Hargaysa: Xukuumada Isku magacowday Somaliland oo digniin kulul u jeediysey Midowga Maxkamadaha ee Muqdisho.
Xukuumada lamagacbaxday Somaliland ayaa uga digday midowga maxkamadaha magaalada muqdisho in ay faraha la soo galaan arimaha daakhiliga ee soomalailand waa sida ay hadalka u dhigeene.
Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland C/lahi Maxmed Du'ale oo maanta shir Jaraa'id qabtay ayaa sheegay in maxkamadaha muqdisho ay yihiin kooxo argagixiso ah oo doonaya in ay dalka somalia ka ridaan dhibaatooyin culus iyo fal danbiyeedyo aan kala harin waxan uu intaa ku daray in ay baryahaan wadaan dagaal ay doonayaan in ay Somaliland ku sooqaadaan, waxana uu yiri hadii ay isku dayaan dagaal ka dhan ah Somaliland in ay maxkamaduhu la kulmayaan dagaal dhagta dhiiga loodaro oo buu yiri ay ku hoobtaan maxkamadaha qabyaalada lagu dhisay ee aan diin ku dhisnayn waa sida uu hadalka u dhigaye.
Madaxda Maxkamadaha oo ay ka mid yihiin, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Xasan Turkey, waxay si toos ah faraha ugula jiraan xaaladda dalka Somaliland, haddii ay ka waantoobi waayaanna waxay la kulmi doonaan cawaaqib xumo aad u weyn" ayuu yiri C/llaahi Maxamed Dúchale oo ah wasiirka Arrimaha dibadda ee dowladda lamagacbaxday Somaliland.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay maxkamaduhu had iyo jeer ku fakiraan sidii ay Somaliland u sooweerarilahayaeen ayna uga talin lahaayeen dhilkan nabadu ka jirto iyo haykalka dawladnimo waxaanse u sheegaynaa maxkamadaha iyo asxaabtooda shihseeye ee argagixisadu ka midka tahay in ay iska ilowbaan fikirkaa qaldan oo ay nidaamka Somaliland qaadatay mar hore ay ku dhaqmaan ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland.
Dhawaan ayay ahayd markii uu Madaxwaynaha Dawlada lamagacbaxday Somaliland Dahir Riyaale uu ku eedeeyay midowga maxkamadaha in ay duulaan ku soo yihiin dalkooda balse ay la kulmi doonaan cawaaqib xun oo aysan waligood ka soo waaqsan maxkamaduhu.
Sikastaba Xukuumada lamagacbaxday Somaliland ayaa waxay horay u ahayd kuwo taageersan Maxkamadaha kuna tilmaamay inay yihiin kooxo wax wanaagsan qabtay loona baahayn yahay koonfurta somalia in ay taageeraan maxkamadaha, balse maalmahan ayaa waxaa soo kala dhexgalay mugdi baahsan kaasoo ay xataa isku waydaarsanayaan saxaafada iyaga oo labada dhinacba ay dagaal afka kuhayaan lamaana saadaalin karo sida uu xaalku isku badeli doono.
A/rizak koronto | Garowe puntland
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2006

|