SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Muraaradillaaca iyo maangaabnimada Faysal Cali Waraabe!!

Aden Ahmed
johor65@yahoo.co.uk 

Nov 27, 2004

Asalaamu caleykum

Waxaa caado u noqotay ina Cali Waraabe iyo inta la fikirka ah ee ku maaweeliya naftooda riyada dhalanteedka ah ee goosashada, ineey mar kasta oo saansaan nabadeed ama bidhaan dowladeed kasoo muuqato koofurta Somalia ineey qaylo (waawareey iyo warhayaay!) ay af labadi yeeraan, ayagoo u arka in dagaalka iyo colaadaha oo kasii jira koofurta Somalia ay tahay sida keliya oo ay ku gaari karaan ujeedadooda guracan ee gooshada.

Waa yaabe, ina Cali Waraabe haddii uu wado dan Hawiye sida uu sheeganayo, muxuu uga hadli waayey maalinkeey is dilayeen oo colaaduhu dhex yiileen oo dhiigoodu uu daadanyey, oo maanta ooy go'aansadeen ineey heshiiyaan dhexdooda, lana heshiiyaan soomaalida inteeda kale ka qeylisiinaya? maxaa keenay namiimnimada, diradiraalaha iyo isku soofeynta umaddaan colaadu dilootay oo u baahan in maslaxad la dhexdhigo sida diinteennu na fareyso?
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)" C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo ONLF" Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan" Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "  Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu ku degey" XagarYare
Doodii Dadweynaha ee 2001

Miyuusan aheyn ina Cali Waraabe ninkii shalay lahaa, markii C/qaasim lagu soo doortay Carta "inanka Hawiye ee ku dhashay Muqdisho waxaa iiga sokeeya inanka xabashiga ah ee ku dhashay Addis Ababa"? Maantase ma ka dhaadhicin karaa Soomaalida fayoow ee miyirka qabta inuu kala jecelyahay C/qaasim oo Hawiye ah iyo C/llaahi Yusuf oo Daarood ah? Mayee ina Cali Waraabe iyo inta la fikirka ahba waxay jeclaan lahaayeen sida ka muuqata qoraalkiisa, in dagaalada koofurta somalia aysan marnaba istaagin oo dhiiga ummadda masaakiinta ah la daadiyo, si ay ku gaaraan riyo maalmeelkooda khiyaaliga ah waa sida ay iska dhaadhiciyeene.

Ina Cali Waraabe wuxuu ku qancay oo weliba u hambalyeeyey madaxweynanimada Ina Riyaale oo ka ahaa Col. NSS ah xukuumadii Ina Siyaad Barre asagoo ujeedadiisu tahay una daneynayaya in Hargeisa iyo Burco si nabad ah loogu wada noolaado. Arintaasi ma xuma oo waan jeclahay in dhulka somaaliyeed nabad loogu wada noolaado, laakiin bal isweydii Faysal muxuu ku diiday madaxweynanimadii C/qaasim iyo tan C/llaahi Yusuf?. Wuxuu ku diiday oo uusan dooneyn marnaba in nabad loogu wada noolaado Muqdisho iyo koofurta Somalia.
Xowliga Kobaca Garaadka iyo Jirka
Khaalid Maxamed

Miyeysan na fareyn diinteenna suuban inaan la jeclaano walaalkeenna muslimka ah waxa aan nafteena la jecelnahay?

Haddaba arinta Somalia waxay u dhigantaa hal guri oo dab qabsaday, haddii walaalaha waqooyi guriga dhinaca ay ka degganaayeen dabkii ka damiyeen, ma aheyn ineey ku fiirsadaan walaalahooda koofureed dabka ku shidan, laakiin waxaaba kaba sii xun oo ka daran inaad ka naxdid mar alla markaad aragto walaalaha koofureed oo isku dayaya ama doonaya ineey iska damiyaan dabkaas, sida ay noo muujiyeen ina Cali Waraabe iyo inta la qabta fikradiisa guracan ee ku dhisan isku dirka iyo kala qoqobidda dadka walaalaha ah.

Ma jecli inaan beel dhan oo leh wax kasta, oo ay ka buuxaan dad wanaagsan oo jecel nabadda iyo kuwada noolaansheeda inaan wax ka sheego sida Ina Cali Waraabe u jaa'ifeeyey beelo badan oo Soomaliyeed, laakiin waxaan meesha ku jirta oo aan la dafiri karin in walaalaheen reer waqooyi ay hogaanka u qabteen oo durbaan been ahna u tumeen Ina Cali Waraabe iyo kuwo la fikir ah, kuwasoo walaaheen u tusay in soomaalida kale oo dhan ay yihiin cadowgoodii 1aad, ayna ku gaari karaan ujeedadooda ka fogaanshaha iyo colaadinta soomaalida inteeda kale. Duulkaas uu ka mid yahay ina Cali Waraabe iska daa faa'iido ay u keenaan walaalaheene waxay halis u gelinayaan ineey badaan ama ku kallifaan qoqob ama go'doon aan Ilaahay badin. Waxaana taa daliil u ah, sidaan la soconno Jabuuti waxay yiraahdeen, waxay ka shaqeyneysaa nabadda iyo midnimada Somalia oo waa cadowgeenna, soomaalidii kilinka shanaadna la isma tuso, Somaalida koofurtana warkeedba daa!. Marka haddii ay idinku direen wixii magac soomaali sheegta, waayahaye, xaggee idiin wadaan?!!

Gunaanadkii, Ina Cali Waraabe mid baan oranayaa, waxaad sheeganeysaa inaad siyaasi tahay, laakiin siyaasaddu sidaa maaha, ninkaad siyaasadda isaga horjeedaan maaha beeshiisa inaad aflagaadeyso, asaga laftigiisa shaqsi ahaan inaad u caydo maaha, laakiin waa inaad siyaasaddiisa dhaliilaheeda umadda u sheegtaa, adigoo waliba caddeyn raacinaya. Tusaale ahaan, waxaad sheegtay in beesha C/llaahi Yusuf oo laga tiro badan yahay ineey rabto iney somalia xukunto. Ka waran Ina Riyaale oo aad waliba madaxweyne u aqoonsan tahay kana taliya waqooyi?! Ma beeshiisaa ugu badan gobolada waqooyi?! Sow munaafaqnimo iyo waliba siyaasad xumo maaha hadalkaagu?!! Waxaad sheegtay beesha C/llahi Yusuf ineey khiyaano ku caan baxeen, taasna waxay muujineysaa, adiga iyo cadaaladdu meeshaad kala joogtaan, oo runtii cadaaladda oo ah tan soomaalidu maanta aadka ugu baahan tahay aad baad uga fog tahay. Sidee beel dhan ugu tilmaami kartaa kha'imiin. Tusaale, hadda adiga waxaa kugu cad sida laga aqrisanayo qoraalkaaga namiimnimo iyo diraraale, ogoow dad waxaa kuu xiga waalidkaa iyo walaalahaa lamana su'aalayo danbigaad geysato, beeshaadana iskaba daa, ee adiga qura baa u qoollan oo lagu weydiin waxaad geysato.

Fiicnaan laheydaa faysalow intaad ka shaqeyneysid isku dirka umadda inaad ka shaqeyso maslaxadda, nabadda iyo wadanoolaansha dadka walaalaha ah oo aan sina u kala maarmin, waliba adigoo ku nool wadan Europe ah oo indhahaaga ku arkay sida umad kala af ah, kala diin ah, kala midab ah oo waliba kala sinji ah ay nabad ugu wada nool yihiin. Maxaa kugu qasbaya inaad kala geyso iskuna dirto umad isku af ah, isku diin, isku midab ah isku sinji ah?

Nabad iyo barwaaqo

Aden Ahmed
johor65@yahoo.co.uk 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kus axiixan


:::MAQAALLADA DADWEYNAHA:::
»Yaa ku Abaal sheegan kara bulshadan baa’baday?! [A/yare]
»XAQIIQADII OGAANNAYE, XALKA MA U ISTAAGNAA?? [Nabaddoon]
»SL IYO PL WAXAA LA GAARAY WAKHTIGII MIIS LA ISKUGU diridhaba
»
Aqoonyahanka yaan la Gumaadin! [Mohamed Haji]
»Isbahaysiga Shimbiraale iyo Guwantanamo [Obsiiye]
»Jawaab "MADAXWEYNE C/LAAHI: LAGU DOORAYEE  HA DILIN "
»
Dhalinyarada Soomaaliyeed:  Uguntada Badbaadinta Qaranka
»CALOOSHII WAX BOOBTA DIBBAY CIRIB XUMAATAA [Garaad]
»Gaashaanle Sare Aljazeera [Obsiiye]
»Ciil Kama Kore [Qoraalkii Maxamed Hirad]
»Mustaqbalkii Ubadkeena oo  la Marooqsaday [Hashi]
»DHIBAATADA KA TAAGAN DHISMAHA GOLAHA WASIIRADA |a/risaq
»Sideey isu qaldeen walaalaha Hargeysa ee hada soo miyirsanaya| dirir
»Guushii xuriyada iyo fashilkii qaranimada [C.C.Shafici]
»Gacan Yarayaasha Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo..  [A.Mohamed]
»WADDANKAYGA SHARCI KAMA JIRO! [cabdinuur]
»14+5+2=21 sano oo qaran la aana [Xasan]
»Soomaalyeey Ciidamada shisheeye ma inoo danba? [Mire]
» MAQAALADII HORE EE DADWEYNAHA... GUJI... 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD