SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

»Culimada Hargeysa ku Xidhan
»
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA OO AFSOOMAALI AH GUJI....

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17


  • Waa Sidee Aragtida Xisbiga UCID Ee Jidh Dilka Sh.M.Ismaaciil "Xukunka Degdega Ah Ee Lagu Xukamay Dadku Waa Xaaran.." Xasan Suldaan
  • Xisbiga KULMIYE Oo Ku Tilmaamay Cajalad Video Sh.M.Ismaaciil Mid Been Abuur Ah Oo Lagu Waxyeelaynaayo Sumcadda Somaliland
  • Wasiir Ku Xigeenka Cadaaladda Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Yeeshay Sh.M.Ismaaciil "Wuxuu Yidhi Suun Ayaa La Igu Garaaci Jiray Waxaanu.."
  • Mudaharaad Jawaab U Ah Banaabax Shallay Ka Dhacay Burco Oo Maanta Ka Dhacay Isla Burco Xarunta Gobolka Togdheer

    “Waxaannu weydiinay annaga oo saaxiib ah. Waxa uu noo sheegay; ‘suun ayaa layla dhici jiray, kaadidii iyo baytalmiigii waa la ii diiday, oo Maxamed Cige ayaa markii dambe ii fasaxay oo markaa Jananka Bilayska ahaa. Waxa kale oo la igu samayn jiray qalab lagu jacsiin jiray jidhkayga, nabarro uu igu sameeyeyna ma jirin. Muddo dabada ayaa dhiig iga shumbayey.’ ma nabarro caloosha lagaaga dhuftay bay ahaayeen ayaannu weydiinay; ‘maya,’ ayuu yidhi; ‘laakiin dabada ayaa laad la igaga dhuftay.’ Wax aannu qaadanaana way ka soo gu’i waayeen wadaadka.”

Waa Sidee Aragtida Xisbiga UCID Ee Jidh Dilka Sh.M.Ismaaciil "Xukunka Degdega Ah Ee Lagu Xukamay Dadku Waa Xaaran.." Xasan Suldaan
Haatuf — Hargeisa, Somaliland — 04 October, 2006


Xukunka deg-dega ah ee lagu xukumay dadkii mudaharaadka loo qab-qabtay waa xaaraan, waana qayrul dastuuri” Sidaa waxa yidhi gudoomiyaha xisbiga UCID ee gobolka Hargeysa Xasan Suld. C/laahi Suld. C/raxmaan oo wargeyska Haatuf shalay wareysi kula yeeshay xafiiskiisa Hargeysa.

 
Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Ee Xisbiga UCID Mudane Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye "mana ogolin in maxbuus jidh-dil iyo si xuquuqal insaanka ka baxsan loola dhaqmo, diiniyana ma banaana, waayo maxbuusku xuquuq aasaasiya ayuu leeyahay oo u baahan in la dhowro".

Wareysigaas oo uu Gudoomiyuhu dhinacyo badan kaga hadlayo waxa uu isaga oo dhamaystiran u dhacay sidan:

S: Sideed u aragtaa jidh-dilka la sheegayo in lagu sameeyey maxbuus ku xidhan xabsiga dhexe ee dadweynuhu u mudaharaaday?

J: Qof kasta oo muwaadin ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu mudaharaad salmi ah ra’yigiisa ku cabiro, waana xaq dastuuri ah, hadii ay jirto cajaladan jidh-dilka ah ee laga soo duubay Maxamed Sh. Ismaaciil iyo mudaharaadkaba waxa la odhan karaa waxaa sabab u ah xukuumada, maadaama ay cajaladani in muddo ahba ku jirtay mareegooyinka Internet-ka waxay ahayd inay xukuumadu guddi baadhis ah oo madax banaan u saarto oo ay ku jiraan saxaafada, culimada iyo axsaabta siyaasaduba, qofkuna dambi wuu geli karaa, laakiinse waxa muhiim ah in sharciga la mariyo oo dastuurka qaranka la xaq dhawro.
Waxa nasiib darro ah in qareenada caga-juglaynta loo geysto oo guryahoodana si sharci darro ah loo galalafo, waxaana muhiim ah in dhacdadan guddi baadhis ah oo madax banaan loo saaro, aamusnaanta Madaxweyne Rayaalena waxay noqonaysaa qiraal buuxa oo tuhun keeni kara inuu jiro jidh-dilkaasi.

S: Sideed u aragtaa dadkii loo qabqabtay mudaharaadka oo la sheegay inay guddida nabadgelyadu xukun deg-deg ah ku fulisay?

J: Anagu xisbi ahaan laba iyo toban mudaharaad ayaanu ka baajinay dadweynaha oo waajib ahaa samayntoodu, tusaale ahaan dilkii foosha xumaa ee wasaarada hawlaha guud ay masuul ka ahayd ee 1-dii January 2005 lagu dilay Marxuum Axmed Shamadle iyo Marxuum Muuse Xuseen oo si waxshinimo ah loogu dilay jago ay sharci u haysteen, afartii beebee ee madaxweyne ku xigeenku geliyey cusbitaalka guud ee Hargeysa, waxa kale oo aanu isna baajinay maalintii dhoweyto ee uu madaxweyne Rayaale sida qayrul dastuuriga ah uu u jabiyey dastuurka ee uu golaha guurtida mudada afar sannadood ah u kordhiyey, iyada oo aanu ognahay in ummaddu ay xaq uleedahay inay ka dhiidhiyaan go’aamada bilaa naxariista ah ee uu madaxweyne Rayaale ku talaabsanayo, hadana waxaanu si adag u cambaareynaynaa go’aankii xaaraanta ahaa ee xukunka deg-deg ah ee guddida nabadgelyadu ku xukuntay dadweynihii mudaharaaday, xukunkaas oo ah mid ka soo horjeeda dastuurka qaranka, isla markaana uu golaha baarlamaanku laalay, waana mid xaq-darro ah.

S: Hadii madaxweyne Rayaale sidan uu wax u wado wax ka bedeli waayo maxaa idiinka qorsheysan xisbi ahaan?

J: Kolay mawqifkayaga hore ayaanu u cadaynay in aanu ka soo horjeedno wax kasta oo sharciga dalka u yaala khilaafsan, marnaba aqbali mayno marka uu gudoomiyaha xisbigu safarka dibadda ka soo noqdo bisha Ramadaan ka dib ayay go’aanada xisbigu si rasmi ah u soo bixi doonaan.

S: Sidee baad u aragtaa in loo mudaharaado maxaabiista xabsiga ku xidhan ee kiiska argagixisada ku eedeysan?

J: Horta marka u horeysa qof kasta oo fal dambiyeed qarankan ka galay in sharciga la mariyaa waa waajib, qof dambi galay oo maxkamad horteeda dambi kaga cadaadayna u mudaharaadkiisu waa mid khaldan, maxaabiista arimahan ku eedaysana waxa loo baahan yahay in wixii maxkamadda kaga cadaadda ee kiiskooda ka soo baxa la sugo, mana ogolin in maxbuus jidh-dil iyo si xuquuqal insaanka ka baxsan loola dhaqmo, diiniyana ma banaana, waayo maxbuusku xuquuq aasaasiya ayuu leeyahay oo u baahan in la dhowro.


Xisbiga KULMIYE Oo Ku Tilmaamay Cajalad Video Sh.M.Ismaaciil Mid Been Abuur Ah Oo Lagu Waxyeelaynaayo Sumcadda Somaliland
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 04 October, 2006

Xisbiga KULMIYE ayaa warsaxafadeed uu maanta soo saaray ku tilmaamay Cajaladd Video oo netka lagu shaaciyey tilmaamaysayna jidh dil loo gaystay Sh. Maxamed Ismaaciil Wadaad la yidhaahdo oo ku xidhan Xabsiga Hargeysa Mid Been Abuur ah oo loogu tallo gallay in lagu waxyeeleeyo Sumcadda iyo kalsoonida Somaliland, waxaa kale oo Xisbiga KULMIYE warsaxafadeedkani ay ku sheegeen inay ka gun gaadheen cajaladani kuna tilmaamayaan Shirqool iyo khal khal gelin lagu samaynaayo xasiloonida iyo madax banaanida Somaliland, waxaa kale oo Xisbiga KULMIYE dhaleecaynayaa cabudhintii iyo caga juglaynta loo gaystay Garyaqaanada.

Wuxuu Xisbiga KULMIYE ku talinayaa in guddi heer qarran oo ay ku jiraan culumada diinta, dhakhaatiir, xisbiyada Qarranka, iyo haayadaha xuquuqul insaanka loo xil saaro arrintani baadhitaankeeda, haddaba Warsaxafadeedkani oo uu ku saxeexanyahay Ku Simaha Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Mudane Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe ayaa isagoo dhamaystiran wuxuu u dhigna sidani:


"Ma noqon karta cajaladu mid la isu geegeyay sida dad badani qabaan?
Jawaab :-Maya ma noqon karto waayo codkii iyo Body languageki iyo Muqaalkiiba waa kii Sh Maxamed xage wax la isaga gayn karaa. Dadka aan la hadalay oo dhan ee reer Hargeysana wax  yar oo shakiyi kuma jiraan. Waxaan aad uga helay Lawyerka Sheekha oo yidhi Nabi Maxamed Cs ayay Qurayshi ku tidhi waa Gabay quraanku, deedna u ku yidhi Cs " 10 aayadood oo la mida so saara hadu Gabay Yahay Quraanku" Ee bal mid la mida soo saara oo keena cid kasta adeegsadoo." AKHRI HALKAN...

"Xisbiga KULMIYE waxa uu cambaaraynayaa cajaladda been abuurka ah ee loo maleegay in Somaliland lagu waxyeeleeyo eek u soo baxday websiteyada ee ka been sheegaysa jidh-dil la leeyahay waxa loo geystay nin loo haysto falal argagixiso.

Wararkaa been abuurka ah waxaa loogu talo galay in lagu waxyeeleeyo sumcadda iyo kalsoonida Somaliland . Guddiga Fulinta ee Xisbiga KULMIYE, cajaladaasi si fiican ayuu u dersay , waqtina way nagu qaadatay xaqiiqo raadintaasi,.

sidaasi daraadeed, Xisbiga KULMIYE ayaa ugu dambeyey ka hadalka arrintan , waxaanuna gaadhnay inay tahay been-abuur , shirqool iyo khal-khal gelinayo xasiloonida iyo Gooni-isu-taagga Somaliland.

Xisbiga KULMIYE waxa uu ku talinayaa:

In Guddi heer Qaran ah oo ay ku jiraan Culumada diinta, DHakhaatiir, Xisbiyada Qaranka iyo hay’adaha Xuquuqal insaanku , loo saaro arrintan, si looga baaraan dego xaqiiqada iyo cidda ka dambeysay falkan.

In la soo afjaro xukunka maxkamadeed ee dadka loo haysto fal-dambiyeedyada Argagixisanimada eek u jira Xabsiyada Somaliland, waayo , caddaalad raagtaa waa caddaalad xumo (Justice delayed is justice denied ). Iyadoo la ogyahay in dembilihii dorraad loo qabtay falka isku dayga dilka ah ee nin ajnabi ah, isla markiiba 24 saacadood gudahood lagu xukumay 10 Sanno oo Xadhig ah,waa arrin qalad ah, waxayna u baahnayd ka fiirsasho iyo baadhitaan dheer. Sidoo kale dib u dhaca Xukunka maxkamada ee dadka argagixisada u xidhani, wuxuu keenay inuu maanta dalku khal-khal galo, dembigaasna waxaa iska leh Xukuumada, waxana ay ahayd in mar hore Kiiskooda la gebogebeeyo.

Been abuurkaa la sameeyey ee khal-khal gelinta khatarta ah ee dalka lagu sameeyey, ee aan laga daba tagein, waa guul-darro ay sameysay Wasaaradda sheegata inay u xilsaaran tahay wacyigelinta iyo hannuuninta dadweynaha oo ay maanta ka dheereeyeen Websityada yar yare ee Xin-galool, Hawd iyo Nugaal.

Mabaadii’ida Xisbiga KULMIYE iyo sida Dastuurka Somalilandba qeexayo, labaduba way ka soo hor-jeedaan jidh-dil iyo wixii xuquuqal Insaanka waxyeelaynaya. Sidoo kale waxaanu cambaareynaynaa caga-juglayntii iyo cabudhinta loo geystay garyaqaanada"

Wasiir Ku Xigeenka Cadaaladda Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Yeeshay Sh.M.Ismaaciil "Wuxuu Yidhi Suun Ayaa La Igu Garaaci Jiray Waxaanu.."
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 3 October, 2006

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Mudane Yuusuf Ciise Tallaabo iyo xubno ka tirsan Haayadda Xuquuqul Insaanka Somaliland oo shir jaraa'id shallay ku qabtay Xafiiska Wasiir ku xigeenka Cadaaladda ayaa sheegay in ay la kulmeen Sh. Maxamed Ismaaciil oo ah Wadaad dhawaan la sheegay in lagu jidh dilay Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, ugu horayn Wasiirka Cadaaladdu wuxuu sheegay in ay ugu yeedheen Sh. Maxamed Ismaaciil Xafiiska Taliyaha Xasbiga dhexe ee Hargeysa halkaasi oo ugu xog waramay

 
Mudane Yuusuf Ciise Tallaabo oo Shirkaasi Jaraa'id Bixinaya Shallay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa

"Waxaanu shallay (Dorraad) annaga oo wada socona Saraakiil ka tirsan Haayadda Xuquuqul Insaanka Somaliland u wada tagnay Sh. Maxamed Ismaaciil oo aanu ugu yeedhnay Xafiiska Taliyaha Xabsiga Hargeysa Sheekha waxaanu la joognay 45 Daqiiqo, waxaanu sheekhu hadalkiisa noogu kala qaaday laba qaybood, Qaybta hore oo uu kaga hadlaayo cabasho uu qabbay oo uu lahaa Aabay iyo Xaaskaygii ayaa Wax laga sheegay isagoo ka andacoonaaya Wasiirka Daakhliga Cabdilaahi Ciro, iyo qaybta labaad oo uu kaga hadlay isagoo kiiskiisiiba bedelay kuna sheegay inuu ku eedaysanyahay oo lagu haysto inqilaab uu la sameeyey Niman SNM ah" ayuu yidhi Mudane Yuusuf Ciise Tallaab,

 Mudane Tallaabo oo sharaxaad ka bixinaaya Su'aalo ay ka weydiiyeen jiritaanka Cajalad Video oo isaga lagu jidh dilaayo iyo wuxuu ugu jawaabay wuxuu yidhi " Waxaanu Weydiinay Seddex Su'aalood oo kala ahaa 1. Maxamedow Ma jirtaa in lagu jidh dillay? wuxuu ku jawaabay Haa Waa La I Jidh Dilay, Waxaanu weydiinay Maxaa lagugu dili jiray? wuxuu yidhi Suun ayaa la igu garaaci jiray isagoo farta ku fiiqay Suunka nooca Ciidanka oo meesha yaallay, iyo aalad kale oo ah ayuu yidhi laydh yar oo jac kaa siinaaya, Waxaa kale oo aanu weydiinay yaa ku dili jiray? wuxuu ku jawaabay Dad Madaxa Duuban. Waxaanu weydiinay Maxaad wakhtigaasi oo dhan u qarinaysay ee aad u sheegi wayday? wuxuu ku jawaabay Cajaladda Video-ga ah ayaa dhinaca Xukuumadda ku maqnaydo intay ka soo baxayso ayaanu sugaynay.!"

Mudane Yuusuf Ciise Tallaabo wuxuu sheegay markii aanu intaasi su'aalahaasi weydiinay ayuu isaguna Su'aalo kale nagu bilaabay wuxuu na weydiiyey ayuu yidhi bal sida dadku isaga u arkaan ee ay u dareensanyahiin?  Waxaananu ugu jawaabnay ayuu yidhi "Waxay dadku qabaan in Cajaladdani Samaysay macmal ah tahay oo nin aad walaalo tahiin Oo Internetka Baar Jibouti lagu sameeyey qolo maraykan ka timidna ay hawlahani iskugu kiin hagaajiyeen, sidaasi ayey dadku qabaan ayaan ku idhi" ayuu yidhi Mudane Tallaabo.

Mudane Yuusuf Ciise Tallaabo wuxuu sheegay in isagoo ka faa'iidaysanaya khibrado hore oo uu lahaa Xabsiga dhexe ee Hargeysa oo uu sheegay inuu mar ku xidhnaa Sh. Maxamed Ismaaciil ku jiro qolka ku xiga, uu arko waxani oo dhan mid lagu xumaynaayo qaddiyadda iyo karaamada Somaliland, wuxuuna sheegay in qofka xidhani uu mar walba necayb u hayo maamulka jira, taasina ay ka muuqato ayuu yidhi sh. Maxamed Ismaaciil laftigiisa, Mudane Tallaabo wuxuu digniin ka bixiyey wadaaddo uu sheegay inay iskaga dab qaadaan magaalo Madaxda Hargeysa iyo Soomaaliya kuwaasi oo uu ka magacaabay Wadaadda Tabliqiyiinta wuxuuna sheegay inay khatar ku yahiin Qaranimada Somaliland.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
Somaliland.Org, Hargeisa
diridhaba@gmail.com

“Waxaannu Weydiinay Sheekha in la Jidh-dilay, Wuxuuna Noo sheegay; ‘Suun ayaa Layla Dhici jiray, Kaadidii iyo Baytalmiigii Waa la ii Diiday’ (Wasiir-ku-xigeenka Caddaaladda)

Horta sheekadani waa arrintii Samsam oo kale’

 

Halganews, Hargeysa. | Oct 3, 2006

 

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland, Md. Yuusuf Ciise Ducaale (Tallaabo), ayaa ku tilmaamay Sheekh Maxamed Sh. Ismaaciil iyo cajaladda fiidyowga ah ee laga faafiyey mid siyaasadeed oo gabbood lagaga dhiganayo arrintiisa. Sidaana waxa uu ku sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiska, kaas oo saxaafadda xog-warran kaga siiyey kulan ay Xabsiga Dhexe ee Hargeysa isaga [Tallaabo] iyo masuuliyiin ka tirsan Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranka (National Human Right Commission) kula yeesheen Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil, oo ah maxbuuska.


Md. Tallaabo; oo faahfaahinayey sida ay ku tageen Xabsiga Dhexe iyo qaabkii ay ula kulmeen Maxamed Sh. Ismaaciil, waxa uu yidhi; “Annaga oo wada socona Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranka, ayaa shalay [dorraad] waxaannu tagnay Jeelka. Xafiiska taliyaha ayaannu ugu yeedhnay [maxbuuska].”


Intaa kadib, waxa uu ka warramay muddadii ay la joogeen Maxamed Sh. Ismaaciil iyo waxyaabiyihii ay ka warsadeen. “Sheekha waxaannu la joognay 45 daqiiqo, waxaannu sheekhu hadalkiisa nooga dhigay laba qaybood – qayb dheer oo uu kaga hadlayo tabasho uu kaga hadlayo aabbahay iyo xaaskaygii baa war laga sheegay – isaga oo tixraacaya khudbad uu akhriyey Wasiirka Daakhiliga [Cabdillaahi-cirro] iyo kiiskiisii oo uu dhalan-gediyey qodobaddii uu ku eedaysnaa oo ahaa Q.222aad, kana dhigay in uu ku eedaysan yahay inqilaab uu la dhigay niman SNM ah.”


Md.Tallaabo iyo xubnaha kale ee ka socday Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranka, oo ay ujeeddada booqashadoodu ahayd in ay Sheekha wax ka weydiiyaan jiritaanka muuqaalka cajaladda fiidyowga ah ee lagu faafiyey shabakadaha internet-ka, waxa uu Wasiir-ku-xigeenku sheegay in ay weydiiyeen dhowr su’aalood.


“Waxaannu weydiinay [Maxamed Sh. Ismaaciil] saddex su’aalood: Kow; Maxamedoow ma jirtaa in lagu jidh-dilay? ‘Haa,’ ayuu yidhi. Waxaannu weydiinay; maxaa lagugu dili jiray? ‘Suun,’ ayuu yidhi; ‘work-talk-ga halkaa yaal, aalad le’eg oo kale oo ahayd laydh yar oo jac kaa siinaya.’ Waxa kale oo aannu su’aalnay yaa ku dili jiray? ‘Dad madax duuban,’ ayuu yidhi. Waxaannu weydiinay; maxaad muddadaas oo dhan u sheegi wayday? Waxa uu yidhi; ‘cajaladda ayaa xagga dawladda ku maqnayd oo inta aannu ka soo saarayno ayaannu sugaynay.”


Md. Tallaabo, waxa kale oo uu sheegay in uu Sheekhu weydiiyey; bal sida dadku u dareemeen arrintiisa, isla markaana ay ugu jawaabeen; “Waxay dadku qabaan in cajaladdani samays tahay, oo nin aad wallaalo tihiin oo Internet-ka Baar Jabuuti ku yaalla lagu sameeyey, qolo Maraykan ka timina ay hindisaha iyo arrimaha idinla hagaajiyeen.”


Wasirka oo ka hadlayey kulanka Sheekha, waxyaabaha uu ku soo arkay iyo aqoontiisa ku wajahan xadhigga iyo arrimaha xabsiyada, waxa uu yidhi; “Aniga oo ka faa’iidaysanaya waayo-aragnimada aan u leeyahay xadhigga iyo xabsiyada…. Waayo, 13 jeer ayaa la i xidhay. Saddex goor oo ka mid ahna xabsiga Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil ku jiro iyo qolka uu ku xidhan yahay ayaan ku xidhnaa. Qof waliba rajiimka xidha wuu neceb yahay, markaa horta waxa iiga muuqday Sheekha mucaaradad adag oo wax abaabulaysa,” ayuu yidhi.

Ugu dambayn, Wasiir-ku-xigeenkii markii uu dhammeeyey waxyaabihii ay is-dhaafsadeen Maxamed Sh. Ismaaciil, waxa uu tafaasiil dheer ka bixiyey dhaqdhaqaaqyadan iyo arrimaha hadda socda, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay yihiin qaar lagu minjo-xaabinayo madaxbannaanida iyo jiritaanka Somaliland. Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Middi waa hay’adaha UN-ta oo siminaarro iyo work-shop-yo dadka u qabanaya, kuwaas oo ay marna xaggaa [koonfurta Soomaaliya] geynayaan, marna halkan [Somaliland] isugu keenayaan. Haddii aad dhegaysataan marka warbixinaha Soomaaliya la sheegayo, waxay yidhaahdaan hay’adaha federaalka ahi waa laamaha ururrada ee kala duwan, waana qorshaha caalamiga ah ee ku wajahan in la mideeyo Soomaaliya.

Qaabkaas waxa kale oo ku hoos jira in dadka adag dawladda laga dhammeeyo, waa hab caalami ah oo ay ku shaqeeyaan dadka mukhaabaraadka ahi. Waayo, gorgorka marba baal ayaa laga rifaa ilaa inta uu duuli kari waayo marka dambe. Qorshaha caalamku dawladeenna ula dagaalamayaa waa noocaas.


Tan labaad; waxa arrintaa dhinac socda Tabliiq. Isaguna 20 iyo 40 cisho dadka u saaraya, Baydhabo ayaa la geynayaa, Ijtimaaciina Xamar baa lagu qabanayaa. Arrimahaas oo dhammi waa siminaar iyo work-shop is-barbar socda. Labadaasina goonni-isu-taagga Somaliland waa u dhibaato cidda wada, waayo, labaduna waa midayn.


Waxa kale oo jira arrimo dhulka hoostiisa socda oo qorshahoodu yahay ku du’ dareenka dadweynaha dawladda, kaas oo ah mid dadka lagu celcelinayo odhaaha ah; dawladdu way xun tahay, kacaanku wuu xun yahay, aakhirkiina dadku waxay yidhaahdaan dawladdu way xun tahay.”
 

“Waxaannu weydiinay annaga oo saaxiib ah. Waxa uu noo sheegay; ‘suun ayaa layla dhici jiray, kaadidii iyo baytalmiigii waa la ii diiday, oo Maxamed Cige ayaa markii dambe ii fasaxay oo markaa Jananka Bilayska ahaa. Waxa kale oo la igu samayn jiray qalab lagu jacsiin jiray jidhkayga, nabarro uu igu sameeyeyna ma jirin. Muddo dabada ayaa dhiig iga shumbayey.’ ma nabarro caloosha lagaaga dhuftay bay ahaayeen ayaannu weydiinay; ‘maya,’ ayuu yidhi; ‘laakiin dabada ayaa laad la igaga dhuftay.’ Wax aannu qaadanaana way ka soo gu’i waayeen wadaadka.”
 

“Horta sheekadani waa arrintii Samsam oo kale ee aynu nidhi kaalaya Jimciyadda Quruumaha oo dhakhaatiir keena ee waxba laga waayey, ee haddana internet-ka ku wareegi jirtay. Arrinku waa arrinkii, inta yar ee sawirka ah ayaa ku soo biirtay, markaa niman culimo iyo dhakhaatiir ahi way tageen Jeelka oo waxay ka soo saarayaan go’aan,” ayuu yidhi Md. Yuusuf Ciise Taallaabo.


AA.Sheekh, Halganews, Hargeysa.


Mudaharaad Jawaab U Ah Banaabax Shallay Ka Dhacay Burco Oo Maanta Ka Dhacay Isla Burco Xarunta Gobolka Togdheer
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 4 October, 2006

Waxaa Maanta maalintii labaad ka dhacay Xarunta gobolka Togdheer ee Burco Banaabax labaad, Mudaharaadkani saaka ka dhacay Burco ayaa ka gedisna kii shallay ka dhacay magaaladaasi iyadoo dadka Maanta Mudaharaadaayey ay jawaab uga dhigayeen Banaanbaxani kii shallay.

Shabakadda Somaliland.Org oo maanta barqadii khadka telefoonka kula xidhiidhay Weriye Luqmaan Xamse Maxamed Gadaweyne oo ku sugan magaalada Burco ayaa wuxuu noo xaqiijiyey in mudaharaadkani qaban qaabadiisa laga dareemaayey magaalada ilaa habeenkii xallay iyadoo xallay iyo saaka waabarigii horana ay magaalada dhex gooshayeen gawaadhi ay ku rakibanyahiin cod baahiyayaal lagu ogaysiinaayo shacabka reer Burco in ay iskugu yimaadaan banaabax.

Banaabaxayaashani ayaa waxay ka soo horjeedeen banaabax isagu shallay ka dhacay magaalada Burco kaasi waxaanay dadkaasi mudaharaadaayey si weyn u taageersanayeen hadalkii Xukuumadda Somaliland ay ku naqdiday jiritaanka Cajalad Video oo Netka lagus shaaciyey taasi oo tilmaamaysay garaac iyo jidh dil loo gaystay Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil wadaad la yidhaahdo oo ku eedaysan falal argagixiso kuna xidhan Xabsiga dhexe ee Hargeysa, mudaharadayaasha ayaa waxay iskugu soo uruureen Garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Burco halkaasi oo ay hadalo iyo khudbado kala duwan uga jeediyeen dadkii Mudaharaadaayey Cuqaasha, Salaadiinta iyo waxgaradka reer Burco.

Banaabaxani Saaka ayaa ka weyna kii shallay magaalada ka dhacay iyadoo Weriye Luqmaan Xamse uu noo caddeeyey in garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Burco ay dadk isku buux dhaafiyeen, kelmadaha ay ku dhawaaqayeen ayaa waxaa ka mid ahaa Xamar dooni mayno, Maxkamad beenalayaal dooni mayno, iyo kelmado kale oo ay dadkaasi mudaharaadaayey ku durayeen wadadda reer Burco oo shallay iyago mudaharaadkii ka dhacay magaalada qaban qaabiyey.

Mudaharaad Salmi Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Burco: Waxay Ka Mudaharadayeen Jidh Dil La Sheegay In Loo Gaystay Sh.M. Ismaaciil
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 03 October, 2006

Qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Burco ku dhaqan ayaa maanta waxay iskugu soo baxeen Mudaharaad ay sheegeen inay kaga soo horjeedaan jidh dil la sheegay in lagu sameeyey Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil Wadaad la yidhaahdo oo ku xidhan Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa taasi oo lagu muujiyey cajalad Video ah oo Internetka lagu shaaciyey balse Xukuumadda Somaliland ay ku tilmaantay Mid uu cadawga Somaliland soo dhoodhabay oo la doonaayo in wax lagu yeelo karaamada iyo sharafta Somaliland leedahay.

 
Dadweynaha Magaalada Burco Oo Iskugu Soo Baxay Mudaharaad Ay Kaga Soo Horjeedaan Jidh Dil La Sheegay in Loo Gaystay Sh. Maxamed Ismaaciil Xabsiga Dhexe Ee Hargeysa Balse Ay Xukuumaddu Beenisay

Banaanbaxani ayaa saaka wuxuu ka bilaabmay badhtamaha magaalada Burco, Shabakadda Wararka ee Somaliland.Org oo khadka telefoonka ee magaalada Burco kula xidhiidhay weriyayaal ku sugan halkaasi ayaa waxaa loo xaqiijiyey in markii banaabaxaasi uu bilaabmay ay goobta yimaadeen Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere iyo maayorka magaalada Burco oo ay wehelinayeen ciidanka ammaanka ee magaalada Burco, Dadweynahani ayaa waxaa soo horkacay Culumada magaalada Burco, waxaanay iskugo soo uruureen Garoonka Kubadda magaalada Burco halkaasi oo hadalo iyo khudbado kala duwan ay ka jeediyeen culumada magaalada Burco, dadweynahii reer Burco oo Mudaharaadkani salmiga ah ka qayb qaadanaayey ayaa waxay ku dhawaaqayeen kelmado ayey kaga soo horjeedaan jidh dilka la sheegay in loo gaystay Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil iyagoo ugu baaqay Xukuumadda Somaliland inay baadhitaan ku samayso falkani isla markaana cadaaladda la horkeeno dadkii ka danbeeyey, dadka reer Burco waxay sidoo kale ku dhawaaqayeen kelmado ay ku diidanyahiin xadhiga Wadaadani waxaanay ku baaqayeen in la sii daayo oo Xorriyadooda loo sii daayo, haddiba waxaa lagu haysta tahay in ay waxyeelayaan amerikaan iyo Ethiopia.

Mudaharaadkani ayaa ku dhamaaday jawi nabadgelyo waxaanay Banaabaxayaashu ay shucuurtooda ku muujiyeen si xor ah iyadoo aanay cidi ka hortagin, ciidamada Amaanka ayaa iyagu hareeraha kaga jiray dadkani mudaharaadayey iyadoo maamulka Gobolka Togdheer-na bilawgii mudaharaadkani isku dayey inuu qaboojiyo xaaladda balse ay u suurtagal noqon wayday, Mudaharaadkani saaka ka dhacay magaalada Burco wuxuu ahaa kii ugu balaadhna, waxaa sidoo kale Mudaharaadyo kani la mid ahi hore uga dhaceen magaalooyinka Hargeysa, Ceerigaabo, iyo Xingalool ee gobolka Sanaag.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
Somaliland.Org, Hargeisa
diridhaba@gmail.com

Maxamed Sh. Ismaaciil oo Afka ka Xidhay Guddi Gaar ah oo Xabsiga ku Booqday

Hargeysa (Jam)- Sheekh Maxamed Sh. Ismaaciil, oo ah maxbuuska muuqiisa lagu baahiyey cajalad fiidyow ah oo lagu faafiyey bogagga internet-ka, iyada oo lagu samaynayo jidh-dil, ayaa afka ka xidhay in uu wax xog ah ka siiyo culimaa’udiinka magaalada Hargeysa oo weheliyaan waaxda garsoorka qaranka ka tirsan oo gelinkii dambe ee shalay ku booqday Xabsiga Dhexe ee Hargeysa.

Ma jiro war madaxbannaan oo daboolka ka qaadaya kulanka dhexmaray maxbuuska iyo kooxdaas.

Hase yeeshee, sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo ku dhowdhow kooxdaas, ayaa sheegay in uu Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil diiday in uu wax xog ah oo ku saabsan jiritaanka cajaladdaas ka siiyo culimada iyo baadhayaasha, ka hor inta aanu la tashan qareenkiisa, sidaana uu ku baaqsaday hadafkii ay kooxdaasi maxbuuska ugu booqdeen Xabsiga Hargeysa ee uu ku xidhan yahay.

Waxa kale oo ilahaasi tibaaxeen in ujeeddada kooxda culimada iyo baadhayaashu ahayd sidii ay maxbuuska uga waraysan lahaayeen jiritaanka cajaladda la faafiyey, iyaga oo la kaashanaya Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil oo ah nin wadaad ah ay ku dhaariyaan kitaabka Qur’aanka in uu falka cajaladda lagu muujiyey uu yahay mid jira iyo in kale.

Qaar ka mid ah xubnaha culimada ah ee booqday maxbuuska, oo Jamhuuriya isku dayey xalay in uu wax ka weydiiyo arrintaas, ayaanay u suurtogelin. Sida oo kalena, waxa aan iyana noo suurtogelin in aan la xidhiidhno qareenka Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil. Waxana wararka qaarkood sheegeen in qareenka oo habeenimadii Sabtidii ciidamada ammaanku baadheen gurigiisa uu ka baqayo in ay xukuumaddu xidho, haddii uu soo baxo.

Hase yeeshee, ma jiraan tibaaxo xaqiijinaya arrintaas oo ka soo baxay dhinaca Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi, isla markaana ma cadda in uu jiro amar ay xukuumaddu ku farayso soo qabashadiisa.

Arinta Sheikh Maxamed Namay Qancin Jawaabta Dawlada S.land Ka Bixisay
Osman Omar Dool — Oslo, Norway — 04 October, 2006

BRR.

Ramadaan Kariim dhamaan dadka muslinka ah meel ay joogaanba.

Hadii wax la sheego waxay noqon karaan laba midkood. Run iyo Been.

Cidii sheegtay sheygaa laga hadalyo waxaa banaan in laba wado loo raaco kuwaas oo kala ah in looga markhaati furo oo la yidhaa waa wax jira, oo hadii ay wax xumaan ahaydna danbegeeda dusha loo rito, hadii ay wax wanaagsan ahayeen waxa la sheegayna kii markaa wariya iyo kii sameeyayba kheyr baa ugu jira.

Hadiise been la sheego oo waxaan jirin la sheego waxaa banaan cidii laga sheegay inay iska beri yeesho oo si waadaxa oo aan caad saarnayn ay isaga leexiso. Waxaa markaa denbigii fadhiisanaya kii soo wariyay oo manaafaq noqonaya, waxaana tuhunka iyo shakigu ka baxayaa kii loo sheegay.

Arinta cajalada muuqalka ah ee lagu shaaciyay shabakadaha internetku waa laba mid uun inay jirto iyo in aanay jirin. Hadaba waxaa fiican in xaqiiqda loo noqdo oo la is waydiiyo sidee loo cadeyn karaa arintani inay jirto iyo in aanay jirin. Marka laga tago dadka wax mala awaala ee rayigoodu inta badan ku salaysan yahay weerar iyo difaac ayaa waxaa la odhan karaa arintaa xaqiiqdeeda cida ogi waa Alle iyo cida gacanta ku haysa Sheekha xidhan ee cajaladu sheegayso inuu yahay Sheekh Max`ed Ismaciil.

Waxaa haboon in arinta haneedka laga maro oo halka ay ka dhawdahay loo doono oo aan meel kale laga doonin, ma aha in dadku ay Somaliland jacayl u difacaan hadii xumaani jirto waxay taasi keenaysa in dadku hadii ay difaacaan cid dulmi samaynaysa in dulmigu iyaga laftooda uu aakhirka fadhiisan doono. Waxaa sidoo kale iyaduna fiican in arinta in hadii wax la sheego ama la arkoo laga fiirsado inay jiraan intaan wax talaabo ah la qaadin markaa ma haboona in mudaharaad iyo fawdo lagu dabaqo arin aan wali la hubsan oo aan si aad loo hub run iyo been ka ay tahay.

Si hadaba uu tuhunku meesha uga baxo waxaa dawlada Somaliland ee uu Daahir Riyaale M/weynaha ka yahay ku haboon inay si dhaqso ah arinta uga bixiso jawaab cad oo waafiya oo hadii arintu aanay jirina ay keento cadeyn lagu qanci karo oo ugu yaraan ah in Sheekha laftiisii la oglaado inay soo waraystaan cid dhexdhexaad ahi, hadii arintu tahay mid jirta oo dhabana si dhaqso ah wax looga qabto oo cadaalad la hor keeno cida falka samayneysa. Waxaa anigu rayi ahaan aaminsaney in jawaabtii uu bixiyay Wasiirka arimaha guduhu ay ahayd jawaab aan lagu qanci karin oo ka fog xaqiiq lagu qanci karo ama u cuntami karta dadka arintan shakigu kaga jiro ee aan wali qaadan go`aan ay ku beeninayaan ama ay ku rumaynayaan.

Hadii Dawlada Somaliland ay sidaa yeeli waydo oo arintaa ay indhaha ka qarsato waxaa abaalkeedu noqon doonaa in jilbaha dhulka loogu dhufto oo ay ku gadoodaan dadweynaha aan raalida ka ahayn in qof aaminsan diinta islaamka lagu ciqaabo halkii uu u dhashay iyadoo la raali galinayo dawlado aan kolbay nasteex u ahayn dad muslina.

Alla mahad leh
Osman Omar Dool
Oslo Norway.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 5, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD