SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

»Culimada Hargeysa ku Xidhan
»
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA OO AFSOOMAALI AH GUJI....

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17



Maxamed Dhagaafe Cilmi 
Ceelkii Hargaysaad

Gabay ka hadlaya tacadigii Sh. maxamed loo gaystay

Maxamed Dhagaafe Cilmi
Nairobi, Kenya,

m_dhagaafe@hotmail.com


Gabaygan waxaa Curiyay Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi Oo iminka ku sugan Magaalada Nairobi hase ahaatee Dagan Wadanka Uganda taariikhdu markay ahayd 08/10/2006 ka Gabaygan waxa uu Abwaanku uga hadlayaa Arintii argagaxa lahayd Ee ka dhacday Xabsi ku yaal Magaalada Hargaysa waqooyiga Somaliya. Arintaas oo ahayd mid aad looga xumaaday laguna jirdilay wadaad ka mid ah Culimadii laga faa`iidi jiray faafinta diinteena sharafta badan. Wadaadkan oo lagu magacaabo Shiikh Maxamed Ismaaciil ayaa waxaa si xun U garaacay kuwo damiir laawe yaal ah oo diintoodii dhaafsaday dhaandaban gale. qoraal

Abwaanku waxa uu ku halqabsanayaa isla markaasna gabayga ugu xogwaramayaa Saaxiibkii Cumar C/nuur Nuux Nabaddoon oo ah Abwaan ka mid ah suugaan yahana Soomaalida ee qurba joogta ah.

Waxa uu ku bilaabanayaa gabaygu sidan 

            Ceelkii Hargaysaad

 

Cunarow calaamaa dhacdoo waan cajabayaaye

Camaasiir ayaa dhalatay iyo caalayaal falane

Ceelkii Hargaysaad haddaan cododyar kaasiiyo

Culimadi dhibbaa lagu hayaa caadil soo diraye

Ninkii Gaalo caayana xabsaa lagu cameeyaaye

Maxaad Xabash u ceebaysaybaa lagu cisaarraaye

Cirbahaa silsilad laga gashaa lagu ciqaabaaye

Cadownimo darted korontadaa lagu cadaabaaye.!!

 

Caalimkii ismaaciil dhaloo cadowga loo loogay

Ee duub cajilad lagu lahaa gaalana ha caayin

Oo feer celcelisiyo canaan cududa loo sheegtay

Carigoo dhan sheekadan gubtoo ceelkastaba gaartay

Anigana calool yowga iyo ciilka igu beertay

In cawaaqib xumi daba socdaan kuu cabirayaaye

Casho hore kuwii xamar  guboo calan walaynaayay

Nimankii cadaan uu siroo coodka badan siiyay

Culimada kuwii iibsadoo qaranki ceebbeeyay

Waxay cudud lahaayeen barqay nooga cararreene

Calafkood wuxuu go`ay markii shacabku ciidmeene

Carro ay jiraan qaar ayaan caawa la aqoone

Ninkastoo casiis jabinayaa waana cariyaaye

Casha dhowna waad maqal war kale caadil idankiise.

 

Caqli malaha Somaliland caalahaas wadaye

Waa nimaan casiiskii Aliyo caadil garanayne

Waa nimaan cibaadaysanoo gaal cawaansadaye

Ciiddiisi buu iibsadiyo culimadiisiiye

Waa caadaqaataan aqoon calafka quurreede

Cadowgii ilaahbuu u jabin cududwalaalkiise

Codnin wayn masheegee caruurtuu la cayn yahaye

Waa wuxuu cashadi hore u xiray curadi reerroode

Hadal noo cuntama iyo haddaan cododkasoo yeerin

Oo aan ciqaabtood la marin labadi coomaadi

Cooflow Riyaalaa u dhiman ina Ismaaciile

Casha dhowna waad maqal warkale caadil idankiise.

 

Xaqii aad cufaysaba marbuu daaha ka cadaane

Shan ninbaa caburisee shacbigu malaha ceebaale

Caloolyowga waa nala qabaan carada maantaaye

Cishihii xaq loo dooddayiyo Nabadda ciideena

Adigiyo cibaar waydinkii caaranaan jiraye

Cumarow haddaan soo cabiray xaaladdahan ciirsan

Codkiinaan sugaynaye mar qura curiya caynlayda..

 

                     Dhamaad

Abwaan Maxamed Dhagafe Cilmi Nairobi Kenya

       Email:  m_dhagaafe@hotmail.com

       Ama     m_dhagaafe@yahoo.com

AFeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD