SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

»Culimada Hargeysa ku Xidhan
»
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA OO AFSOOMAALI AH GUJI....

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17


Maxaa Sabab U Ah In Mar Kasta Cadowga Somaliland Nabarka Kaga Horeeyo?

Shacabka iyo xakuumadihii kala danbeeyey ee Somaliland waxa ay ka midaysnaayeen odoros-la'aanta ama ku talo galka qorshayaasha cadawgu Somaliland ugu tala gelayo. Waxa la inooga baahnaa in aan ka lahaano qorshe iyo ku talo gal cad oo meel inooga yaal waxa aan cadawga ka yeelayno iyo sida aynu ula dhaqmeeno.

Siyaasadda dawladeed ee Somaliland ee ah nabad ilaalinta mandaqaddda iyo in cid walba loola dhaqmo qaab nabdeed, waxa ay ina gaadhsiisay heer aynu u ekaano shacab iyo dawladba cid wax waliba ruxi karaan ama ugu yaraan dhul-gariir siyaasadeed ku samayn karaan, runtiina uba meel martay markaad eegto arrintii SAM-SAM iyo arrintan imminka ee wadaad ku sheegga oo runtii Hargeysa mudaharaad ka riday intay doonto ha baaxad le'ekaato e'.

Haddaba waxa loo baahan yahay inaynu garano maxay tahay dhibta inaga ina haysata oo aniga iila muuqata sababo dhawr ah oo ku taxan ilaa shirkii Burco ee 1991kii:
- Lama arag aduunka korkiisa cid dagaal hubaysan ku guulaystay oo haddana shuruudihii nabadda loo yeedhiyay ama lala qoray oo ciddii jabtay wax ka qortay, laakiin SNM iyo shirkii Burco way ka dhacday.

- Lama arag aduunka cid dagaal hubaysan ku guulaystay oo cadawgii ay la dagaalamayeen oo dudada taagan yidhaahda saamax baad tihiin iyagoon gacanta taagin hubkana dhigin SNM iyo shirkii Burco way ka dhacday.

Arrimahaa kor ku xusan waxa loo baahnaa xukuumadihii kala danbeeyay ee dalka soo maray iyo weliba xukuumaddan maanta oo ah ta ugu awoodda roon inay saxaan khaladaadkii siyaasadeed ee Burco lagu galay.

Waxa kale oo iyana muhiim ah hadhaagii faqash koonfur ayuu isugu tegay oo ka abaabulayaa shirqooladiisii uu ku caanbaxay si aan loo helin Somaliland dal ah oo sharci iyo kala danbayn leh waayo falkii ay gaysteen ma rabaan in lagula xisaabtamo.
Waxa iyaguna jira qaar ku sakhraansan nacaybka shacabka, xukuumadda iyo wax kasta oo wanaag ah oo Somaliland ka dhasha. kuwaas oo aan meel dheerba inaga jirin
Waxa iyana layaab leh kuwan maxkamadaha sheeganaya ee buunkii beenta iyana loo soo dhiibay, ee iyaga oo aan waxba hubsan sawirkii wadaad beenaadka ahaa la haw yidhi, taasi waxa ay muujinaysaa colaadda iyo nacaybka xad dhaafka ah ee kuwan maxkamadaha sheegtay u hayaan shacabka Somaliland.

MAXAA LA GUDBOON SOMALILAND SHACAB IYO XAKUUMADBA?

Waxa loo baahanyahay in isku duubni lagu galo dagaal aan loo kala hadhin oo weliba loo galo qaab kasta oo suura gal ah, haddii uu yahay mid dhaqaale, ciidan iyo mid aqooneedba (Intelligence war).

Waxa loo baahan yahay maxkamado ku sheegga inaan la sugin ee dagaal af iyo adina lala galo kol haddii ay iyagu mar walba aflagaado iyo xadgudubyo kula kacayaa Somaliland.
Maxkamaduhu waxa ay hore meel ka dhac ugu geystayn rabitaankii shacabka Somaliland iyaga oo cadeeyey inay sanadkan gudihiisa midnimadii khasaartay ay ku soo celinayaan, maantana waad aragtaan siday uga hadleen cajaladan been abuurka ah, taasi waxay ka marag kacaysaa sida ay qoladan cusubi ugu diyaarka yihiin colaad guluf ah oo Somaliland ay la galaan.

Xukuumadda waxa laga rabaa inay fuliso shuruucdii lagu fulin jiray kuwii Carta iyo Imbegatti tegay, oo cid kasta oo xidhiidh la samaysa kuwan naca iyo fawdada sida maxkamaddo ku sheegga ah.

Maaha inaynu cadawga la sugno inta uu awood helayo waa inaan ka tusaale qaadanaa wixii hore aynu u soo maray ee ilduuf ahaa.

Koox kasta oo Somalia ka soo baxda oo dedefaysa jiritaanka Somaliland waa in lagu qaadaa dagaal arxan darro ah la iskuna dayaa in halkooda loogu tago oo lagu burburiyo, lana adeegsado qaab kasta oo dagaal leeyahay.

Warbaahinta cadawgana waa in lagu qaadaa dagaal cilmi ah, Warbaahinta Somalilandereska ah ee cidlada ku mashquulsani ha difaacdo sharafta iyo sumcadda shacabka iyo dalka oo ha ka dhiciyaan kuwa uu la tegay nacu kuna foogan habeen iyo maalin hagardaamada dadka iyo dalkaba.

Warbaahinta Somalilandersku ha toosaan oo ha ka baxaan kala faqooqida iyo iska horkeenka gudaha, waxa aan leeyahay kor u qaada qorigiina.

Ibraahim Ducaale Suleymaan
Haatuf

AFeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD