SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

" Ma Qaxootinimadii baad qayilaad ku darsatay..?!!"

kaalmoyWQ: Muxyaddiin M.Kaalmoy

Email: kalmoi@hotmail.com

 


 

(Qaybta 3aad) | Qaybtii 2aad

     Ruuxa Qaxootiga ahi, waa ruux dalkiisii hooyo, deegaankiisii iyo dadkiisiiba ka soo qaxay,kana soo dheeraaday, sababtu si kastaaba ha ahaatee, tagay oo deegaamaystay dal shisheeye, ka-dib, markii uu magan-galyo weydiistay, loona oggolaaday.

     Dadka Soomaaliyeed markii hore, uma aanay badnayn in ay dalal shisheeye qaxootinimo u raadsadaan, oo ay dawlado qalaad magan-galyo weydiistaan; walow ay 80-meeyadii, dad aan yarayn, ay si dhuumaalaysi ah ugu qaxi jireen dalalka Woqooyiga Yurub iyo Woqooyiga Ameerika, waayadaas oo ay xaaladdii Siyaasadeed ee dalku tartiib-tartiib u soo xumaanaysay, gobollada qaarkoodna ay degganaansho-darridu ku soo badanaysay.

     Meel kastoo uu ruuxu u qaxo , ma helayo meel u dhaanta dalkiisii hooyo, waa tan la yiraahdo;""  Dal aadan lahayn, dareen ku-joog waaye..." . Dadyowga dalalkooda la joogana, si kastoo aad sharciyadooda iyo dhalashadooda u qaadato, haddana, iskuma taag-taagi karaysid, waxaaba la yiraahdaa;" Mukulaal minankeeda joogtaa, miciyo libaax bay leedahay".

     Dunida meel kastoo ka mid ah oo loo qaxay, xataa haddii dhaqaale-ahaan iyo waxbarasho-ahaanba wax la kororsaday -meelaha qaarkood- , haddana guud ahaanba, waxaa laga baxsan kari waayay, dhibaatooyin dadkii qaxootiga ahaa ka qabsaday, dhinacyada; cimilada, dhaqanka, diinta, akhlaaqda, arrimaha qoyska, midab-takooridda iyo arrimo kale oo badan oo ay waaya-arag u yihiin; Soomaalida u qaxday ee ku sugan; dalalka Yurub, Maraykan, Kanada. Austaralia. Afrika iyo meelo kaleba.

     Dad badan oo Soomaaliyeed, ayagoo aad ugu ammaanan, waxay nolosha qurbaha u kaashadeen ; Caqli faya-qaba, Caqiido, Caadooyinkeennii wanaagsanaa iyo Cilmi-bulsho wixii ay barteen, kartina waxay u yeesheen, inay bulshooyinkii ay la degeen kaga daydeen oo ka qaateen wixii wanaagsan ee hab-dhaqan-bulsho ah, wixii xunna way ka leexdeen ee isku duuduub uma aanay qaadan maahmaahda ah;" Meel siday u taal baa loola yaal..".   Ayaan-darro, dad badan oo Soomaaliyeed, waxay u dhaqmeen, si ku xun diintii, dhaqankii iyo akhlaaqdiiba. Bulshooyinkii ay u tageen oo ku biireen bay qaab kasta ugu milmeen, iyagoo xataa aan dhawrin, aanan xushmayn, kana tallaabay xadkii ay diintu dhigtay, ruux kastase, wixii uu falo, isagaa qabrigiisa la galaya, rabbigiisana la hor-tagaya maalinta Qiyaamaha.

     Qaxootinimadu waa silic iyo saxriir inteeda la eg, xataa haddii dhaqaale, aqoon iyo waaya-aragnimo laga kororsado, ruuxii is-ururiya ayaana ilaa xad wax ka faa'iidaysan kara, ama ka fara-qabsan kara meelaha qaarkood( dhaqaale,aqoon iyo khibradba).

     Waxaa ciil, caro iyo ayaan-darro wayn ah, ruuxa Soomaaliga ah ee qurbaha jooga, eheladiisii gudaha dalka ku dac-darraysan yihiin, oo isaga wax-bidayaan oo ka dhawrayaan, isagiiina dhibaatadii qaxootinimada ee uu ku qasbanaaday, dantuna ku kalliftay, ku darsaday dhibaatada qayilaadda ee dhaqaale, dhaqan, caafimaad-darro, qoys-burbur iwm, oo uu isku lugaha la galay. Bal ila eega dhibaatada ay qaadka iyo qayilaaddu ku hayaan kuwa badan oo qaxootigii Soomaaliyeed ah ee ku sugan dalalka; Kenya, Ethiopia, Ugaandha, Jabbuuti, Yaman, Qaxootiga dalka gudihiisa iyo xataa dalalka Yurub,sida Ingiriiska, Holanda iwm. xataa Soomaalidii Sacuudiga joogtay, ayay dayro dhankaas ahi ka imaanaysaa; Dad xog-ogaal ahi, waxay iigu soo warrameen; inuu ruuxa Sacuudiga joogaa ku qayilo 50$ lacag u dhiganta fadhigiiba, lacagtaas oo haddii loo diro qoys tiradiisu meel-dhexaad tahay oo Soomaaliya jooga ay muddo bil ah biilan karayaan.

     Oday Soomaaliyeed oo waaya-arag ah, muddo horana aad u qayili jiray, dhibaatooyinka qayilaaddana aad u og, baa qaxooti 80-meeyadii ku noqday dalka Kanada, halkaasna ,wuxuu kaga badbaaday dhibaatooyinkii xagga qayilaadda, allana wuu mahadiyay, hase yeeshee, waxaa u bilaabantay, qaxootinimo iyo noloshii qurbaha, taasoo uu iyadana 20-meeyo sano soo dhex-dabbaashay oo dhedhemiyay. Wuxuu odaygu noqday ruux Qaxootinimo iyo Qayilaadba waaya-aragnimo ballaaran u leh, dhibaatooyinkoodana ka dheregsan, cirib-xumidoodana yaqaanna.

     Sannadkii 2000 ayuu  dalkii Soomaaliya dib ugu soo noqday, wuxuuse maalmo yar ka-dib is-yiri;" Bal ka war-doon", wiil uu dhalay oo qaxooti ku ahaa dal Somaliya deris la ah, oo aad looga qayilo, jaadkuna ka baxo.   Markii uu yimid dalkii uu wiilkiisii joogay, loo tilmaamay xaafad(jiingado) uu degganaa wiilku, ayuu markii uu albaabka ka soo galayba indhaha ku dhiftay wiilkiisii qaxootiga ahaa oo uu canka jaad uga buuxo, qayilaadna u fadhiya.  Halkii uu ka dhihi lahaa; Assalaamu calaykum, see la yahay, iska warrama, ma la-faayoo iwm. ayuu mar kaliya ku dhawaaqay odaygii :" Waar ma Qaxootinimadii baa Qayilaad ku darsatay ...?!!", ereyadaas ayuu dhawr jeer ku soo celceliyay, isagoo madaxana rux-ruxaya.

     Wiilkii iyo dadkii la fadhiyayba, waxay moodeen in odaygu waashay oo la dhex-maray. Odaygu ma waallanine, wuxuu waay-arag u yahay , dhibaatooyinka qaxootinimada iyo qayilaadda laga dhaxlo, wuxuuna yaqiinsan yahay in ruuxii labadaas isku-darsadaa aan marnaba laga sugayn inuu waxtaro oo badbaadiyo, naftiisa, tan qoyskiisa iyo tan qaraabadiisaba. Dadka waaya-aragga ah qaarkoodna, waxayna yiraahdaan ;" Qof Qaxootinimo ku darsaday Qayilaad inuu Qabri ku jiro uun ka soo qaad" !!

Qaybtii 1aad: "Ma Qaxootinimadii baad Qayilaad ku darsatay..?!! Taariikhda siday doonto ha ahaato... Akhri

      WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy  -kalmoi@hotmail.com-

Faafin: SomaliTalk.com | July 15, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com