SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

MADAXDA CUSUB EE SOOMAALIYA LOO DOORTAY WAA MID SIDEE AH?

Mohamoud Hagi
rage4445@hotmail.com

Runtii  ma jiro urur ka jira sooomaaliya oo    aan wax gooni ah u rabay ama reer aan ka soo jeedo  oo aan la jeclaa inay helaan qayb  waafi ah oo  wax ku  ool ah, hadana waxaan  aad u indho indheeyay

madaxda  cusub  ee soomaaliya inay u qalmaan magaca  Ummada Soomaaliyeed marka laga eego dhanka   kartida , aqoonta, sumcada,wadanimada, iyo  maaraynta  qaabka dawladeed.

Akhristaw anoo dhawraya waqtigaaga iyo kaygaba  oo  aan ku  dheeraan  arar  iyo  hordhac midna

waxaa  ii soo baxay in raga soomaaliya maanta loo dhaariyay  ha ahaadeen golo sharci (Baarlamaan) ama  golo fulin (Golaha wasiirada)   intooda  badani  aanay u  qalmin   inay huwadaan magaca  iyo masuuliyada ummadda soomaaliyeed   waayo?

Maanta aduunkan  aan ku  nool nahay wax yaalo  badan baa magacoodii laga badalay oo wax yaalo aad u xun xun baa loo bixiyay magacyo  aad u bilicsan  oo hilaacaya waxyaalo aad u  wanaagsanaana waxaa loo bixiyay magacyo aad u fool xun oo naftu ka dido ilaa  ruuxu is dhahi  karo kani ma aha  caalamkii  aad sanado ku so noolayd  ee waxaad joogtaa koon iyo aduun kale.

Dadwaynaha soomaaliyeed  baan soo  dhex dhigayaaye  ma ku haboon tahay  in  nin wadankeena

ku  aasay sun  khatar ah  oo  aafo dheer leh, isla markaana qaatay  lacag adag  loogu yeedho mudane somaaliyeed  oo huwan magaceena?

Ma haboon tahay in wasaarad  diineed  loo dhiibo  taliye maleeshiyo  qabiileed oo dad badan gumaaday, kuwa uu gumaadayna ay u  badan yahiin qabiilkiisu?

siday tahay hadii nin  wadankeena daroogo  ku abuuray loo dhiibo wasaarad muhiim ah?ama  ku kale oo deegaano iyo dhul beeraad dad masaakiin ahi leeyahiin xoog ku haysta?

Ruux waliba isagaa  u madax banaan aragtidiisa iyo fikirkiisa laakiin maxaa lagu daweeyaa  hadii  daawadu  bukooto?

waxaan  qabaa in mudanayaashan cusub iyo wasiiradan cusiba ay  hafaryo ku yahiin Ummadda Somaaliyeed  isla markaana  aan leenahay Dad  badan oo aqoon, dhaqan, iyo somalinimo  intaba kaga fiican, in  badan oo  ka mid ah ragaan maanta is doortayna  ay yahiin  Rag  galay  danbiyo dagaal oo ka dhana   dadka  shacibka ah.

Ugu danbayntii  ma ahi mid   ilawsan baahida aan u  qabno   dawladnimo,  mid ilawsan magaceenii  laga waayay   goloyaasha dawliga ah ee aduunka,  dadkeena meel walba ku silcaaya iyo dumarkeena wadooyinka ku dhalay midna,ma  ahi calooshii la cayaar   qurba jooga oo iska hadaaqi rifanimana u dhashay laakiin waxaan qabaa  inaan ragaani somaaliya  meel la mahadiyo gaadhsiin doonin  taariikhduna iayadaa  is qorta oo wax walba cinwaankiisaa laga fahmaa.

Mohamoud Hagi
rage4445@hotmail.com

suxufi  madax banaan

 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»»» :::MAQAALLADA DADWEYNAHA:::
»JAWAAB KU SOCOTA FAYSAL CALI WARAABE [Faysal Siciid]
»
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa [Cadaani]
»Samsam  iyo Bahalada bina aadanka u eg [Gufure]
»Somaliland ma Siyaad Bare Dhaqankiisii Baad Raacdeen [Huubsireed]
»Tolow Samsam ma madax ayay ka noqon doonta Hargaysa [wanaaje
»WARQAD FURAN: HARTOOW CADDE WAA KAA::: [Maxamed Xasan]
»QANYARE SIDUU RABO HA LOO YEELO!!  [Nabadoon]
»HAWIYOOW RUN BADANE MARAGGII HORAA MAQAN?! [Garaad]
»Muraaradillaaca iyo maangaabnimada Faysal Cali Waraabe!!  [Aden]
»Jawab: Cawil oo lagu tuhunsan yahay weerarkii Madaxweynaha | Duale
»Faysal iyo Fudfudeedkiisa [Samatar]
»Somalida & Somalia, maxaa ku dhacay dawlad la’aanta awigeed | Malla
»Yaa ku Abaal sheegan kara bulshadan baa’baday?! [A/yare]
»XAQIIQADII OGAANNAYE, XALKA MA U ISTAAGNAA?? [Nabaddoon]
»SL IYO PL WAXAA LA GAARAY WAKHTIGII MIIS LA ISKUGU diridhaba
»
Aqoonyahanka yaan la Gumaadin! [Mohamed Haji]
»Isbahaysiga Shimbiraale iyo Guwantanamo [Obsiiye]
»Jawaab "MADAXWEYNE C/LAAHI: LAGU DOORAYEE  HA DILIN "
»
Dhalinyarada Soomaaliyeed:  Uguntada Badbaadinta Qaranka
»CALOOSHII WAX BOOBTA DIBBAY CIRIB XUMAATAA [Garaad]
»Gaashaanle Sare Aljazeera [Obsiiye]
»Ciil Kama Kore [Qoraalkii Maxamed Hirad]
»Mustaqbalkii Ubadkeena oo  la Marooqsaday [Hashi]
»DHIBAATADA KA TAAGAN DHISMAHA GOLAHA WASIIRADA |a/risaq
»Sideey isu qaldeen walaalaha Hargeysa ee hada soo miyirsanaya| dirir
»Guushii xuriyada iyo fashilkii qaranimada [C.C.Shafici]
»Gacan Yarayaasha Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo..  [A.Mohamed]
»WADDANKAYGA SHARCI KAMA JIRO! [cabdinuur]
»14+5+2=21 sano oo qaran la aana [Xasan]
»Soomaalyeey Ciidamada shisheeye ma inoo danba? [Mire]
» MAQAALADII HORE EE DADWEYNAHA... GUJI... 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

 



HTML CD