SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

QORAALADA LAGA QORAY SAMSAM::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 |
Hal booli ah Nirig xalaala ma Dhashaa?

Qays Hagi
birjex@yahoo.com

Dawladii ina Salaad Bouy waxay ahayd mid loo dhoodhoobay bulshada rayidka ah, waxaana keenay inay u ekaato Xumbo waa alifikii xumaadaa albaqaruu ku dhibaa. Waxaan ula jeedaa in Cabdi salaad ahaa xul gurracan, taana waxaa xaqiijiyey siduu ku xushay golihii wasiirada, wuxuu garanwaayey in shaqsiyaadka uu magacaabay uu shardi uga dhigo inay qabaailkooda keeni karaan, Waxaana caddaatay golihiisii wasiirada ay iska daa inay cidahoodii  keenaani inaysan xitaa caraday u dhasheen cag dhigi karin. Haduu halkuu ina Galayr ka qaatay, ka dhigi lahaa ina Yeey waxay noqon lahayd tillaabo hore loo qaaday, ina Caydiid ama ina Cali wey kaga haboonaayeen ina Gorod, Ina Yalaxow wuxuu kaga haboona in Dayax,waxaan kaga jeedaa inuu ina Bouy dayacay fursad dahabi ah oo ayadoo saxan macdana lagu sido loo keenay.

 
Waxaan aad uga arggagaxsanhay in ay muuqato saansaan iyo ifafaalo aad moodid in ina Yeey afkiisa ku dilo fursadaan ka samaysan dahabka labaatan iyo afarta keerotka ah oo loogu keenay baafka dahabka ah. Waxaan aad u aaminsanahay inay dawlada Madaxweynaha ka yahay Cabdullai Yusuf ay shaqyn karto haddii uu Madaxwenuhu adeegsado caqliga iyo  khibradda aan ku tuhmayo, iskana ilaaliyo caadifa, laab lakaca, kuna dadaalo siduu taariikhda meel qiimo leh uga geli lahaa, taanna waxaa ku filan isagoo si daacad ah isugu hawla dib u soo celinta qaranimadii iyo sharaftii luntay ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
 
Waxaan qabaa Cadullahi Yusuf inuu ugu macquulsanyahay ragga ummadda ku haystay Beebaha iyo Bombaanooyinka, afkaygu runtii ma karo, gacantayduna ma qori karto inaan beri yeelo oo wuxuu ka mid yahay xisbiga ay kula bahoobeen kuwo badan oo kale sida: Maxamad Qanyare, Muuse Suudi, Xuseen ceydiid, Maxamad Dheere,Cusmaan Caato, Moorgan,shaatgaduud, Xasan Daahir,Cabdiqaasim Salaad iyo kuwo badan oo kale.
 Waxaanse ku doodayaa oo xusid iyo weliba ku dayasho mudan sida uu nidaamka iyo kala dambaynta uga hergeliyey dhulka Puntland oo intuusan gacanta ku dhigin la mid ahayd waddanka itiisa kale. waxaan muran ku jiran in siduu Cabdullahi ula wareegay  dhulka puntlaand ay nabadii iyo xasiloonidi dawlad lagu yaqaanay la helay, waxaan jeclaan lahaa in waddanka itiisa kale la gaarsiiyo nabadda, kalsoonida iyo kale dambaynta. Waxaan Madaxweynaha u sheegaya in xooggi ku shaqeeyey Puntland uusan ku shaqqayn Xamar iyo Nawaaxigeeda, mar hadii aadan  xoog iyo xoolo toonna ka badnayn qabaa,ilka dega koofur, hase yeeshee nin xoog waayey xeel ma waayey.
 
Haddan u gudubnno riditaankii Wasiirkii koowaad iyo golihiisi, wuxuu qorayaa qodobka 49 in Madaxweynuhu hor keeno Wasiirkiisa 1aad Barlamaanka, markii la ansixiyo ka dibnna la dhaariyo, haddaba mar hadii arrinkaasi ku cadyahay qaanuunka qaranka sidee udhici kartaa in Prime Minister aan sidii sharciga ahayd loo marin uu dawlad u dhisi karaa, miyeysan u ekayn in gaarigu Faraska jiido, halka lagu ogaa inuu Farasku gaariga jiido, Ukunta iyo Dooradase kee kee hor dhasha,si kale haddaan u dhigno Hal booli ihi Nirig xalaala ma dhashaa?.
 
Waxaa aad u la yaab leh in ay Madaxweynaha,  Wasiirka 1aa oo la riday , Maxamad Dheere  iyo kuwo kaleba ay ku andacoonayaan inaan la radi karin dawladaa, runtii waxaad moodaa inuu Madaxwenuhu garan la, yahay inuusan u baahnayn inuu shacabka shakisan uusan cuqdad sii gelin
 muujinaysa adadayg iyo keli talisnimo, maadaama ummadu guud ahaan ay sida muuqata soo dhoweynayaan Madaxweynaha iyo dawladda intteda kaleba.
 
Qays Hagi
birjex@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 13, 2004

»Kufsigii Cadaaladda ee Hargeysa ayaa ka Horeeyey kiiska SamSam
»
Dawladii Prof Geedi oo la riday... [Gaagaale]
»Xog waran ku saabsan Shirka ka dhacaya Copehagen [M.Abdi]
»DADKAYGOOW DULMIGA DAA [Garaad]
»C/LAHI XAAJIYOW CIMRI TAGAY CEEB HA KU SAGOOTIN [Abshir]
»Wallee Lama Ledo ! [Hadal-wanaaje]  

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

BANDHIGII CARWADA MUQDISHO



HTML CD