SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

cadde muuseCadde Muuse oo ka hadlay mudaharadaadkii ka dhacay Garoowe dhegeyso halkan.

Daawo: Video-Bannaanbaxii  Garoowe DAAWO...



Xubno ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo ka qaybgalay Siminaarkii Futsalka iyo Beach Soccer-ka ee dalka Marooko. 


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington DC oo deeqdii ugu balaarneyd soo gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobay dagaalada



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 
 
 Warar: July 29, 2007
  • Cali cabdow "Maalin walba labo Haween Soomaaliyeed ayay Ciidmaada Itoobiya qaadsiiyaan cudurka AIDS-ka".
  • C/llaahi Yuusuf "Waan ka damqaday wixii ka dhacay....." 
  • Qaraxyo iyo iska hor imaadyo ka dhacay Muqdisho
  • Geedi oo Magaalada Adis-Ababa kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska. 

Cali cabdow "Maalin walba labo Haween Soomaaliyeed ayay Ciidmaada Itoobiya qaadsiiyaan cudurka AIDS-ka".

:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ereteriya Cali Cabdow Axmed ayaa mar uu u waramayey taleefishinka Al-Jasiira waxa uu sheegay in dhibaatada ka taagan Soomaaliya ay ugu wacan tahay CIidmaada Itoobiya oo uu sheegay.

"Maalin walba waxaa la gumaadaa Ummadda Soomaaliyeed, waxaana laga buuxiyaa xabsiyada" ayuu yiri Wasiirka arrimaha Dibadda ee Ereteriya, waxa uuna intaa raaciyey"waxaan ogaanay in maalin walba labo haween Soomaaliyeed Ciidamada Itoobiya qaadsiiyaan Cudurka AIDS-ka, marka ujeedada Itoobiya waa sidii ay uga aarsan lahayd una baabi'in lahayd Ummada Soomaaliya". 

wasiirka arrimaha dibadda waxa uu beeniyey warar dhawaan ka soo yeeray ururka Midowga Afrika oo ahaa in Ereteriya ay hub gaarsiisay kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, waxa uuna warkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona laheyn oo ladoonayo in lagu marin Habaabiyo ummadda Soomaaliyed. 

Wasiirka waxa uu sheegay in Dhibaatada Soomaaliya aysan marnaba degi doonin tan iyo inta ay Dowladda Itoobiya faragelinta ku hayso arrimaha Soomaaliya, isagoo soo jeediyey in arrimaha Soomaaliya loo madax banaaneeyo ummadda Soomaaliyeed.

C/llaahi Yuusuf "Waan ka damqaday wixii ka dhacay....." 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo hadda booqasho ku jooga Magaalada Madaxda Maamul Gobaleedka Puntland ee Garoowe ayaa mar uu kulan la yeeshay odoyaal iyo waxgarad ka tirsan Maamulkaasi ayaa waxauu sheegayin uu si dhaqsi leh waxa uga qaban doono xaaladda ka taagan maamulkaasiee la xiriirta dhinaca nabadgelyada iyo Maciishada.  

C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in wixii ka dhacay Maamul Gobaleedka Puntland uu si aad ah uga damqaday, isagoo sheegay in talaabo laga qaadi doono wixii sababay in dadweynuhu qayliyaan kana damqadaan maciishada cirka isku shareertay. 

C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in ay jiraan dad doonaya in ay qalqalgeliyaan ammaanka iyo xasiloonida ka jirta maamul Gobaleedka Puntland, hase yeehsee carabka kuma dhifan dadkaasi. 

WAxgaradkii iyo Odoyaashii ka qaybgalay kulankaasi ayaa waxay ka codsadeen Madaxweyne C/llaalhi Yuusuf Axmed in u Talaabo ka qaado dadka cunqabateynta maamul gobaleedka Puntland, waxay kaloo ka codsadeen in isbedel lagu sameeyo maamulka Puntland gaar ahaan maamulada hooose. 

C/llaahi Yuusuf waxa uu isla shalay kulan deg deg ah la yeeshay maamul Gobaleedk aPuntland oo ay ka wada hadleen xaaladda ka taagan maamul Gobaleedka Puntland sida nabadgelyada iyo sicir bararka, isagoo sheegay in xiriir iskaashi uu ka dhexeeyo Dowladda Federaalka iyo Maamulo Gobaleedka Puntland loona baahan yahay in arrintasi la sii adkeeyo. 

wAxaa la filayaa in C/llaahi Yuusuf uu saacadaha soo socda gaaro magaalada Boosaaso, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono dadweynaha ku nool Boosaaso. 

Qaraxyo iyo iska hor imaadyo ka dhacay Muqdisho

 Waxaa Magaalada Muqdisho weli ka sii socda qaraxyada iyo iska hor imaadyada ka jira oo u dhexeeye ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinc ah iyo kuwa ka soo horjeeda, waxayna iska horimaadyo ka fool ka fool ka dhaceen meel ay deganaayeen ciidamada Dowladda Federaalka ooku taala agagaarka Xayle Bariise ee Deegaanka Heliwaa,waxaana la isku adeegsada hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay in dad rayid ah ka soo gaartay khasaaro rasaastii la siweydaarsaday, sidoo kale ciidamada Itoobiya ee degan Warshaddii hore ee Baastada, iyadoo rasaastii ay rideen ciidamada Itoobiya ay ku dhaawacmeen labo qofood oo deganaa suuqa Xoolaha, sidoo kale shalay subaxnimadii ayaa weerar banbaano ka dhacay Isgoyska Black Sea waxaana ku dhaawacmay labo qofood.

Qaraxyadan ayaa waxay sii xoogeysteen maalmihii ugu dambeeyey, iyadoo ay dhibaato ka soo gaareyso dad rayid ah oo aan waxba galabsan, ilaa iyo haatan wax natiijo ah oo soo kordhay oo ku aadan sidii qalalaasaha loo joojin lahaa ma jiraan, iyadoo ay maalin walba Magaalada Muqdisho baairtaano ka wadaan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Fedreaalka.

Geedi oo Magaalada Adis-Ababa kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska. 

 wararka naga soo gaaraya magaalada Adis-Ababa waxay sheegayaan in Ra'isul Wasaare Cali Max'ed Geedi uu halkaasi kulan kula yeeshay wasiirka arrimaha DIbadda ee dalka Faransiiska, waxayna isla soo qaadeen taakuleynta Ummadda Soomaaliyeed iyo waliba ka miro dhallinta Shirka Dib u heshiisint Ummadda Soomaaliyeed.

Ra'isul Wasaare Geedi waxa uu uga warbixiyey Wasiirka Faransiiska xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in xaaladda Magaalada Muqdisho ay haatan ka soo reyneyso, isagoo sheegay in arintaasi ay gacan ka gaysteen Dowladda Federaalka oo gacanka helaya kuwa Itoobiya, dhinaca kale xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa ka hor  yimid kulan dhex maray Geedi iyo Wasiirka arrimaha Dibadda Faransiiska, iyagoo ku tilmaamay mid lagu baabi'inayo qarannimadii Soomaaliya, waxayna sheegeen Xildhibaanadaan aysan weli dhicin in wafdi lagu qaabilo dal kale, waxayna sheegee xildhibanaadaasi in xubno ka sareysa wasiir arrimo dibadeed ay tageen magaalada Muqdisho ay kulamo la yeesheen xubnaha Dowladda Federaalka.

Midowga Yurub ayaa iyagu aaminsan in Magaalada Muqdisho aysan ka jirin xasilooni la isku haleyn karo, waana midda midda keentay in Ra'isul Wasaaraha soomaaliya iyo wasiirka arrimaha dibadda Faransiisku ku kulmaan Itoobiya.

W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro.

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com   

Faafin: SomaliTalk.com | July 29, 2007


Doodii Moshinka Baarlamaanka DFKMG ee ka Dhanka ahayd xukuumada Prof. Geedi oo weji kale isu rogtay (Qaybtii 3aad ee doodda) - July 29

MADAX SARE OO HAY'ADDA CARE KA TIRSAN OO SOCAAL KU MARAY KARKAAR (DAAWO SAWIRO)

Dagaallo ciidammada cadowga lagu waxyeelleeyay.

Dowladda Itoobiya oo qorsheneysa in ay dhex dhexaadiso labada Gole ee Dowladda Federaalka
.Booliiska iyo Milatariga oo isku haya gacan ku haynta Suuqa
.Geedi oo la sheegay in Adis-Abab u tagay sidii uu Meles..
.C/llaahi Yuusuf oo gaaray Magaalada Garoowe...
.Haweenay Yuhuudiyad ah oo islaamtay, Falastiina ugu..
.Dadweynaha Muqdisho oo ka walwalsan dadka lala baxayo
Wararka oo dhan ka akhri halkan... July 28

Ciyaarihii ugu dambeeyey ee EuroSom iyo Qado sharaf

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington DC oo deeq soo gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobay dagaalada - July 27

Xubno ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo ka qaybgalay Siminaarkii dalka Marooko - July 27

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com