Wararkii Nov 6, 2006
- C/llaahi Yuusuf iyo Miles
Zenawi oo kulan gaar ah ku yeeshey..
- Shariif Xasan “Cid aan fasax
uga qaadanayo ma jirto Dib u Heshiisiinta…”
- C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo
qorsheynaya in ay xilka ka qaadaan Gudoomiyaha.
- Mas’uuliyiinta Kenya oo sii
daayey Madaxdii Gobolada Jubbooyinka...
- Guddoomiyaha NUSOJ oo qabtay
shir jaraa’id oo uga hadlay
- Gudoomiyaha Baarlamaanka
Shraiif Xasan Sh. Aadan oo si diiran loogu soo dhaweeyey Muqdisho.
C/llaahi Yuusuf iyo Miles Zenawi oo
kulan gaar ah ku yeeshey..
Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Bakiin ee Dalka Shiinaha kulan
gaar ah ku yeeshay Madaxweynaha Dalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf iyo
Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya Miles Zenawi oo iyagu ka qaybgalaya
kulan madaxeedka u dhexeeya wadanka Shiinaha iyo wadamada Afrika,
waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday arrimhii ugu dambeeyay ee Dalka
Soomaaliya, waxaana la sheegay in C/llaahi Yuusuf uu qoraal u gudbiyey
Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya Miles Zenawi, warqaddaas oo ku
saabsaneyd in Dowladda Itoobiya ay halis kaga imaan doonto Maxaakiimta
Islaamiga ah ee ku sugan Dalka Soomaaliya, wuxuna sheegay C/llaahi
Yuusuf in Maxaakiimtu ay martigeliyeen ama ay wadanka ku hayaan kooxo
argagixiso ah oo u dhashay wadamo Carbeed.
C/llaahi Yuusuf waxa uu Ra’isul
Wasaaraha Dalka Itoobiya ka codsaday in uu sii balaariyo taageerada uu u
hayo dowladda Federaalka oo uu sheegay in ay halis ku jirto haddii aan
deg deg loo soo gaarsiin ciidamo, waxa uuna C/llaahi Yuusug uga
mahadceliyay Miles doorka ay Itoobiya ku leedahay arrimaha Soomaaliya,
gaar ahaan difaacidda Dowladda Federaalka ah, sidoo kale Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Amxed waxa uu kulan la yeeshay Madaxweynaha dalka Kenya Kibaki
waxa uuna isna uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya, isagoo sheegay in
xaaladda gobalka ay haatan mareyso meel Qatar ah kaddib markii uu
sheegay in Maxaakiimtu isku balaarinayaan gudaha Dalka Soomaaliya, waxa
uuna ka dalbaday Dowladda Kenya dadaalka ay ku taageereyso Dowladda
Federaalka
Shariif Xasan “Cid aan fasax uga
qaadanayo ma jirto Dib u Heshiisiinta…”
Guddoomiyaha Baarla-maanka Soomaaliyeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa
shalay si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho waxaana soo
dhaweyntiisa ka qayb-qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta iyo
dadweyne aad u fara badan oo ku faraxsanaa imaanshaha Guddoomiyaha
Baarlamaanka.
Mar ay shir jaraa’id ku wada qabteen Hote Amiir Guddoomiye Shariif Xasan
iyo Guddoomiyaha guddiga Fulinta Sheekh Shariif ayaa waxa uu Shariif
Xasan sheegay in uu Muqdisho u yimid sidii uu labada dhinac uga
badbaadin lahaa dagaala. Mar wax laga weydiiyey Shariif Xasan in
imaanshihiisa Muqdisho ay keeni karto khilaaf dhex mara Dowladda waxa uu
ku jawaabay “Anigu cid aan fasax uga qaadanayo dib u heshiisiinta
ummadda Soomaaliyeed ma jirto, waayo iyagaba fasax uma qaadan shirkii
Khartuum waana taageersanaa, in khartuum la tago Muqdishana fasax loo
qaato anigu ma garanayo halka ku saleysan tahay”, maanta ayaana la
filayaa in uu wada hadal rasmi u furmo labada dhinac. (Warbixino
dheeraad oo ku saabsan sidii Muqdisho loogu soo dhoweeyey shariif xasan
hoos ka akhri).
C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo
qorsheynaya in ay xilka ka qaadaan Gudoomiyaha.
Warar aanu ka helnay magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ay qorsheynayaan
sidii xilka looga qaadi lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay ku
tilmaameen in uu ku xadgudbay dastuurkii iyo Axdigii KG ahaa.
Qorshaha ay wadaan labadan mas’uul ayaa ah in marka Guddoomiyaha xilka
laga qaado loo dhiibo Sheekh Aadan Madoobe oo tartankii doorashada ahaa
ee ka dhacay Nayroobi ay isku soo hareen isaga iyo Guddoomiyaha
Baarlamaanka ee haatan. Qorshahan ayaa la sheegay in la fulin doono
marka uu C/llaahi Yuusuf dib ugu soo laabto Magaalada Baydhabo, waxaana
haatan shirar gaar gaar ah lala leeyahay xubnaha Baarlmaanka, waxaa
suurtogal noqon doonin sidii loo heli lahaa kooramkii uu Baarlamaanku ku
fariisan lahaa.
Mas’uuliyiinta Kenya oo sii daayey
Madaxdii Gobolada Jubbooyinka...
Mas’uuliyiinta wadanka Kenya ayaa qirtay mas’uuliyiin ka tirsan
Maxaakiimta Islaamiga ah gaar ahaan kuwa Jubbooyinka in ay dhawaan
diyaarad ka soo dejisay Magaalada Nayroobi, diyaaraddaas oo la doonayey
in ay u kicintinto Magaalada Muqdisho.
Inkastoo aan faahfaahin rasmi ah laga bixin sababta ay diyaaraddaasi ugu
degtay Magalada Nayroobi, ayaa warar waxay sheegayaan in diyaaraddaasi
ay markii hore ku soo jeeday Magaalada Muqdisho, balse markii ay ku soo
degi wayday dib ugu laabatay magaalada Kismaayo oo ay iyana ku degi
waysay kaddibna waxay ka degtay Magaalada Nayroobi.
Mas’uuliyiinta saarnaa diyaaraddaani ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha
Maxaakiimta ee Jubbooyinka Axmed Max’ed Islaan, waxaana lagu waramay in
haatan uu wada hadal u socdo mas’uuliyiinta wadanka Kenya, oo ay ka wada
hadlayaan sidii loo adkeyn lahaa xuduuda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya,
waxaana la filayaa in Guddoomiyaha uu maanta dib ugu soo laabto
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha NUSOJ oo qabtay shir
jaraa’id oo uga hadlay isbedelka ka dhacay Muqdisho iyo qaabka saxaafadu
ula jaanqaadi karto
Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ Maxamed
Barre Xaaji (Fiyoore) oo dhowaan dib ugu soo laabtay dalka ka dib safar
la xiriira arrimo Caafimaad oo isaga u gaar ah uu ku tagay magaalada
London ee dalka Ingiriiska ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay
xafiiskiisa magaaladan Muqdisho xafiiskiisa magaaladan Muqdisho kaga
hadlay aragtidiisa ku wajahan isbedelada cusub ee dhowaan ka dhacay
Xamar iyo sida loogu baahan yahay in suxufiyiinta magaalada Muqdisho ay
ula jaanqaadaan.
Fiyoore ayaa intaasi ku daray in dhowaan ururka suxufiyiinta
Soomaaliyeed uu qaban doono shirweyne ujeedadiisu tahay sidii dib u
habeyn loogu sameyn lahaa ururka, isla markaana suxufiyiinta
Soomaaliyeed ay u yeeshaan jawi isfaham mar haddii laga soo baxay buu
yiri xaaladaihii adkaa ee magaaladan Muqdisho ay mudada dheer ku soo
jirtay oo meeshana ay ka baxeen shaqsiyaadkii ku qaraaban jiray magaca
suxufiyiinta Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna tilmaamay in
shirweynahaasi lagu dooran doono dad ehel u ah saxaafada oo aysan dhici
doonin in mar dambe ay meesha soo galaan kuwo aan garaneyn waxa
saxaafadu ay tahay oo sida uu sheegay ku caanbaxay musuqmasuq iyo
daneysi iyaga u gaar ah.
“Lama arag weli shaqsi meel hoose ka jooga ururka uu ka tirsan yahay oo
haddana la ficiltamaya mas’uuliyinta ka sareysa” ayuu yiri Fiyoore oo
ereyadaasi ula jeeday xoghayihii guud ee ururka NUSOJ oo uu tilmaamay in
markii loo adkeysan waayey dhibaatooyin uu sheegay inuu ku hayey NUSOJ
laga qaaday xilka 29-kii Juun ee sanadkan, isagoo sheegay in hadda uusan
wax xil ah ka heynin ururka oo isla markaana uu howlo isaga u gaar ah ku
howlan yahay.
“Wax mas’uuliyad ah ma kordhineyso haddii shaqsiyaad ka falaagoobay
dadkooda ay la kulmaan ururo ajnabi ah, aqoonsiga waxa bixiyana waa
dadkaaga ee maahan ajnabi, waxaana idin sheegayaa in ururada hadda u
ninkaasi u diiwaan gashan yahay ay iyaga laftooda u baahan yihiin in dib
u habeyn lagu sameeyo sida IFJ oo mas’uuliyiinteeda ay ka kooban yihiin
oo kaliya dad cadaan ah oo hal nin madowna uusanku jirin, halka RSF
aysan laheyn dimoqraadiyad oo weli ninkii asaasay ayaa ka taliya” ayuu
yiri Fiyoore. Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Soomaliyeed Maxamed Xaaji
Barre (Fiyoore) ayaa ugu baaqay ugu dambeyntii suxufiyiinta Soomaaliyeed
iney ka soo guuraan nidaamka warfaafinta reer galbeedka ee ay hadda ku
dhaqmaan, isla markaana u soo guuraan saxaafada ku dhisan qaabka
Islaamiga ah. “Waxaa jira wax dan guud ah oo aan dhexdhexaad laga noqon
Karin sida diintaada iyo dalkaaga, waxaan ugu baaqayaa suxufiyiinta
Soomaaliyeed iney qalkinkooda iyoi afkooda ku difaacaan diintooda,
dadkooda iyo dalkooda” ayuu yiri Fiyoore oo sidoo kale ugu baaqay
maamulada dalka ka jira sida kan maxkamadaha iyo dowladda federaalka in
haddii ninka suxufiga uu xad gudub sameeyo la soo taago markiiba
maxkamad oo hase ahaatee aan la iska xirin muddo dheer iyadoo aan wax
dembi ah lagu helin.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail :
amiinkhasaaro@hotmail.com
Xisbiga
Ramaas oo si kulul uga jawaabey Wareegtidii Madaxweynaha DGPL uu ku
mamnuucay xisbiyada Siyaasadeed
Madaxweynaha DGPL Cadde
Muuse Xirsi ayaa soo saaray Wareegto ku saabsan amniga
siyaasadeed ee DGPL (Wareegtada dhanka hoose ee qoraalkan
ayaad ka daalacan kartaa.)
Wareegtadaas waxaa Madaxweynuhu ku xusan in wax Urur
siyaasadeed ama diimeed midna uusan ka jiri karin Goboladda
Puntland.
Haddaba, Guddoomiyaha
Xisbiga Mucaaradka ah ee RAMAAS: Daahir Ciiro ayaan
arrintaas ka waraysanay sida ay u arkaan, wuxuuna ku
Jawaabay Guddoomiyuhu....
Ka
akhri halkan....
Gudoomiyaha Baarlamaanka Shraiif Xasan
Sh. Aadan oo si diiran loogu soo dhaweeyey Muqdisho.
Afahayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Md Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa
si aan horey loo arag loogu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ah ee
diyaaraduhu caga dhigtaan ee Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ,
isagoo ka soo dhoofay Magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya.


Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyaha
Baarlamaanka Soomaaliya oo ay la socdaan ku dhawaad 40 xildhibaan , ayaa
waxaa garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Labada Gole
ee Maxkamadaha, guddi afar xubnood oo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan,
Ganacsato iyo boqolaal taageeriyaasha Maxkamadaha iyo suxufiyiinta
gudaha iyo dibada .

Guddoomiyaha baarlaamanka Shariif Xasan
Sheekh Aadan oo Axadii ka soo ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya
ayaa markii uu ka soo degay dayuuradii uu la socday waxaa ay si diiran
isu gacan qaadeen mas'uuliyintii ka socotay maxkamadaha Islaamka oo ay
ka mid ahaayeen Shiikh Shariif Sh: Axmed , sh: Muqtaar Roobow (
Abuumansuur ) Sh: cabqadir maxamuud faarax ( janaqow ) sh: yuusuf
Maxamed siyad indhacade , sh: Nuur Baaruud Gurxan , sh: Maxamud Ibraahin
Suulay , Sheekh Xasan Dahir Aweys ,Ibraahiim Xasan cadow iyo
mas.uuliyiin kale oo fara badan oo ka tirsan Golaha Shuurada iyo golaha
fulinta ee Maxkamadaha Islaamiga.
Guddoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdigii u horkacayey oo ay u
badnaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya oo 20
gaaraya ayna ka mid ahaayeen Cumar Xaashi Aadan, Prof. C/raxmaan Xaaji
Aadan (Ibbi) Caasho Xaaji Cilmi, Saleebaan Colaad Rooble, Inj. Maxamed
Xuseen Caddow C/qaadir Xaaji Max'uud (Dhaqane), Cabdi Cabdulle Siciid (Jini-boqor),
Maxamed Cabdi Yuusuf iyo kuwo kale.

Booqashada Guddoomiyaha baarlaamanka
Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku yimid magaaladdan Muqdisho ayaa laga
cabsi qabaa in khilaaf hor leh oo la mid ah kii Jowhar iyo Muqdisho uu
ku keeno xubnaha labada gole ee dowladda, ka dib markii mas'uuliyiinta
dowladda ee ku sugan Baydhabo oo booqashadan hadda Shariifku ku joogo
Muqdisho ku tilmaamay mid isaga u gaar ah oo uusan cidina kala tashan,
lamana oga waxa ka soo baxa wadahadalka uu Shariif Xasan la yeelanayo
maxkamadaha sida ay meel mar uga noqon doonaan xubnaha dowlada ee
Baydhabo ku sugan.

Waxa uu Shariifku intaas ku darey,
maadaam shirkii Khartoum ee ugu dambeeyey lagu kala tagey oon wakhti
gaar ah la isku qaban; ayaan Muqdisho ugu socdaa si arinkaas loo jilciyo.

Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
002521576666/002521653623
Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan
safarka guddoomiyaha Baarlamaanka, hoos ka akhri.
Shariif
Xasan sh, Aadan; waxaan u imid muqdisho inaan wada hadalsiiyo maxkmadaha
iyo dfkmg ah
Gudoomiyaha golaha baarlamanka soomaaliyeed shariif xasan sh,aadan ayaa
maanta lagu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho
islamarkaana ay gelbinayeen gudoomiyaha golaha shuurada sh,xasan daahir
aweys iyo yuusuf indho cade oo hareeraha kaga jira ayaa waxay u muuqdeen
kuwo ay farxadi ka muuqatey isku soo boodka iyo hanqltaaga markii aad
eegto waxaana ka muuqanayey farxad aan lasoo koobi karin.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dfkmg ah Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa
uu degay gurigii horey uga deganaa magaalada Muqdisho ee agagaarka sarta
Zoope ama Hotel Amiira ayaa u sheegay wariyaasha in arrimaha ugu
muhiimsan ee uu yimid Gobolka Banaadir ay tahay mid ku saabsan dib
heshiisiin la dhex dhigo Dowladda iyo Maxkamadaha Islaamiga..
"Waxaa muhiim ah iyadoo isku wada aragti la yahay in loogu adeego diinta,
dalka, iyo dadka Soomaaliyeed, si guudna wax loo xaliyo, shirkii
Khartuum haddii lagu heshiin waayay, waa in dib loo furaa wadahadal lagu
badbaadinayo masiirka Soomaaliya" ayuu yidhi Shariif Xasan oo sheegay in
dowladdu aysan jiri karin in magaalo magaalooyinka Soomaaliya ka mid ah
ay ku waardiyayso dowlad kale.
"Waxaan u imid Muqdisho anigoo taas ka duulayo in dowladda iyo
maxaakiimtu wadahadlaan si khilaafka jira loo dhameeyo, waxaana ka
codsanayaa Maxaakiimta inay iga aqbalaan" ayuu yidhi Shariif Xasan
Sheekh Aadan
Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa Xildhibaannadii la socday xubno ka tirsan
Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Cumar Xaashi Aadan, Caamir
Axmed Maxamed, Caasho xaaji Cilmi iyo kuwo kale, waxaana lagu wadaa in
isla caawaba uu kulamo la yeesho mas'uuliyiinta sare ee Maxaakiimta
Islaamiga.
Dadweynaha Magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan waxay uga hadleen
socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka dadka qaarkiis ayaa waxay sheegayan
in tani bilaw u tahay burbur ku yimaada Dowladda Soomaaliya, taasi oo
faa’iido badan ugu jirta Maxkamadaha, waraka leysla dhaxemaraayo ayaa
waxay leeyihiin Shariifka waxaa qaaday Siyaasad lagu baabinayo kursiga
uu ku fadhiyo, "Waxaa uu moodaya in raga loo dhameynayo ay yihiin Geeddi
iyo C/llaahi, aaqirkana Shariifkani Seefta Maxkamadaha leefi doonta iyo
hadalo kale oo ka dhan ah shariifka xasan.
Si kastaba ha ahaatee Shariifka xasan sh,aadan waxaa si gaar ah usoo
dhoweeyey Sheekh Xasan Dahir Aweys, Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur,
Sheekh Yuusuf Indha Cadde , Cadde Gaabow iyo shacab badan .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-580916
DOWLADAHA KENYA IYO ITOOBIYA OO...
Dowladaha kenya iyo Itoobiya ayaa ku dhawaaqay inay sameynayaan
feejignaan dheeraad ah iyo taxaddar ay ku adkeynayaan amaankooda si ay
uga hortagaan waxa ay ugu yeereen qaraxyo lala beegsado goobaha muhiimka
ah ee dalalkooda.
Masuuliyiinta dhinaca amniga ee labadaasi dowladood oo hadlay ayaa
sheegay iyagoo ka duulaya baaqii ka soo yeeray dowladda Mareykanka
safaaradda ay ku leedahay magaalada Nairobi ayay sheegeen in meelaha ay
xoogga saarayaan ay tahay xuduudaha labada dal ay la leeyihiin Soomaliya,
goobaha laysugu tago, waddooyinka tareenada iyo goobaha kale gaar
ahaanna gawaarida isaga gudubta xadka dalalkaas iyo koontaroolada si ay
u sugaan ugana hortagaan haddiiba ay jiraan qaraxyo lala beegsanayo
goobahaas.
Masuuliyiinta dhinaca amaanka oo soo xiganeysay wakaaladda wararka ee
Reuters ayaa sheegay inay haatan ciidamada ammaanka ay u tafaxeyteen
inay ka hortagaan wax kasta ee la filan karo inay dhacaan gaar ahaan
qaraxyo lala beegsado goobaha muhiimka ah, iyadoo arrintanina ay ka
dambeysay dowladda Mareykanka oo dowladahaas uga digtay inay
muwaadiniintooda geliyaan feejignaan.
Muuse maxamuud Jisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somalia
002521576666
002521653623