SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 
Barnaamijkii Radio Xoriyo
17 July 2007.
 
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya.
 
Dilal iyo xidhay ay ciidammada gumaysigu u gaysteen dadwaynaha.
 
Taliska CWXO oo bogaadin u diray shacabka Ogaadeenya.
 
K/xigeenka Hogaanka arimaha dibada ee jwxo oo aan ka waraysanay xaaladaha ka taagan Ogadenya.
 
 
 
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya.
 
Wariyaha RX uga soo warrama furinta dagaalka ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo dhex maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo si wayn loogu waxyeelleeyay ciidammada saama-la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;
06/07/07 hawlgal si wayn loo qorsheeyay oo CWXO ka fuliyeen ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Fiiq, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 14 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay. Askarta hawlgalkaas lagu dilay waxaa ku jiro saraakiil, kuwaasoo maydkooda lagu qaaday diyaarad halokobtar ah.
8/07/07 koox Dabaqoodhi ah oo ciidammada gumaysigu iska soo hormariyeen ayaa soo weeraray cutub ka tirsan CWXO oo ku sugnaa degmada Haarcad, hase yeeshee CWXO ayaa is-difaacay markii weerarkaas xaqdarrada ah lagu soo qaaday, waxayna kooxdii weerarka wadday ka dileen 13 ka mid ah, waxay sidoo kale ka dhaawaceen 9 kale.
03/07/07 dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex maray Waafdhuug, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
10/07/07 koox Dabaqoodhi ah oo cadowgu soo diray ayaa lagu halay meesha lagu magacaabo Dogobley, oo Maraacaato u dhaw, waxaana laga dilay 4, 8 kalana waa laga dhaawacay.
08/07/07 CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Awaare, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
10/07/07 waxaa la miray ciidan cadowga ka tirsan oo ku sugnaa Higlaley, waaxana weerarkaas loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
Dilal iyo xidhay ay ciidammada gumaysigu u gaysteen dadwaynaha.
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah dilal iyo xadhig ugu gaystay dadwayne rayad ah oo aan waxba galabsanin.
 
Nawaaxiga Labiga waxaa laga halay maydka dadwayne ka mid ah dadkii ay ciidammada Itoobiya ku xasuuqeen dhawr tuulo oo Dhagaxbuur ka tirsan oo Labiga ay ka mid tahay. Dadka maydkooda hadda la halay waxaa ka mid ah;
1- Sh Maxamed Xasan Waxar
2- Fatxi Cali Shide
3- C/llaahi Tima-jaad
4- Maxamud Maxamed Adhi-fuul iyo 2 carruur ah oo uu dhalay iyo
5- C/llaahi Muxumed Gaaxnuug
 
05/07/07 waxay ciidammada gumaysigu ku dileen meesha lagu magacaabo Qaw-dheer, oo Dhagaxbuur u dhaw, ninka lagu magacaabo Maxamed Aaden Bulxan.
 
12/07/07 waxay ciidammada gumaysigu nawaaxiga Dhagaxbuur jidhdil xun ugu gaysteen oo ka dibna ay la tageen 3 nin oo shacab ah oo magacyadoodu ayna wali na soo gaadhin.
28/06/07 waxay ciidammada guaysigu ku xidhxidheen magaalada Dhagaxbuur dadwayne aad u badan. Dadkan ayaa markii denbe loo qaaday meelo aan la garanaynin, ka dib markii ay ciidammadu ka warhaleen in deegaanka ay imanayaan ergo ka socota Laanqayrta Cas, ilaa iyo haddana lama garanayo meesha ay dadkani ay ku xidhan yihiin. Dadkaas waxaa ka mid ah;
1- Bashiir Xaashi
2- Cabdi Madoobe Baddal
3- Maxamuud Cabdi Siraad
4- Faadumo oo magaceeda buux aanaan haynin
5- Qawad oo magaceeda buuxa aan la haynin
6- Ayaad Siyaad
7- Ifraax Xaaji Cali
8- Xuseen Macalin
9- Muxubo C/llaahi iyo
10- Khadra Cabdi Jaamac
15/06/07 waxay ciidammada gumaysigu ku kufsadeen Garigo’anka Dhiyaad gabadh lagu magacaabo Ceeg Aw Muuse.
 
Taliska CWXO oo bogaadin u diray shacabka Ogaadeenya.
 
Taliska sare ee Ciidammada Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya CWXO ayaa dhambaal bogaadin ah u diray dadwaynaha Ogaadeenya, isagoo ku bogaadiyay sida geesinimada iyo adkaysiga leh ee uu ugu gegsaday dhibaatooyinka wajiyada badan leh ee xukuumadda gumaysatada Itoobiya ku hayso iyo sida waddaninamada ah ee uu isu garab istaagay dagaalka ay naftood hurayaasha CWXO kula jiraan taliska hororka ah ee gumaysatada Itoobiya.
 
Taliska CWXO wuxuu shacbiga Ogaadeenya, yar iyo wayn, rag iyo dumarba, ugu hanbalyaynayaa sida isku duubnida ah ee uu ugu gacan saydhay keenada uu gumaysigu isku dayay inuu ku galiyo, isagoo adeegsanaya noocyo kala duwan oo ciqaab ah, sida dilka gumaadka ah, xidhayga wadarta ah, kufsiga, boobka hantida, gubista magaalooyinka iyo aqallo soomaaliga iyo gaajaysiinta wadareed, sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska guud ee CWXO.
 
Bayaankan ayaa lagu sheegay in shacbiga geesiga ah ee Ogaadeenya uu ku guulaystay inuu fashiliyo qorshihii cadowga ee ahaa inuu qasab ku aqbalsiiyo hooggaankiisa gumaysi, isla markaana awood ku muquuniyo, si ay isu dhiibaan oo u oggolaadaan heeryada gumaysiga. CWXO waxay ku dhaadanayaan adkaysiga uu shacabkoodu muujiyay iyo taageerada uu u hayo halgankiisa xaqa ah, iyadoo ayna marna suuragalaynin in cadaadiska iyo dhibka uu gumaysigu ku hayo ay ku qasbaan inay ka leexdaan toobiyaha xorriyada iyo sharafta.
iyo dadkeeda ka taliso.
 17 July 2007
Axmed Gaal-Eri
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 18, 2007

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com