SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


AQOONISWEYDAARSIYO IYO DOODO ISBOORTI iyo Ciyaaraha EuroSom

cadde muuseCadde Muuse oo ka hadlay mudaharadaadkii ka dhacay Garoowe dhegeyso halkan.

Daawo: Video-Bannaanbaxii  Garoowe DAAWO...



Xubno ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo ka qaybgalay Siminaarkii Futsalka iyo Beach Soccer-ka ee dalka Marooko. 


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington DC oo deeqdii ugu balaarneyd soo gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobay dagaalada



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Mustafa Maxamed- Orodyahan soomaaliyeed oo kudayasho muddan. 
 
Hordhac 

Qormadaan waxaan kaga hadli doonaa taariikhda iyo guulaha uu gaaray orodyahanka soomaaliyeed ee Mustafa Maxamed. Orodyahanku waxaa uu matalaa wadanka iswiidhan oo uu yaraan kusoo galay haystona dhalashadiisa.Guulaha uu gaaray Mustafa waxaa ugu dameeyey isagoo maalintii sabtida ee 28-ka bisha luuliyo jebiyey rikoor orodka 3000 m ee wadanka Sweden kaas oo uu 31 sanno kahor dhigay nin Iswiidhish ah ee la yirahdo Anders Gärderud.  

Ninkaasi Waxaa uu masaafadaas 3000 m ku orday 8.08,02 halka uu mustafa ku orday 8.05,75. Guushaas uu Mustafa soo hoyey waa mid wadanka swiidhan oo dhan aad iyo aad looga hadal hayo. Waxaa la filayaa in mustafa guulo kasoo hoyo ciyaaraha aduunka ee fudud ee bisha augusto ka bilaaban doona magaalada Osaka. 

Taariikh nololeedka  iyo guulihii mustafa. 

Mustafa muhamed waxaa uu ku dhashay wadanka  soomaaliya kolkii sanadku ahaa1979. Kolkii uu yaraa waxaa uu mustafa ku noolaa baadiyaha soomaaliya,waxaana uu raaci jirey geel iyo ari ilaa uu ka gaarey da`da 7 sano.Kadib waxaa reerka mustafa usoo wareegeen magaalada muqdisho ee caasimada wadanka soomaaliya. Halkaasna waxaa uu ka bilaabay waxbarashada dugsiga hoose.Mustafa waxaa uu yimid iswiidhan isagoo jira 11 sano.Balse waxaa uu orodka bilaabay isagoo ay da`diisu tahay 16 sano jir.

Waxaa uu mustafa ordaa masaafooyin kala duwan ee dhinaca orodka ah kuwaas oo ka bilaama 1500 meter. Mustafa guulo aan halkaan lagu soo koobi karin ayuu ka gaarey ciyaaraha orodada. Tusaale ahaan isgoo 18 jir ah1997-dii  ayuu bilad qalin ah ku qaatay tartanka orodada ee dhalinyarada yurub. Kolkaas oo uu mustafa orday masaafada 10000 ee miter. 

Ciyaarihii Olombiga ee sanadkii 2004-tiiayaa uu mustafa wacdaro ka muujiyey isagoo usoo gudbey ciyaartii kama dameysta ahayd ,halkaasoo uu ugu dameyntii galay kaalinta 13 naad.Ciyarta 3000 ee hinderka ayuu ka qayb qaatay kolkaas. Ciyaaraha yurub ee kaymaha iyo meelaha lakala xir-xiranlagu ordo ayuu sanadkii 2006-da ka galay mustafa kaalinta 3àad. Halkaas oo lagu gudoonsiiyey bilada maarta ah. Tartankii ciyaaraha fudud ee yurub ee la qabtay sanadkii 2006-da waxaa uu mustafa galay kaalinta afraad.

Guulaha uu mustafa ka gaaray ciyaaraha wadanka Iswiidhan gudihiisa ayaa iyaguna aad iyo aad u tira badan. Guulahaas oo dhami waxaa ay mustafa ka dhigeen mid aad looga yaqaan wadanka Iswiidhan isla markaasna ay dhalinyarada yar-yari ku daydaan. Tusaale ahaan waxaa guushii ugu dameysey ee mustafa aad iyo aad wax uga qoray jaraaìdka kasoo baxa wadanka Iswiidhan.  

Joornaalka la yiraahdo ”DN” oo  ka mid ah kuwa ugu waaweyn Iswiidhan ayaa qoray maqaal uu kaga hadlaayo guulaha uu gaaray Mustafa. Joornalku waxaa uu qormadiisa maqaal uga dhigay sidatan: ”. Från Mogadishu till Hälle IF 

Taasoo macnaheedu yahay waxaa uu ka yimid muqdisho, waxaana uu yimid Hälle IF oo ah kooxda ciyaaraha fudud ee uu mustafa ka tirsan yahay. Joornaalka kale ee la yiraa Aftonbladet ayaa isna qaybtiisa Isboortiga kaga faalooday Mustafa. Waxaa tafariraha qaybta isboortigu ku nuux-nuuxsaday inuu mustafa oo kasoo jeeda wadanka soomaaliya usoo  hoyi doono iswiidhan guulo wax ku ool ah kolkii ay bilaamaan ciyaaraha aduunka ee fudud. 

Gebagabo 

Mustafa maxamed waxaa uu guulaha aan kor kusoo sheegnay ku gaaray dadaal iyo dulqaad badan. Waxaa uu Mustafa sanad walba degsadaa yoolal kala horeeya oo uu doonaayo inuu gaaro. Waxaa uu sameeya tababaro joogto ah si uu u gaaro halka uu doonaayo. Waxaa uu markasta isku dayaa inuu la tababarto ciyaartoyda orodada ee dunida ugu fiican. Kolka ay cimilada iswiidhan u masaabixi weydo inuu iswiidhan gudaheeda ku tababartona waxaa uu u dhoofaa wadan kale ee cimiladiisu ku haboon tahay hadba tababarka uu markaas sameynaayo.  

Mustafa inkastoo uu u tartamo Iswiidhan hadana waxaa uu ka hadlaa oo inta badan ka fekeraa dhalinta soomaaliyeed meel ay joogaanba. Mar uu la hadlaayey mid ka mid ah joornaalada Iswiidhan, isagoo wax laga weydiiyey dhaqanka soomaaliya iyo waxayaalaha dhalinta muhiimka u ah waxaa uu yiri: 

“Daqanka Soomaalida ee Iscaawinta iyo iska warqabku waa mid aad u fiican. Waxaad la noolaan kartaa qaraabada adigoo aan ka duwaneyn ilmaha reerka. Soomaaliya adeero, abtiyaal, habaryaro ayaa wada degan, kuwaas oo dhamaantood lagu magacaabo “reer”

Waxaad u laaban kartaa deriska adigoon qorsheyn halkaas ayaa cunto ka cuni kartaa. Caruurta waxaa muhiim ah in la siiyo fursad ay horumar ku sameyn karaan. Waxbarashada iyo nabadgelyaduba waa muhiim, taas oo suurto gelin karta in qofku horumar sameeyo.Ayuu mustafa hadalkiisa ku soo afjaray. 

Sida aan kor kusoo sheegnayba ma aha guulaha Mustafa kuwo iska yimid balse waa kuwa uu ka dameeyo dadaal iyo qorshe badan oo aad looga baaraan degey. Haddaba waxaa dhalinta soomaaliyeed ee ku dhaqan daafaha dunida la gudboon iney ku daydaan Mustafa ayna isku dayaan iney samaystaan qorshe iyo yool ay higsanayaan. Qorshahaasi waxaa uu noqon karaa mid waxbarasho, mid shaqo, mid ganacsi amaba mid ku wajahan qaybaha kala duwan ee Ciyaaraha. 

Kol aan xiriir la sameeyey Mustafa muxamed, oo aan ka codsaday inaan wareysi ka qaado ku wajahan horumarkiisa iyo waxa uu kula talin lahaa dhalinta soomaaliyeed waxaa uu ii sheegay inuu markasta diyaar u yahay inuu wareysigaas I siiyo. Balse ciyaaraha fudud ee aduunka oo dhowaan bilaabanaaya iyo Mustafa oo ku jira diyaargarowgiisii ugu dameeyey waxaa aan doortay inaan wareysigaas la yeesho Mustafa kolka ay ciyaaraha aduunku dhamaadaan. Waxaan haddii alle idmo idiin soo gudbin doonaa wareysigaas.Inta ka horeysa taas n mustafa u rajeyneynaa guul iyo horumar lagu farxo.

Dhalinta soomaaliyeedna waxaan leeyahay noqda kuwo ku dayda Mustafa. 

Mahadsanidin

C/risaq Maxamed xuseen, Eskilstuna, Sweden

habdirisak@hotmail.com 

Aqoonyahanada soogalootiga ah oo ka qaxaya Sweden: Sanad walba in ka badan soddon kun oo qof ayaa Akhri..

Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com