Warsaxafadeed
Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Somaliland
Wasaaradda Arrimaha Dibada
Warsaxaafadeed October 8, 2006
‘’Marka hore waxaan idiin leeyahay Ramadaan
kariim dhamaantiinba, waxa kale oo aan leeyahay shacabka Somaliland meel kasta
oo ay joogaanba sidoo kale Ramadaan Kariim wakul caam wantum Bil Khayr.
Ta labaad waxaan idiibnka mahad celinayaa
imaatinka aad ku timaadeen codsigaygii iyo wakhtiga aad dhawrteen.
Wasiir
Ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Yuusuf Ciise
Tallaabo oo sheegay in ay xabsiga ugu tageen kulmeen Sh. Maxamed
Ismaaciil ayaa sharaxaad ka bixinaaya Su'aalo ay ka weydiiyeen
Sh. Maxamed
jiritaanka Cajalad Video oo isaga lagu jidh dilaayo iyo wuxuu
ugu jawaabay wuxuu yidhi " Waxaanu Weydiinay Seddex Su'aalood oo
kala ahaa 1. Maxamedow Ma jirtaa in lagu jidh dillay? wuxuu ku
jawaabay Haa Waa La I Jidh Dilay, Waxaanu weydiinay Maxaa lagugu
dili jiray? wuxuu yidhi Suun ayaa la igu garaaci jiray isagoo
farta ku fiiqay Suunka nooca Ciidanka oo meesha yaallay, iyo
aalad kale oo ah ayuu yidhi laydh yar oo jac kaa siinaaya, Waxaa
kale oo aanu weydiinay yaa ku dili jiray? wuxuu ku jawaabay Dad
Madaxa Duuban. Waxaanu weydiinay Maxaad wakhtigaasi oo dhan u
qarinaysay ee aad u sheegi wayday? wuxuu ku jawaabay Cajaladda
Video-ga ah ayaa dhinaca Xukuumadda ku maqnaydo intay ka soo
baxayso ayaanu sugaynay.!"..
AKHRI....
 |
Amakaag iyo ku soo boodo naguma ahayn
wararkii British Broadcasting Corporation ka soo xigatay nimanka
sheegtay Maxkamadaha sida wadaadka shariif Axmed shirkii ka dhacay Villa
Somalia ee Khamiitii iyo dhawaaqyadii kornayl xasan turki ee ka horeeyay,
maxaa yeelay kornayl xasan daahir Aways ayaa hore looga soo wariyay ‘’In
Somaliland ay caabudo SANAM la yidhaahdo (Nabad) kaana waanu ka bur
burin doonaa’’, waana sababta manta raga falalka argagaxiso Hargeysa
ugu xidhnaa shariifka iyo Turkiba uga dhigayaan dad aan denbi lahayn oo
la ciqaabayo kuna ballan qaadeen inay xoog kula baxayaan haddii
Somaliland sii dayn waydo, iyadoo horena falal isku day ah in lala
fakado kuwi hore u xukunaa iyo ku eedaysanayaasha falalka argagaxiso
sida fal dambiyeedka uu ku eedaysan yahay Maxamed Sh. Ismaaciil.
Waxa xusid mudan in hore looga fuliyay falal
argagaxiso jamhuuriyada Somaliland oo nimanka hadlaya ka soo maleegeen Muqdisho
sida haweenaydii Talyaaniga ahayd ‘’Annallena Toneli’’ ee Boorame lagu dilay iyo
laamihii Ingiriiska ahaa ee the ‘’Eyeingtons’’ ee Macalimiinta ka ahaa sheikh ee
sheikh lagu dilay iyo falkii lagu fuiyay xubno ka tirsan Hay’adda GTZ oo ay u
geeriyootay falkaasi haweenay u dhalatay dalka Kenay, iyo falalkii kale ee khal
khal gelinta iyo bur burinta Nabad gelyada Somaliland taas oo xukuumad iyo
shacaba si mug leh looga wada hawl galay loona qab qabtay gaan ku
dhiigalayaashii , iyadoo qaarna xukuman yihiin qaarna ay yihiin xukun sugayaal,
waxaanu ognahay in shirka Villa Somalia lagaga tashaday layskulana soo qaaday
abaabul hor leh oo ku wajahan waxyeelada jiritaanka qaranimada iyo nabad gelyada
Somaliland, meelo cayimanna oo bartilmaameedana afka rag ku dhuftay.
Waxa si badheedha Muqdisho iyo Kismaayo
shariifka iyo Turkiba ay uga cadeeyeen ka soo horjeedka gooni isku taaga
Somaliland iyo midnimadeeda , iyagoo weliba ku hanjabay inay xoog ku
muquuninayaan JSL.
Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin
dhawr jeer oo la waydiiyay mawqifka xukuumadiisa ee arrimaha ku soo kordhay
Somalia, wax isagoo dhawraya darisnimada uu ku cadeeyay inaanay xukuumadiisu
faraha la gelayn arrimaha ka socda dalkaa, uguna baaqay kooxaha is haya inay
arrimahooda ay ku dhamaystaan wada hadal oo caqligu shaqeeyo halka qori iyo
ciidan la adeegsanayo caadifadana la iska dhaafo, wuxuuse uga digay cidii soo
faro gelisa gooni isu taaga iyo arrimaha Somaliland inay cadow u arki doonaan
diyaarna Somaliland ay u tahay daafaca qarinamadeeda, waxaase muuqata niyad
samidaa Madaxweynuhu muujiyay inaan dhag jalaq loo siin marka loo eego
dhawaaqyada is daba jooga ah e ka soo baxaya taliska Maxkamadaha beryahan danbe.
Wazxaananu u qaadanaynaa ku dhawaaqif dagaal
(Declaration of War).
Dagaalkaasi iyo durbaanadaa colaadeed ee
taliska Maxkamaduhu ka dhawaajiyeen waxa shacbiga Somaliland iyo dawladiisaba uu
ku soo kicinayaa xanuunkii dhibaatadi nafta iyo maalkaba lahayd ee loo gaystay
shacbigan, waxana la yaaba cumaamada sheekhnimo ee loogu soo hagoogayo Moorgan
oo qayb ka ahaa xasuuqii iyo bur burkii wadankan kuna sifoobay (Butcher of
Hargeisa), iyo Turki oo ahaa dabar goynta, gaar ahaan guutadii cadaadlay inay
manta u soo bu’ayaan shacbigii dhagartoodi indhaha ka laliyay, gooni isu taaga,
Midnimada iyo sugida Nabad gelyada Somaliland waa muqadas difaaceedana cidna
looga haybadsan mayo.
Raggiina sheegtay, inaad amniga Soomaaliya ka
shaqaynaysaan idinkoo gabood ka dhiganaya diinta, ujeedooyinkiinana aanu hoos u
ognahay, laakiin dhalanteedka aad ka iibinaysaan BEESHA Caalamka, Somaliland
idiinkama fadhido Nabad gelyo iyo Maamul midna, laakiin waxay idinka sugaysaa
inaad soo gudbisaan xubnaha ku jira guddiyadiina ee anaka iyo aduunkuba aanu
ognahay inay ka mid yihiin argagaxisada falalka dalka ka geystay iyo kuwii
fikrada iyo fulinta falkaa soo unkay soona abaabulay taas oo tijaabo u noqon
karta annaga iyo caalamkaba inaad ka daacad tihiin inaad wanaag umadeed iyo
niyad sami ka talinaysaan inaad gacanta noo soo gelisaan argagaxisada, haddii
kale waxaanu caalamka u sheegaynaa xidhiidh la samayntiina iyo gacan siintiinaba
inay tahay taageerid la taageerayo argagaxisada caalamiga ah.
Xukuumada Somaliland waxa uga digaysaa taliska
Maxaakiimta inay ka waantoobaan faro gelinta arrimaha Somaliland, waxaanuna
Beesha caalamka la socodsiinaynaa guud ahaan Qaramada Midoobay, Jaamacadda
Carabta, Midowga Afrika , Midowga Yurub iyo Maraykankaba iyo gaar ahaan urur
goboleedka IGAD in dagaal oogista ay ku dhawaaqeen Maxaakiimtu wixii cawaaqib
xumo ee ka yimaada ay Masuul ka noqon doonaan, iyadoo dabkaasina aanu ku ekaan
doonin Soomaaliya, waxaanu Beesha caalamka ka codsanaynaa inay ka fiirsadaan
horboodida koox aanay ogayn ujeedadooda dhabta ah, oo ku gabanaya magaca diinta
Islaamka ee u dhalatay Nabad gelyada, horumarka iyo wada noolaanshaha shucuubta
caalamka. Kooxdaas oo ka faa’iidaysanaya fursada uga soo baxday shicibkii
soomaaliyeed ee cidhiidhiga Nabad gelyo la’aaneed ku sugnaa una la’aa si ay uga
baxaan. Maantana wax loo qabtay aanay jirin, waxaan ahayn kala joojin oo weliba
loo maray dariiq dhiig daadin muslim , looguna gabanayo kitaabka quraanka ee
kariimnka ah.
Shacbiga Somaliland, waxaanu ugu baaqaynaa
inaanay ku sirmin shirqoolada cadowgu u maleegayo sida cajaladan been abuurka ah
ee lagu dambebsayo eeaysanaha loo haysto falalka argagaxisnimada lagu minji
xaabinayo xasiloonia iyo qaranimada Somaliland , iyada oo ku tallo galkoodu ahaa
dilal goob joogayashii doorashada wakiilada iyo la bixida raggii argagaxisada
hore loogu xidh xidhay, isla markaana la qab qabto amaba la afduubo Madax ka mi
ah quraanka JSL, waxa kale oo xukuumadu ugu baaqaysaa mar kale in golayaasha
qaranka, saddexda xisbi qaran, saxaafada Qaranka iyo shacbi weynaha guud ahaanba
meel kasta oo ay joogaanba guddo iyo dibadba meel looga soo wada jeesto difaaca
qaranimada iyo midnimada iyo ka feejignaanta kuwa u hanqal taagaya una suul
dhabaalaynaya kooxaha Muqdisho iyo ashkyhaasta kale ee gudaheena laga adeegsan
karo, sida nimanka baaqyada ku taageeraya si toosan iyo si dadbanba, lana
ogyahay hawlaha ay ku jiraan.
Ugu dambayn , haddidaada iyo hanjabada lagu
wado qaar ka mid ah culimada waaweyn ee Jamhuuriyada Somaliland iyo saxaafadaba,
qarankani u dul qaadan maayo’’.
C/laahi Maxamed Ducaale
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada JSL
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2006

|