SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

»Culimada Hargeysa ku Xidhan
»
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17


Mudaharaad Lixaad leh oo ka dhacay magaalada Ceerigaabo...

Oct 1, 2006: Saaka ilaa shalay subaxnimadii ayaa magaalada Ceerigaabo ee caasimadda u ah gobolka Sanaag waxa ka dhacay mudaharaad aad u ballaadhan oo lagaga soo horjeedo jidh dilka iyo ciqaabta lagu hayo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xidhan xabsiga Hargeysa , gaar ahaan Maxamed Shiikh Ismaaciil oo sanadkii la soo dhaafay lagu xidhay Hargeysa , ahna nin aqoon yahan ah oo  si weyn looga yaqaan Soomaaliya.

Mudaharaadkan ayaa sida la sheegay waxa abaabuley ardayda dugsiyada kala duwan ee magaalada Ceergaabo , kuwaas oo markii ay magaalada soo galeen aad u gilgiley , cagahana ku xaadhtey dadweyne fara badan .

Ardayda ayaa waxay siteen boodhadh ay ku qoran yihiin hal ku dhegyo ay ka mid yihiin  Xabsiga Hargeysa ma wuxu noqday Guatanamo Bey, Amxaarada iyo Maraykan dooni maynno, Halla joojiyo jidh dilka Culimada , Laa cisa illaa bil Islaam ,laa ilaaha illalaahu iyo hal dhegyo ka dhan ah maamulka Riyaale.

Mudaharaadkan oo si weyn magaalada u kiciyey ayaa wuxu cabsi geliyey maamulka Gobolka iyo kan degmadaba , kuwaas oo si deg-deg ula xidhiidhay culimada kana codsaday iney dadweynaha la hadlaan , taas oo culimadu ka aqbashay , dadkii ku socday xarumaha dawladana u leexiyey Garoonka kubadda , iyagoo daacadnimada dadka , dalka iyo diintaba u heellan .

Dadweynaha waxa fagaarahaas kala hadlay culimo ay ka mid ahaayeen Shiikh Maxamed Cali Biixi , waxayna ka codsadeen in la iska ilaaliyo wixii qalalaase abuuri kara , wixii aan rabnona bay yidhaahdeen waxan ku gaadheynaa wada hadal.

Culimada degmada Ceergaabo ayaa markaas magcowday guddi ka kooban todoba , si ay ula kulmaan guddida nabadgelyada oo guddoomiyaha gobolku madax u yahay, waxayna kala ahaayeen :

  • 1.       Shiikh Maxamed Cali Biixi.
  • 2.       Sh. C/rashiid Maxamed Warsame.
  • 3.       Sh. C/salaam Kaahin Warsame.
  • 4.       Shiikh Maxamed Gurey.
  • 5.       Sh. Xasan Aadan Doolaal.
  • 6.       Sh. Xasan Axmed Cabdalle.
  • 7.       Sh. Xuseen Jab libaax.

Dhanka kale Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegayaan in xalay la baadhay gurigii Maxamed Siciid oo looyar u ahaa Shiikh Maxamed Ismaaaciil ,wararku waxay intaas ku darayaan in looyarka la qaatay Computerkiisii khaaska ahaa ( Labtop). Waxa kale dad lagu kalsoon yahay sheegayaan in sheikh Maxamed Ismaaciil wiil ay walaalo yihiin xalay lagu rasaaseeyey magaalada Hargeysa , looguna talo galay in lagu khaarijiyo. Hase yeeshee u ka badbaadey.

Isku soo wada duuboo waxyaalaha foosha xun ee ka dhacaya magaalada Hargeysa ayaa waxa la leeyahay waxa fulinaya sirdoonka Itoobiya , oo ku sugan safaaradda ay ka furteen magaalada Hargeysa, iyaga oo taageero ka helaya ciidanka Police-ka SL iyo sirdoonka .

Shiikh Maxamed Ismaaciil waxa uu ku dhushay magaaalada Hargaysa sanadku markii uu ahaa 1959 kii , waxbarashadiisii quraanka, dugsiga hoose, kandhexe iyo ka sareba waxa uu wadaadku ku qaatay magaalada Hargaysa .

1986 waxa uu ka baxay oo uu dhamaystay Jaamacadda Muqdisho kuliyadda Xnaanada Xoolaha.Markii dawladii Soomaaliyeed burburtay waxa uu shiikhu kamid ahaa dadwaynihii Soomaaliyeed ee barakacay, waxana uu shiikhu bilaabay in uu shiikhu dadka baro culuumta shareecada islaamka .

Sanaddii 1995 teer iyo 1998 waxa uu shiikhu macalin ka ahaa Macadkii Islaamiga ahaa ee Ceerigaabo. Sheekhu waxa uu ku soo bartay cilmiga loo yaqaan (saykoolajiyadda) . Wakhtiyadii u danbaysayna shiikhu waxa uu ku caanbaxay soomaaliduna ay ku taqaanay in uu dadka ku daaweeyo Dibiga Islaamika dhirta daawada leh, oo waxa uu shiikhu hargaysa ka yagleelay xarun icilaaj oo balaadhan .

Hadaba jidhdilid xoogan ayaa sheekha iyo asxaabtiisaba loogu gaystaa jeelka hargaysa .Muuqaaladan ku lifaaqan warkan waxay muujinayaa sida ay askartu u jidhdilayso wadaadka .

Waxaa kamid ah culimada kaleeto ee jeelkaa ku xidhan ee ciqaabta loogu gaysto.maxamed Maxamuud Nuur .

  • Daa’uud Saalax Iidle Cilmi
  • Jaamac Kuutiye
  • E.G Axmed Cilmi
  • Maxamed Cali Ciise Dhiif ( Lug naafo ka ah )
  • Indhacadde - Oo isku dayey in uu jeelkaa ka baxsado, laakiin ay isuutroobi
  • wayday-Muuse Cali Yuusuf oo isga naafo culusi ay gacmaha ka soo gaadhay cadhibka lagu hayey awgood.

Isku soo wada duuboo  Shiikh Maxamed Shiikh Ismaaciil iyo ragiisa in la ciqaabo oo jidhdil loo gaysto waxaa Somaliland kaga danbaysa Itoobiya, hadaba toloow aayaha danbe ee ragani muxuu ku danbayn doonaa? Ma xabashi baa loo dhiibi doonaa, kadibna maraykan oo hoygoodu waxa uu noqon doonaa jeelka naxariista daran ee Gowaantanaaba bey?

Mise dheehdoow, ragan ahlu diinka ah xukuumada Hargaysa wadadooday u banyan doonaan ? Shacabka reer Somaliland iyagu ma raali bay ka yihiin waxyaabahan foosha xun ee lagula kacayo culimadooda ?

mise shacabku way ka diirilahaayeene oo waa shacab muslin ah, ee maba dhaadana xaqiiqda dhabta ah ? isu,aalahan oo dhan ayaa waxaa is waydiinaya muslimiinta soomaaliyeed.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

Waxaa isku soo dubaridey
Jiisow

Muuse maxamuud jiisow


musejisow@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 1, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD