagaal socday oo faraha la isaga gubtey
mudo dhowr maalmood ah oo ka socday koonfurta magaalada muqdisho una
dhaxeyey midowga maxaakiimta islaamiga ah iyo corneyl cabdi qeyb diid ayaa
lagu soo gabagabeeyey xarunta fila baydhabo.
Dagaalkaas oo ay ku nafwaayeen dad
farabadan oo labada dhinac ah iyo weliba dad rayid ah oo aan waxba galabsan
ayaa soo afjarmay ka dib markii malleshiyadii cabdi qeybdiid inta badan laga
qabsaday goobihi ay ka dagaalamayeen waxaana waanwaan ka galay soo afjarida
dagaalkaas siyaasiyiin iyo wax garad ka soo jeeda beesha uu ka dhashey cabdi
qeybdiid oo arinta u arkay in ay faraha ka sii baxayso dad badana ay
galaafteen labadii maamood oo uu socday ugu danbeyntiina corneyl
cabdiqeybdiid si degdeg ah looga saaray gobihii dagaalku ka socday loona
dhigay magaalada baydhabo sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo.
Shir jaraa'id oo uu Talaadadii (July 11,
2006) ku qabtey xaruntii vila baydhabo oo aheyd halka la iskuugu geeyey
dhamaan tiknika uu ku dagaalamayey cabdi qeybdiid ayaa gudoomiyahay gudiga
fulinta ee midowga maxaakiimta uu kaga hadlay sida ay wax u dhaceen.
Waxaana ugu horeyn shirkaasi jaraaid
shariifka ka hor ka hadlay afhayeenka maxkamada alfurqaan shiikh m. maxamuud
jimcaale wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay isaga oo arinta ka hadlayey
“ waxaan aad iyo aad ilaahey ugu
mahadcelinayaa guushaan weyn ee ilahay uu u soo hooyey dadka muslmiinta ah
guud ahaan gaar ahaana kuwa ku nool caasimada muqdisho iyo agagaarkeeda,
walaalayaal marka koowaad waxaa waajib nagu ah ilaahay in aan u toobad keeno
u noqono u khushuucno sadaqo farabadan la baxno sababta oo ah ilaahay
subxaana watacaalaa dadkii la dagaalamay kitaablkiisa kii ugu danbeeyey ee
magaalada ku harsanaa ayuu guushii ka siiyey dadkii muslimiinta ahaa
toobadkeenkaas ka bacdi sida aad la socotaan dagaalkii dhexmarey labadii
kooxood ee kala ahaa qoladii baadilka u dirireysay iyo qoladii muslimiinta
ahayd ee ka shaqeyneysay islaaxa magaaladaan marxalado fara badan ayuu soo
maray koowaad iyo labaad iyo meelihii uu soo maray waad la socotiin markii
ay fashilmeen nimankii oo dad badani tanaasulay ninka maanta u danbeeyey ee
guusha ilaahay naga siiyey waxyaalbo farabadan ayaan anagu khaas ahaan la
soo marney oo aan kula taaalaynay oo aan doonaynay in aan meeshaa wax shido
ah ka dhicin laakiin ilaahay subxaana watacaalaa ma qadarin sida aad
ogtihiin waxaa ilaahay qadaray sida ay arintu ku dhamaatey alxamdu lilaahi
rtabil caalamiin.

Hubkii lagala wareegey Cabdi Qaydiid
walaalayaal guushaas muslinka u soo hoyatey
oo ilaahey uu keenay oo dadka musmilimiinta ah ee reer muqdisaho u soo
hoyatey dhamaanteen waa in aan ku xamdinaa waana in aan dhib danbe ka
danbeyn waa in ay islaax iyo walaaltinimo iyo isjeceel magaaladaas in wanaag
lagu wada noolaado loo gudbaa wixii ka danbeeya maanta oo hubkii dadki ka
haray isbahaysigii sharta ay ku soo wareegeen gacanta midowga maxaakiimta
islaamka ah wixii kaleeto ee harey waxaa ka hadli dono dadka ay qusayso
inshaa alaahu anaga dhiancena waxaan ka balan aadaynaa in aan sidii aan u
shiqayneynay iyo si ka daran aan u shaqeyneyno hadii aan marka u gudbo
dadkii la shaqeynayey oo la qalday oo dhalinyarada ahaa dhinac kastaba ha
uga biiraano ee makamada alfurqaan waxey ugu baaqeysaa in ay ninkii qorigisa
ahysto in ay u diyaar tahay in la dhaqan celiyo in uu ka mid noqdo ciidanka
maxkamada isaga oo la dhaqan celinyo lana soo marsiinayo tartiibaadkiisa in
aan wax cadaawad ah aysan jirin is cafis iyo saamaxaad iyo sidii dadka
mulimiinta ah caadada u aheyd lagula dhaqmaayo salaama caleykum
waraxmatulaahi wabarakaatuhu ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey afhayeenku
.
Intaa ka dib ayaa waxaa hadalkii qaatey
gudomiyaha gudiga fulinta ee midowga maxaakiimta islaamka sh. shariif sh.
axmed, Isaga oo laga war bixiyey xaalada uu dalku haatan ku sugan yahay iyo
waxa la gudboon shacabka somaliyeed Wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay sidatan
:
Bismilaahi alxamdulilaah wasalatu wasalaam
calaa rasuulilaah wabacda, ilaah ayaa mahadleh subxaana watacaalaa ee
nimcooyinka aan la koobi Karin noogu nimceeyey taas oo ay ka mid tahay
nimcada aan maanta meeshaan u fadhino 16 sano ka dib dhibaatadii shacabka
somaliyeed heysatey qeyb weyn oo ka mid ahayd uu ilaahay fududeeyey ilaah
ayaan uga mahad celineynaa subxana watacaalaa anaga oo uga mahadcelineyno
dhammaan nimcoyinkiisa oo uu noogu nimceeyey intaa ka dib .
Hubkii lagala wareegey Cabdi Qaydiid
Waxaan u mahadcelineynaa dadkii ka qeyb
qaatey howshaan qiimiga badan ee naf iyo maalba ku bixiyey waxaan leenahay
dadkii ku shihiidayna alaha aqbalo shahadadooda dadkii ku dhaawacmayna alaha
bogsiiyo qof ale iyo qofkii muslim ah ee dhibaato ka soo gaarteyna waxaan u
rajeynaynaa ilaahey in uu u naxariisto kii dhintey kii noolna ilaahay in uu
bogsiiyo,
intaa ka dib waxaan ugu tahniyadaynayaa
shacabka somaliyeed meel kasta oo ay joogaanba guushaan aan la maleysaneyn
marnaba ilaahey subxaana watacaalaa uu garsiiyey dadka somalida ah meel ay
joogaanba, gaar ahaan magaaladaan muqdisho ayaan ugu tahniyadeyneynaa anaga
oo ku boorineyno in guushaan ilaahay looga mahadceliyo loona toobadkeeno
ilaahay maxaa yeelay dulmi fara badan ayaa ka dhacay somaliya mudadii 16ka
sono dhaxdooda iyo wixii ka horeeyey dulmi ayaa ka jirey waxaana
rajeyneynaa in aan ka baxno dhamaanteen ilaahayna u toobad keeno dadkii
xoolo islaameyd xeysto ayu iska dhiibaan xoolaha dadow qofkii qof walaalkii
ah uu dulmiyey in uu dulmigii ka laabto sidaa ayaan shacabka somaliyeed u
sheegayaa dagaalkaan labada maalmood socday sababaha keenay iyo sida u u
dhacaayey iyo maxkamada islaamigu mar walbo ay ugu dadaalayeen in dagaal
laga fursado oo aan marna la gelin balse ay dantu khasab noqotey markii ay
irdihii oo dhan ay soo xirmeen in dagaal la qaado wixii maanta ka danbeeyana
waxaan shacbiga somaliyeed u sheegeynaa in ay magaalada muqdisho ay tahay
magaalo nabadeed nabadeena la isku halaynkaro magaalo aamin ah in ay tahay
lana mid noqon doonto magaalooyinka kale ee dalka ee nabadu ka jirto
shacbiga somaliyeedna waxaan ugu baaqeynaa in ay nabadaas nagala qeyb
qaataan oo guushaas la garey aan ka faaiideysano shacbiguna ay gacmaha is
qabsadaan wanagana ay is faraan xumahanme ay ka fogaandaan ,

Hubkii lagala wareegey Cabdi Qaydiid
shacbig somaliyeed waxa uu leeyahay cadow
badan waxaana ay ahaayeen wax la soo abaabulay dibadane ka hela dhaqaale iyo
maalgelin dagaaladu sababta u dheeraadeen in ay eheyd faragelin shisheeye oo
jirta iyo kooxo badan oo ka soo horjeda in muqdisho xal loo helo.
waxaan u sheegaynaa shacbig somaliyeed meel
ay jogaanba dowlada Ethiopia in ay ciidamo farabadan ku soo qulqulineysay
shalay ilaa iyo xalay somaliya arintaasina ay tahay arin la jaanqaadeyso
cadaawada faraha badan ee ay u heyso somaliya in ay san marnaba ka dhalan
dowlad ayna markhaati u tahay 16 kii sano in uu ka soo gelaayey dowlada
Ethiopia dowladihii la dumiyane ay dumineysay Ethiopia sidaa darteed waxaan
shacbiga somalyeed u sheegaynaa dalka Ethiopia daris baan nahay waa in ay
kala baxaan ciidamooda gudaha somaliya ,
dalkaan iyo dadkaan somalyeed waa dal xor
ah ciidan shisheeye uma baahni, ciidan Ethiopia uma baahnin, ciidan igaad
uma baahnin, shacabka somaliyeed wuxuu u baahan yahay waa in lala tashado oo
gacan la siiyo, codow shisheeyane uma baahna, darisnimoda in ay xurmeyso
ayaan ka codsanaynaa dowlada Ethiopia, lagana saaro ciidamada Ethiopia
dalkeena hadii ay taasu dhici weyso shacbiga somaliyeed waa in ay u diyaar
garoobaan in ay kala baxaan dhulkooda oo maalin walba ciidan cusub iyo hub
cusub ku soo qulqulinayo isaga saari lahaayeen ,

shiikh shriif sh: axmed waxaa ugu
danbeyntii ugu baaqay in hubka weli gacmaha isbahaysiga weli baaqiga ku ah
in ay si degdeg ah ugu soo wareejiyaan maxkamadaha islaamiga ah waana hub ka
la rabo in loogu adeego umada somaliyeed oo dhibaatada kadaashey hubkaan hal
meel loogu ogaado hal maamulna ay yeelato hubkaasuna uu noqdo mid looga
shaqeeyo danaha shacbiga.
Madfacaan iyo madfaca kale ee xaga ayaal iyo
madaaficda kale ee la keeni dono...
Waxaa noo suurta gashay in aan
la yeelano waraysi gaar ah midka mid ah mas'uuliyiinka midowga maxaakiimta
islaamka mar aanu kula kulanay xarunta vila baydhabo oo la iskuugu geeyey
gaadiidkii dagaal ee cabdiqeybdiid si uu warbixino dheeri ah uga helno
dhibaatada gaadiidkaanu ku hayeen bulsha waynta somaliyeed gaar ahaan kuwa
magaalada muqdisho.
Sh. mukhtaar roobow oo ka war
bixinayey gaadiidkii dagaal oo meel la iskuugu geeyey oo ay ku rakibnaayeen
qoryahay calculus iyo madaafiicda goobta ayna ku jireen laga qori oo ah
hoobiye 120 kaas oo waxbadan ka qeyliyeen dhegaha dadka muqdisho oo ku
tilmaamay in maanta wixii ka danbeeya ay galeen gacan amaan ah diyaarna u
yihiin in lagu rido cadowga dibada warbixintiina waxey u dhacday sidaan:

“Mukhtaar roobow (abuu mansuur):
Madfacaan iyo madfaca kale ee xagaa yaal iyo madaaficda kale ee la keeni
doono ayaa waxey ahaayeen madaafiicdii mudada 16ka sono ah lagu xasuuqi
jirey shacabka somaliyeed oo aad loogu garaaci jirey shalay ayaa u danbeysay
oo lagu garaacay bakaaraha iyo meel walbo ayaa lagu ridi jirey waxaan
leeyahay shacbiga somaliyeed meel walbo oo ay joogaanba bishaareysta
madaafiicdii la idinku xasuuqi jirey oo la idinku laanjirey gacanta
maxaakiimta islaamka ah ayey soo galeen mardanbe laidinkuma ridi doono
waxaana lagu diri doonaa ethopiyaanka iyo cadowga ummadda Soomaaliyeed ayaa
lagu ridi doonaa ethipiyanka iyo kuwa dalkeena u soo birtumanayo ayuu gubi
doonaa waxaa lagu ridi doonaa cadowga ilaahay laguma rido doono shacabka
waxaan leenahay shar iyo qodax ayaa idinku taagneyd ayaa la siibay ilaahey
ayaana ku mahadleh subxaanahu watacaalaa ,

waakaa hubkoodii iyo
gaadiikoodii halkaa lagu xareynayo kuwii diiday sulxiga iyo in la heshiiyo
oo intaa aan heshiino la heyn oo naga diiday ilahey subxaanahu watacaalaa
wuxuu qadaran in markii ay diideen ay kala carareen gacanteenana uu
hubkoodii soo geliyey

waa la daba taagan yahay
waxaana leenahay waa la idin soo qabanayaa maxkamad cadaalad ah ayaa la
idinsoo saarayaa bi'idini laah kuwa kale ee nabada diidan ee ku sugan
baydhabo iyo meelaha kale waxaan u direynaa oo aan leenaha waxa muqdisho ka
dhacay idinkama foga ( wamaaminkum bibaciidin ) ayuu hadalkiisii ku soo
gabagabeeyey.



goobihii dagaaladu ku dhexmareen labada
dhinac ayaa degan waxaana la arkayey ciidamadii cabdi qeybdiid oo hubkii
iska dhigayey isla markaana dadkooda dhinac ka raacayey, waxaan anigu arkay
nin dhaawac ah oo ka soo baxay meel uu ka dagaalamayey isaga oo dhaawac ah
markii la baarayna lana arkay in bowdada faashad ay kaga duuban tahay xabad
ku dhacday darteed la sidaayey.
Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdishosomaliya
002521576666
Barnaamijkii Radio Xoriyo
11 July 2006
Dad cadowgu laayay iyo kuwo uu xidhxidhay.
Shir ay magaalada Sanca ku qabteen haweenka Ogaadeenya.
Dawlada ku meelgaadhka ah oo isku khilaafsan kulanka Khartuum.
Kofi Annan oo ku baaqay in la
taageero dawlada Soomaaliya.
Barnaamijkii
Aragtida Halgamaaga(Dhaanwadoow
Warkaagii La Hel)Maqal.
======================
Ciidammada
gumaysiga Itoobiya waxay dhawaan magaalada Yabalu ku dileen Alla ha u
naxariistee C/qaadir Khaluus.
Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale magaalada Qabridaharre ku dileen
gabadh da’yar oo lagu magacaabi jiray Ardo Axmed, taasoo ay horraantii
bishan ka soo qabteen meel u dhaxaysa Qabridaharre iyo Ceelxaar.
Magaalada Gunagado waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadwyane
rayad ah oo tiradoodu dhan tahay 17 qof. Dadkaasi waxay kala yihiin;
1-
Cismaan Cabdi Daa’uud
2-
Maxamed Cabdi Daa’uud
3-
Maxamed Raabi Daa’uud
4-
C/llaahi Cabdi Xasan
5-
Sh Axmed Aaden
Xasan
6-
Cabdi Sh Jaamac
7-
Cali Maxamed
Guhaad
8-
Cabdi-aar
Maxamud Cumar
9-
Giirre Maxamed
Dhadoon
10-
Cabdi Xasan
Cadhays
11-
Sh Cismaan
Yuusuf
12-
Ilka-case Cumar
Qabaley
13-
Maxamed Dhadoon
Cadhays
14-
Sh Cabdi Sh
Cumar
15-
Axmed Sh Cumar
16-
C/sammad Sh
Axmed iyo
17-
Xaaji Axmed
Cabdi
Dadkan waxaa
loo haystaa baabuur dhawaan lagu gubay tuulada Bulxan oo askar badan oo
Wayaane ahi ku dhinteen. Dadkan ayaa loo sheegay inaan la sii dayn
doonin ilaa iyo intay ka bixinayaan magtii askartii baabuurtaas ku
dhimatay iyo qiimihii baabuurta la gubay. Waxaa loo sheegay in la
laynayo haddii ayna bixinin xaqa laga doonayo.
Tuulada Banyare
waxaa sidoo kale lagu xidhxidhay dadka kala ah;
1-
Bashiir Cali
Muxumed
2-
C/raxmaan Baddal
Aaden iyo
3-
Xaliimo
Cidla-dage
Shir ay
magaalada Sanca ku qabteen haweenka Ogaadeenya.
Ururka Haweenka
Ogaadeenya ee dalka Yeman ayaa isugu yimid shirwaynihiisii labaad
magaalada Sanca markii ay taariikhdu ahayd 7/7/06. Shirwaynahan oo lagu
qabtay xarunta Jaaliyadda Ogaadeenya ee dalka Yeman, waxaa ka soo qayb
galay xubno aad u badan oo ka kala yimid magaalooyinka kala duwan ee
dalka Yeman.
Shirwaynahan
waxaa si wayn loogu lafa-guray arrimaha Ogaadeenya oo uu bud-dhige u
yahay halganka hubaysan ee lagula jiro xukuumadda gumaysatada Itoobiya.
Waxay xubnaha Ururku si wayn uga doodeen sidii ay u sii kordhin
lahaayeen taageerada ay halganka u fidiyaan iyo qadiyada Ogaadeenya
looga dhaadhicin laha dadyowga lala nool yahay, isla markaana loo
gaadhsiin lahaa dhibaatada ay ciidammada gumaysiga Itoobiya ku hayaan
dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya.
Shirwaynaha
Haweenya Ogaadeenya ee dalka Yeman wuxuu bogaadin u soo jeediyay
ciidammada xoreynta Ogaadeenya ee guulaha waawayn ka soo hoyiyay
ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya. Shirwaynuhu wuxuu
dumarka Ogaadeenya ee dalka dibaddiisa ku nool ku guubaabiyay inay
dadaalkooda laban-laabaan oo kaalintii hormuudka ahayd ee dumarka reer
Ogadeenya lagu yaqaanay muujiyaan.
Dawlada
ku meelgaadhka ah oo isku khilaafsan kulanka Khartuum.
Guddoomiyaha
Baarlamaanka dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sh
Aaden ayaa sheegay inuuna waxba ka ogayn mowqifka ay dawladda ku
meelgaadhka ahi ka qaadatay wadahadalkii la filayay in dawladu la gasho
Maxkamadaha Islaamiga ah.
Gudoomiyuhu wuxuu sheegay inuu isaga aamisan yahay in la sii wado
wadaxaajoodyada lala yeelanayo Maxkamadaha Islaamiga ah.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa hadalkan yidhi, ka dib mar uu ka hadlay
fadhi uu Baarlamaanku ku yeeshay magaalada Baydhabo.
Arrintan ayaa
ka danbaysay, ka dib markii ra’iisal wasaaraha dawladda ku meelgaadhka
ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi uu daboolka ka qaaday in
dawladdiisu ayna wax wadahadal ah la yeelan doonin Maxkamadaha Islaamiga
ah ee saldhiggoodu yahay magaalada Muqdisho, kuwaasoo uu ku eedeeyay
inay ka baxeen heshiiskii hordhaca ahaa ee magaalada Khartuum ay ku kala
saxiixdeen Maxkamadaha Islaamiga ah iyo dawlada ku meelgaadhka ah.
Cali Maxamed
Geeddi wuxuu sheegay in dawladdu ayna la xaajoon doonin kooxo uu ku
tilmaamay inay dagaal ka hurinayaan gudaha dalka, oo jabiyay buu yidhi
heshiiskii nabadda.
Dhinaca kale
safiirka dalka Kenya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey
ayaa sheegay in ciidammo ka socda dalka Itoobiya ayna ka mid noqon
doonin ciidammada nabad ilaalin loo kenayo waddanka Soomaaliya.
Maxamed Cabdi Afey wuxuu sheegay in haddii ay noqoto in ciidamo nabad
ilaalineed la keeno dalka Soomalaya ay ciidammadaasi ka iman doonaan
wadammada Suudaan iyo Uganda.
Kofi Annan oo ku baaqay in la taageero dawlada Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Koofi Annan ayaa ku baaqay in si
wayn loo taageero Dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya, si ay ugu
guulaysato hawlaha balaadhan ee laga sugayo.
Kofi Annan
wuxuu intaas ku daray inay habboon tahay in la iska kaashado sidii loo
sugi lahaa ammaanka dalka Soomaaliya, si looga gaashaanto argagxisada,
wuxuuna wax-garadka iyo odayaasha dhaqanka ee soomaaliyeed ku boorriyay
inay gacan taageero siiyaan dawlada ku meelgaadhka ah.
Kofi Annan
wuxuu hoosta ka xarriiqay in Qaramada Midoobey ay si wayn u taageersan
tahay hawlaha dib u-hashiisiinta ee Soomaaliya.
Wafti caalami
ah oo dhawaan booqday magaalada Muqdisho ayaa si wayn u ammaanay is-baddalka
fiican ee ku yimid ammaanka magaalada Muqdisho intii lagaga
itaal-roonaaday qabqablayaashii dagaalka ee muddada dheer gacanta ku
hayay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
11
July 2006.
Axmed Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu
yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmaha
Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2006
TACSI::: Marxuum Xaaji Cabdi Cawed Cali (Indhodeero)
oo ku Geeriyoodey maagalada Burco, gobolka Togdheer.
Guddoomiyaha Shirkadda
Dahabshiil, Maxamed Siciid Ducaale, Guddoomiye-ku-Xigeenka Shirkadda,
Cabdirashid Maxamed Siciid, Maareeyaha Guud ee Shirkadda, Xasan Cabdi Cawed,
Maareeye-ku-Xigeenka, Cabdirashiid Faarax Axmed iyo dhammaanba madaxda iyo
hawlwadeennada Shirkadda meel kasta oo ay joogaanba waxa ay tacsi tiiraanyo
leh u gudbiyaan qoyskii, asxaabtii iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Xaaji
Cabdi Cawed Cali (Indhodeero) oo habeenkii Jimcuhu soo gelayey (06/07/2006)
ku xijaabtey maagalada Burco, gobolka Togdheer. Waxa ay Ilaahay uga
beryayaan marxuumka inuu naxariistiisii janno ka waraabiyo iyagana Samir iyo
Iimaan ka siiyo. AAMIIN..... AAMIIN
Waxaa soo tebiyey: Hassan |
hassanheiss@gmail.com
Cabdi Qaybdiid oo
gebi ahaanba lagala wareegay hubkii iyo Goobihii uu ka talin jiray
Wararka ka
imanaya Muqdisho ayaa tibaaxay in...
Guji...
Dood-Cilmiyeed:
Isbedelka Cusub ee Soomaaliya Aqoonyahanno ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay kacdoonka Soomaaliya iyo
raadka uu... Dhegeysi...
Wafdigii ka socday ururka Midowga Afrika,
jaamacadda Carabta, urur goboleedka IGAD
iyo Midowga Yurub oo Muqdisho si weyn loogu
soo dhoweeyay... Warbixin.... |