SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Jawab : Cawil oo lagu tuhunsan yahay weerarkii Madaxweynaha.......
Ducaale Hadal Wanaaje II

Nov 26, 2004

Waad salaaman tihiin dhammaan saaxiibada webka iyo netka gaar ahaan qofka soo qoray maqaalkan aan rabo in aan uga jawaabo ( Mrs. Baydan Samatar Khalaf ) on 23 - Nov - 2004

 
Horta marka hore rali iga ahaw abbaarka magacaaga Mrs. oo aan anigu kolay u aqaan magaca ( Baydan ) mid dumar haddii aanan khaldanayn.
 
Mrs. Baydan waxa aan kuu sheegi lahaa in aan si fiican kuula qabo tuhunka aad saartay in Md. Cawil Wasiirka Maaliyadda JSL uu ka danbeeyay shirqoolkii habaysaan ee la rabay in lagu khaarajiyo Madaxweyne C/Yuussuf-Yey Arbacadii Nov. 17.2004. Sababta oo ah :
 
1. Waxa aad soo bandhigtay tuhun aan dadka intiisa badani garan oo fahmi karin illaa iyo nin ka soo shaqeeyay hay'adaha sirdoonka iyo khaarajinta mooyee !
 
2. Md. Cawil oo ah nin aad ugu daran hawlaha noocaas ah sida aad sheegtay oo ah nin aan gabbanahayn haddii uu u helo fursad ama uu arko dagnaan meesha ku jirta.
 
3. Ragga lagu sheegay Dir woqooye oo aan ka fogayn qaar halkaas u joogo hawlo lala xidhiidhin karo wada shaqayn iyo in ay leeyihiin gacan saar Dawladda JSL qaarkood. meeshu waxa ay noqotay booraan dawaco oo cid waliba waa ay joogtaa iyaka oo isku sheegaysa in ay u joogaan arrimo ku saabsan heshiis iyo Somali wax ha loo qabto. Waxa aan ka cabsi qabaa in ay soo noqnoqdaan arrimaha noocan oo kale ahi. Tan waxaa loo qaadan karaa digniin iyo taxadar in la sameeyo in kasta oo aan ku kalsoonahay dhallinyarada ilaalada C/Yuussuf ee ka soo raacday P/Land iyo Garoowe.
 
4. Waxa aan u qabay ilaalada Madaxweynuhu in ay yihiin qaar cirka laga soo hindhisay oo dadka ba ka foojigan oo aan libiqsi lahayn si ay wadka uga ilaaliyaan Madaxweynaha la doortay Md. C/Yuussuf Axmed Yey.
 
5. Sida uu u dhacay shilku waxa uu garan karayaa ninkii aqoon iyo waaayo aragnimo u lihi in ay xiriir la leedahay qaabkan cusub ee aad moodo inuu hadda bedelay dagaaladii maliishiyada qabaa'ilka ee hore u dhici jiray oo ay tani tahay farsamo cusub oo ah nooca loo yaqaan "Kill in an ambush" Khaarajinta habaysan ee ku talo galka leh sida hadda ka socota meelo ka mid ah Xamar.
 
* Waxa aan ku talin lahaa in ilaalada Madaxweynaha loo badiyo dumar kuwaas oo sida la ogyahay ka foojignaan badan ragga sida la xaqiiqsaday tijaabo uu qaaday Madaxweynaha dalka Libya Mucamar Al-Qadafi.
 
* Waxa kale oo aan ku tallin lahaa in indho gaar ah loo yeesho dadka ka soo jeeda qaybaha la ogyahay in ay walaac ka muujiyeen doorashada C/Yuussuf Axmed ee meelahaas ku sugan.
 
* Madaxweyne C/Yuussuf waxa uu inagu joogaa xoolo fara badan iyo waqti fara badan oo haddii si fudud lagu waayo dib u soo kici mayno. Niyadda noo dhisan tahay ayaan wax loo dhigaa ba jirin.
    
Mahadsanid.
 
Ducaale Hadal Wanaaje II

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 26, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kus axiixan


:::MAQAALLADA DADWEYNAHA:::
»Yaa ku Abaal sheegan kara bulshadan baa’baday?! [A/yare]
»XAQIIQADII OGAANNAYE, XALKA MA U ISTAAGNAA?? [Nabaddoon]
»SL IYO PL WAXAA LA GAARAY WAKHTIGII MIIS LA ISKUGU diridhaba
»
Aqoonyahanka yaan la Gumaadin! [Mohamed Haji]
»Isbahaysiga Shimbiraale iyo Guwantanamo [Obsiiye]
»Jawaab "MADAXWEYNE C/LAAHI: LAGU DOORAYEE  HA DILIN "
»
Dhalinyarada Soomaaliyeed:  Uguntada Badbaadinta Qaranka
»CALOOSHII WAX BOOBTA DIBBAY CIRIB XUMAATAA [Garaad]
»Gaashaanle Sare Aljazeera [Obsiiye]
»Ciil Kama Kore [Qoraalkii Maxamed Hirad]
»Mustaqbalkii Ubadkeena oo  la Marooqsaday [Hashi]
»DHIBAATADA KA TAAGAN DHISMAHA GOLAHA WASIIRADA |a/risaq
»Sideey isu qaldeen walaalaha Hargeysa ee hada soo miyirsanaya| dirir
»Guushii xuriyada iyo fashilkii qaranimada [C.C.Shafici]
»Gacan Yarayaasha Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo..  [A.Mohamed]
»WADDANKAYGA SHARCI KAMA JIRO! [cabdinuur]
»14+5+2=21 sano oo qaran la aana [Xasan]
»Soomaalyeey Ciidamada shisheeye ma inoo danba? [Mire]
» MAQAALADII HORE EE DADWEYNAHA... GUJI... 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD