SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

Culimada Hargeysa ku Xidhan
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17


 
Xabsiga Hargaysa: Cadaabtii Aan Kasoo Noqoshada Lahayn...

Jeelka Hargaysa waxaa dhisay Saancadaalihii Ingiriiska 80 sanno ka hor, waxaana lagu ciqaabi jiray dadka kasoo horjeesta xukunkiisa aan sharciga ku dhisnayn. xabsiga Hargaysa waqtigii la dhisayay magaalada Hargaysa dadka ku nool aad ayay u yaraayeen cimrigeeduna markaas kama badnayn 30 sanno, oo dadka taariikhda Hargaysa yaqaan waxay ku qiyaasaan in Hargaysa jirto 110 sanno oo qudha. Jeelka Hargaysa waxuu ku yaal meel daadaga oo laga galo xaafadda Goljanno ee waqooyiga Hargaysa.

Maxmayiddii Ingiriiska oo markii dambe Caasimad ka dhigatay magaalada Hargaysa, waxuu u baahday meel uu ku ciqaabo muwaadiniitii Soomaaliyeed ee xukunkiisa ku hoos jirtay,ayadoo dhalinyaro badan iyo culimaba kasoo horjeesteen joogitaankiisa dhulkooda hooyo, taas ayaana sababtay in Ingiriisku dhiso Jeel lagu cadaabo dadka xaq u dirirka ee diidan heeryadiisa gumaysi, waayo dambiyada iska yar sida tuugada, dagaalka labo qof IWM, Ingiriisku waxuu marka hore ku hayn jiray xafiiska Dc-ga deedna ama wuu jeedalayn jiray amase kaabo qabiilada ayaa dhammayn jiray.

 
Xornimada ka dib Xukuumadihii isaga dambeeyay gaar ahaan tii Kacaankii Siyaad Barre, Jeelka Hargaysa waxuu ahaa Alla-bakhadii lagu xanuunjin jiray dadka ka dhiidhiya siyaasaddi qalafsnayd ee Kacaanka. Waxaa la waayay dad badan oo markii arag ugu dambaysay ku jiray Jeelkaas, waxaa lagu jir dilay kumanaal dad ah oo la iska soo qabqabto ayadoo loogu marmarsiisoonayo waxaad ka mid tihiin wax Kacaanku u yaqaanay Burcadda balse loola jeedo taageerayasha SNM. Waxaa dacalada duninda maanta ku nool dad naafo ku noqday ciqaabtii Xabsiga Hargaysa.
 
Haddaba ka dib markii meesha ay ka baxday xukuumaddii Kacaanka ee dadka ku ciqaabi jirtay Xabsiga Hargaysa ee dhibka badan. Waxaa dad badan oo wali ka guuxaysa waayo aragnimadii ay u yeesheen Jeelka Hargaysa ay iswaydiin karaan Jeelka Ciqaabta kululaa meesha ma ka baxay oo ma raacay xukuumadihii dhibka badnayd iyo Saancadaalihii gumaystaha?

Jawaabta oo kooban waa MAYA oo Jeelka Hargaysa inuu sii duqoobay kana sii daray mooyaane innaba hayaaraatee lagama raysan ciqaabtii uu hiddaha iyo dhaqanka u lahaa. War bixinno badan oo laga qoray Xabsiga Hargaysa waxaa lagu xussay in Jeelkaas la dummiyo lagana waantoobo dhaqanka arxan darida ah ee ay ku kacaan CID Somaliland. Waxaa marag madoonta ah qof kala oo ayna maskaxdiisu marna ka tirtirmayn dhiilada taal Xabsiga Hargaysa.
 
Boqor Buur madow oo muddo kooban ku jiray Jeelkaas, mar uu walaalkiis Faarax Maxamuud ka waramayay waxa uu ku sugan yahay walaakiis oo waliba isaga waa Boqor Buur madow e ka yara roona maxaabista kale ku tilmaamay meel iska daa banii-aadami aan xitaa saacado kooban lagu hayn karin xoolaha. Cuduro badan oo faafa ayaa ka jira jeelkaas wax daryeelana ma jiraan dad badanna way ku dhintaan ka dib markii ay waayaan daryeel caafimaad iyo mid nafaqo. Cunto lama siiyo Maxaabiista sidaas daraadeed qofkaan ehel u joogin Hargaysa macaluul ayuu la joogsadaa.
 
 Jeelka Hargaysa iyo Sh. Maxamed Ismaaciil
 
Dhawaan shaashadda Internetka waxaa lagu faafiyay Jirdil ay CID-da Somaliland kula kacayso Shiikha, waxayna dad badan argagax ku ridday arxan darida taal Nidaamka ay ku shaqeeyaan wardoonka Somaliland oo innaba hayaraatee aan ka agab sokeyn kacaankii hore ee laga dhiidhiyay. Qof daawaday Cajaladaas oo aan qalbigiisu rogmani waa yaryahay. Waxay dad badan iswaydiiyaan rer Somaliland dulmigay ka dagaalameen waqtigii Kacaanka miyay maanta ku fiirsanayaan dadka looga badan yahay Somaliland ee waliba ka mid ah aqoonyahannada iyo culimada u dhashay Hargaysa. 
 
Sh. Maxamed Ismaaciil waxuu ahaa nin geesiya oo aan la gabban inuu caddeeyo caddaalad darrada iyo dulmiga jira. Waxaa lagu xasuustaa markii uu dhiganayay Jaamcadda Dhaqtarnimada Xoolaha waxuu kitaab ka akhrin jiray Jaamacaddii Gahayr sanadihii horaantii 80-maayadii, marar badan ayaa NSStii waagaas hujuumeen isagoo xitaa laga joojin jiray Wacdiga iyo kitaabada uu meerin jiray. Shiikha waqtiga uu ummadda cilmiga barayay dhanka kale wasiirka arrimha gudaha ee Somaliland iyo Madexweynahaba waa Cirro iyo Riyaale e waxay ahaayeen NSStii markaas ugaadhsanayay dadka ka dhiidhiya xaqdarrada. Shiikha in lagu sheego argagixiso waa nasiib darrada dadka haysata waxayna na xasuusinaysaa kelmadihii la isticmaali jiray waagii Kacaanka ee Burcad, Mahbar Qurmis IWM. Luqadaha ay isticmaalaan kuwa wax caburiya iyo dadka u go'doomay kitaabka alle iyo Sunnaha Suubanaha marna meel kuma heshiiyeen waxayna waligood isku noqdaan Bisad iyo Jiir. 
 
Cajaladda laga soo duubay Shiikha sidee u rumaystay
 
Marka ugu horaysa ee aad daawatid cajaladda waxaa maskaxdaada ku soo dhacaysa inaad iswaydiiso jiritaankeeda. Marka hore waxaa shaki kaa galayaa isha wareed ee laga soo xigtay oo ayna maamulka Somaliland isku fiicnayn. waxaad kaloo shaki kaa gali karaa see loo duubay oo u suuroobi kartaa; iyo midda ugu muhiimsan oo ah qofka la jidh dilayo ma jiraa oo maku jiraa jeelka Hargaysa mise wax banaanka laga soo macmalay.
 
 Markaan kaashaaday dad iga khibrad badan iyo u kuurgalid dheeriya waxaan yiqiinsaday in jid-dilkaas run yahay cajaladaasina ayan ahayn been abuur.
 
Sababaha aan u rumaystay waxaa ka mid ah: Maamulka Somaliland dad yeela waa yihiin oo waa tii la ogaa gabadhii yarayd ee Samsam ee 16ka sano jirtay halkay isla gaareen arrinteedii. Waa ta labaade raadiyo Laascaanood waa meesha ugu dhaw oo ka madax banaan xukunka Somaliland oo baahin karta dhacdadaas. Waa marka seddexaade Shiikhii oo ku jira jeelka oo ayna suuroobayn qof kale in la been abuuro (ogow sawiro waa lakakabi karaa laakiin qofkii codkiisa isagoo la jidayo, lugaha ka xidhan oo fiidayow ah waa masuurowdo in lamacmalo). Waa marka afraadee xukuumadda Somaliland oo ka meermeeraysa inay oggolaato dad madax banaan inay baaraan arrintaas.Waa marka Shanaade Garyaqaankiisii oo la handaday oo ku sigtay in la xidho. iyo ugu dambayntii Maxkamadaha Somaliland oo ku caana maala caddaaladi ka jirin oo iska daa kiiskaan oo kale e waxay kala saari la'yihiin labo Islaamood oo isku haysta jago banaan. Sidaas daraadeed waxaa rer Somaliland la haboon inayan indhaha uga qarsan qadiyadayadii waxyeelaysaa haddaan ka dhiidhinno dulmiga ka jira maamulka Somaliland iyo waxyaalaha aan la qaadan karin in lagula kacayo dadkii indhaha u ahaa ummadda oo ubad badan wax barayay. Adduunka waxaa ugu xun jahliga Dr. Shiikh Maxamed Ismaaciil arday badan ayuu soo aflixiyay cilmi adduun iyo mid aakhiro, marka yaan loogu abaal gudin silicdilyo iyo Jeelka Dhibka badan ee aan ku haboonayn xitaa in burcadda lagu xidho. Waa in Kuwii gaystay jidh dilka Shiikha la horkeeno caddaaladda oo laga jaaiseeyo waxay u gaysteen Shiikha. Si degdegana looga soo saaraa Jeelka aan kor ku xusay ee "Xabsiga Hargaysa: Cadaabtii Aan Kasoo Noqoshada Lahayn. 
 
Cabdi Xasan 
abdi172@hotmail.com
 
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD