SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

»Culimada Hargeysa ku Xidhan
»
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA OO AFSOOMAALI AH GUJI....

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17


JIRDILKA  SH. MAXAMED MA FITNA ABUURBAA MISE WAA XAQIIQO DHABA OO KAJIRTA  XABSIGA HARGAYSA ….?

Asalamu calaykum  

Marka hore waxaan halkan kasalaamayaa  dhamaan umada soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan  khaas ahaan shabakadaha warbaahinta internetka  ee shabakadan ka mid tahay sida qiimaha badan ee ay uga hadleen dhibaadatada lagu hayo .sh Mohamed iyo in badan oo lamid ah  laguna ciqaabayo xabsiga  hargaysa … 

Hadaba  akhristayaasha sharafta  badanow  waxaan rabaa qormadan  inaan ku qaadaa dhigo  arinta jirdilka sheekha  , waxaa jira qormo hore oo aan kaga hadlayey  arinta jirdilka sheekha taasoo in badan  ay ila soo xidhiidheen kuwaasoo ubadan qaar  ku tilmaamaya arinta jirdilka ama filimka sheeko ladhoob dhoobay  ayna waxba ka jirin , qaarna ayba gaadheen shakhsi ahaantayda  cay , aflagaado ,iyo wxii lamid ahba ay iga soo gaadhay  ,hadaba akhristow waxaas nin dan kaleh ma ihi  ama ay qiimo ugu fadhido maadaama aan isu taagay ama qoraaladayda ugu saleeyey difaaca qofkaa islaamka ah oo la dulmiyey waana xaq qof kasta oo islaama walaalkii uu ku leeyahay , waxaan u socdaa waxa weeyaan maxaa kajira  filimkan ?  wax jira mayahay? sheekha  mala jirdilay ?.. 

FILIMKA XAQIIQADIISA 

Filimka  seebay wax uga jiraan , waxaan arkay dad badan oo wax ka qoray  iskuna dayey inay  umada marin habaabiyaan  difaacana  nidaamkaas waxshinada ku kacay ,iyagoo leh baad arkaysaa  raga waraysanyaa waa reer xamar uma dhalan waqooyi ,midkale  oo leh waa sawir  tiknoolajiyada casriga ah lagu matalay , mid kale waa  riwaayad  , iyo waxyaabo badan  oo aan u cunamin caqliga bini aadamka , waayo qofku haduu rabo inuu difaaco nidaam dulmi wada waa odhanyaa waxyaabahaas iyo wax kabadanba  geed dheer iyo mid gaabanba  waa u korayaa difaaca noocaasa , waana shay lagu yaqaan umadaha difaaca maamulada dulmiga  kudhisan  iyo cabudhinta  meel kasta oo ay yihiinba , lamana yaabin . 

Hadaba cajalka qofwalba oo daawada weliba si dhabnima ah u daawadaa wxuu arkayaa  in sheekhu yahay isagii cida wax su'aalaysaana tahay dad u dhashay waqooyi jirdilna jiro iyo garaac  ee ayna ahayn wax lasameeyey  cadaymahana waa sheegaynaa ,dadka qaarbaa  leh see rag aan dirays wadan  u garaacayaan  oo aan lahayn astaan ciidan  amaba  see macquul utahay  in nin lagaraacayo wax looga duubaa hadana?  taas jawaabteedu maaha   wax saa usii wayn  ,waxaan ognahay in ciidamada sirdoonka  ee  CID  lagu tilmaamo aysan umada astaan ay kaga duwanyihiin jirin ayna yihiin dad qarsoon lana dareemin  qaababkay ushaqeeyaan iyo xeeladahooda inta badan  taas waa waxa ay uga soo bixi waayeen filimka isuna qariyeen ilayn waa dad xaqdaro wada kana baqaya in loo raaco , ta kale maxaa loo duubay  waad  lascotaan intiina aragtay sawiradii naxdinta lahaa ee laga soo qaaday  jeelka weyn ee ciraaq kuyaala laguna magacaabo (( ABU QURAYB))  waana shay laguyaqaan nidaamyada  daalimiinta ah in umada islaamka lacadaabo oo sawiradooda lagu raaxaysto waana ogaydeen fadeexadii meeshaas  kadhacday  aduunka dhan inay dafihiisa gaadhay,  lagana yaabee in larabay tana  in wadamo kale looga helo beer laxowsi ah  waxaan la dagaalanaa argagixida waana kuwan laakiin alaa fashilay , arinta ah waa wax lagu sameeyey tiknolajiyada casriga ah  ee dadka qaarkii sheegayaan waa  wax lalayaabo  waa dhici kartaa in  sawir la rog rogo  laakiin hadal qof aad garanaysid  inuu isagii yahay miyaa lasamayn karaa  waa wax lala yaabo  waa maya ee bal dadoow sawir baan idin soodirayaa ee hadalkayga sameeya  wax caqliga gala maaha  

MUXUU KA YIDHI NIDAAMKA SHEEKHA HAYSTA ….? 

 Waa wax caado ah in nidaam walba markuu fashilmo ama sirihiisu fakadaan inuu umada marin habaabiyo  waxaas ka fakadayna ka sooqaado been abuur iyo wax la dhoob dhoobay  bal akhristow ila eega ragan maamulka ah say iyagu isu tabcaynayaan ka koowaad waa ninka ku magacaaban wasiirka arimaha guduhu c/laahi ismaaciil ciro  muxuu ka yidhi ….?

Maruu ka waramayey sheekha su'aal weriyuhu waydiiyey waxay ahayd , 

S== wasiir maxaad ku cadaynaysaa shirkaaga jaraaid waxad ku sheegtay inuusawirku yahay mac mal   ?

J=== waxan ku cadaynayaa hadaad axmdow  (waa weriyaha British broadcasting corporation hargaysa) adiguba eegtid cajalada maxamed ama maxamed qof u eeg walaalkiiba waa noqon karaaye sawirka laga qaaday cida la leeyahay way kaqaadayaan  horta sidii weriyayaashii  bay laba raadiyow wataan oo hareeraha kala taagan yihiin mida kale iyagaaba danbiilayaala hadii ay waxdilayeen  in lamuujiyo ahayd  jidhkoodii oo idil waa la qariyey labada gacmood mooyaane ….. 

Taasi waajawaabtii ninkaas wasiirka isku magacaabay ila eega say uga fogtahay xaqiiqada  waxuu ku jawaabana waa u waayey inuu inkiro mooyeeta kale  markii la sii su'aalay ee layidhi maxaad hore uga ahdliwaydeen wxuu ku andacooday cadaymaan ururinaynay saxaafadiian waau diiday inay u galaan wax uukeenayna majirto laakiin layaabi maayo oo waa nin shalay meesha loo dhiibtay  waxaalaga yaabaa kuwii uga horeeyey inaysan u sheegin waxan dhacay  ee uu difaac iska galay waxaan odhan lahaa war bal kuwii kaa horeeyey iswaraysta ,hadalkiisana waaiska hadlow nin shalay meesha loo dhiibtay dheh ,, 

Ninka labaad waa ninka lagu magacaabo   Yuusuf ciise ducaale talaabo oo ku magacaaban wasiir ku xigeenka  cadaalda muxuu kayidhi …?Isagoo shir jaraa'id uu qabtay  kadib markay booqdeen sheeka suaalo lawaydiiyey ayaa waxay ahayd

Su’aal: Waxaad sheegtay in aad maxbuuska booqateen, Maxamed Sh. Ismaaciil muxuu idiin sheegay jidh-dil noocee ah ayaa lagu sameeyey, miyaadse ka dareenteen?

Jawaab: Waxaannu weydiinay annaga oo saaxiib ah. Waxa uu noo sheegay; ‘suun ayaa layla dhici jiray, kaadidii iyo baytalmiigii waa la ii diiday, oo Maxamed Cige ayaa markii dambe ii fasaxay oo markaa Jananka Bilayska ahaa. Waxa kale oo la igu samayn jiray qalab lagu jacsiin jiray jidhkayga, nabarro uu igu sameeyeyna ma jirin. Muddo dabada ayaa dhiig iga shumbayey.’ ma nabarro caloosha lagaaga dhuftay bay ahaayeen ayaannu weydiinay; ‘maya,’ ayuu yidhi; ‘laakiin dabada ayaa laad la igaga dhuftay.’ Wax aannu qaadanaana way ka soo gu’i waayeen wadaadka.

Ninkana ila eega waa la idilay buu yidhi waana usheegay qaabkii loodilayey hadana wuxuu aakhirkii leeyahay wax aanu qaadano nooga soo go'I waaye  waayaab , waa nidaam isagii aan is ogayn oo u heshiiyey umada dhibkooda laakiin waa iska dhamaan taasi …

Hadaba waxa uu wasiir kusheegu  isagoo raba inuu umada kajeediyo dhacdadan foosha xun una leexiyo meelo kale ayaa waxa uu aad uweeraray websityada qaarkood oo uuyidhi s/l bay kasoohorjeedaan jirtaankeeda oocadowbaa sameeyey  cajlka, waana in umada hadii wax lagu qanciyo lawaayey  meel kale diirada lasaaro si loogu mashquulo .hadaba cajalkani maaha mid shalay  la helay sida uu cadeeyey qareenka udoodayey ninkaas dhibnaha ah ee waxaan filayaa ciro waaka horeeyey  saan hore u sheegay lix bilood ka hor baan helay ayuu yidhi qareen maxamed siciid xirsi waana geeyey maxkamada iyo laamahooda kaleba waadna lasocotaan in qareenka gurigiisa laweeraray oo la fatishay iyadoo laleeyahay adaa faafiyey  markii cajlku caalamka gaadhay laakiin ale mahadiis waxaan filayaa cid damiir leh oo nidaamkaa ka tirsan ayaa laga yaabaa inay umada soo gaadhsiiyeen si caalamku u arko ..sheekha  mar lala xdihiidhay          qaraabadiisa oo isagana warsaday waxay sheegeen in ay jirto jirdila noocaasana lagaadhsiiyey ..

Hadaba xabsiga hargaysa waa shay u caada ah in umada lagu ciqaabo  waad lasocotaan gabadhii samsam  sidii ay sheegtay in la jirdilay oo laciqaabay koronto lagu qabtay iyadaana afkeeda kasheegatay  iyadoo la leeyahay  gabadhaa miskiinta ah markii waxloo waayey ninka kumagacaaban m kuxigeenka bay qarxinaysay cajiib waa argagixiso ,,

Waad ogaydeen dhalinyaradii qaarna safar ahaa qaarna suuqa hargaysa laga qabtay   ee mudo jeelka ku jiray qaarna ku dhinteen lanayiri  waa ONLF oodawlada itoobiya bay kazoo horjeedaan dhibaataday abuurtayna waad lasocotaan in shacabka labada dhinac  ay dhibaato badan soo kala gaadhay oo naf iyo maalba leh  aakhirkiina lasiidaayey markii wax lasheego lagaranwaayey ,,

Wa sidaad xaalkiisu oo welibana dadka ku jiree kalena loo ciqaabaa  welibana ay dheertahay isagoo ah meel aan u suuban in bini aadam lagu hayo sida uu sheegay DR QAANIM AL NAJAAR  madaxa uqaabilsan hayada xuquuqul insaanka ee jamciyada quruumaha kadhaxaysa  soomaaliya  waana tan warbixin maruu kawaramayey xaalada xuquuqul insaanka soomaaliya …

Alnajjar waxa uu arrin calool xumo ah ku tilmaamay xaalada Xabsiga magaalada Hargeysa, oo ah caasimada dawlada isku magacawday Somalilad, waa sida uu hadalka u yiriye; waxana uu intaas ku daray in xabsigaas markii la dhisay 1942 loogu talo galay in uu qaado 150 maxbuus oo keliya, laakiin hadda ay ku jiraan kuwadhowaad 700 oo maxbuus, inkastoo ayuu yiri ay aad u liidato xaalada sixo iyo adeeg caafimaad ee xabsigaas.

CNN oo arrintaas ka hadlaayaa waxa uu yiri: Waxaa Alnajjar naxdin ku noqotay booqashadii uu booqday Xabsiga Hargeysa.

isagoo arinta xabsiga Hargeysa ka hadlaya waxa uu yiri: "Waa goob ceebeed, gargaar cafimaad la'aanta halkaas ka jirtaa waa wax aan caqliga geli karin", asagoo intaas ku daray,,,,

Hadaba fitna abuur maaha jirdilka sheekha iyo inta la mid ah ee waa xaqiiqo dhaba oo kajirta xabsiga hargaysa loona baahanyahay in wax laga qabto maadaama shalay shacbiga reer waqooyi ay siyaad bare taliskiisii uga horyimaadeen waa nalagu xad gudbay  bal ila eega tan iyo taas maxay is dhaameen  hawlwadeenadii shalay hogaanka jirdilka iyo ciqaabka aabaha u ahaana ma hogaaminayaan  tana hadii tiishalay  laga dhiidhiyey tani masaxbaa taasna qalad bay ahayd ?

Gebo gebo

Ugu horeyn dhamaan saxaafada kala duwan waxaan leeyahay waad ku mahadsantihiin sida qiimaha badan ee aad arinkan u qaadaa dhigteen saasna kuwada qofna hauga baqina xaqiiqada inaad taabataan laakiin waa in ay ku dhisnaadaan wararakiinu xaqiiqo dhib badana wad arkaysaan iyo aflagaado ee sabirka badiya..

Dadka soomaaliyeed waxaan leeyahay arimahan iyo kuwa lamid ahba haloo kaco wax halaga qabto maamulkaasna haloo caqli celiyo caadaystay  waxyaabahan gaar ahaan shacabka reer hargaysa ama  g waqooyi ku nool  hana ogaadeen  dadka  caadifada utaageeraya maamulkaas iyo kuwa lamidka ahba   in waxani tahay aduunyo lagana tagayo qofwalbana camalkiisu raacayo hadii aad maanta daalim dulmi ku taageertid aakhiraad heli madhixiisa  ..

Maamulkaas waxaan leeyahay ilaahiina ka baqa dadka ilaahay diintiisa wada kadaaya ciqaabka iyo dulmiga waad ogtihiin dawladii siyaad bare maalinkuu culimda dilay baa karaamo ugu danbysay meeshay kudanbaysay waad ogtihiin  .muqdisho tuugtii 16 sano dhibaysay maalinkay diinta ale inay damiyaan gaalo lacag uga sooqaateen baa ale garabkooda kabaxay  hadana wax laiswaydiiyey noqdeen meel ay jaanib iyo cidhib dhigeena lama yaqaan  hadh cad bay ka huleeleen  idina kama fiicnidin wadadii baad haysaan ee waxaan idin leeyahay kajooga hadii aad saa kuwadaan faa'iidadaad kaheshaan wax haiga siinina ee ku caana maala umalayn maayo inaad ku faa;iidaysaan ladagaalanka diinta ale iyo culimadeeda  gaalana kaga doonaysaan cisi iyo sharaf

Ilaahay dadka culimada ah ee diinta ilaahay u heegan ha ciseeyo …….kuwa dhibayana hadii Ale hanuun ladoonay ha hanuuniyo hadii kale alle haka qabto aamiin aamiin ,,,,,

Halkana  ka daawo ciqaabka shekha

                                  Halkan ka daawo 

Qore .shaafici (ustaad talmiid) | shaafici1976@hotmail.com

AFeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2006


DHEGEYSI: Halkan ka dhegeyso Gabayga Bacadle ka tiriyey Jirdilka Xabsiga Hargeysa

DHEGEYSO: Gabay kale oo uu tiriyey Abshir Bacadle...

AKHRI: Abwaan Bacadle Oo Gabay Ka Tiriyay Tacadigii Sh. Max’ed Sh. Ismaciil

Gabaygan la yiraahdo (Hungo) oo soo baxay 05/10/2006, waxaa tiriyey Cali Maxamuud Xiirane oo jooga UK, London.



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD