Safarkii Amiin Yuusuf
Khasaaro ee dalka
Marooko
W/D:
Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
8-dii Bishan
ayaan ka ambabaxnay
Magaalada Muqdisho
anagoo ka kooban
labo xubnood oo ka
tirsan Xiriirka
Soomaaliyeed ee
K/cagta, waxaana
safar ku tagnay
wadanka Marooko gaar
ahaan caasimadda
wadankaasi ee
Kasapalanka,si aan
uga qaybgalno
siminaar saddex
maalmood socday oo
uu soo qabanqaabiyey
xiriirka K/cagta
adduunka ee FIFFA,
waxaana kaqaybgalay
15-dowladood ka
socday Qaaradda
Afrika iyo waliba
dalka Falastiin.
Markii aan
gaarnay dalka
Imaaraadka Carabta
ayaa waxaan raacnay
Diyaaradda Fly
Emirates oo ku
wajahneyd
Casablanca, waxaana
diyaaraddaasi
saarneen mudo
9-saacadood ah oo
aan meelna lagu
hagan, markaan ka
degnay garonka
Diyaaradaha ee
Casablanca waxaa
halkaasi nagu soo
dhaweeyey
mas’uuliyiin ka
tirsan xiriirka
Soomaaliyeed
K/cagta, waxaana
markiiba nala
dejiyey Hoteel
Magaalada ku yaala
oo lagu magacaabo
Idu-Anfa.
Dalka
caasimadda Marooko
ee Casablanca waxaay
ka mid tahay
caasimadaha
horumaray, waxaana
lala barbardhigi
karaa caasimadaha
dalka Yurub, ha
noqoto dhinaca
dhaqanka iyo
dhinacyada kale.
Xaaji
Yuusuf Max’ed Sheekh
oo igu wehliyey
safarka oo ah
khabiir ku taqasusay
cayaarta K/cagta iyo
Fuutsalka ayaan wax
ka weydiiyey sida uu
u arko horumarka ay
ku talaabsatay
caasimadda
Casablanca, waxa
uuna igu yiri
“wadamo fara badan
ayaan maray
weligeyna ma arag
caasimad sidaan u
qurux badan” isagoo
sheegay inay ku dhow
dahay caasimadaha
wadamada horumaray.
Wadan kasta
waxa uu ku faanaa
miraha wadankiisa ku
baxa, ha noqdaan
kuwo ku baxa waraab
ama kuwo ku baxa
xili roobabka, intii
aan ku sugnaa
Magaalada
Casablanca, geed
miroodka laga cuno
wadankasi, waa kuwo
la mid ah geed
miroodka ka baxa
wadanka soomaaliya,
waxaana lagu
martiqaadaa dadka
aad loo sharfo,
waxayna qaarkood
mirahaasi galaan
ganacsi aad u weyn.
Tusaale,
waxaa na loo keenay
Gosoco oo nooc walba
leh, mid u sameysan
sidii xalwadii, mid
u sameysan sidii
cambuuladii, mid u
sameysan sidii
macmacaan oo
waxyaabo kale lagu
daray, waxaan
weydiiyey Xaaji
Yuusuf, waa maxay
gocosaddani, maxaase
tan wadankeena ka
baxda sidaan loogu
farsameyn waayey?,
waxa uuna iigu
jawaabay “dadkeenu
waa kuwo jaahiliin
ah oo inta badan aan
ka faa’iideysan
miraha ka baxa
wadankooda”.
Waxyaabaha
kale ee la yaabka
lahaa waxaa ka mid
ahaa Yicib oo iyana
loo farsameeyey
noocyo kala duwan,
oo markaad
dhadhamidid aad
faraha iska
goysaneysid, mar
ayaan isku qaatay in
aan ku sugannahay
wadankeena, sidoo
kale waxaa na loo
keenay caleen iyana
dhanaan badan,
waxaana Xaaji Yuusuf
ayaan ku iri “Xaaji
tani sow ma ahan
caleenteenii ka bixi
jirtay wadankeena oo
lagu dhanaansan
jiray”, waxa iigu
jawaabay “nacam waa
iyadii,”, waxaan sii
weydiyey, waxa ay
dadkeena
Soomaaliyeed uga
faa’iideysan
waayeen, waxa uuse
ku jawaabay
“dadkeenu waa kuwo
dhega xiran,
qaarkood ayaa ku
leh, ma caleentaan
ayaan ka shaqeyn
karaa.
Miraha kale
ee na loo keenay,
waxaan kaloo ka
aqoonsaday, miraha
Mareerka la
yiraahdo, oo iyana
nooc badan loo
farsameeyey, marka
aad moodsatana aad
macaansaneysid,
farxadna ay ku
galeyso, Xaajiga oo
mar walba ila
fadhiya ayaan
weydiiyey, “Xaaji
sow kanina Mareer ma
ahan?”, waxa uu yiri
“Haa”.
Waxyaabaha kale
ee iyana halkaasi ku
arkay waxaa ka mid
ah ee la isku marti
qaado, Gobka,
Xamurka,
Dhafaruurka, iyo
Gobashka, waxyaabaha
kale ee aan la
fajacay waxaa ka mid
ahaa, markii isaga
oo jarjaran oo
cagaar oo kale ah na
loo keenay, noocaas
oo dadka
Soomaaliyeed u
yaqaanaa Qare
Dameer, Qaraha marka
uu curdanka yahay,
Xaajiga ayaan
su’aalay, sababta
inta uu bislaanayo
loola sugi waayey,
waxa uun igu yiri
“Qaraha marka uu
cayriinka yahay waa
uu ka fitimiin badan
yahay marka uu
bislaado,
yaryaraantiisana si
gaar ah ayaa looga
faa’iideystaa,
hadduu yar yahay ama
uu weyn yahayna mar
kasta waa laga
ganacsdaa”. sidoo
kale waxaan si aad
ah ula yaabay markii
na loo keenay,
miraha Karuunjada oo
si aad ah farsamo
habeysan loo soo
saaray, oo markaad
dhadhamid aad la
dhaceyso, xaajiga
ayaan weydiiyey,
“sow tanina Karuunjo
ma ahan?”, “waa
iyadii oo aan biyo
lagu mayrin” ayuu ku
jawaabay, waxaa
maskaxdeyda ka
dhaadhacday in
wadankeena uu
barwaaqo yahay,
maxaa yeelay mirahan
oo dhami way ka
baxaan dalkeena,
haddii si habeysan
oo farsameysan looga
faa’iideysan lahaana
horumar ayaan meelo
badan laga gaari
lahaa, balse waxaa
hubaal ah in aan
intaa oo dhan ka
nahay (Lax dhugan
abaar moog), isku
soo wada duuboo dal
waxaa dhista oo
horumariya dadkiisa
iyaga oo ka
faa’iideysanaya
kheyraadka uu illaah
ka muneystay
dalkooda.
W/D: Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Alan Johnston muxuu
dheeryahay Taysiir
Caluuni iyo Sami
Al-Xaaji?
Akhri...