SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

»Culimada Hargeysa ku Xidhan
»
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA OO AFSOOMAALI AH GUJI....

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17


Jirdilka soomaaliland iyo cuno raaca gaalada halkee lagu tagayaa aakhirana maxaad kasbatay.
  • A/risaaq aadan koronto
    koronto_65@hotmail.com

     .....Shiikh mustafa waa nin asal ahaan u dhasahy hargaysa, shiikha maxamed ismaacilna uu yahay shiikh  ka soo jeeda qooys yar ama lafyar ee dagta Degmada gabillay taasina ay tahay mid isaga loogu xoogsheegtay in halsano uu ku jirdlilan yahay xabsiga hargaysa oo aan wali cidi u danbi ku soo taagin cidna aysan ka hadlin.....


Shiikh maxamed ismaaciil oo ah wadaad caan ah aadna looga yaqaano dalka soomaaliya oo dhan waxa uu ahaa wadaad si wayn looga qadariyo muxaadarooyinkiisa gudaha magaalada hargaysa mudooyin badana laga dhagaysanjiray sanadihii ugu danbeeyayna waxna uu ahaa wadaad saara jinka soomaali badana ay ku miciinsatay sida  wanaagsan ee uu u saaro jinka waxa uuhargaysa dhexdeeda ku lahaa xarun wayn loo loogu magacday (Shifo) taasoo dhamaan soomaalida dhan ay si wayn u aadi jireen si  uu wadaadku ula tacaalo jinka ahaya qofka loo keenay.

Kasakoow wadaadnimadiisa waxa uu naftiisa u huray sidii oo soomaaldia dhiban ee la daalaa dhacaysa jinka uu uga saari lahaa maanta hargaysa oo kaliya waxaa laga helayaa boqolaal oo qof ah oo uu  shiikhu ka saaray jinhayay  inta aadan fiirin soomaalida kale ee uga soo bakhooshay guryahoodii  si looga saaro jin haya.

waxa uu umada soomaaliyeed u hayay arin wayn dana u ahayd soomaaliland waayo maalin walba hargaysa waxaa imaan jiray ugu yaraan 10 qof oo u socoda shiikha si loo geeyo shifada dhamaan dadakaasi waxay hantidooda galin jireen hargaysa inta ay joogaan waxaana qofkiiba kaga bixi jirtay lacag dhan $500 oo dollar bill kasta taasina waxay dan u hayn mushtamaca soomaaliland oo dhaqaalahasi soo galijiray kahor inta aan xabsiga loo taxaabin shiikh Maxmed ismaaciil.

Hadaba soomaaliland dhaqaalahaas miyay ku kibidhay mise way ka faaiidaysatay.

Waxaan oran karnaa soomaaliland waxay ku caasi garoowday allihii abuurtay waxay meel uga dhacday diintii loo soo dajiyay umada muslimka ah in ay ku dhaqanto kuna camal fasho waxay xanbaarsatay cadaawad ay alle hortiisa la tagayso maalinta qiyaamaha waxay noqotay mid ku tumata islaamka waxay u dhaqantay sidii gaaladii  waxay ahaatay mid iska muquunisa ninkii tabar yar iyada oo gaalada kaga raadinaysa waji iyo wanaag si shilimaan ay ugu daadiyaan, dhaqaalihii shiikha dartiis u soo gali jiray waxay ka dooratay daba  dhilifnimada gaalada waxayna wali sugaysaa in gaaladu ay jawaab siiyaan soomaalilnad sida xun ee ay ula dhaqantay shiikha laakiin jawaabtii ay galada ka sugaysay waxay noqotay mid waji gabax ay kala kulantay soomaaliland.

Soomaaliland hada maxaan orankarnaa...

Sida cad ee waadixa ah waxaa soomaaliland ka buuxa in badan oo islaam ah nin ashaahaadanayana lama oran karo waa gaal laakiin hadan nin waliba sida uu wax u fasirtaa ku tusinaysa dhaqankiisa iyo caqiidada uu aaminsan yahay( alle subxaana watacaalaa ayaa quraankiisa ku cadeeyay ninkii iska matala qoon maciis ayuu ahaaday), taasi  waxay ku tusinaysaa in ay soomaaliland (maamulka) iska mataleen gaalo gaar ahaan waxaan ula jeedaa booliska oo sida foosha xun ula dhaqmay culimadii diinta alle u fidinaysay umada islaamka ah waxay ahaadeen kuwo duud mara amarkii eebe waxay ahaadeen kuwo isu roga dhaqan gaalad.

Sida (maamulka) soomaaliland gaaladu ma u dhaqantaa.

In badan oo soomaali ah ayaa is waydiinaysa sida xun ee ay soomaaliland u dhaqantay tolow ma sidii gaaladaa lakiintaas waxaa laga fasiran karaa in aysan gaaladu sidaas oo kale u dhaqmin balse ay qofka gaaladu xiraan lakiin sida laga daawaday video waxaa soomaaliland ay u dhaqantay wax ka baxsan bini aadantinimida waxayn jirtil iyo su'aalo aan iyaga dantooda ahayn waydiyeen shiikh taasi oo shiikhuna aad ula yaabay dadkii daawadayna ay aad ula yaabeen su'aalaha u dhadhan eg kuwa gaaalada ay waydiinayaan shiikha taasi oo laga fasirtay in soomaaliland ayba tahay wadan gaalo.

Ethiopia iyo soomaaliland maxaa isku diin, isku caqiido, ka dhigay

waxaa cajilka laga fasirtay in ay waydiiyeen shiikha su'aal ahayd 9sidee u aragtaa saaxiibada soomaaliland ee ethiopia), taasoo shiikhu isaga oo aan gabanayn yiri ethiopia waa gaalo ilaahay ayaan quraankiisa ku cadeeyaya isaga oo aayad quraana afka markiiba soomaliryay aayadaasoo mid ka mid ah waraysataashii uu markii uu maqlay aragaxay oo dharbaaxay shiikha taasoo cajii ib ku noqotay umada soomaaliyeed ee daawatay cajilka waxaana loo fasirtay markiiba in soomaaliladn iyo Ethiopia ay isku caqiido yihiin, isku mabdana ay aaminsanyihiin.

Shiikh Mustafa iyo Shiikh Maxamed maxay isku dhaamaan.

Labadan shiikh waa laba nin oo ilaahay abuurtay islamarkaana ilaahay baray ciliga diinta taasoo ay booliska soomaaliland ku eedeeyeen labadan shiikh marka ay khudbad ka jeediyeen mid ka mid ah masaajida hargaysa waxa ay marayknaka ku eedeeyeen ayuu shiikha xiran ku sheegay mar isaga su'aashaas jeelka lagu waydiiyay ayaa sheegay in ay maraykanka ku sheegeen wixii ilaahay ku sheegay balse uusan isagu wax dheeraad ah ku darin waxaana muuqata in shiikh mustafa uu yahay nin asal ahaan u dhasahy hargaysa, shiikha maxamed ismaacilna uu yahay shiikh  ka soo jeeda qooys yar ama lafyar ee dagta Degmada gabillay taasina ay tahay mid isaga loogu xoogsheegtay in halsano uu ku jirdlilan yahay xabsiga hargaysa oo aan wali cidi u danbi ku soo taagin cidna aysan ka hadlin.

Maxaa umad muslinka ah la gudboon gaar ahaana soomaalida aan la hadlayno

waxaa looga fadhiyaa umada soomaaliyeed in ay ficil kudaraan sidii loo siidaynlahaa wadaadka ku xiran xabsiga hargaysa ee maalin iyo habeen lagu jirdilayo isaga oo u xiran caqiido uu aaminsan yahay ee tii alle  soo dajiyay ahayd taasoo soomaaliland ay diiday isna uu ku hadaaqay xiliyo badan taasoo sababtay in loo xiro shiikha caqiidadiisa.

umada soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay  soo furtaan shiikha iyaga oo u huraya naftooda iyo maalkooda sii mar un loo soo dayn lahaa shiikha islaamka ah ee ku xiran xabsiga hargaysa waa arin laga sugayo soomaalida in ay ku dhaqaaqaan ficil kooda. 

A/risaaq aadan koronto
koronto_65@hotmail.com

AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 5, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD