SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

HASHII FOOSHA DHEERAYD MAXAY INOO DHASHAY??

 
W/Q: Mursal Max,ed Max,uud (Garaad)


 Email: stethy1@yahoo.com

 

Dec 5, 2004

 Faaladda dhismaha Golaha Xukuumadda

Intii muda ahba waxaa dhegta loo taagayey dhismaha Goloha Wasiiradda cusub. Iyaddoo Mudane Geedi looga fadhiyey in uu soo dhiso, mas'uuliyiin ka gudbi kara xiliga adag, islamarkaasna horseedi kara nabad iyo dib u heshiisiin.

 
     Hase yeeshee inta badan xunnaha ku soo baxay Wassiiradda , jagooyinka lagu maacaaabay iyo qaabka loo soo xushay, ayaa ah gebi ahaanba mid khaldan oo aan ka tarjumkaynin heshiiskii ahaa in Beeluhu si siman wax ku qaybsadaan.                                                                                             
 
 
    Golaha Cusub ee Wasiiradda waxaa ka dhex muuqdda Hogaamiyayaashii dagaalka, intooda badana yihiin kuwa ku abtirsadda Golaha S.R.R.C taas oo ka dhigaysa in wax lagu jaan gooyey qaab u eg Xisbi. Tusaale ahaan Golaha Wasiiradda inta hadda la magacaabay waxay ka koobanyihiin 27 Xobnood 8- ka mid ah marka lagu darro Xusayn Caydiid oo xubintiisu diyaar tahay waxay ka soo jeedaan Golaha S.R.R.C, halka 7-kalena  ay yihiin Taageerayaasha Madaxwynaha ama haddii si kale loo dhigo Bahdda Madaxweynaha ee Hartiga. Iyadoo 12ka kalena ay ka yimadeen qaybaha kale oo laysku wada daray!. Sidoo kale waxaan meesha ka marneyn in Madaxweynaha iyo Ra'iysul warasaarhuba ay yihiin S.R.R.C.
 
   Sida loogu Sed-bursahay Beelaha Qaarkood
 
    Beesha Daaroodka ee uu ka soo jeedo C/laahi Yuusuf ayaa waxay qaateen Wasaaraddaha ugu Muhiimsan ee Dowladda, iaydoo si gaara farta loogu fiiqi karo Bahdda odaygu ka soo jeedo ee Hartiga. oo loo qoondeeyey in ay maamulaan, Wasaaraddo ay ka mid yihiin, Qorsheynta Qaranka & Iskaashiga Caalamiga, Gaashaan dhiga, Kaluumaysiga & Kheyraadka Badda iyo Boostadda & Isgaarsiinta.  

    Taas oo runtii ah mid aad loogu fududaaday, islamarkaasna abuuri karta Collaad hor leh iyo is aamin darro. Iyadoo ay durbaba qaylo dhaani ka soo yeertay inta badan Goboladda Dalka, lana arkayo Banaan baxyo looga soo horjeedo sida wax loo dhisay. Sidoo kale waxaa meesha ka baxay Nidaamkii laysla wada ogolaa ee 4.5ka. Waxaa jira Beelo haba yaraatee aan lagu xusin Golaha cusub ee Dowladda, halka 2 iyo wax kabadanna laga keenay isku hal qaanad oo hoose.

 
Wasiiradda Cusub ma ka soo bixi karaan Howsha Xafiisyadda lagu magacaabay?
 
 Waxaa muuqata in dhamaan Hogaamiyayaashii Dagaalka lagu wada magacaabay Wasaaraddo, iyadoo ay tahay in qofka qabanaya Wasaarada uu aqoon buuxda iyo Waayo aragnimo u leeyahay Howsha uu qanayo, si looga badbaado dib u dhac iyo in howlihii uu u xilsaarnaa ka soo dhalaalo waayo.

Hadaba waxaa aad looga dheehan karaa shaxdda Wasiiradda lagu magacaabay, in Jagooyinka qaarkood aad loo marin habaabiyey, oo Ragga loo dhiibay ay ku fiicnaan lahayd in meelo kale loo dhiibo, si howshii qaranku aanay iskugu dhex yaacin, haddii aanay xaajaddu ahayn ku magacaaw haba loo maamulee. Wasaaraddaha farta lagu fiiqayo ee dhaliilaha weyni ka jiraan waxaa ka mid ah: sida Cadaaladda & Garsoorka, Owqaafta & Arimaha Diinta iyo kuwo kale.

   
    Sidoo kale waxaa jira Wasaaraddo laysku nuxur tiray, ama la kala qaybshey sida Was. Howlaha guud iyo guryeynta, oo lagu feer abuuray Was. Dib u dhiska & dib u dejinta. Waxaa sidoo kale la nuxur tiray Was. Arimaha Dibadda oo ay ka dhinac shaqayn doonto Was. Qorsheynta Qaranka & Xiriirka Caalamigaa.

Dhamaan Khaladaad kaas waxaa la dhihi karaa, ma'ahan, fikir u gaar ah kana soo maaxdey Wasiirka 1aad oo ah Nin aqooonyahan ah, walloow uu ku yimid rabitanka Hogaamiye kooxeed, lana sheego in uu xiriir dhow la leeyaha Dowladda Ethopia. Hadana Arintu waxay u egtahay mid ay ka soo shaqeeyeen C/laahi Yuusuf iyo Gacan-yara yaashiishu.

 
Reer Waqooyiga mala qan ciyey, maxayse xaaladani ku keeni kartaa      
                      Midnimadda aan cagaha badan ku taagnayn?
 
    Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Goboladda Waqooyi waxay in badan tirsanayeen eedo laga galay iyo Cadaalad daro soo noq-noqotay, laga soo bilaabo 60kii ilaa iyo hadadan. Khaladkii ugu horeeyey ee markaas lagu dhacay wuxuu ahaa in Walaalaha Waqooyi oo keenay Calankii, goystayna in si aanay shuruudi ku jirin ula midoobaan Walaalahooda Koofureed, in ay waayeen mid ka mid ah Jagooyinkii ugu sareeyey Dalka, iyadoo ay ahayd in laguwada maamuuso haddii Damiirku shaqaynayo. Cadaalad daridda markaas bilaabatey waa ay socotay, ilaa ay ka soo gaartay in Hubkii Cadowga loo haystay, oo ay ku jiraan diyaaraddo lagu garaaco. Taas oo runtii abuurtay cuqdadsa maanta Waooyi u heyso Koofur.

 Hadaba waxaa wax laga xumaado ah, in Reer Waqooyiga aan lagu marsiinin mudankoodii wax qaybsigan ugu danbeeyey., balse xaajaddu ay u egtahay sed-quursi oo C/laahi uu kusoo cusboo naysiinayo Colaaddii kala dhexeysay, Reer Waqooyiga. Tusaale ahaan Beesha Direed waxay wax u qaybsadaan, Dirta Waqooyi iyo Dirta koofureed. Waxaana majorty ah Reer Waqooyiga sidaas ayeeyna Xaq ugu leeyihiin, in tiradda ugu badan ama ugu muhiimsan ee Dir soo gaarta ay iyagu maamulaan..

Wasaaradaha soo gaaray Beesha Direed, reer Waqooyiga waxaa looga qoondeeyey kuwo aan macno badan sameynayn marka loo eego saamayta Waqooyi galbeed ay ku leedahay Soomaaliya. waxaana ka mid ah Wasaaradaha Iskaashiga Gogolka, Xanaanadda Xoolaha iyo Dhalinyaradda & Isboortiga. Halka Dirta Koofureed loo dhiibay Wasaaraddo muhim ah oo ay ka mid yihin Arimaha Dibadda iyo Was. Caafimaadka.

 
    Arintani way iska cadahay in aanany u cuntamaynin Reer Waqooyiga weli aaminsan Midnimadda iyadoo kuwa aan aaminsaneena ay sii fogaynayso. Waxaadna moodaaba in si cad loogu bareeray kala goynta Dalka.
 
Gacan intee in la eg ayeey Ethopia ku leedahay Waxa socdda.
 
    Waxaan filayaa in aynaan iskaga sheekaynaynin, dhibaatadda ay Ethopia nagu hayso. Waxaana taas garan kara Muwaadin kasta oo soomaaloyueed ee u fekeraya dhanka wanaagsan. Ethopia marnaba dani uguma jirto Minimadda Somalia iyo somaaliya oo awood badan leh, waxayna ku dadaalaysaa wax walba oo ay kari karto si labadaan arimood aanay u dhicin. Shaxdan ugu danbeeysay waxay u egtahay mid looga soo shaqeeyey Adis ababa oo Koobigeedii loo soo diray Geedi iyo C/laahi Yuusuf, waayo waxay ka tarjumee rabitaanka Males zinawi.

 Madaxweyne C/laahi Yuusuf wuxuu saaxiib dhow la yahay, xukuumadda Ethopia. Iyadoo la ogyahay in Safarkiisii ugu horeeyey ee Rasmiya uu ku tago Adis ababa, halkaasna ay wada jir shir jaraa'id ugu qabteen Meles Zanawi. C/laahi Yuusuf wuxuu aad ugu xushmeeyaa gacantii a ku siiyeen, in uu xoog dib ugu qabsado Goboladda Puntland, markii si Di moqraadiyad ah ay Dadka Barri ugu doorteen Madaxeyne Jaamac Cali Jaamac, taas oo u noqotay Jaran jaradda uu ku soo gaaray Madaxwenaha Somalia.

 Waxaa xusid mudan in Ethopia ay tahay Wadanka ugu Ole-olaynta badan  kala go'a Soomaaliya. Waxaana la ogyahay in Ethopia ay tahay Dowladdii ugu horeysay ee Xafiis u dhigma Safaarad ka furata Hargaysa. Hadaba marka aad xaaladda ka eegto dhinacyo badan, waxaa kuu soo baxaysa in Cidda wax kala hagaysaahi ay tahay Xukuumadda Tigreega, oo markaan aad moodo in ay qarka u saaran tahay in ay gaarto Himiladeedii.

 
Maxaa la gudboon Xiligaan Golaha Baarlamaanka?
 
    Golaha sharci dejinta, waa markii la doonayey in la arko sababta loogu baahday markoodi horeba in la'abuuro. Waayo iyaga ayaa u xilsaaran wixii danaha Umadda ka hor imaanaya in ay diidaan. Iminka mar haddii la soo bandhigay shaxddii Golaha Wasiiradda isla markaasna ay tahay shax aad u qariban, fursada kaliya ee harsan markaan waxay tahay in Barlamanku Cod aqlabiyad ah ku diido Xukuumadda uu soo dhisay MD: Geedi, si dib loogu laabto oo xitaa ugu yaraan laysku dhex shaan dheeyo.
 
    Barlamanku in ay arintaas ku dhaqaaqaan waxaa qasab ka dhigaysa, iaygoo ku jooga qaab Qabiil, isla markaana Qabiil kastaahi uu doonayo in uu meesha iska dhex arko. Sidaas darteed ma filayo in lahelayo 70 xubnood oo ka tirsan Barlamanka, kuna qanacsan sida ay wax u dheceen.
 
GABAN GABO
  
      Qormadani ma'ahan mid aan Mucaaradnimo qaawan kala hor imaanayo Dowladda, mana ahan mid shaqsi ama koox loola jeedo, ama wax laysaga horkeenayo sida laga yaabo in dab badan u fekeraan. waxay tahay uun in aan soo bandhigo dhaliilaha jira, si wax looga qabto oo dibna looga saxo. Sidaas darteed waxaan filayaa in qaybaha ay qusayso ay ku garqaataan.

W/D: Mursal Max'ed Max'uud(Garaad)Email:  stethy1@yahoo.com

»HAWIYOOW RUN BADANE MARAGGII HORAA MAQAN?! [Garaad]
 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»»» :::MAQAALLADA DADWEYNAHA:::
»JAWAAB KU SOCOTA FAYSAL CALI WARAABE [Faysal Siciid]
»
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa [Cadaani]
»Samsam  iyo Bahalada bina aadanka u eg [Gufure]
»Somaliland ma Siyaad Bare Dhaqankiisii Baad Raacdeen [Huubsireed]
»Tolow Samsam ma madax ayay ka noqon doonta Hargaysa [wanaaje
»WARQAD FURAN: HARTOOW CADDE WAA KAA::: [Maxamed Xasan]
»QANYARE SIDUU RABO HA LOO YEELO!!  [Nabadoon]
»HAWIYOOW RUN BADANE MARAGGII HORAA MAQAN?! [Garaad]
»Muraaradillaaca iyo maangaabnimada Faysal Cali Waraabe!!  [Aden]
»Jawab: Cawil oo lagu tuhunsan yahay weerarkii Madaxweynaha | Duale
»Faysal iyo Fudfudeedkiisa [Samatar]
»Somalida & Somalia, maxaa ku dhacay dawlad la’aanta awigeed | Malla
»Yaa ku Abaal sheegan kara bulshadan baa’baday?! [A/yare]
»XAQIIQADII OGAANNAYE, XALKA MA U ISTAAGNAA?? [Nabaddoon]
»SL IYO PL WAXAA LA GAARAY WAKHTIGII MIIS LA ISKUGU diridhaba
»
Aqoonyahanka yaan la Gumaadin! [Mohamed Haji]
»Isbahaysiga Shimbiraale iyo Guwantanamo [Obsiiye]
»Jawaab "MADAXWEYNE C/LAAHI: LAGU DOORAYEE  HA DILIN "
»
Dhalinyarada Soomaaliyeed:  Uguntada Badbaadinta Qaranka
»CALOOSHII WAX BOOBTA DIBBAY CIRIB XUMAATAA [Garaad]
»Gaashaanle Sare Aljazeera [Obsiiye]
»Ciil Kama Kore [Qoraalkii Maxamed Hirad]
»Mustaqbalkii Ubadkeena oo  la Marooqsaday [Hashi]
»DHIBAATADA KA TAAGAN DHISMAHA GOLAHA WASIIRADA |a/risaq
»Sideey isu qaldeen walaalaha Hargeysa ee hada soo miyirsanaya| dirir
»Guushii xuriyada iyo fashilkii qaranimada [C.C.Shafici]
»Gacan Yarayaasha Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo..  [A.Mohamed]
»WADDANKAYGA SHARCI KAMA JIRO! [cabdinuur]
»14+5+2=21 sano oo qaran la aana [Xasan]
»Soomaalyeey Ciidamada shisheeye ma inoo danba? [Mire]
» MAQAALADII HORE EE DADWEYNAHA... GUJI... 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

 



HTML CD