SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Wararkii: July 18, 2007

  • Cali Max’ed Geedi "Wax aan kala socdo ma jirto heshiiska la sheegayo in lala gaaray Shirkado Shidaalka Baara"

  • Taliska Booliiska oo shaaca ka qaaday in uu sii socon doono hawlgalada Suuqa Bakaaraha

  • Ganacsatada Bakaaraha oo beesha Caalamka ka codsaday inay soo faragelinayaan xaaladda Bakaaraha

  • Ra’isul Wasaaraha DFKMG, Geedi, oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

  • Dad Soomaali ah oo lagu qabtay Ciraaq kadib markii la sheegay inay  qayb ka ahaayeen kooxaha dagaalada ka wada Ciraaq

  • Kooxaha London stars iyo Minnesota oo ku adkaaday koobabkii Somali week Toronto-Ontario


Cali Max’ed Geedi “Wax aan kala socdo ma jirto heshiiska la sheegayo in lala gaaray Shirkado Shidaalka Baara”

Wargeyska Financial Times ee arrimaha dhaqaalaha ka faalooda ayaa qoray in shirkad shidaalka baarta oo laga leeyahay dalka Shiinaha ay heshiis la gaartay Xukuumadda Federaalka, heshiiskaas oo uu sheegay Wargeysku in shirkadda shidaalka Shiinaha u ogolaanayey in ay Soomaaliya ka baari karto shidaal.

Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed oo wareysi siiyey wargeyskaas ayaa sheegay in arrintasi uusan isagu waxba kala socon, isla markaan aysan jirin, waxa uuna Ra’isul Wasaaruhaha DFKMG sheegay in heshiis aan lala gaari Karin shirkad shidaal, ilaa laga soo saarayo sharciga kheyraadka dalka oo laga sugayo Baarlamaanka [oo laga filayo labada bilood ee soo socota, waa sida warkeysku ka soo xigtay Geeddi, July 16, 2007, isagoo joogey Nairobi].

Hadalka Cali Max’ed Geedi ayaa yimid kadib markii uu Wargeysku sheegay in y arkeen Dukumentiyo cadeynayay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Shirkadda Shinaha ee Shidaalka ee lagu magacaabo (China International Oil and Gas) iyo waliba shirkad iyana lagu magacaabo CNOOC ay 24-kii May 2006 wada gaareen heshiis Shidaal looga baarayo Soomaaliya, balse Ra’isul Wasaaraha DFKMG Geedi ayaa wargeyska u sheegay in ay jiraan shirkado badan oo doonay in ay saliid ka baaraan Soomaaliya, balse aan fasax awoodeed lagu shaqeyn Karin, ilaa la helo sharci arrintaasi fasixi kara.


Xasan Abshir oo gacanta ku haya buug ay ka muuqato calaamada CNOOC, July 2006, Garoowe

Taliska Booliiska oo shaaca ka qaaday in uu sii socon doono hawlgalada Suuqa Bakaaraha

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka dhawaajiyay inuu sii socon doono Howlgalada Suuqa weyn ee Bakaaraha oo galay maalintii 13aad.

Sarkaalka ugu sareeya Ciidamada Howl galka ka fulinaya suuqaas ayaa sheegay in xaalada suuqa ay tahay mid ka duwan sidii hore,  wuxuuna xusay inuu sii socon doono howlgalka ay wadaan ciidamada dowladda.

Ciidamo Boolis ah iyo Milateri ayaa ku gadaaman suuqaas, iyagoo ka wada howlo baaritaan ah oo daba socda weeraro lagaga soo horjeedo iyo goobo hub sharci daro ah ay ganacsatada ku keydiyaan oo ciidamadu ay ku raad joogaan.

Col. Yuusuf Xusen Dhumaal oo ah Afhayeenka Ciidamada Howlgalada suuqaas ayaa sheegay in howlgalka uu yahay mid ay ku doonayaan in suuqa ay kaga dhigaan meel ammaan ah, isagoo xusay in suuqa uu yahay meelaha weerarada laga soo abaabulo.

Taliyaha waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan howl-gallada ciidamada ay ka wadaan suuqa Bakaaraha, waxaana uu tilmaamay in ganacsatada suuqa Bakaaraha ay gacan ka geystaan amniga suuqa, isagoo sheegay in ay la shaqeeyaan ciidamada booliska.

Howl galada Ciidamada Dowladda wali ka wadaan suuqa bakaaraha, ayaanan wali aysan ku guuleysan in suuqaas ay si rasmi ah u sugaan ammaankiisa, iyadoo maalin kasta ay suuqa ka dhacaan weeraro ka dhan ah Ciidamada Dowladda. Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa ku naf waayey mudada uu socda Howl galkaas, kuwaasoo ay sii caga cageynayaan ilaa tobaneeyo. walow xaaladda suuqa ee maanta ay u muuqato mid degan balse lama oga wixii dib ka dhici doono.

Ganacsatada Bakaaraha oo beesha Caalamka ka codsaday inay soo faragelinayaan xaaladda Bakaaraha

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa ka codsatay beesha caalamka in ay soo faragaliyaan xaaladaha murugsan ee ka aloolsan suuqa Bakaaraha oo dhaqdhaqaaqiisa ganacsi muddo 13 maalmood ay hakiyeen ciidamada dowladda KMG ah.

Mas'uul u hadlay ganacsatada suuqa Bakaaraha oo la yiraahdo Max'ed Salaad ayaa sheegay in shaqo la'aan ay soo wajahday oo ciidamada dowladda ay gabi ahaan ganacsigooda ay hakiyeen, isla markaana aysan bakhaaradooda kala bixi karin wixii ku jira sababo la xiriira askar hortaagan irid walba, qofkii ay arkaana xabad ku ridaya.

" Waxaan codsi u gudbineynaa beesha caalamka gaar ahaan Mareykanka in ay soo fara galiyaan cunaqabateynta ay ku soo rogeen ciidamada dowladda suuqa Bakaaraha" ayuu yiri Ganacsadahaan oo intaasi raaciyay in aanu garaneyn waxa ku koobay howl-gallada suuqa Bakaaraha oo ay furan yihiin dhamaan suuqyada kale ee Muqdisho. Waxa uu sheegay in ciidamada ay ku eedeynayaan ganacsatada in ay taageeraan maxkamadihii islaamka, isagoo yiri " arimahaasi waa kuwo been abuur ah, dowladana horey ayaanu ugu wareejinay hubkeena, mana ahan meelo laga waxyeeleeyo dowladda suuqa Bakaaraha".

Waxa uu sheegay in dhibaatooyinka ka dhaca suuqa Bakaaraha ay waxyeelada ugu badan ka soo gaarto shacabka, isagoo sheegay in ay xiriiro la sameeyeen talisyada ciidamada isla markaana ay u gudbiyeen in ay wax ka qabtaan, laakiin wali aanu jirin wax laga qabtey.

Ra’isul Wasaaraha DFKMG, Geedi, oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

“Waxaan kulamo la soo qaadanay mas’uuliyiinta wadamo badan oo isku afgaranay qodobo muhiim ah”

Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cali Max’ed Geedi ayaa shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib markii uu safaro kala duwan ku soo kala bixiyey wadamada, Mareykanka, Gaana, Sucuudi Carabiya iyo Kenya. Cali Max’ed Geedi ayaa Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Magaalada waxaa ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin kala tirsaneyd Golaha Xukuumadda iyo Baarlamanka, waxaana soo dhaweysmadiisii kadib uu kulan albaabadu u xirnaayeen la qaatay Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed.

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa intii uu ku sugnaa dalka Mareykanka waxa uu Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ka codsaday in Dowladda Federaalka gacan la siiyo, isla markaan ciidamo caalami ah la keeno Soomaaliya si ay u bedelaan kuwo Midowga Afrika, sidoo kale waxa uu Socdaal ku soo maray Sucuudiga Carabiya, oo uu kala hadlay sidii Dowladda Sucuudiga ay qayb weyn kaga qaadan lahayd dib u dhiska dalka, sidoo kale waxa uu Cali Max’ed Geedi Magaalada Akra ee dalka Gaana kaga qaybgalay shirkii Madaxda Afrika, waxa uuna sheeg ay Ra’isul Wasaaruhu inay madaxda Afrika ka aqbaleen in ay dowladda gacan siiyaan.

Dad Soomaali ah oo lagu qabtay Ciraaq kadib markii la sheegay inay  qayb ka ahaayeen kooxaha dagaalada ka wada Ciraaq

Dowladda dalka Ciraaq ee Mareykanku taageero ayaa sheegay in ay qabqabatay rag Soomali ah, oo ay sheegtay in ay ka qayb-qaadanayeen dagaalada ka socda dalkaaasi Ciraaq ee ay wadaan kooxaha ka soo horjeeda ciidamada Huwanta ah ee dalkaasi dagaalka ku qabsaday.

Dowladda Ciraaq ayaa sheegtay in raggaani oo tiradoodu gaareyso 4 qof, isla markaana lagu soo qabtay hawlgal ay sameeyeen ciidamada Ciraaq iyo kuwa Mareykanka, waxayna sheegeen saraakiil u hadashay Dowladda in raggaani lagu maxkamaxdeynayo maxkamad ku taala Magaalada Baqdaad ee caasimada Ciraaq.

Taleefishinka Ciraaq oo warkaani shaaciyey ayaa sheegay in ragaani ay kala yimaadeen markoodii hore Soomaaliya iyo Tanzaniya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Kooxaha London stars iyo Minnesota oo ku adkaaday koobabkii Somali week Toronto-Ontario

Waxaa garoonka weyn ee centennial park lagu soo gabagabeeyay tartankii ciyaaraha kubbadda cagta ee toddobaadka soomaalida(somali national week 07). Tartankan isaga ah oo ay ka soo qaybgaleen 13 kooxood kuwaasi oo ka kala yimid daafaha dunida waxaana ay kala ahaayeen: Somali united, Washington, London stars, Iftin Uk, Ohio, Iftin Toronto,North London, Horseed UK,Hamilton ,All juniors stars, Edmonton, Albion, iyo Banaadir.

Tartankan isaga ah oo kooxuhu ay u qaybsanaayeen 2 guruub ayaa horraantiiba waxaa dhabarka loo jeediyay kooxo iyagu ku hanweynaa hanashada koobkan ,waxaana durbadiiba bannaanka u soo baxay kooxo aad u da,yaraa oo ciyaarahoodu ay aad u xiisaynayeen dadweynihii faraha badnaa oo iyagu galab kastaa soo camiri jiray garoomada ay ka socdeen ciyaaraha. Ciyaarihii Semififalka oo iyagu ay isugu hareen afar kooxood ayaa look ala adkaaday sedan: London stars ayaa 4 iyo 0 waxay kusuuldaartay kooxdii Iftin . Sidoo kale waxaa kooxda Somali united ay 3 iyo 0 ku sagootisay kooxda Ohio. Waxaa markaasi halkaasi laga dareemayaa in labadii kooxood ee isugu haray finalka ay ahaayeen kooxo awoodoodii ciyaareed ay aad u heer sarreysay. Ciyaartii finalka waxaa foodda is daray kooxihii London stars iyo Somali united. Waxaana gool ku hormaray kooxda Somali united oo ciyaartooygii u sitay lambarka 18aad uu madaxa ku dhaliyay.waxaana halkaasi ka billowday qaylo iyo sawaxan ay taageerayassha Somali united ku qarqiyeen garoonka. Qaybtii hore ee ciyaarta waxay ku dhammaatay 1 iyo 0 oo hoggaanka ku haysay kooxda Somali United.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay kooxda London stars wax ka badaleen ciyaarta ,waxaana ay bilaabeen inay weerar badan ku qaadaan goolka kooxda Somali United ,waxaana u suuro-gashay in daqiiqaddii 71aad ee ciyaarta uu halkaasi gool aad u qurux badan u dhaliyo ciyaaryahan Axmed Denis oo lambarka 7aad u sitay kooxda London Stars, waxaana ciyaartii ay ku soo gabagabowday 1 iyo 1 barbardhac. Wixii markaasi ka dambeeyay labada kooxoodba wax goolal ah ma kala dhalin,waxaana xusid mudan in kooxda London Stars ay iska lumiyeen fursado faro badan oo goolal lagu dhalin karay. Dabadeedna labadii kooxoodba waxaa lagu kala saaray rigoorayaal oo ay guushii ku raacday kooxda London Stars oo iyadu sannadkan noqotay horyaalka kubbadda cagta ee Somali Week 2007 –Toronto. Munaasabaddii xiritaanka waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiin ka socday dalka Canada, rag can ku ahaa ciyaaraha kubbadda cagta iyo koleyga iyo fannaaniin caan ka ahaa soomaaliya.

Sidoo kale waxaa iyaduna dugsiga sare ee lagu soo gabagabeeyay ciyaarihii kubbadda koleyga oo ay ku tartamayeen sideed kooxood oo kala ahaa:Toronto, Kitchener,KCI, Jay City, Ottowa, SIA, Raising stars iyo koox ka socotay Minnesota.

Guud ahaanba ciyaarahaasi oo socday intii u dhaxaysay 6da luulyo ilaa 14ka luulyo ayaa natiijooyinkiisa iyo sida look ala adkaadeen ay noqdeen sedan:

Minnesota 51 Dhibcood Jay City 45 Dhibcood
Kitchener 70 Dhibcood KCI 67 Dhibcood
Toronto 45 Dhibcood Ottawa 47 Dhibcood
KCI 49 Dhibcood SIA 50 Dhibcood
Minnesota 47 Dhibcood Ottawa 35 Dhibcood
Kitchener 33 Dhibcood Raising Star 36 Dhibcood
Jay City 26 Dhibcood Toronto 30 Dhibcood
Kitchener 54 Dhibcood SIA 50 Dhibcood
Minnesota 58 Dhibcood Toronto 47 Dhibcood
SIA 41 Dhibcood Raising stars 70 Dhibcood
Ottawa 45 Dhibcood Jay city 55 Dhibcood
Raising Stars 66 Dhibcood KCI 50 Dhibcood

Ciyaarihii semifinalka waxaa foodda is daray kooxaha Minnesota iyo Kitchener.Ciyaartan oo ahayd mid aad u culus waxaa labada kooxoodba ay ku soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badnayd ,waxaana ay ku soo gabagabowday wiilashii Minnesota oo keensaday dhibcood ,halka kooxdii kitchener ay ka keensadeen dhibcood.Sidoo kale kooxdii Kci ayaa iyaduna ka soo adkaatay kooxdii Raising stars.

Ciyaartii kama dambaysta waxaa isku haleelay Minnesota iyo kooxdii KCI oo ka socotay Kanada. Labada kooxoodba ciyaar wanaagsan oo aad u asluubaysan ayay soo bandhigeen. Hase yeeshee horay ayaa loo yiri gari laba nin kama wada qosliso,waxaa guushii halkaasi kala hoyday kooxdii ka socotay Minnesota oo iyadu noqotay horyaalka ciyaaraha kubbadda koleyga ee toddobaadka soomaalida Toronto 2007.

Munaasabaddii xiritaanka tartanka waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiin ka socotay dawladda Kanada, Ciyaartooydii soomaaliyeed ee ciyaaraha ka cuslaaday oo isugu jiray kubbadda cagta,koleyga gabdho iyo wiilaliyo dadweyne aad u faro badnaa oo xiisaynayay daawashada ciyaarta kubbadda koleyga.

zakaria aden
somali media
zakihaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 18, 2007

Afhayeenka beesha dhulbahante ee ku dhaqan muqdisho oo ka hadlay Shirka Dib-u-heshiisiinta
.Mujaahdiinta S/Galbeed Oo Dagaalo Qaraar La GalayTigreega
.Kabta Hayga Goyn Oo Ka Dhacday Madashii Shirka...
.Bosaso: Shirkad Ilaalisa Xeebaha Soomaaliya oo la shaaciyey
Wararkii oo dhan ka akhri halkan... July 17

Jaamacada Gedo oo Loogu Yaboohay $179,000
Warbixin: Kulankii Jaamacadda Gedo oo Ka dhacay London.

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com