SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

»Culimada Hargeysa ku Xidhan
»
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA OO AFSOOMAALI AH GUJI....

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17


CAJALADA (VIDEO ) AH E SHEEKH MAXAMED ISMACIIL LAGU MATALAY JIDHDILKIISA WA BEEN ABUUR LAGU WAX YEELAYNAYO XASILOONIDA

Mohamed Mohamoud Abdi
India.
med_m_abdi@yahoo.com 

salan ka din waxaan jeclahay in aan walaalaha somaliland meel kasta oo ay joogaanba aan u qeexo xaqiiqda ku duuban cajalada lagu waxyeelaynayo jiritaanka somaliland madaxda qarankana laga been abuurtay,hadaba walaalahayga ree somaliland waxaa ugu horayn usoo jeedinayaa

1---filim ka la gu matalay waxa ku duuban iyo waraysiga ku duuban sida uu u dhiganyahay.

2--marka labaad cadaymaha aan u hayo in ay waxba kama jiraab tahay cajaladaa la matalay.

3--waxaa dardaaran kuwajahan mamulka dalka iyo dhamaan bulsha waynta somaliland meel kasta oo ay jooganba.

UGU HORAYNTII WALAALA HAYGA REE SOMALILAND, SHEKADA KU DUUBAN CAJALADU WA SIDAN.

1-su'asha 1aad waraysugu waxa ka bilabay su'aal ah ..kawaran wadaadada meesha kula jooga.?sheekhu waxa uu ku jawabay wadaadu wa niman aan wada shaqaysano.

Waa nasiib darro in uu KULMIYE isagu noqdo ka difaacaaya xukuumada looga bartay been abuur iyo jidhdilba.... Guji..

2-su'asha 2baad waxay noqotay .Adu waad is ogtahay waxa lagugu soo xidhay aniga waxba ha isku kay nasakhin ee xaqiiqadana ii sheeg adeer.?sheekhu waxa uu ku jawabay anu waxba ma ogi, anoo meherdayda iska jooga ayaa la isoo qabtay!!!

3-su'asha 3aad waxay tahay in la waydiiya sheekha maxamed cali geedi kwaran?

sheekhu waxa uu ku jawabay maxamed cali geedi waa kee? waxa la sheegay in uu garanayo kadib waxa uu sheekhu ku jwaabay anu ma xisabiyaan u ahay barakaat, hadaad wax ku ogtihiin maad soo qabsataan. barakaad sawkii maraykanku dhacay maaha?

.4-su'aasha 4aad waxay tahay sanadkii lacag idinma siiso barakaad?sheekhu waxa uu ku jawanbay anagoo aya ah? idinkoo ( All Itixaada) sheeko kama uu jawaabin wxaa uu ku jawaabay sheekhee sheekh cusman waa nin calim ah oo dadka wax u dhi ga ayaan u aqaanaa wax dhib ah kuma ogi ?

5-su'sha 5aad waxay tahay adu wakiil ma utahay argagixsa?sheekhu waxa uu yidhi argagixisadu halkay joogtaa?somaliland?waxa uu yidhi sheekhu anu ma ogi anu nin wadaada oo iska shaqaysta dadkana u diinta ugu gargaara.

6-su'sha 6 aad waxay tahay sheekadii SNM ta ka waran ?sheeku waxay uu iyidhi shekdaasi maxay ahayd?sheekdii SNM ta aad la gasheen ee heshiisyada kala qadateen anagu waan idin ognahay ee waxba ha isku kay nasakhin?sheeku su'ashaa iyada ah waa uu ku qoslay.waxaanu ku jawabay away SNM tu haday SNM jirto maad markhati ii keentaan ama aad iyaga soo xidhaan intaad aniga isoo xidheen miyadan arlkayn waxa silsilad igu xidhan .

7-su'asha 7aad waxay tahay ha qoslinbaan ku idhi?sheekhu waxa uu ku jawabay maxaan u qosli wayay

8- su''asha 8 aad waxay ahay ..adoondhib lagu gadhsiin lafahaagana waxa la yeelin dhibna aan lagu gadhsiin ayar waxaad qarinayso iska sheeg.?sheekhu waxaa uu ku jawabay anu dadkaa aad i waydiinyso waxba kama aqaan , wax alaale iyo wax ay labada nin ay i siiyaana ma jirto,anu waxii cadayn ah ee aad haysana ma ogi baan ku leeyahay.

9- su'sha 9 aad ee la waydiiya waxay tahay ...wayahay muxadarii aad ka gashay masjidka dhaxe adiga iyo sheekh mustafe xaji ismaciil maxaa kugu kalifay in aad wax maraukanka wax ka sheegto?waxa uu sheekhu ku jwaabay ma wax anu ilahay ka sheegin ayaan ka sheegay inta ilaahay ka shegay uunbaan ka sheege.

10-su-asha 10 waxa lka waydiiya sideed u aragtaa saxibada somaliland ee itoobiya?sheeku waxa uu yidhi nimankaasi waa niman xaq u dirira oo xaqooga raadsanaya.itoobiyana waa gaalo elahay ayaa quraanka ku sheegay ee anu kumaan

sheegin

11-su'asha 11aad waxa la waydiiyay maxaad tafsiirkaaga goor walba itoobiya aad duasha uga sarantahayhadaad wadaad cadiya tahay?sheeku waxa uu ku jawaabay.ilaahay ayaa saray ee anu ma sarin waa amxaaro, ayad qura'ana waa uu akhriyay kadib dhirbaxo ayaa gacan in ay wax dhirbaxayso loo eegaysiinyo ayaa ku dhacayoo la leeyahay sheeg muxadaradii .sheeku kadib waxa uu yidhi maxaan kuu sheegaa de intaa wan kuu sheegee.kadin sheekhu waxa uu yidhi sideed tahay anu diinta ilahay ka warami mayo meesha ay marayso.

12-su'asha 12aad sheekha waxa la waydiiyay hubku xaguu yalaa?kadib sheekhu waxa uu ku jawaabay hubku xaguu yalaa dee kala soobaxa haduu hubyalo dee anu ma ogiye.

13- su'asha 13aad sheekha waxaa ma waxba kuuma sheegayaad leedahay?sheekhu waxa uu ku jawaabay anu waxba ma ogi ayaan leeyhay ha idaalinin.

16- kadib nin ka mid ah laba nin ee waraysanaya ayaa ku odhanaya sheekha leexadaan ku saraynaa hadaad imka noo warami waydo. sheekhu waxa uu ku jawabayaa aday kuu taal dee aday kutaal dee hadaaad isarayso anu waxba ma ogi.


"....horta ninkaasi cajaladda ku jira ee muuqiisa la arkaya waa Maxamed Sh.Ismaaciil, goobta cajaladda lagu qabtay ee la arkayaana waa Xabsiga dhexe ee Hargeysa ama waaxda C.I.D-da" Xildhibaan Maxamed Jaamac


14 ..su'asha ugu danbaysa waxaa la wargalinayaa sheekha in la dilayo oo mid nimanka wax matalay uu odhanayo..imka waxii ka danbeeya waraysigu waxa uu isku badalayaa habeen habeen ayuu isku badali donaa..sheekhu intaa marla loo sheego madaxa ayuu lulayaa si nin wax fahmay.kadib waxaa bilabmaya suun dhuulka lala dhacayo iyo cago dhulka lala dhacayo ayaa bilaabmaya.

15-waxaa bilaabmaya qas iyo buuq lagu muujinaya in sheekha la garacayo iyada oo ay laba nin muujinayaan arintaa iyada ah b mid uu cagaha dhulka la dhacayo midkalana suun dhulka la dhacayoay odhanaya hadalada SHEEG SHEEG,sheekhu isna waxa uu ku dhaxdarayaa hadalo goos goos ah oo aan is wafaqsanayn waxaa ka mid ah hadalada shekha ...iga daaua korontada iga daaya qoriga ,igadaa ya dee ,iikeena waan idin saxeexayaa ikana warqad,magaciisa ma garanayo.

MARKA LABAAD.CAJALADU WAXAA KU CAD BEEN ABUURKAN.

waxa ku cad cajalada ay cadawga somaliland ee dibada iyo guduhuba ay matalaan eaxaa ku cad dhacdooyinkan soo socda.

1--ugu horayn muuqaalka guud ee uu film ku muujinayo maaha meel xabsi ah (jail)waa guri caadi ah si fiicana u goglan,ta kale sheekhu si fiican ayuu u labisanyahay isaga oo u eeg nin iska nafisa dharka lagunafisana xidhan sida macawista iyo shaayad garba go'an,sidoo kale shekhu kama muuqato xabsi nin ku jira wayo timihiisu way habaysan yihiin wax diif ahina kama muuqato oo muujinaysa maxbuusnimo.

2..sheek maxamed waxaa laguha kaga xidhan silsilad aan ahayn mid lagu xidho maxabiista,sheekh maxamed waxa uu ka xidhanyahay labada lugood iyo gacan waana arin aan la aqbali karin.taasi oo kutusinysa in uu sheekh maxamed marka lagu matalayo in la jidh dilayo oo gacanta uu ka xidhanyahay uu kala baxayo silsilda..sidoo kale sheekh maxamed waxa uu marna gacanta galinyaa silsilada uu ku xidhanyahay mara uu ka sarayaa silsilada..tasina waa mid cadaynaysa in aanu sheekhu xidhnaynba sida kucad dhaqdhaqaaqa lugaha ee sheekha.

3--qufulka sheekha ku xidhan maaha kii maxaabiista lagu xidhayay ee wa nooca caadi ga ah ee caruurta wax lagaga xidhi marka laga ilaalinayo.

4--sheekh maxamed film ka lagu matalay waa film mujinaya meel hadalka iyo wax waydiinta la kala boobayo,waxaana cad in rag badan ay oo an ahayn labada nin ee wax waydiinaya ay joogaan goobta film ka lagu matalayo.

5--labada nin ee waraysiga kumatalaya film ka waa niman an u dhaalan somaliland marka aad egto hadalka iyo luuqada ay isticamalayaan oo aaan lagag hadal gabi ahaanba somaliland.

6--dhaamaan su'aalaha aan kor kusoo sheegnay ee sheekha la waydiinyo maaha kuwa la xidhiidhka kiiska ama dacwada loo haysto sheekha...ismana wafaqayaan dhamaan su'alahaasi .

7--cajalka lafytiisu waa mid si dagdaga loo duubay loonana fafiyay oo aan laga fiirsan qaladaadka ku jiro waayo waxa ka buuxa waa wax caqli gu u soo saari kar in ay yihiin been abuur.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Yuusuf Ciise Tallaabo oo sheegay in ay xabsiga ugu tageen kulmeen Sh. Maxamed Ismaaciil ayaa sharaxaad ka bixinaaya Su'aalo ay ka weydiiyeen Sh. Maxamed jiritaanka Cajalad Video oo isaga lagu jidh dilaayo iyo wuxuu ugu jawaabay wuxuu yidhi " Waxaanu Weydiinay Seddex Su'aalood oo kala ahaa 1. Maxamedow Ma jirtaa in lagu jidh dillay? wuxuu ku jawaabay Haa Waa La I Jidh Dilay, Waxaanu weydiinay Maxaa lagugu dili jiray? wuxuu yidhi Suun ayaa la igu garaaci jiray isagoo farta ku fiiqay Suunka nooca Ciidanka oo meesha yaallay, iyo aalad kale oo ah ayuu yidhi laydh yar oo jac kaa siinaaya, Waxaa kale oo aanu weydiinay yaa ku dili jiray? wuxuu ku jawaabay Dad Madaxa Duuban. Waxaanu weydiinay Maxaad wakhtigaasi oo dhan u qarinaysay ee aad u sheegi wayday? wuxuu ku jawaabay Cajaladda Video-ga ah ayaa dhinaca Xukuumadda ku maqnaydo intay ka soo baxayso ayaanu sugaynay.!".. AKHRI....

8--sheekh maxamed laftiisu waa nin aan ka baqdin ama cabsi ku jirin marka la waraysanayo ee film ka lagu matalayo waayo waxaa ku muuqata film ka qosol iyo dhoola cadayn uu la qoslaya qofka ka duubaya video yaha indhahana la racayo.

9--markaan u nimaad arinta jidh dilka ah ee muranka badani ka taganyahay waxaa si cad oo aan shaki ku jirin u muuqata in been la matalayo labada nin waxay ku odhanayaan sheekha imka waraysigu waxa uu isku badalayaa habeen kadib sheekhu isaga oo madaxa lulaya waxaa bilaabmaya suun dheer oo lala dhacayo dhulka ka danbeya dhabarka danbe ee sheekha ,oo waxaanad si cad u garan kartaa suunka dhulka ku dhacaya shanqadha uu samaynayo ..aoo aan samaynayn mid jidh bili'admi an ku dhacayn.

10--isla arinta jidh dilka lagu matalayo sheekha nin ka mid ah labada nin waxa uu dhulka la dhacayaa lugtiisa midig isaga oo kor u qadaya kana soo celinaya sheekha lugtiisha dusheeda dhulkana ku dhufanaya lugta ...ninka kale ayaa isna ma xidhno waxa kaba ah waxaanu sheekhu laabta ka hormarinayaa lugtisa oo ah mid shuraabaad akhtar ah xidhan waxaad ka garan kartaa laba ninba in ay ixtiraam gaar ah siinayaaan sheekha.

11--isla arinta jidh dilka lagu matalayo laba nin ee film ka matalayo markaan ka nimaad dad badan ayaa kula jira isla mesha lagu matalyo oo hadaladooda laga dhax maqlayoo oo odhanaya (kadaa iyo jiifso)iyo wax lamid ah..

12--sheekha amar ayaa la siinayaa in uu seexdo si loo muujiyo in dhulka loogu tuuray jidh dil taana beenteedu waxay tahay nimanka in ay jidhdilka ku matalaya waa uu u benaynayaa shekha marka lagu yidhaa jiifso...intaas oodhan sheekhu waxa uu ku celcelinayaa iga daaya korontada iga day qoriga wax koronta ama qori ah oo ka muuqda film kana ma jirto ..

13--labada nin ee film ka jidh dilka ku matalaya maaha niman u eeg niman wax jidh dila uma eega waxaan ku naqaan qofka wax ciqaba ama hawl adag loo tooba baray in uu yahay nin xoogan..niman kan meesha ka muuqdaana waaniman gaajo iyo cafimaad daro ka muuqato .marka aad eegto gacmahooga oo ah kuwa fiiq fiiqan oo daranyo iyo gajo ka muuqato .dharka ay kulabisanyiihiina shicibka cadiga ahi

WAXAA LEEYAHAY DAWALADA,SHICIBKA IYO CULIMADA DIINTA INTABA.

14--hada ugu danbayntii walaalayaal cajalada waxaa soo habeeyay wan iska wada gaarnaynaa waa dad ku fogaday nacaybka iyo shirqoolka somaliland,dad raba in ay qalalaase ka dhax abuuraan xukumadeena qaranka somaliland ee aan si dimuquraadiya aan usoo dooranay kuna cana malayno mudo 16 sana ah nabad iyo barwaqo.hadaba waxaa talo usoo jedinayaa xakumada wadankeena ..

Waxaan leeyahay xukumadayda somaliland in ay dareensanato maraxalada xasasiga ah ee uu dalklu ku jiro,kana tagaan khilaafka qaran nimo ee dhaxdooda yala mid qudhana ay u ahaadaan difaaca qaranka iyo hurumarka dalka iyo jiritaanka somaliland.

Sidoo kale waxaan leeyahay shahab ka qaran ka somaliland in dawlada ka gargaraan sidii wada jir loo difaaci lahaa dimuquradiyada iyo jiritanka somaliland,sidoo kale wxaan leeyahay walaalahayga somaliland in ay ka foojignadaan arimaha noocan oo kala ah ee lagu abuurayo xasilooni daro iyo amardiido laga hor imanayo mamulka dalka ,wax walbana ay hubsadaan.

sidoo kale waxaan leeyahay culima u diinka somaliland in ay mid qudha ka noqdaan wanaag farista umadooda gacantana ku qabtaan waxii diinta siyasad ku qaldaya oo ka dhan ah jiritanka shacabka iyo xornimada dalka.

ugu danbayntii waxaaa mahad baladhan u celinayaa dhamaan warbahinta qaran ka somaliland mid dawladeed iyo mid gar ahaaneedba oo aan leeyahay marwalba waad ku mahadsantihiin isku xidhka umada somaliland iyo wayahay wadankooda qaaliga ah ...ee somaliland. waad mahadsantihiin

by ..Mohamed Mohamoud Abdi
India.
med_m_abdi@yahoo.com 


Qiimayn lagu sameeyay cajaladii sawirada laga been-abuuray jidh-dil loo geestay maxbuus ku xidhan xabsiga weyn ee Hargayas JSL.

 
Waad Salaaman tihiin sxb-da webka iyo netka Somaliyeed gaar ahaan safka-hore JSL. ACWWB
 
Waxa aan ku bilaabay magaca Illahay,
 
Hordhac: Haddii ay wax dhacaaan lama yidhaahdo maxay u dhaceen. Waxa la yidhaahdaa sidee bay wax u dhaceen oo maxay baa laga dhaxlay!
 
Cajalad Vedio sawiro ah ayaa lagu soo shaaciyay qaar ka mid ah shabakadaha wararka Somalida iyo e-mail-da gaarka ah taariikhda 28.09.2009. Sawirada ay cajaladu xambaarsanaynd waxa lagu soo bandhigay fal jidh-dil lagu sameeyay maxbuus ka mid ah maxaabiista ku xidhan xabsiga weyn ee Hargaysa. Cajaladaas oo uu wararkeedu si fiican u dhex qaaday Somalida meel kasta oo ay kala joogto iyo wargaysyada oo si aad ah uga faalooday ayaa waxa intaas dheeraa taageerayaasha labada dhinac oo aan waxba isula hadhin weerar afka iyo qalinka ah iyaga oo ay weliba qaarkood adeegsanayay sugaanta kala duwan. Qaar kale-na xikmado iyo weliba tii oo lugaha la gashay arrimaha diinta, qabyaaladda iyo siyaasadda dalalka Somaliyeed siiba hogaamiyayaasha kooxaha Somalia iyo Dawladda JSL.
 
Dhacday sheekadaasu maxay u dhacday-na lama laha LAAKIIN maxaa ka soo dhex baxay ee laga dhaxlay dhacdadaas iyada ah iyo yaa ka faa'iiday oo ay guuli ku raacday isla markaas yaa ku guu-ldarasytay weerarkii iyo weerar celintii dhex martay nacabaka iyo saaxiib-da?
 
Waxa halkan hoosi lagu soo bandhigay natiijadii ka dhalatay iyo dhaxalkii laga helay dhacdadaas iyada ah.
 
1. Ka dib markii dhinac walba la iska taagay cajaladaas waxa caddaaatay oo ay ku danbaysay in ay ahayad been abuur iyo indho sarcaad cad oo aad uga fog runta. Mana jirto jidh-dil lagu sameeyay maxbuuska isaga ah iyo kowii kale toona. Sidaas waxa caddeeyay maxbuuska laftarkiisa ka dib markii uu diiday dhaar ay ula tageen madax iyo culimada diinta JSL in ay ka hubiyaan maxbuuska xaqiiqada jirta. Waxa kale oo cadeeyay nabar iyo raad jidh-dil oo aan maxbuuska ka muuqan ama uu soo bandhigay. Waxa kale oo caddeeyay qareenkiisa markii uu diiday in uu ka mid noqdo kuwa soo eega bal waxa ku dhacay maxbuuska oo lagu marti qaaday. Waxa kale oo caddeeyay 12ka tilmaadood ee ay ka soo dhex saareen baadhayaasha madaxa banaan ee ku takahasusay farsamada dembi-baadhista iyo sawirada dhaqdhaqaaqa in ay cajaladu tahay riwaayad la matalayay oo aanay is-lahayn qaabka loo duubay cajalada iyo dhacdada la sheegayo.
 
2. Cajaladdan oo ay soo farsameeyeen qaar ka mid ah nacabka JSL bal in ay ka dhex abuuraan xasilooni daro dadka iyo dalka nabadda ah iyo dimoqraadiyadda halkaas ka hirgashay ayaa waxa ay arrinti ku noqotay waran la soo riday oo kuwii soo riday ay dib ugu noqday ama booraan loo qoday culimada diinta JSL in laga hor keeno dawladooda laakiin uu ku dhacay kii u soo qoday oo ay isaga marba fitnadi meel kaga qarxayso.
 
3. Shacbiga dhiiran ee caaddaaladda jecel isla markaasna caadilka ah JSL waxa uu yaqiinsaday ama uu gartay si dhab ah tirada, tayada iyo tilmaanta uu leeyahay nacabka JSL.
 
4. Waxa guulaystay shacbiga, axsaabta siyaasiga mucaaradka wadaniga iyo dawladda JSL oo ah markii ugu horeysay ee ay galeen jitaabo noocaas ah oo ay isku waafaqaan aragtida siyaasadeed iyo ujeedooyinka nacabku uu ka leeyahay JSL. Waxa ay muujiyeen isku duubni iyo difaaca dalkooda hooyo. Reer JSL oo lagu yaqaan in ay iyaku isku jeestaan ama ay isku yara dheg-basaan marka aan cid kale hor joogin ayaa si xadaarad leh u muujiyay in ay la socdaan waqtiga, wacyiga iyo warbaahinta gudaha iyo debedda isla markaas-na ku midoobi kara muddo ka yar 24 sacaad gudahood difaaca dalkooda. 
 
5. Waxa khasaaray nabacka oo ku fashilmay shirqoolkii iyo qaab xumadii uu wax u soo maleegay oo aan la qaadan karin. Taas oo ah in la adeegsaday fal fulaynimo sida is-qarxinta iyo wax qarxinta oo ku cusub dhaqanka Somalia been ma sheegaha ah.
 
6. Waxa khasaaray magacii, sumcaddii iyo sharaftii maxbuuska oo laga hor-keenay dadkiisii iyo dalkiisii oo loogu sii daray tuhunkii awal hore laga qabay oo ku sii ballaadhay in uu xidhiidh la leeyahay nacabka JSL.
 
Ninkii irrbadda laga xaday waxa uu yidhi, "Rag is-gurayee"! Mid booraan madow hoosteed ka soo hadaaqa iyo mid buul madwo hoostiis waraaqo iyo daasado ku soo rinjiyeeya-ba waxa ay qiimayntu sheegaysaa in ay JSL ka gudubtay marxalado loo xaal abuuri karo. Waxa caddaatay in ay JSL u gudubtay heer aan hadal iyo huu-haa wax looga qaaqi karin oo ay dadkeedu bislaadeen. Waxa ay shacbiga xalaasha ah ee dhiiran ee JSL ku qoreen far waaween in tartanka siyaasaddu ku jirto sanduuqa doorashada gudahiisa oo aan wax kale mari karin loola-na imaan karin iyo mid iska soo duubta cumaamad ama iska soo qaata qori iwm.... Waxa ay ay muujiyeen ixtiraamka ay u hayaan diintooda mqadaska ah. Waxa ay xaqiijiyeen in ay yar iyo weyn ay diyaar u yihiin difaaca dalkooda hooyo oo ay u hurayaan dhiigooda qaaliga laakiin rakhiiska ah marka loo hurayo JSL.
 
Sxb-da safka-hore waxa ay halkaas ku soo gebogebeeyeen oo ku soo laab-laabeen galkii, faylkii ama malafkii baadhista caddaaladda iyo qiimayntii ka dhalatay shirqoolkii dhicisoobay ee uu nacabka JSL soo maleegay maalmihii ina soo dhaafay. Waxa loo hambalyeeyay dhammaan ummadda JSL oo isku duuban guusha ka raacday dagaalkii diploomaasioyadda, daandaansigii damaclayaasha daaquudyada iyo dembiilayaasha oo loo kala tegay iyaga iyo caddaaladda. Waxa lagu boorinayaa madaxda garsoorka iyo caddaaladda JSL in lagula dhaqmo gar-sugayaasha sida ugu naxariista badan ee la isaga badbaadin karo.
 
Wa Allaahu Al-muwafaq
 
Ducaale Hadal-wanaje II

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 10, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD