SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xubno ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo ka qaybgalay Siminaarkii Futsalka iyo Beach Soccer-ka ee dalka Marooko. 


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington DC oo deeqdii ugu balaarneyd soo gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobay dagaalada



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 
 

Doodii Mooshinka Baarlamaanka ee ka dhanka ahayd Xukuumada Prof; Geedi oo waji kale isu rogtay (Qaybtii Sedexaad)

Xildhibaan Maxamed Yuusuf Wayrax

"Baarlamaanku Maamul buu u baahan yahay, "

Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale) "Nuqulada sharci ee uu Goluhu anxisiyey oo Madaxweynaha loo gudbiyey, wuxuu diideyna iyo wixii uu ogolaadeyna ma ogin"

Xildhibaan C/fitaax Sh, Ibraahim Rashiid " wixii qaab deeq ahaan lagu soo heley lama oga halka ay ka bexeen".

Xildhibaan Maxamed Yuusuf Wayrax ayaa qaba isana fikir ah "amaan gaar ah waxaan u soo jeedinayaa Gudoomiyaha sida uu u xaliyey saaka wixii halkan ka dhacay, in lawada dooda waa loo baahan yahay, waayo doodu wax badan bay fureysaa, Mooshinka la soo jeediyeyna aad buu u fiican yahay, laakiin dantu waxay ku jirtaa in Baarlamaanka dib loo hawlgeliyo. ayuu yiri isagoo hadalkiisa siiwata ayaa intaa ku darey "Baarlamaanku Maamul buu u baahan yahay, maamulkuna ma aha mid lacag bixinaya, waxaana haboon inaan is weydiino Baarlamaanku siduu Baarlamaan shaqeeya u qonon lahaa, Waxaan soo jeedinayaa in Baarlamaanka dibada looga keeno xubno khubaro dhinaca sharciga ah, sidii ay u sixi lahaayeen khaladaadka sharciga ee ku jira".

Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale) ayaa isna qaba "aniga waxaan qabaa in mooshinka iyo lifaaqu ay isku mid yihiin, sida ay dadd badan ay qabaan, waxaana qodob qodob u soo qaadanayaa qodobada Mooshinka, kan ugu horeeya Gudiga joogtada ah iyo kan Baarlamaanku sida ku qoran Xeer hoosaadka BFKMG qodobka 19-aad ee la Xisaabtanka Xukuumada, aniga waxaan qabaa inaan ka doodno Xukuumadu waa jirtaa iyo ma jirto ma qabo, waayo anigaa u seeto dheereyney, sidaas darteed in lala xisaabtamo ayaa haboon, marka aan sidaas leeyahayna waxaan ula jeedaa in Gudiyada Baarlamaanka ay Xukuumadu u ogolaato la xisaabtanka, iyadoo u dhego nugul gudashada waajibaadkooda, Wasaaradii xilkeeda gudan weydo wixii laga qaban lahaa liiska ayey geleysaa.

hadaan fiiriyo qodobka dib u eegida habka sharciguna Nuqulada sharci ee uu Goluhu anxisiyey oo Madaxweynaha loo gudbiyey oo uu soo sixiixey, islamarkaana dib loogu soo celiyey Baarlamaanka ma jiro, wuxuu diideyna iyo wixii uu ogolaadeyna ma ogin Madaxweynaha, Gudoomiyaha iyo xog'hayntiisa waxaan ka codsanayaa in la keeno, marka xiga Goluhu ma ansixin Nuqul ka mid ah xeerka jinsiyadaha, waxaana aragnaa ama maqalnaa in Baasabooro la sameeyey oo qaarkood dadka dibadaha ku nool ee muwaadiniinta ah laga qaado lacag badan, halka kuwa gudaha laga qaado 100$.

hadaba maxay tahay waxay ku kala duwan yihiin muwaadiniintaas meel kasta oo ay joogaan, waana meesha keli ah ee uu dalku ka dhaqaaqo ee calaamada Dowladnimada laga fiirsado, sidaas darteed waa in Baarlamaanka la horkeenaa si looga doodo kadibna loo ansixiyo. ayuu yiri Afaraale wuxuu keloo ka hadley "dadka leh Baarlamaanka waa in baydhabo laga raraa in arintaas ay khalad ay tahay, waayo horey ayuu Baarlamaanku uu u ansixiyey in Baydhabo Xarun KMG ay u sii ahaato, ilaa ay wax iska bedelayaan".

Xildhibaan C/fitaax Ibraahim Rashiid ayaa doodiisa ku bilaabey "Mudane Gudoomiye mooshinku wuxuu isugu jiraa mid Baarlamaanka taabanaya iyo mid Xukuumada ay khuseyso marka anigu inaan isku daaliyo ma ogoli, lifaaquna Jaatarka ayuu ka mid yahay, marka caalamka loo noqdo dastuurka ayuu ka mid yahay, waxaana soo sixiixey 65-Xildhibaan, in arintaas layska jaro wax jira ma aha, waxaa kale oo joornaalada caalamka iyo kuwa gudaha aad ku aragteen Wasiiro cadeynaya inaan meesha wax dowlad ah ka jirin, taasina ruux kasta waa og'yahay, hadii Xukuumada ay tahay mid shaqeyneysa waa iney ilaaliso sharciga, hadii meesha sharcidaro timaado waxaa dhacayo waa aan iska riixdo, taasina ma soconeyso.

Golahaan waxaa loo aasaasey inuu ilaaliyo Xukuumada, islamarkaana ay soo saaraan sharci lagu kala hago dalka, cid Mas'uuliyad gooni ah ay u saaran tahayna ma jirto ee waa in la wada ilaaliyaa sharciga, nikii hadla hadii la yiraahdo wax baad burburineysaa, taasi ma aha wax sax ah, waayo dowladani waxay dhacsan tahay mudo 4-bilood iyo wax la jira Gudoomiye hadaad leedahay mooshinka iyo lifaaqa islama soconayaan noo sheeg oo dib baanu ula noqoneynaa, mooshin kii hore dadkiisu ay ka badan yihiin ayaanu keeneynaa, hadii kale ujeedadu waa sidii loo sixi lahaa Xukuumada, waayo ma jiro wax ay qabtey Xukuumadu oo maanta lagu faani karo, wixii qaab deeq ahaan lagu soo heley lama oga halka ay ka bexeen. ogaada walaallayaal Xildhibaanku Xuquuq buu leeyahay, shaqaaluhuna sidoo kale, Baarlamaankuna sharaftiisa waxay ku jitaa inuu la xisaabtamo Xukuumada".

Maxamed macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Baydhabo.

Faafin: SomaliTalk.com | July 29, 2007


Doodii Moshinka Baarlamaanka DFKMG ee ka Dhanka ahayd xukuumada Prof. Geedi oo weji kale isu rogtay (Qaybtii labaad)

Xildhibaann Axmed Cabdi (Borrile) ayaa ka qaba moshinka Argatidan:-   "Waxaan la soconaa sida ay ku dhisan yihiin hay'adaha dowlada taasoo ah qaabka kala madax bannaanaashaha hay'adaha dowlada, Baarlamaanku waa aasaaska dowlada markii la dhaariyay gudoonkiisa waxaa qof kasta fuulay mas'uuliyad, mas'uuliyadaasina maalinta Qiyaamo waxbaa la iska weydiin doonaa dalka iyo dadka aayo ka talintiisa waxaa mas'uul ka ah Baarlamaanka, qeybaha kala duwan ee dowlada waxaana saaran inaan gaarsiino dastuur rasmi ah iyo dowlad, waxaan mudo isbuuc ah bilownay in xubnaha baarlamaanka ee maqan aan baafino waxaa keenay waa mas’uuliyada xumo, xushmad la’aan iyo gudasho la’aan waajibaadka saaran xubinta Baarlamaaniga mudane gudomiye moshinka waa qeyb taabanaysa baarlamaanka iyo qeyb taabanaysa dowlada waxaan qabaa inaad gudi u saarto arintan moshinka ah oo kasoo baaraan dega qeybaha uu ka kooban yahay moshinka”.

Xidhibaan C/kariim Naasir Saciid Seef (Cabdi Dheeg) ayaa isna doodiisa ku aadan moshina ku cabiraya sidan:- “Waxaan u malaynaaa inuu yaalo moshin iyo lifaaq, waxaa la yaabanahay dadka u soo tafa xeytay in Baarlamaanka la burburiyo, isla markaana xukuumada daaqada laga soo geliyo, iyadoo la arkayo albaabkii , 4-bilood ayey ku darsatay xukuumada jirintaankeeda horta xukuumadu ma ansax baa?!!.

Shacabka soomaaliyeed ee dhibaataysan xukuumadu maxay u qabatay, waxaa nooga dhow waa isbitaalkan Magaalada Baydhabo ma laha wax dawo ah oo ay u gaysay, waxaa haboon in ruux walba is xisaabiyo intaaan la xisaabin”.

Xildhibaan Ismaaciil Xasan Max’uud (Timir) ayaa isna yiri “Gudoomiye halkan waxaa la keenay moshin muhiimadiisu waa Xukuumada iyo Baarlamaanka wuuna gudo balaaran yahay ee gudoonka waxaan weydiinayaa mowqifka uu ka qaatay in la kala saaro moshinka iyo lifaaqa, hadii taasi dhacdo gudoomiye xukuumadu looga hari maayo laakiin waqtiga unbay sii dheeraynaysaa”.

Xildhibaan Avv. Cabdi C/lle Saciid (Jinni Boqor) ayaa hadalkiisa ku qotomiyay sidan:- “Moshinka iyo lifaaqu waa isku mid labaduba isma diidi karaan, intaas inaan cadeeyo ayaan usoo istaagay, in la siyaasadeeyana wax macquul ah ma ahan gudoomiyaha markii moshinka loo geynayay oo la kulmayeen xidhibaanada, taasi waxay na tusaysaa in xildhibaano xoogagani ay wadeen, in la baarlamaanka la turxaan bixiyo waa dow ee ma ahan in moshinka la siyaasadeeyo, xaaladu xukuumada ay ku sugan tahay lama qarin karo gabdhaha baarlamaanka ha iga raali ahaadeen waxaa la yiraahdaa “Haday fool timaado Cowro gudo qarsi ma leh”. ayuu hadalkiisa ku so af jaray Avv. Jinni Boqor.

Xildhibaan Sheekh Aadan Max’ed Deer oo ah Wasiiro dowlaha wasaarada Qorshaynta ayaa yiri isna “Moshin mudo laga soo shaqeyanayay in keeno aad bay u haboon tahay, waxuuna ka kooban yahay 6-qodob ka dibna waxaa la isugu soo biyo shubtay in la dardar geliyo howsha Baarlamaanka, si uu u noqdo mid shaqeynaya, 19/5/2007 ayey ku dhamaatay xukuumada jiritaankeeda in Baarlamaanka dib u habayn lagu sameeyo waxaa keenay waa habacsanaan la soo gudboonaatay mudanayaasha, hadii aan usoo noqdo lifaaqa waxa uu ka mid yahay moshinka isaguna wuxuu ka kooban yahay 7-qodob, markaad fiiriso lifaaqa 5- qodob Baarlamaanka 2-qodob ee kalena waa xukuumada, hadaba xukuumada waa inay Baarlamaanka ka codsataa aqoonsi, isla markaana waa inuu gudoonku warqad u qoraa xukuumada. 

Faafin: SomaliTalk.com | July 26, 2007


Doodii Moshinka Baarlamaanka ee ka Dhanka ahayd xukuumada Prof. Geedi oo weji kale isu rogtay  

Baarlamaanka FKMG ayaa dood ku yeeshey Arabacii [July 25, 2007] hoolka shirarka ee Magaalada Baydhabo oo soo xaadireen 155 xildhibaan, isla markaanaa lagu dhaariyay Xildhibaano Cusub kuwaasoo lagu magacaabo Barre Ugaas Geedi oo uuna bedelay Md, C/qaadir Xaaji Max’uud Dhaqane  ka dib markii uu ku biirey Baarlamaanka Xorta ah ee fadhigoodu yahay Magaalada Asmara ee dalka Eretharia mudanaha cusub ayaa dhaarintiisa ka dhalatay dood iyo is-qabqabsi beesha uu ka soo jeedo taasoo sababtay in kulanka ay isaga baxaan Xildhibaanada kala ah Axmed Cumar Jees iyo Axmed Xaashi Max’uud.

Doodan  qaybteeda hore oo ahayd mid wajiyo kala duwan taabaneysay, islamarkaana ahayd mid si aad ah u kululeyd ayaa  waxaa ka Hadley  16-Xildhibaan oo kala ah Cusmaan Muqtaar Max’ed (Mirow), Max’ed Cusmaan Maye, Sareedo Max’ed C/lla, Caasho Axmed C/lla, Cali Jeyte Cismaan, C/rashiid Cali C/lle, Axmed Cabdi Borrille, C/kariim Naasir Saciid Seef (Cabdi Dheeg), Ismaaciil Xasan Max’uud (Timir), Cabdi C/lle Saciid (Jinni Boqor) Max’ed Xuseen Isaaq (Afaraale), Sheekh Aadan Max’ed Deer, Yuusuf Max’ed Kheyr (Guurow), Max’ed Yuusuf Weyrax, C/fataax Sh. Ibraahim Rashiid.

Xildhibaan Max’ed Cusmaan Maye ayaa yiri waxaan galaynaa Ajande “Moshinkan waxaa soo jeediyay 65-mudane lifaaquna waxa uu ka mid yahay moshinka hadii uu khaldan yahay waa in uu Gudoomiyaha uu yiraahdaa dib ula noqda waayo waxaa ku jira Moshinka qodobo xoojinaya Moshinka waayo lifaaq Moshin ah si aan u badbaadino shacabnkeena waana arin jirta in laga hadlo marka waa inaan arintaas ka doodnaa”

Xishibaan Sareedo Max’ed C/lla ayaa tiri “ Mudanayaal Baarlamaankii waa la soo dhex galay ogaada in hadii aad Ummadda lug-goysaan uu Ilaahay idiin lug-goynayo annagu waxaan nahay sharci dajiyaal Baarlamaanku wuxuu qaataa laaluush intaa ka dib, waxaa hadalka Xildhibaanka waxaa Gudoonka ugu dacwooday Xildhibaan Avv. Cumar Subayr taasoo gudoomiyuhu ku amray in Xidhibaan Sareedo hadii kale uu Cod baahiyaha ka jarayo Xildhibaanada ayaa iyadoo dhoolo cadaynaysa tiri “HAA LA JIIFIYAA BANNAAN” laakiin Ogaada LACAG WAA CUNIS XUKUUMADA WAA LA XISAABTAN” .

Xildhibaanad Caasho Axmed C/lla ayaa iyadana doodeeda ku bilowday “waxaan rabaa inaan ka hadlo Gudoomiye, inaan ka hadlo moshin ay xildhibaanadu kuu soo gudbiyeen ee aan anigana ka midka ahaa Moshin ay ogolaadeen Madaxdii baarlamaaka ee hada la duro waxaan u arkaa mid cago jiid ah lifaaquna waxa uu ka mid ahaa mid lagu muujinayo waajibaandka Baarlamaanka, la xisaabtanka Xukuumadana waxaa ka horeeya in dib loo eego sharciyada xukuumada waxaan ognahay xilligii ay dhacday Xukuumada 7/8/2006 markaasoo ay is casileen 24-wasiir ayaa arintaas waxaa dalka dariska nahay ee Itoobiya dhexdaadintaas waxay ahayd mid sharci ah waxaan haynaa heshiiska ay saxiixeen 3-hogaamiye oo qoraal ah oo ku kala saxiixan yihiin Gudoomiyahii hore, Madaxweynaha iyo ra’isu wasaaraha Madaxweynahana waa in su’aal laga weydiiyaa arinkaas, kulankaas waxaa lagu go’aamiyay in dowlada dib loo dhiso Lix bilood ka dibna ay Baarlamaanka weydiisato kalsooni in ay kun soo laabato 6-bilood iska daaye waxay ku darsatay 4-bilood oo saa’id ah markii la ansixinayay xukuumada waxay ku guulaysatay lambar badan hada xukumadu sharciyan maba jirto ee waa inay kalsooni weydiisataa Baarlamaanka ku dhawaad 5-bilood xukuumad ma jirto “ .

Xidhibaan Cali Jeyte Cismaan ayaa yiri “anniga waxaan qabaa, anigu waxaan ka mid ahaa xubnaha soo qorey Moshinka wax ujeedo ah oo ka lahaa ma jirto waxaan soo gudbinay Moshin iyo Lifaaqa moshin waxaana leenahay halala xisaabtamo xukuumada anniga waxaa qabaa maxaa lala xisaabtamaa xalaalba ma ahee bataatan way dhacday."

C/rashiid Cali C/lle ayaa yiri “annigu qolofka waxaan ka ahay xildhibaan cusub laakiin baarlamaanka waxa u istaahilaa in Maxkamada The Hague la soo taago sababtoo ah Guidoomiyahayagu hadii uu baarlamaanku la shaqeynaynin meel ma gaaro anigu Baarlamaan waxaan u aqaan midka sharciga toosiya xildhibaano “Dawo haday Bukooto maxaa lagu daweeyo” markaan usoo jeesto barnaamijka aan halkan usoo istaagay hadii uu baarlamaanku cadaalad ku talaabsado xukuumadana cadaalad bay ku talaabsanaysaa hadii ay xukuumadu ku talaabsato wax sharci daro arki maysid xildhibaan oronaya inta warqad uu qoro dhahaya “anniga waan is casilay” waxaa jirtay inan yar ayaa waxa uu tagay garoon si uu wax u barto ka dibna waxa uu helay buugg yar waxa uu akhriyay waxaana ku qornaa oo kaliya sida diyaarada loo kiciyo markuu kiciyay diyaaradii oo ay hawada la gashay ayuu buugii dib u eegay si uu dajiyo.

Maxamed macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Baydhabo.

Faafin: SomaliTalk.com | July 26, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com