Jimce Nov 17, 2006
Banaanbax Rabshado wata oo ka dhacey
Muqdisho
Waxaa magaalada Muqdisho shaley ka dhacay Banaanbax ballaaran oo wata
rabshado oo ay dhigayaan Dadka ka ganacsada Qaadka oo keeni jirey iyo
kuwa Cuna waxayna dadka qaar ku dhawaaqayeen “Maxkamaduhu ha noo
sameeyeen Meherado ganacsi" iyo erayo kale
Wadooyinka qaarkood ayaa lagu gubayewy Taayaro iyo waxyaabaha Holca ,
waxaa dhamaan la xirey Meherradihii ganasiga iyagoo dadka ka cabanayeen
in waxyeelo uga timaado dadka banaanbaxayey oo marrarka qaar dhagaxaan
tuurayey

Ciidamada Maxaakiimta ayaa wadooyinka
la soo dhoobey gaar ahaan wadada weyn ee soddonka waxayna dadka ku kala
eryeen Rasaas ay kor u ridayeen hase yeeshee waxaan kor tagey Maydkiisii
wiil 14 jir oo ku geeriyoodey Banaanbaxaas.
Maalintii shaley ayaa qaad laga keeney
Dalka itoobiya ay maxaakiimta ku gubeen wadada Siinka dheer waana mida
gundhiga u ah banaanbaxyada rabshadaha wata waxaana Garoonka Diyaaradaha
lagu qabtey Diyaaradsidey qaad ka dib markii lagu soo qariyey Kaartoono
, ilaa iyo hadda maxaakiimta ma soo saarin sharci joojinaya qaadka balse
waxay ku timid joojintaan markii Dowlada Kenya ay joojisey
Duulimaadyadii Soomaaliya oo ay ku jiraan kuwa qaadka taas oo ay uga
faaideyseen maxkamadaha oo markii hore Ullo Booc ah ugu tukubayey
joojinta qaadka.
Madaxa amniga ee Gobolka Banaadir ee Maxkamadaha Cabdulaahi Quteyba ayaa
shaaca ka qaadey in wixii ka dambeeye 3:00 Fiidnimo Magaalada Muqdisho
lagu rogey Bandow Cidii socota wixii waqtigaa ka dambeeya sharciga lala
tiigsan doono.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 17, 2006
Warar GooGoos ah: Nov 16...
»Warar ku saabsan
xaaladda Deegaanka Bandiiradley..
»Baaq ka soo yeeray
Golaha Dhaqanka..
»Maamulka Gobalka Sh/hoose
oo..
»Ciidamada Maxaakiimta
oo shalay gubay..
»Maxaakiimta Islaamiga
ah oo soo saaray sharciyo..
»Warbixin cusub oo ay
soo saartay Qaramada Midowbay oo
Wararkii oo dhan ka akhri halkan... Guji...
DFKMG oo ay saameyn ku yeelatay joojintii
Duulimadyada Diyaaradaha ee Kenya
»Nin
ganacsade ah oo si xun loogu dilay Nairobi..
»Banaanbax
ay shalay dhigeen shaqaalihii iyo..
»Afar qof
oo ku dhimatay god Kaawo ah oo ku yaal Kaaraan
»Sheekh C/qaadir
Cali Cumar oo shalay furay...
»Dowladda
Kenya oo ganaaxday labo Diyaaradood oo..
»Naadiga
Saxaafadda Soomaaliyeed oo xusay Sannad..
»Diyaarad
ay ciidammada Xoreynta Ogaadeenya ka gubeen
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Nov
15
C/qaasim: Kenya waxaan leeyahay Joojinta Qaadka
ummaddu u Gaajoon meyso
»Deeq la gaarsiiyey
Asad Aadan Turaabi...
»C/qaasim oo ugu baaqey
shacabka Soomaaliyeed in ay..
»Xiriirkii u dhaxeeyey
Maxkamadaha iyo Kenya oo soo..
»C/llaahi Yuusuf oo
kulan degdeg ah la yeeshey..
»kooxda Dekedaha oo
xaflad dhiiragelin ah u sameeysey..
»Golaha Midnimada iyo
Badbaabada oo si taxadar leh u soo..
»Idaacad loogu magac
darey Xurmo oo laga furey Muqdisho..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Nov 14
Hay’adda
DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo Caariyey Xeebaha
Soomaaliya...
Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta DBG Daryeel Bulsho Guud
lagu soo bandhigay wax qabad ay sameeyeen tababarayaal ay
Hay’addaas u tababartay ka hortagga Haamanka Sunta
xanbaarsan ee ku soo caariya Xeebaha Soomaaliya., waxaana
halkaa lagu daawaday shan iyo toban haamood oo ku soo
caariyay xeebaha Soomaaliya, laga soo bilaabo 2004 ilaa 2006
kuwaasoo ku soo caariyay Xeebaha Kismaayo, Cigo, Warshiikh,
Jamal, Faax, Xiin Dawaco, Gaan iyo Degaano kale, waxayna
Hay’addu sheegtay in ay ku guuleysatay inay wax ka qabto
qaar ka mid ah haamankaasi kuwa kalena waxay hay’addu
sheegtay in ay u baahan yihiin hawl intaa ka sii baaxad weyn.
WARKAN OO DHAN AKHRI....
|