SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

»Culimada Hargeysa ku Xidhan
»
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA OO AFSOOMAALI AH GUJI....

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17


DULMIGA MAAMULKA SOMALILAND

Waxaa qoray Faysal Cali
awfaysal@hotmail.com

Waxaan daawaday muuqaalki foosha xumaa iyo sidii loola dhaqmay Sheekha lagu jirdilayay xabsiga Hargaysa ee S/Land, waan rumaysan waayay waxa ay indhahaygu arkeen. Jirdil, ihaano, iyo burburin dhamaan xuquuqdi Sheekha. Waxaan iri ninku haduusan Somaliland u dhalan xitaa kolay waa Soomaali ee xagee dhaqanka noocan ah ka yimid. Waxaad moodaa cadow ka il helay cadawgiisi oo inta loo soo xirxiray xabsi loo geeyay. Waxaad moodaa ujeedada ugu wayn ee S/land ay dawladnimada ugu ooyayso inay tahay sidii ay u fulin lahaayeen huuhaada Maraykanka iyo Xabashida. Hadii shacabki reer S/land ay islaanimo diirinwayday oo ay dulmiga muwaadiniinta loo gaysanayo ka dhiidhiyi waayeen tolbeelee ragu sow rag kama dhalan mise geeday ka bexeen?.


"....horta ninkaasi cajaladda ku jira ee muuqiisa la arkaya waa Maxamed Sh.Ismaaciil, goobta cajaladda lagu qabtay ee la arkayaana waa Xabsiga dhexe ee Hargeysa ama waaxda C.I.D-da" Xildhibaan Maxamed Jaamac


Harcad haday walaalahood u gargaariwaayeen habeenki xitaa sidii fulayga oo kale ma gudi waayeen mise meel baa lagu hubsadoo wixii rag dugaali jiraa dibada looga saaray?. Waa ayaan darri inaad ceeb mahadhaa ku noolaataan ood daawataan culumadiini iyo walaalihiin oo cadaw iyo cadawkalkaal uu taad aragteen ku marinayo dalka gudihiisa, haheey saw nolosha qaar geeridu ma dhaanto!.

Ma dhabaa in gargaarka culumada xirxiran aan looga sokayn Turkiga Kismaayo salkeeda fadhiya oo asba tiisi taag ula’? jawaabta su’aashanna waxay u taal shacabka reer Somaliland ama Ninka ay asaagi  walaalki silcinayaan. Layaab maleh in falalka noocan oo kale ah uu maamulka S/Land u yahay caado waayo waxaan xusuustay qisadi iyo dadnima xumidi ay hada ka hor kula keceen  gabadhi reer Puntland ee iyana wayday dad iyo dawlad u xisaabtanta, waxaase layaab leh sida uu shacabka reer S/Land  indhaha uga qarsado dulmigi uu shalay ka dacwiyayay. Mid waan ku qanacsanahay oo gacmahaan kor u taagnay, midna ilaah baan idinka magan galinayaa.

In ilaah uu daalimka mariyo wadadi daalimiinta gacmahaan kor u taagnay, mida ah in caaqibada dulmiga laga aamusay uu Eebe idin dhinac mariyana isagaan ka rajaynay. Ugu dambaynti maadaama uu maamulki S/land ku caanbaxay jirdilka iyo silcinta raga iyo dumarka waa sidii horay loo yiriye kii qayrki loo xiirow adna soo qoyso!. Ninkaan shacab ama toll mid lahaynow waa laguu baqaaye iska sii qoyso oo isu diyaari waxaad aragtay, sidoo kale gabadhaan garab ama rag lahayneey adna waa laguu baqaaye is diyaari!.  

Waxaa qoray Faysal Cali
awfaysal@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 10, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD