SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Muqdisho: Askarta Itoobiyaanka oo Kutubta Quraanka Iskaga Tiray Saxarada, Masaajidyadana ku dhex saxarooday...

quran

Ihaanadii ugu darayd ee ay askarta gumeystaha Itoobiyaanku u geystaan Diinta Islaamka iyo sharaf dhacii ugu xumaa ee loo geysto shacabka Islaamka ayaa Muqdisho ka dhacday intii u dhexeysey November 4 ilaa December 8, 2007 xilligaas oo ciidamada Xabashidu ay galeen masaajidda kuna saxaradoodeen, sidaas waxaa yiri oday booqday aaggii ay ka baxeen ciidamada Itoobiyaanku, weydiisteyna in aan magaciisa la sheegin.

Isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu yiri: "Arrinta ugu ba'an ayaa ka dhacday xaafadihii ay xoogga ku qabsadeen ciidamada Itoobiyaanku, gaar ahaan aagga jidka Wershedaha iyo jidka Soddonka, halkaas oo markii ay ka baxeen (Dec 8, 2007) la arkay kutubtii Masaajidda tiil oo ay saxarada iskaga tireen, arrintaas oo ah ihaanadii ugu xumayd ee abad loo geystey Kitaabka Kariimka ee muqdaska ah oo dhex yaal qowmiyad Islaam ah."

Xasuuqii ugu xumaa ee ciidamaada xabashidu u geysteen shacabka Muqdisho waxay ahayd intii u dhexeysey Nov 4-10, 2007, xilligaas oo wararku tibaaxeen in hal maalin ay qowrac iyo rasaas ku dileen 50 Soomaali ah. Lix kun (6000) oo Soomaali ah ayaa la diiwaan geliyey in ay dhinteen sannadkan 2007 oo ah intii ciidamada gumeystaha Itoobiya ay ku jireen ciidda Soomaaliyeed.

"Arrimahaas ay geysteen, welina geysanayaan ciidamaad gumeysiga Xabashidu, gaar ahaan xasuuqa shacabka, iyo in ay ku saxaroodeen masaajidda dhexdooda iyo in ay Qur'aanka Kariimka iskaga tireen saxaradooda najaasada ah, waxay muujineysaa in aysan wax caddayn ah u baahnayn waxa uu gumeystaha madoobi la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed, iyagoo boqolaal sano ku taamayey in ay mar uun sidaas u galaan.." ayuu yiri odayga Soomaaliyeed oo xaafadiisii ka qaxay, balse bil ka dib kulaabtay oo arkay sida ay Itoobiyaanku u galeen aaggagii ay ka baxeen. Waxana uu intaas ku daray "Falalkaas foosha xun ee ay Xabashida cadownimada dheer ka dhexeyso Soomaalida ay u geysteen Kutubta Quraanka iyo Masaajida oo ah Beydka Allah waa wax laga murugoodo oo aan loo dul qaadan karin."

Odayga Soomaaliyeed oo wixii uu xaafadiisii ku soo arkay ka warbixinayey ayaa yiri: "Muddo bil ah markii aan ka maqnaa xaafaddii aan deganaa kaddib ayaan hadda ku laabtay bal in aan soo eego gurigaygii, waxaan la kulmay in guryihii xaafaddaas ku yiil ay Xabashidu ka dhigeen qaar ay bililiqaystaan iyo qaar wixii yaal intii ay qaadi waayeen ay burburiyeen, wixii kumbuyuutarro iyo aalado kale ah iyo qalab xafiis ee xaafadadahaas yiil waa rarteen, wixii buugaag ay heli karaan qaarna waa rarteen qaarna waa jeexjeexeen.." waxana uu intaas ku daray isagoo qiiraysan  "haddii aad arki-lahaydeen sida Itoobiya u gashey xaafadii dadku deganaan jirey waa yaabi lahaydeen, xitaa masaajidadii bay ku saxaroodeen oo weliba ay isaga tireen saxarada kutubka Quaanka kariimka."

Ciidamada Itoobiya waxay magaalada Muqdisho galeen December 28, 2006, wixii xilligaas ka dambeeyey waxaa maalin walba sii kordhayey tacadiyada ay u geysanayeen shacabka Soomaaliyeed iyo xasuuqa, iyo ihaanada ay ku hayaan Diinta Islaamka iyo hadda oo ay u soo dhigteen Quraanka Kariimka oo ay u adeegsadeen sidii xaashiyo ay saxarada iskaga tiraan, taas oo meel ka dhac weyn ku ah Qowmiyadda Soomaaliyeed ee Islaamka ah iyo Diinta Islaamka.

Maqaalada dadweynaha:

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 09, 2007


Taariikh Kooban: wixii adduunka ka dhacay markii Joornaal ka soo baxa Denmark aflagaadeeyey Nebi Muxammad (Nabad gelyo iyo naxariista Allah korkiisa ha ahaatee.)

  • 30 Sept 2005: Joornaal ka soo baxa Denmark (Jyllands-Posten) ayaa daabacay sawir gacmeedyo aflagaado ku ah Nebi Muxamed.
  • 20 Oct 2005: Ambaasadoorada 11 dal ee Muslim ah u fadhiya Denmark ayaa waxay warqad u direen ra'iisul wasaaraha Denmark ay ku weydiisanayaan in ay la shiraan, ayagoo ugu baaqay in uu wax qabato wargeyska daabacay sawir gacmeedyada, waxana uu ra'iisul wasaaruhu diidey kulankaas.
  • Oct 14, 2005: Lix iyo toban hay'adood oo Muslimiin ah Reer Denmark ay ayaa cambaareeyey wargeyska Jyllands-Posten, waxana sheegeen in Muslimiinta la daan-daansanayo.
  • 20 Oct 2005: Muslim Safiirada Muslimka ayaa waxay cabasho u gudbiyeen ra'iisul wasaaraha Denmark.
  • 10 Jan 2006: Wargeys reer Norway ah oo lagu magacaabo Magazinet, ( Christian newspaper ee Norway)ayaa daabacay sawir gacmeedyadii wargeyska Denmark ee aflagaadada ku ahaa Rasuulka NNKH.
  • 25 Jan 2006: Muftiga dalka Sacuudiga Sh. Cabcicasiis Aala-Sheekh uu soo saaray fatwo uu ugu yeerayo shirkadaha sacuudiga, iyo guud ahaan ganacsatada muslimiinta inay jaraan xiriirkooda dhaqaale ee ay la leeyihiin shirkadaha laga leeyahay Denmark,
  • 26 Jan 2006: Saudi Arabia ayaa u yeertay safiirkoodii u fadhiyey Denmark. Waxaana sucuudiga ka bilowday joojinta alaabta laga keeno Denmark.
  • 30 Jan 2006: Waxaa weerar lagu qaaday xafiiska Midowga Yurub ee Gaza ayadoo la weydiisanayo raali gelin in ay bixiyaan
  • 31 Jan 2006: Joornaalkii Denmark ayaa bixiyey wax u eg raali gelin
  • 1 Feb 2006: Wargeysyo reer Yurub ah ayaa mar kale daabacay sawir gacmeedyadii iyagoo ku taageeraya Denmark iyo waxa ay ugu yeeraan Xorriyatul Qowlka, wargeysda daabacay waxaa kamid ah France, Germany, Italy iyo Spain .
  • 3 Feb 2006: Dad mudaharaadaya ayaa isugu soo baxay meelo badan oo k amid ah dunida, sida  London UK, Ciraaq, Pakistan, iyo Indonesia
  • 4 Feb 2006: Waxaa dad caraysani weerareen,dabna qabadsiiyeen safaaradaha Denmark iyo Norway ee dalka Suuriya.
  • 5 Feb 2006: Waxaana mudaharadyo lagu qabtay 25 dal. Dad mudaraadayey ayaa gubey safaarada Denmark ee magaalada Beyruut, Lubnaan.  Waxaa is casiley wasiirkii arrimah agudaha ee Lubnaan.
  • 6 Feb 2006: Ciidamada Booliska Afganistan ayaa rasaas ku furan dad mudaharadaadayey halkaas waxaa ku dhintay afar qof. Magaalada Boosaasona waxaa ku dhintay wiil 14-jir ah.
  • Sii Akhri halkan........
  • DIFAACA RASUULKA::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 |

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com