SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 
 
 Wararkii: July 26, 2007
  • Doodii Moshinka Baarlamaanka ee ka Dhanka ahayd xukuumada Prof. Geedi oo weji kale isu rogtay iyo 

  • Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska oo Siminaar u furtey ku dhowaad 40 xubnood

Doodii Moshinka Baarlamaanka ee ka Dhanka ahayd xukuumada Prof. Geedi oo weji kale isu rogtay  

Baarlamaanka FKMG ayaa dood ku yeeshey Arabacii [July 25, 2007] hoolka shirarka ee Magaalada Baydhabo oo soo xaadireen 155 xildhibaan, isla markaanaa lagu dhaariyay Xildhibaano Cusub kuwaasoo lagu magacaabo Barre Ugaas Geedi oo uuna bedelay Md, C/qaadir Xaaji Max’uud Dhaqane  ka dib markii uu ku biirey Baarlamaanka Xorta ah ee fadhigoodu yahay Magaalada Asmara ee dalka Eretharia mudanaha cusub ayaa dhaarintiisa ka dhalatay dood iyo is-qabqabsi beesha uu ka soo jeedo taasoo sababtay in kulanka ay isaga baxaan Xildhibaanada kala ah Axmed Cumar Jees iyo Axmed Xaashi Max’uud.

Doodan  qaybteeda hore oo ahayd mid wajiyo kala duwan taabaneysay, islamarkaana ahayd mid si aad ah u kululeyd ayaa  waxaa ka Hadley  16-Xildhibaan oo kala ah Cusmaan Muqtaar Max’ed (Mirow), Max’ed Cusmaan Maye, Sareedo Max’ed C/lla, Caasho Axmed C/lla, Cali Jeyte Cismaan, C/rashiid Cali C/lle, Axmed Cabdi Borrille, C/kariim Naasir Saciid Seef (Cabdi Dheeg), Ismaaciil Xasan Max’uud (Timir), Cabdi C/lle Saciid (Jinni Boqor) Max’ed Xuseen Isaaq (Afaraale), Sheekh Aadan Max’ed Deer, Yuusuf Max’ed Kheyr (Guurow), Max’ed Yuusuf Weyrax, C/fataax Sh. Ibraahim Rashiid.

Xildhibaan Max’ed Cusmaan Maye ayaa yiri waxaan galaynaa Ajande “Moshinkan waxaa soo jeediyay 65-mudane lifaaquna waxa uu ka mid yahay moshinka hadii uu khaldan yahay waa in uu Gudoomiyaha uu yiraahdaa dib ula noqda waayo waxaa ku jira Moshinka qodobo xoojinaya Moshinka waayo lifaaq Moshin ah si aan u badbaadino shacabnkeena waana arin jirta in laga hadlo marka waa inaan arintaas ka doodnaa”

Xishibaan Sareedo Max’ed C/lla ayaa tiri “ Mudanayaal Baarlamaankii waa la soo dhex galay ogaada in hadii aad Ummadda lug-goysaan uu Ilaahay idiin lug-goynayo annagu waxaan nahay sharci dajiyaal Baarlamaanku wuxuu qaataa laaluush intaa ka dib, waxaa hadalka Xildhibaanka waxaa Gudoonka ugu dacwooday Xildhibaan Avv. Cumar Subayr taasoo gudoomiyuhu ku amray in Xidhibaan Sareedo hadii kale uu Cod baahiyaha ka jarayo Xildhibaanada ayaa iyadoo dhoolo cadaynaysa tiri “HAA LA JIIFIYAA BANNAAN” laakiin Ogaada LACAG WAA CUNIS XUKUUMADA WAA LA XISAABTAN” .

Xildhibaanad Caasho Axmed C/lla ayaa iyadana doodeeda ku bilowday “waxaan rabaa inaan ka hadlo Gudoomiye, inaan ka hadlo moshin ay xildhibaanadu kuu soo gudbiyeen ee aan anigana ka midka ahaa Moshin ay ogolaadeen Madaxdii baarlamaaka ee hada la duro waxaan u arkaa mid cago jiid ah lifaaquna waxa uu ka mid ahaa mid lagu muujinayo waajibaandka Baarlamaanka, la xisaabtanka Xukuumadana waxaa ka horeeya in dib loo eego sharciyada xukuumada waxaan ognahay xilligii ay dhacday Xukuumada 7/8/2006 markaasoo ay is casileen 24-wasiir ayaa arintaas waxaa dalka dariska nahay ee Itoobiya dhexdaadintaas waxay ahayd mid sharci ah waxaan haynaa heshiiska ay saxiixeen 3-hogaamiye oo qoraal ah oo ku kala saxiixan yihiin Gudoomiyahii hore, Madaxweynaha iyo ra’isu wasaaraha Madaxweynahana waa in su’aal laga weydiiyaa arinkaas, kulankaas waxaa lagu go’aamiyay in dowlada dib loo dhiso Lix bilood ka dibna ay Baarlamaanka weydiisato kalsooni in ay kun soo laabato 6-bilood iska daaye waxay ku darsatay 4-bilood oo saa’id ah markii la ansixinayay xukuumada waxay ku guulaysatay lambar badan hada xukumadu sharciyan maba jirto ee waa inay kalsooni weydiisataa Baarlamaanka ku dhawaad 5-bilood xukuumad ma jirto “ .

Xidhibaan Cali Jeyte Cismaan ayaa yiri “anniga waxaan qabaa, anigu waxaan ka mid ahaa xubnaha soo qorey Moshinka wax ujeedo ah oo ka lahaa ma jirto waxaan soo gudbinay Moshin iyo Lifaaqa moshin waxaana leenahay halala xisaabtamo xukuumada anniga waxaa qabaa maxaa lala xisaabtamaa xalaalba ma ahee bataatan way dhacday."

C/rashiid Cali C/lle ayaa yiri “annigu qolofka waxaan ka ahay xildhibaan cusub laakiin baarlamaanka waxa u istaahilaa in Maxkamada The Hague la soo taago sababtoo ah Guidoomiyahayagu hadii uu baarlamaanku la shaqeynaynin meel ma gaaro anigu Baarlamaan waxaan u aqaan midka sharciga toosiya xildhibaano “Dawo haday Bukooto maxaa lagu daweeyo” markaan usoo jeesto barnaamijka aan halkan usoo istaagay hadii uu baarlamaanku cadaalad ku talaabsado xukuumadana cadaalad bay ku talaabsanaysaa hadii ay xukuumadu ku talaabsato wax sharci daro arki maysid xildhibaan oronaya inta warqad uu qoro dhahaya “anniga waan is casilay” waxaa jirtay inan yar ayaa waxa uu tagay garoon si uu wax u barto ka dibna waxa uu helay buugg yar waxa uu akhriyay waxaana ku qornaa oo kaliya sida diyaarada loo kiciyo markuu kiciyay diyaaradii oo ay hawada la gashay ayuu buugii dib u eegay si uu dajiyo.

Akh’ristayaasha sharafta leh waxaan ka codsanayaa iney la socdaan dooda inteeda kale hadii ilaahay idmo.

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska oo Siminaar u furtey ku dhowaad 40 xubnood

 

Siminaar ujeedadiisu tahay doorka awoodooda aqooneed ee  ay ka qaadan karaan dhismaha nabada Haweenka Soomaaliyeed iyo dibu-heshiisiinta oo ay ka faa’iideysanayaan Kudhawaad 40 xubnood oo ka kala socda Haweenka Gobolka baay iyo banaadir oo ay gacan ka geystay Hay’ada UNFPA, islamarkaana ay soo qabanqaabisey Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee DFKMG oo socondoona mudo laba maalmood, ayna wax ka dhigayaan 3 xubnood aqoon durugsan u leh arimaha nabada ayaa lagu qabtey xarunta Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee DFKMG manta. 

Furintaankii siminaarka ayaa waxaa ka soo qaybgaley islamarkaana ka Hadley Wasiirada Haweenka DFKMG, Gudoomiyaha Gobolka Baay,  xubin sare oo ka socotey Hay’ada UNFPA iyo marti sharaf kale. 

 Ugu horey waxaa halkaasi   hadal kooban ka soo jeediyey Wasiirada Haweenka DFKMG Aamina Maxamed Mursal, waxayna tiri “anagu hadii aan u horseedno nabada shirka dibuheshiisiinta wuxuu ku tilaabsan karaa horumar, ogaada ninka hadii  wax la barto waxaad wax bartey ruux keli ah, laakiin hadii hooyada wax la baro waxaa wax la barey dhamaan Bulshada oo dhan ayey tiri Marwo Aamino Maxamed Mursal oo hadalkeeda intaas ku koobtey, islamarkaana ka cudurdaaraneysay waqtiga oo cirii ku ahaa aweed.

 Gunaanadkii Xafalada ayaa ka Hadley Gudoomiyaha Gobolka Baay Md, Xaaji Max’uud Barbaar waxaa uuna farta ugu fiiqey xubnihii siminaarka ka faa’iideysanayey “ sida ay Haweenka Soomaaliyeed  kaalin muhiim ah uga qaadan karaan, ayna banaan tahay dowrkooda wax qabad, islamarkaana hashiina ay si dardar leh ay ku socoto, isagoo  xusey doorka ay ku yeelan karaan ayaa arimaha siyaasada ee murugsan ayaa wuxuu yiri “ Haweenku iyagaa dhaley dhaga, weyna u soo hoydaan, sidaas darted hadii mid kasta isku daydo inay awooda saarto wiilkeeda iyo ninkeeda waxaa hubaal ah inay wax ka bedeli arimaha Murugsan, waxaana idiin balqaadayaa inaan idiin garab galo ka maamul ahaan ayuu hadalkiisa ku soo kooban”, 

 

Maxamed macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Baydhabo.

Faafin: SomaliTalk.com | July 26, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com