Somalida iyo Somalia, maxaa ku dhacay dawlad
la’aanta awigeed?
Qore: Cabdisalan Malla
c/o Jubbaland Foundation: Philanthropic and Development Center
awmadow@yahoo.com
Waa su’aal ku habboon in
la isweydiiyo, Soomaalyeey, xilligan aan ku jirno kala guurka oo u muuqda in
uu yahay xilli la gaaray biseel siyaasadeed iyo wacyi ah in loo jiheystey
xaga Rabbi, sida aan u maleenayo, iyadoo loo toobad keeney Rabbi isla
markaasna aan filayo in la maqli doono Rabbi ammaradiisa iyo jiheyntiisaba
sida ku sugan Kitaabkiisa Quraanka ee kariimka ah iyo Sunnada Rasuulkiisa
(SAW), si looga baxo cadaabkii iyo jahawareerkii Ilaahy (SWT) nagu
imtixaanay Muddadii xorriyadda la qaatey ilaa maantadan la joogo gaar ahaan
14kii sano ee ugu dambeeyey sabab aan galabsannay awigeed.
Waxay ila tahay dawlad
la’aantu waxay na dhaxalsiisey arrimaha soo socda oo khatar weyn ku ah
jiritaanka umadda soomaliyeed haddii aan dawaladnimada dib loo hanan :
1) Ummaddu waa shacab iyo hoggaan (Madax)
sida qofku u yahay jir iyo madax; haddaba haddii qofka laga gooyo madaxa,
maxay mijihu qaban karaan ama jirka intiisa kaleba? bal adba sheeg akhristow!;
Haddaba, waxaa la mid noqonnay ummad madixii ka maqan yahay, dawlad laanta
awigeed, jirka intiisa kalena aan wax tar laheyn, ama miithaal kaleba, waxaa
la mid noqonay dadkii doonta saarnaa ee marayey badweynta bartamaheeda;
tasoo si aan la fileyn hoggaankii doonta iyo rakaabkii doontu sidey uu u
dhexmaray dagaal kharaar oo aan loo kala harin. Dagaalkaa sababtii, waxaa
dhumay habsami u socodkii doonta taasoo dhalisey khalkhal weyn oo lala
yaabay. Waxaa dhacday in dadkii dagaalamayey qaarkood ay doontii duleyliyeen
si loo wada halaagsamo. sidoo kale, qaar kalena waxay badda dhexdeeda ku
tuureen naqshaddii tilmaameysey deegaanada ku xareyreysan badweeyta iyo
kambaskii siineyey doonta jiheynta, tasoo sidaa ay u sameeyen si loo dhumo
awigeed loona jaho wareero. Doontii waxaa soo galay biyo fara badan oo waxay
ku dhowdahay in ay si fiican u degto maantadan la joogo haddii aysan helin
gurmad degdeg ah; welina waxay dhex wareegeysaa badweynta bartamaheeda oo ay
ku jaho wareeresantahay. Dadkii saarnaa doonta waxay u qeybsameen seddex
qolo: qolo doonta dusheeda weli ku dhib qaba oo jahowareersan oo cabsi weyn
ka qaba in ay la degto dhawwaan haseyeeshee weliba iyaga dhexdooda is
cunaayo; iyo kuwo doontii ka dabaashay oo dooman dadka kale leeyihiin
gargaar ka helay oo la badbaadiyey; iyo kuwo ku halaagsamay badweyta
dhexdeeda oo akhira u jiitey. Kuwii doomaha shishheye saarnaa cabaad badan
baan ka yimid oo ah in ay dhib badan ku qabaan doomaha shisheeye oo ay
saaran yihiin oo ay jeclaan lahaayeen in ay ku soo laabtaan doontooda haddii
ay hagaagi laheyd Allah idinkii. Haddaba maanta ayey ugu dhowdahay in doonta
la badbaadiyo haddii qof walba oo soomaali dhab ah, muslimnimana ay ku
dheehan tahay uu u istaago in uu guto xilkaasi, ee walaalow kaalintaada
qaado oo ku dadaal sidii aad u badbaadin laheyd naftaada, eheladaada,
walaalahaaga iyo dalkaaga soomaaliyeed ee dhibka badan qaba kuna dhow in uu
si buuxda u halaagsamo.
2) Qof kasta oo naga mid ah wuxuu
leeyahay dan gaar ahaaned oo khuseysa isaga iyo qoyskiisa, iyo mid guud oo
ka dhaxeeysa dhamman xubnaha umadda sida ilaalinta iyo horumarinta kheyraada
dalka ee bad iyo birriba; Adeega guud ee bulshada sida caafimaadka iyo
waxbarashada; dejinta qorshe dhaqaale, siyaasad iyo mid bulsho; dhisidda
kaabayaasha dhaqaalaha; Sugidda nabadgelyada iyo cadaaladda; iyo sidoo kale
difaaca diinta, dalka, dadka, calanka, xorriyydda, iyo sharafta ummadda.
Haddaba, dawlad la’aantu waxaan ku weyney daryeelkii guud ee danta ummadda
tasoo iyada la’aanteeda la halaagsamay, dantii gaar-ahaaneydna ay ku taag -dareysey.
Tusaale ahaa, sida qof waliba ogyahay, badaheenni waxaa lagu shubay qashin
iyo sun, kheyraadkoodina waxaa xisaab la’aan daldashay cadow dibedda ka
yimid; waxaa sidoo kale xisaab iyo daryeel la’aan la daldashay kheyraadkii
berriga oo noocyo badan leh; waxaa la xaalufiyey deegaankii dalka iyo
dhirtiisaba; Sidoo kale waxaa la boobay oo meesha ka baxay wax alle wixii
hanti guud ahaa ee qaranka u yiiley noocuu noqdaba; waxaa ku nafwaayey
dagaalada sokeeye dad qiyaastii ka badan 800,000 haba u badnaadeene dadka
beeraleyda ah ee ku nool koonfufta dalka iyo dadka ku nool woqooyi galbeed
ee dalka. Waxaa dalka ka qaxay oo dhul shisheeye u boqooley dad ka badan
qiyaastii 2 Milyan oo ay la soo deristey dhibaato dhaqan, dhaqaale, diin iyo
qaxootinimo oo aan sharaf laheyn; waxaa sidoo kale daryeel dawladeed waayey
maatadii dalka ee u badan haween iyo caruur, agoontii, iyo dadkii naafoobay
ee dalka gudhiisa ku noolaa. Haddaba akhristow, dawladnimadu waa dahab ee
waligaa ha deyn haddii mar kale qaadirka Allah gacanta kuu soo geliyey ee ku
dhegnow waligaa waa fursad qaali ehee, sidaana ula soco.
3) Markii aan gacanteenna ku burburiney
qarannimadeena, dawlad la’aanna ay nagu dhacday, waxaa nala soo dersey
a) Qiima dhac iyo sharaf waa’ ku yimid
magaceenna, dadnimadeena, iyo dalkeennaba xaga mujtaca adduunka dhammaan
iyadoo aan u muuqanay in aan nahay dad aan dhug iyo aqoon toona laheyn oo
aan mudnaan iyo tixgelin midna aan la siin karin gaar ahaan markii ay
dhibaatadu daba dheeraatey muddo 14 sano ah.
b) Caro Rabbi oo ka dhalatay in aan u
noqon weyney kitaabkiisa iyo sunnada rasuulkiisa markii ay nala soo daristey
xaaladda qalafsan si aan u xalinno mashaakilkeenna balse waxaa badankeennu
si ula kac ugu tumannay sharciga Allah iyo xuduudiisa si aan la qiyaasi
karin oo aan laga fileyn qof ama ummad muslin ah in ay sidaa yeesho ee
Illaah ha noo dambi dhaafo. Amiin.
c) Mustaqbal la’aan halis weyn gelisey
ama ku heysa jiritaankeena ummadeed dhaqan ahaan iyo diinba waayo cunugii 14
sano ka hor dhashay waa qaan gaar maantay, kii 14 sano jireyna markaa waa 30
jir maanta, waxayna ku korayn xaalad jaho wareer, dagaal iyo xabbad, daryeel
la’aan, iyo weliba aqoon la’aan. Waxaa halkaa ka muuqda khasaaro weyn oo ay
inoo geysatey dawlad la’aantu waayo waxaan la mid noqonnay sida tusbax
dhexda ka go’ay oo kale oo waxaa halkaa ka baxay taxanihii taariikhiga ahaa
ee jiilba jiilka kale ugu soo gudbin jirey hiddihii uu hanbaarsanaa ee
soojireenka aheyd oo ku dhisneyd xikmadda, aqoonta, dhaqanka, iyo xeerarkii
umadda soomaaliyeed waayihii taariikhda oo idil. Waxaa intaas oo idil ka sii
daran, marka dalka ay ku soo noqdaan jiilal hor leh oo ka yimid dalal
shisheeye oo ay u qaxeen ama ay ku dhasheenba muddadii jahawareeka lagu
jirey ee dawlad la’aanta nagu habsatay, iyagoo xanbaarsan afaf, dhaqanno iyo
diimo qalaad oo kala duwan oo ay ka soo dhaxleen ummadaha shisheeye, taasina
waa musiibo kale hor leh oo khatar weyn galin doonta jirintaankeenna
ummadeed haddii aan si aad ah looga fiirsan maantadan la joogo, soomaalina
aysan qarannimadeeda dib u soo hanan. Bal si dhab ah uga fikira soomaaliyey
arinkaasi.
Wa Bi-Allahi Towfiiq
12 Shawwal 1425 Hijri
November 25, 2004 Miilaadi
awmadow@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov
26, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga kus axiixan
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com